Home » Warar »

Golaha dhaqanka iyo Midnimada beesha Gaaljecel oo ka warbixiyey Abaar daba dheeratay, baaq degdeg ahna jeediyey

Golaha  dhaqanka iyo Midnimada beesha Gaaljecel oo ka warbixiyey xaaladaha degaannada ay beesha Gaaljecel degto, baaq degdeg ahna jeediyey

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah

Iyadoo Goboladda qaar ay ka jiraan Jiilaal aad u daba dheeraadey kaasoo dhibaato u keeney dad iyo Duunyo ayaa Odayaal. Waxgarad ,Nabadoono iyo Culama’udiin ka tirsan Beesha Gaaljecel waxay isugu yimaadeen kulan kaasoo looga hadlayey xaaladaha abaarta ee deegaannada ay degto Beesha Gaaljecel ayaa waxaa halkaas warbixin looga dhageystey Golaha Dhaqanka iyo midnimadda Beesha Gaal jecel waxaana warbixintaas Saxaafadda siiyey Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beesha Gaaljecel Xaaji Maxamed Kulmiye Mayle (Madax Koor) wuxuuna sheegay in deegaanada beesha ay degto ay ka jirto Abaar daba dheeraatey ka dib markii Muddo Saddex Sanno aysan ka da’in wax roobab isagoo sheegey in Abaarahaas ay waxyeelo ka soo gaartey dad iyo Duunyo

Xaaji Maxamed Kulmiye wuxuu farta ku fiiqay deegaanada ay abaaruhu ka jiraan oo uu sheegay in ay ka mid yihiin Waqooyiga Wanla weyn , Galbeedka Jowhar , Galbeedka Hiiraan , Bariga Bay , Bariga Bakool , Goboladda Jubbooyinka ilaa Deegaanno ka tirsan Dhulka Soomaalida Itoobiya, isagoo sheegey in dadkii degenaa deeganadaas ay isugu soo urureen Tuulooyinka wuxuuna xusey in dadkaas ay ka dhamaadeen xoolihii iyo waxa ay cuni la haayeen isagoo sheegey in ay halkaas ku haysato Macluul aad u daran.

“Dadka ugu badan ee tahriibka u baxa waxay u badan yihiin dadkaas oo xoolihii ay dhaqanaayeen ka baabe’een” ayuu yiri Xaaji Maxamed Kulmiye oo intaa ku daray in dadka ku soo aruuray Tuulooyinka ay u badan yihiin Haween, Caruruur iyo Odoyaal, isagoo sheegay in dhalinyaradiina ay ka tageen, badankoodna ay Badda ku dhammaadeen, sida uu yiri.

Waxa uu Guddoomiye Madax-Koor u soo jeediyay Hay’adaha samafalka iyo Jaaliyada Beesha gaaljecel ee ku noo dibadaha in ay gargaar la soo gaaraan dadkaas, si loo samatabiyo, isagoo xusay in aysan jirin wax Hay’ad samafal ah oo tegay degaannada beesha Gaaljecel ee abaaruhu halakeeyeen.

Waxa kale oo uu sheegey in xoolaha ku harey deeganada ay beeshu degto ay qarka u saaran yihiin in ay u baaba’aan Biyo la’aan iyo Baad la’aan, wuxuuna sheegay in indhihiisa uu ku soo arkay Geel fadhiistay oo gaajo awgii la istaagi waayay.

Shirka Jaraa’id ee ay odayaasha dhaqanka iyo midnimada beesha Gaaljecel ay Muqdisho ku qabteen waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Dhaqanka iyo midnimada Beesha Gaaljecel Shiikh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Barsame wuxuuna sheegay in haddii aan dadkaas lala soo gaarin gargaar degdeg ah waqtiyada soo dhow in ay qarka u saaran yihiin in ay ku haraan abaarta, wuxuuna si gaar ah baaq ugu jeediyay Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ee degan dibadda, kuwaasoo uu ugu baaqay inay gargaar la soo gaaraan dadkaas oo uu sheegay in muddo dheer aysan degaannadooda ka da’in wax roob ah.

gjecel1
Kulankaas ayaa waxaa ka qayb galay Xubnaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beesh Gaal Jecel, kuwaasoo kala ah:

Xaaji Maxamed Kulmiye Mayle =Guddoomiye=
Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Barsame =ku-xigeenka Koowaad
Nabadoon Xaaji Cusmaan Caddaawe Aadan =Ku xigeenka Labaad=
Nabadoon Yuusuf Aadan Maadeey =Afhayeenka Golaha=
Shiikh Cabdicasiis Shiikh Aadan Faarax =Xoghayaha Golaha=
Cabdi Cilmi Caymooy =Xoghayaha Dib u heshiisiinta=
Cabdiraxmaan Ibraahim Idiris =Xoghayaha Dhaqaalaha=
Nabaddoon Cali Cabdi Aadan =Kaaliyaha Dhaqaalaha=
Macalin Xuseen Aadan Biyey =Xoghayn=
Yuusuf Daa’uud Cabdi =ku xigeenka Xogheynta=
Islow Axmed Deerow =Kaaliyaha Dib u heshiisiinta=
Ibraahim Axmed Aadan =Kaaliyaha labaad ee dhaqaalaha=
Caddaay Muudeey Nuuni =Xubin=
Aadan Maxamed Cumar =Xubin=

WD Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Golaha dhaqanka iyo Midnimada beesha Gaaljecel oo ka warbixiyey Abaar daba dheeratay, baaq degdeg ahna jeediyey "

  1. aaloow says:

    waa arin fiican waxaan ku dhiiri gilin lahaa ineey beesha iska kaashato horumarka beesha iyo wax u qabashada dadkooda waana ku garabtaaganahey waxaana ku dari lahaa in leeyska wada kaashada arintaas
    mahadsanidiin somalitalk newskiina

  2. asfas says:

    RABBI ha u naxaristo dadkeena