Home » Warar »

Gen. Cade Muuse oo si wayn loogu soo dhowayey Garoonka Diyaaradaha Bosaso

Madaxwaynihii Hore ee Dowlada Puntland Mudane Cade Muuse ayaa si wayn loogu soo dhowayey Maanta (Oct 22) Garoonka Diyaaradaha Bosaso ee Benderqasim Airport.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Madaxwaynihii hore ee Maamulka dowlada Pl Mr Cade Muuse oo wayahanba ku suganaa Magaalada Nayroobi ee Xarunta dalka kenya ayaa ka soo degey Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaso,Waxaana Maanta Garoonka diyaaradaha ku soo dhoweyey Boqolaal Ruux oo qaarkood ay ka mid ahayeen Golihii Wasiirada xiligii uu xilka hayey Mr Cade kuwaasi oo kala ahaa Wasiir ku-Xigeenkii Hore ee Wasaarada Amniga Ibraahin Cartan ismaciil Xaaji,Bakiin,Taliyihii hore ee Dekeda Magaalada Bosaso iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga oo ku soo booqday Xarunta uu ku degay Madaxwaynuhu ee aqalka Ciidamada PSta.

Madaxwaynihii hore ee Xukuumada dowlada Puntland General Cade Muuse ayaa Markii uu yimid Garoonka Magaalada Bosaso si wayn ugu mahadceliyey Isimada Duubabka Gobolka Bari oo halkaasi ku soo dhowayey iyo Ganacsato kale oo ka mida Madaxda Dalka sucuuda u qaabilsan Maxjarka Dowlada Bosaso.

Madaxa Maxjarka Xoolaha Bosaso ee Khaliijka iyo Mudanayaasha kale ee ka tirsan Maxjarka ayaa iyagoo lugu waardiyeynayo Gadiidkooda kaga hortegey Madaxwaynihii Hore Garoonka Diyaaradaha,Iyadoo dhinaca Amnigana ay Gacan wayn ka Geysteen Ciidamada PISta ee Fadhigoodu yahay cariga Mareekanka ee Masuulka uu uga yahay Gobolada Dalka Cismaan Diyaano, Waxaana uu Madaxwaynuhu ku soo degay guriga PISta.

Madaxwaynihii hore ee Dowlada PL General cade Muuse oo shirjaraaid ku qabtay Bartamaha Ranwayga Garoonka diyaaradaha Dulimaadka ee Bederqasim Airport ayaa sheegay inuu mudo dheer ku maqnaa dalka Banaankiisa tan iyo Markii uu ka degey Xilka iyadoo arimo gaara uu ugu Maqnaa sida uu sheegay,Waxaa sidoo kale ay waydiyeen Weriyaashu socdaalka xiligan uusan wax xil ah ka hayn dalka waxaana uu ku jawaabey isla markaasina cadeeyey inu yahay Muwaadin Reer Puntland ah oo ka qayb qadanaya Nabada iyo Hurumarka Umada somaliyeed ee Reer PL.

glo1

Waxaa uu xusay Cade Muuse inuu si wayn isugu howlayo ka aday ahaan sidii loo sii Sagootin lahaa qilaafyadii dhowaan beelaha walaalaha ku dhexmaray Duleedka Degmada Ufayn ee IGDhay iyadoo sidoo kalena uu Muujiyey Cade Muuse inuu la shaqaynayo Shacabka reer PL iyo Weliba Maamulka bedeley,Inkastoo ay dadka soo dhowayey aysan haba yaratee ka mid ahayn Masuuliyiinta Maamulka dowlada PL ee Xukuumada C/raxmaan Maxamed Faroole oo haatan talada haysa.

Maxamed Axmed Ciise
geedi7@hotmail.com
Bosaso/Puntland

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Gen. Cade Muuse oo si wayn loogu soo dhowayey Garoonka Diyaaradaha Bosaso "

  1. idaacada am webka ayaan ka codsanaya in aan helo safirka dhabta ah ee uuleeyahay aurporka sxbal

  2. dholay dhagacade. says:

    walaal waad mahadsn tahay sida wanagsan ee aad uga hadashay so dhawenti shacbka puntland,uso dhaweyen Gen. maxamuud muse xirsi,oo ahaa madaxweynihii hore ee puntland.waxana u’uyimid in uu kaqayb qato horumarinta dhulka puntland,waana laga jecel yahay puntland,lagamase yabo in uu xil danbe oo her madexweynaha isu tago oo isagu hedr waa beshin oo waa nin jirole ha,hse yeshe waxuu qaban karaa shaqoyin kale sida latalinta shacbiga iyo latalinta ninka hada xilka haya,madexweyne farole waa nin donaya in bulshadu wada shaqayso ogol dadkuna jacelyihin taladisa,mida kale waxaa jira mashariic toro badan oo asgu hindisihoda lahaa aya ji oo markii uu xilka hayey asgu heshka lagalay oo marki xilka kadegay baqday ayuu donaya in lahirgaliyo,siwadanku iyo dadku uga fa’ideysatan.