Home » Warar »

Arday Somaliyeed oo wacdaro ka dhigay Bandhig Dhaqameedka Jamacada Karachi

Arday Somaliyeed oo wacdaro ka dhigay Bandhig Dhaqameedka Jamacada Karachi,

Markay bishu ahayd 16/10/2009, ayaa waxa ka dhacay Jamacada Karachi ee dalka Pakistan Xaflad lagu soo Bandhigayo Bandhig Dhaqameedyada Ardayda Ajaanibta ee wax ka barta Jamacada Karachi, Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 8 Wadan oo ay ka mid ahayeen Somalia, Suudan , Nepal, Kenya ,Falstin , Jordan,Cuman,,iyo Yemen ,

Xafladaasi oo si heer Sare uga dhacday Xarunta Cilmi Baarista Ee Jamacada Karachi taasi oo ah Jamacada ay ugu badan yihiin Ardayda Somaliyeed ee wax ka barta Magaalada Karachi, Sikastaba ha ahatee Maanta oo ahayd Maalinta soo bandhigida Dhaqamada Ardayda Ajaanibta,

Ardayda Somliyeed ee ka qayb galay Xafladaasi ayaa wax ay soo badndhigeen Hidaha iyo Dhaqanka Somaliyeed taasoo Run ahaantii soo jiidatay indhahii Dadkii u soo daawasho tagay iyo Ardaydii Ajaanibta ahaaba, Bandhig Dhaqameedkaasi oo si heer sare ay ugu soo Tabaabushaysteen Ardayda Somaliyeed Ayaa Waxay Ku Daah Furteen Heesta Astaanta U’ah Calanka Jamhuuridaya somaliyeed Taasi Oo mar Qura Fadhiga Kawada Kicisay Daawadayaashii Soomaalida Ah Ee Yimid Madasha Aykadhacaysay Xafladu,

Kadibna waxa la guda galay Qaybihii kala duwanaa ee Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka somaliyeed kuwooda ugu Caansan sida :Saylci,Dhaanto,Walasoqo,Sadexleey,Botor,iyo Buraanbur.oo ay habalaha somaliyeed si wanaagsan ay u soo bandhigeen waxa kale oo iyadana la ilaawi Karin sidii Habsamida Lahayd ee Gabadhaha Soomaliyeed u Muujiyeen Doorka ay ku leeyhiin Hidaha iyo Dhaqanka Dalkooda

wax kale oo xusuid mudan in Ciyaarta SAYLICIGA markii ay ciyaarayeen Dhanlinyarta somaliyeed in ay si wanaagsan ula dheceen Jamaahirtii kala duwnayd ee ka so qayb gashay Madashii ay Ciyaartu ka Dhacaysay waxa intaa dheeraa in ay madashaasi Hablaha iyo wiilasha Matalayay Magaca somaliyeed ay ku soo bandhigeen cuntooyinkii Somalidu ay caanka ku ahyeen waligeedba Tuaasle ahaan hadii aynu soo qaadano Cuntooyinkaasi ay soo bandhigeen Ardayda somaliyeed waxa ka mid ahaa .{ Muqmad ama Oodkac siduu Qof walba u yaqaan, Xalwad oo noocya kala duwan leh , Loxoox ama Canjeero , iyo Caanaha Geela ay somalidu caan ku tahay ,

akr1

Waxa kale oo ay halkaasi ku soo bandhigeen ardayda somaliyeed Sawiro Muujinaya Hidi iyo Dhaqankii Somaliya ee bari samadkii hadii ay noqon lahayd Xoolihii Nolaa oo iskugu jira Lo, Geel, Adhi,iyo wixii la Hal maala, Dhinaca dhar qaadashada Ardayda somaliyeed waxay ku labisnaayeen Dharkii Hidaha iyo Dhaqan ka somaliyeed ,

akr2

Masuuliyiintii ka soo qayb gashay Xafladaasi waxaa laga xusi karaa,
Dr,Iqbal Azhar, Maamulaha Kuliyada Pharmacy-ga Prof.Dr Wassemudiin Ahmed, iyo Madaxa la talinta Ardayda Ajaanibta ee jamacada Karachi Dr. Shamiim Akhtar oo halkaasi ereyo isugu jira hanbalyo iyo bogaadin uga soo jeediyay ardaydii somaliyeed wuxuuna halkaasi ugu booriyay in ay dadaalkooda sii laban labaan si ay ardayda kale ee ajaanibta ahna ay ugu daydaan somalida iyadoo halkaasina lagu gudoonsiiyay Biladii Kaalinta Kowaad ee bandhig dhaqameedkii Sanadkan 2009 ee Jamacada Karachi,

By: Wariye

Mohamed Hussien Abdirahman(Kalafoge)

University Of Karachi
Karachi
Pakistan.
Email:mohakalafoge@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Arday Somaliyeed oo wacdaro ka dhigay Bandhig Dhaqameedka Jamacada Karachi "

  1. mohamed says:

    A/c Ugu Horeyn Waan ku Farxay Arinkaan Lagu Dhiiragalinaya Somalida Hidda Dhaqankena Waxaana Doonayaa in Aaan Waxbadan Ka Ogaado Arinkani Faalo Dheerad Ahna Kahelo Siddaas Aawgeed Waxan Hayaa Macluumad Arinkaas idinka Aanfacaya Siddaas Aawgeed Waa in Aan Ogaad U Xeeldherayaashiina Arinkaan

  2. Dahir says:

    Congratulations to you bros and sis in Pakistan! waa wax lagu farxo waxa aad sameeyseen , ilaaha wayni ha idinka farxiyo, wax barta oo dedaala waataas tan ay sharafteena iyo dalkeenaba ay dib ugucelin karnaa! once again kudos walaalayaal.

  3. cali adan says:

    maashaa allaah wadaniyiin somaliyeed muslim dhab ah noolaada

  4. cabdirisaaq sh calisiyaad says:

    salaan kadib aad baan ugu mahad celineynaa ardeyda somalida ee jaamicadda karaachi bandhig dhaqameedka ay ku guuleysteen iney qaataan billadda kowaad ee sanadka2009 ka waxaadna ogaantaan dhaqanku waa taariikhda umaddi leedahay haddii aadan garanaynin taariikhdii umadaada ee sootaxanaha ahayd ma samayn kartid xagga nolosha wax horu mar ah waxaa kale oo xusid mudan insomalidu ku dayato wiilashaa ardeyda ah ee is xilqaamay ee sharafta iyo magaceenii boodhka ka afuufey in lagu daydo oo qoloqolo iyoqabiilka inala hadhay aan iska dhaafno aan uwada fikirno heer qaran ama heer umadadeed waxaa kale oo xusid mudan inaan somaalida ku baraarujino xadaraadda iyo ilbaxnimada aduunka inay ka mid tahay ee qoomiyadaha kale qofku ama kooxdu markii wax sharaf umadi leedahay ay bilic u yeelaan ama guulokeenaan in loo hambalyeeyo lana dhiirigaliyo
    waxaa mahad naq mudan oo kale website ka somalitalk maamulkiisa iyo qorayaashiisa sida quruxda badan ee aywarkan noogu soogudbiyeen waxaanan odhan karaa magacooda shaqadan ay qabteen way isleedahay ee somali talk

    abdirisaaq sheekh calisiyaad