Home » Maqaallo »

Sacdiyooy Allaha kuu naxariisto!Kaneec

Waxay ahayd maalin kamid ah maalmaha illaahay, waa arooryo ay Qoraxda soo baxayso si ay u iftiimiso dhanka aan dunida kaga noolnahay, waa kuwan falaaraheedii si’ay noo ogaysiiso in waagii baryey oo aan Irsaaqada illaahay u raadsano, waa kuwan dadkii deganaa magaalada Muqdisha oo u kalahaaya kasab iyo tacliin. Sacdiyana waxay kamid ahayd dadkii waxbarashada u kalahaayey, subaxaas reerkii sacdiya ay kadhalatay is maynaan lahayn inantiinaad si sahal ah u waayi doontaan, balse makaad fiiriso masiibooyinkii Xamar kadhacay, waxkasta waad aqbalaysaa, rumaysanaysaa xataa hadii ay mustaxiil tahay, la yaabaysaa sida iyo qaabka ay udheceen, la ooyeysaa hadii aad hesho goobjooge indhihiisa kusoo arkay, si murugo lehna, u warinaaya.

Waa xaafadii Huriwaa ay Sacdiyo degenayd,waa sanadii 2002 waa abaare 8:00am, waa xiligii ay ardayda Basaska iskuulaadka u raacayeen, Sacdiya istaankiii baska ayey istaagtay, si’ay u raacdo baskii iskuulkii Axmed Gurey uqaadi lahaa, aroortaas niyadeeda marnaba kumasoo dhicin inay saacado kadib dunidan sagootin doonto, maya Xaasha llilaah oo waxayba ku fikiraysay mustaqbal wanaagsan oo tacliini fure u tahay.

Waa kan baskii oo albaabka iskuulka gaaray, sidii caadada ahaydna ardaydii ayaa ka daadatay una dareertay xagaas iyo fasaladoodii, si ay duruusta u bilaabaan.
Runtii, waxay ahayd wax adag in bas arday loo kirooyo, iskuulna loo diro, xili ay dalkoo dhan kajirin kala danbayn iyo Maamul dadka kala haga,sharciga kaliye ee meesha kajirana waa qaanuunkii Howdka iyo Duurka, war yaanan kugu daalinine, xiisadihii ayaa bilowday, waxay xiisadaha is daba socdaanba, wuxuu Macallinba Macallin badalo, waxaa lasoo gaaray xilligii lakala rawixi lahaa, oo arday kasta gurigii iyo xaafaduu kasoo kalahay dib ugu laaban lahaa.

Waa abaare 12:00pm, dabcan waa duhur kulayl badan oo ardaydu ay neceb yihiin, waa xilliga uusan ardayba arday salaamin, xitaa nabadeey kama gaaro, illeyn gaajo iyo kulayl ayaa iskugu darsamaye, kii kuyimid Bas, Baskiibuu kucararaa, kii cagihiisa soo maalayna dibuu hadana umaalaa, sidaas si lamid ah ayey Sacdiyo Baskii ay kutimid doon doontay, mardanbay aragtay kiiyoo hor taagan Ganjeelaha weyn ee Axmed Gurey, dabcan albaabka xiligaas aad ayuu mashquul u ahaa, oo arday raxan raxan u socota ayaa sii galbanaysa. Sacdiyo markii ay damacday inay baskii lugta saarto, oo ay fuusho, waa tan rasaas meel ay kasocoto lagaranayn, madaxa lagaga shanaqay, oo bartiibay kudhacday, Haa oo halkaasay ku dhimatay? Tolow maxay ugu dhacday? oo Tolow yaa dilay? oo tolow maxaa loo dilay, maxeyse galabsatay?

Jawaabaha su’aalahaas oo dhan, hadii lawaydiin lahaa Danbiilihii falkaas kadanbeeyey, waxaan hubaa inuu ka jawaabo iskadaaye, uusan xataa isku dayi kareyn, dhiig dulmi uun loo daadiyey dheh, balse ii ogolaada inaan aniga isku dayo, maadaama aan ahaa dadkii ugu horeeyey ee gaaray goobta.

Waxaan si hal haleel ah aan miiska ugu tuuray bugaagtii aan iskuulka kala imid, si deg deg ahna waan usoo orday si aan ugaaro bartii ay mushkiladu kadhacday, waxaan doon doonay wax nasiiya xataa wax yaroo warbixin ah oo noo bidhaamisa sababta, waxayse sheekadu dhaafi wayday, ninkii baska lasocday(kirishbooygii) ayaa tooktay ardayada, iyadiina cusbitaalkaa loola cararay, isagiina wadadaasuu si xarago leh u maray.

Markiiba cusbitaalka Al-xayaat ayaanu orod ku gaarnay, mise waa qolkii gurmaddka deg-dega ah (I.C.U) oo latuban yahay, dadka qaar baa dhafoorada haysta, qaarna marna al baabkay is tubaan marna way soo laabtaan , daqiiqado yar kadib waxaa soo baxay, Sacdiyo allaha unaxariisto!! Allaha samir iyo iimaan idinka siiyo!! AAAAAAAAH!!! ALLAH geeridu xumaa! Allah naxdin badanaa!! Allah inay xaq tahay soo ma ogi!! Allah markay sidan oo kale u dhacdo adakaa!! Hah! Subxaanka!! Yaa rabbi inay sidan dhacayso miyaan filayey!! dhimashaduse yaa diidi kara!! Yaase aqbali kara in dulmigaan oo kale ardayad laga galo bilaa sabab!!, INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN, saaxiibayaal aamin ila dhaha inuu illaahay Qabrigeeda unuuriyo, Jannadii Fardowsana kawaraabiyo.

Sacdiyo dhimatay, kii dilayna cidi lama xisaabtamin, Sacdiyo si sharaf leh ayaa loo aasay, Gacan ku Dhiiglihiina shaqadiisuu iska sii watay, labadoodaa illaahay soo u kala garqaadi maayo.

Taasi waxay kamid ahayd, boqolaal masiibo oo soomaaliya ka dhacay. Hana moogaanin sxb, sheekooyinka kale oo xiisa leh oo aanu soo wadno, Wabillaahi Towfiiq.

Xuseen Aden Kaneec
Studen of mass communication
kaneecyare@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sacdiyooy Allaha kuu naxariisto!Kaneec "

  1. dad iyo dal is haligey inaa lillaahi wa inaa illahi raajiciin..qabyaalad illahay ha inaga koriyo..