Home » Warar »

Ururka Xisbul Islaam oo xaqiiyey Ciidamo ka goosteen inay Dowlada u galeen

Ururka Xisbul Islaam Oo Ay Ciidamo ka Goosteen Oo Dowlada U Galeen Oo Xaqiijiyay Arintaasi

Ururka xisbul islaam ee sida weyn uga soo horjeeda dowlada FKMG ah ayaa ciidamo ka kooban 19-askari oo wata labo kamid ah gawaarida tikinikada ah iyo hubka garabka lagu qaato waxay u galeen dowlada ,iyagoo ururkaasina uu xaqiijiyey goosashada ciidamadaasi .

Xogyahaha Warfaafinta Ururka Xisbul islaam Sh, Max’ed Macalin Cali oo Saxaafadu wax ka weydiisay goosashada ciidankaasi ay dowladu sheegtay inay usoo galeen ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan ciidamo ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam oo ku biiray dowladda FKMG ah ,islamarkaana ay si muuqata ugu biireen dowlada iyadoo uu carabka ku adkeeyey inay ka gadoodeen dilkii loo gaystay taliyahoodii deegaanka ceelasha biyaha oo dhowaan lagu diley deegaankaasi .

Sidoo kale xoghayaha ayaa tilmaamay inay ururka xisbul islaam sheegeen in la baarayo cidii ka dambaysay dilka Marxuum Axmed C/raxmaan oo ku magac dheeraa (Daalibaan) oo uu sheegay in uu ahaa taliyaha ciidankan deegaanka ceelasha biyaha ee xisbul islaami islamarkaana ay weli baaritaan ku hayaan oo aysan cadayn cida dilkiisa ka dambaysay .

Hadalkan xoghayaha xisbul islaami ayaa kusoo beegmaya xili ay maalintii shalay dowlada FKMG ah soo bandhigtay ciidamo wata gawaarida tiknikada ah oo ka koobnaa 19-askari ay ka goosteen ururka xisbul islaami oo kamid ah Ururada dowlada iyo ciidamada shisheeye dagaalka kula jira islamrkaana ay cadaatay in ciidamadani si badheedh ah uga goosteen xisbiga .

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ururka Xisbul Islaam oo xaqiiyey Ciidamo ka goosteen inay Dowlada u galeen "

  1. Noor says:

    Way ku saxsanaayeen inay dhanka dowlada ku biiraan sababtoo ah waxaa sugayey wadadii taliyohooda oo ah in si gaadmo ah loo dilo. Qofkee baa yeeli lahaa halkan iisii joog aan doonto hubkayga si aan kuu dilee.

  2. u galida malayshiyaadka ka tirsan xisbu islam dowlada waa arin ku saabsan xamaasadii aslaka u ahayd dhaqanka umadaha caqli ahaan iyo fikir ahaan u danbeeya,taansana waxaan ka wadaa ciidankaa u galy dowlada in aysan mabda ahan oogu galin ,ee arinkaasa kali ah yahay xanaaq ay ka xanaqeen nin aa qaraabayihii oo la dilay