Home » Warar »

Isbitaalka Al-Qudus ee Muqdisho: Wiil si weyn ula xanuunsanaya Buro halis ku haysa

Isbitaalka Al-Qudus oo maanta soo Bandhigay wiil si weyn ula xanuunsanaya Buro
Qofkii wax haystow aan la tacaalno wiilkaas

Dr. C/llaahi Xuseen Cabdi oo ka mid ah dhaqaatiirta Qalliinka ee ka howlgala Isbitaalka Al-Qudus iyo Keeyseneey oo ku yaalla duleedyadda Muqdisho ayaa maanta soo bandhigay wiil 30-jir ah oo la il-daran bur xumaatay.

Wiilkan oo lagu magacaabo Shariif Aybakar Max’ed ayaa sheegay in buradan ay ku taallay in ka badan 13-sano ayna dhibaato badan ku hayso, waxayna dhaqtarku uu sheegay inaan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin.

“Bukaankan oo ah qof ka yimid baadiye (Miyiga) waxba loogama qaban karo dalka gudihiisa, waxaana ku sameynay baaritaanno, innagoo ka baqnay in haddii aan isku dayno inaan qalno ay dhibaato intaan ka badan ku timaado” ayuu yiri Dr. C/llaahi.

Dhaqatarka ayaa sheegay in nabarka burada ah ee ku yaalla Shariif uu yahay mid halis ah, uuna u baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu sameeyo gargaar aadamnimo oo degdeg ah.

“Qof walba oo Somali ah waxaan ka codsanaynaa inuu wax u qabto wiilkan oo aad ula dhibaateysan buradan afka kaga taalla, haddii si dhaqso ah waxba looga qabana ay dhici karto in khatartu ay intan kasii badato” ayuu yiri Dr. C/llaahi Xuseen.

wl12

Shariif oo isaguna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu xanuun daran ay ku hayso burada, uuna ka codsanayo qof walba oo Somali ah inuu u gargaaro gudaha iyo dibadda, wuxuuna sheegay in habeenkii uusan ka hoyan.

wl11

“Cudurkan halista ah waxaa la iigu sheegay inuu yahay buro, waxay iga soo baxday anigoo 17-sano ah jir ah Xiligaas oo aan u diyaargaroobayey Guur , haddna waxaan ahay 30-jir, cid kasta iyo meel walba oo wax looga qaban karno waxaan jelaan lahaa inaan si dhaqso ah ku heli si uu xanuunku iiga haro” ayuu yiri Shariif.

wl13
Wiilkan bukaanka ah ayaa waxaa ka muuqday jirkiisa caato daran, isagoo sheegay inuu gaaray xilli uusan waxba liqi karin, uuna mararka qaarkood isku dhibo in cunnada uu si khasab ah ku liqo si uu u noolaado hadaba qofii Ilaah wax u dhiibayow aab wiilkaan badbaadino wixii kaalmo ah waxaa loogu soo hagaajin karaa.

Dr Cabdulaahi Xuseen Cabdi
Teleefoonadda
0025215555091
0025250999862
E-Mail dr.abdulahi@hotmail.com

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
0025215532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Isbitaalka Al-Qudus ee Muqdisho: Wiil si weyn ula xanuunsanaya Buro halis ku haysa "

  1. ayman says:

    walaal u naxariista walakaas butadu kutaal alle ha idin naxariistee insha laah