Home » Warar »

Prof. Cadow: Deeq waxbarasho oo la musuq maasuqo waa dhamaatay

Dowladda KMG Soomaaliya oo munaasabad sagootin ah maanta u sameysay ku dhowaad 100 Arday oo helay waxbarasho Jaamacadeed oo lacag la’aan ah.

Halkaan ka daawo sawiro dheeraad ah

Munaasabad ballaaran isla markaana sagootin ah ayaa maanta ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya, iyadoo halkaasina ay goob joog ka ahaayeen 90 Arday Soomaaliyeed ah isla markaana nasiib u yeeshay inay helaan Waxbarasho Jaamacadeed oo lacag la’aan ah taasoo ay ugu deeqday dowladda Yemen.

Munaasabaddan sagootinta ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Hiddaha iyo Taclinta sare ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Wasiirka Waraada Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Safiirka Dalka Yemen ee Somalia, Wasiiro kale, iyo bahda saxaafada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ardaydan u jeediyay dardaaran xoogan isagoo kula dardaarmay inay noqdaan dad si wanaagsan wax u barta, isagoo tilmaamay inay yihiin dadkii berri hogaamin lahaa dalkeena, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyay wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare isagoo ku tilmaamay Caadil si nadiif ah u soo xulay Ardaydan.

Wasiirka oo goobta ka hadlay ayaa isaguna xusay inaan loo eegin Ardadan Qabiil, Qolo iyo Qoys midna isla markaana lagu soo xulay aqoontooda iyo kartidooda, isagoo tilmaamay in dhamaan Ardaydani ay Imtixaan u galeen sidii ay u heli lahaayeen Waxbarashadan Jaamacadeed ee ay ku deeqday dowladda Yemen, balse aan lagu soo xulin si musuqmaasuq ah.

Wasiirka iyo Ardayda

“Minxo iibsi dambe waa dhamaaday, Shahaado Suuqa laga iibsado dambe waa dhamaatay, Laaluush bixin dambe waa dhamaatay, Deeq waxbarasho oo la musuq maasuqo waa dhamaatay waxaan u siineynaa si nadiif ah oo alle ka cabsi leh deeqaha Ardaydeena Soomaaliyeed” ayuu yiri Prof. Caddow wuxuuna dhanka kale caddeeyey inay jiraan balanqaadyo deeqo kale oo waxbarasho oo soo socda isagoo ka xusay balanqaad uu sameeyey Dalka Suudaan.

Mid ka mid ah waalidiinta Ardaydan ayaa ku tilmaamay arrin farxad weyn ugu fadhisa in wiilkiisa oo uusan u awoodin waxbarasho Jaamacadeed isla markaana xittaa Ticket-ka diyaaradda ay culeys weyn ku tahay inuu u helo waxbarasho Jaamacadeed, isagoo xusay inuu mar hore dhameeyey dugsiga sare balse uu muddo guriga isaga fadhiyay Jaamacad la’aan maadaama uu awoodi waayay inuu qarash ku bixiyo.

Sidoo kale, C/raxmaan Maxamed C/qaadir oo ah mid ka mid ah Ardaydii maanta nasiibka u helay deeqdan waxbarasho ee Jaamacadeed ayaa uga mahadceliyay dowladda sida nadiifka ah ee ay ugu soo gudbisay ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaana wuxuu u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare isagoo sheegay in wasiirku uu yahay Wasiirkii ugu horeeyey ee si daacad ah u soo gaarsiiya deeqaha waxbarasho isagoo tilmaamay inay har iyo habeenba ku dedaali doonaan inay waxbartaan, si ay mustaqbalka u noqdaan hogaanka ummadda isla markaana sida daacada ah ee loo siiyay deeqdan ay ugu shaqeyn doonaan mustaqbalka dalkooda iyo dadkooda.

Ugu dambeyntiina, R/wasaaraha oo aad ula dhacay ruwaayad yar oo ka tarjumeysay sida musuq maasuqa ah ee deeqihii waxbarasho loo adeegsan jiray iyo sida haatan wasiirkan cusub ee Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliintu uu daacada ugu qeybiyay ayaa ku booriyay Majaajiliistayaashii inay badiyaan ruwaayadaha noocan oo kale ah oo bulshada faa’iidada weyn u leh si degana wax u fahansiinaya siyaasiyiinta Soomaalida isagoo uga mahadceliyay soo bandhigidooda.


Halkaan ka daawo sawiro dheeraad ah

garaadcadde salaad garaadcadde@gmail.com
Qeybta Warfaafinta ee Xafiiska R/wasaaraha

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Prof. Cadow: Deeq waxbarasho oo la musuq maasuqo waa dhamaatay "

  1. kamaal says:

    Horta waa wax lagu farxo in arday soomaliyeed oo kakooban cid kasta oo soomaliyeed ay helaan wax barsho .
    waxaan ad uka xumahay in dad badan oo wax qora ama wax faaleeya ayna hubsanayn wax ay qorayaan . muqadisho waa caasimadii soomaalia waa meel ay ku noolyihiin ,dhamaan qowmiyada soomaliya oodhan laga soo bilabo kilinka shanad ilaa xadka kenya ,haday dagaanka muqadisho cid gooni ah ay ubadan tahay waa wax ilaah qadaray ee cid udooraday majiraan ,waa qeybin illaah ee yaan laga caroon.
    midakale ogaada mogadsho cidkasta oo soomali ah ayaa kunool , dhibkana badanaa wax uu soo gaara dadka qabaa ishoodu hubaysan yihiin .
    marka walaayaal yaan si xun wax loofaalayn ee wax hala hubsado inta deeqda waxbarashada heshay yay yihiin.
    mida kale deeqihii waxbarasho oo hada kohor bixi jiray oo mugadhisho laga qaadijiray ,meeqqa qof oo layaaqaano oo qabaa isha mogadisho aan daganayn loo qaaday dibada oo deeq wax barasho heshay .
    moqadhisho waa hooyo …………… yaan marka laga abaal dhicin dadka daga taa heshaan gobaladiina kale waa idiin khaas tan muqadishana waa caam

  2. Ina somali says:

    Waxay ila tahay haddii adiga aysan qabyaaladi kaa buuxin, Ardada laga diro Puntland iyo Somaliland waxaa la dhihi karaa waa reer qura deeq wax basho oo magac somaliyeed ku timid ayey ku baxaan, fikriyana uma arko inay wax musuqeen ee xaalka hada somalia kajira ayaa sidaa iska ah. EE sug inta somali ay dib isugu soo guryo noqonayso oo hal meel wax lagu wada qaybsanayo. markaa wasiirka eedee haddii xamar kaliya uu wax siiyo iyo haddii kale.
    Raalina noqo….

  3. Shariif Jamaludiin says:

    waxaa la yaaba leh in mar kastaba runta laga been sheego. Dowalad ku sheegta mugdishow ka jirta waxay caadeysatay in ay beenta run ka dhigto. Ardada magalada muqdishow ee beel-gaar ah haddi la siiyey dheeq wax barasho yaan la oranin arday Somaliyeed ayaa waxaa la siiyey deeq wax barasho. Ibraahin Xasan Cadow waan ka xumahay in lagugu tilmaam wasiir sababto ah waxa tahay qabiilayste oo aan ummada somaliyeed iminka adigo kale u bahneyn. Rayiswasarahana ma ah nin u qalma inuu jagadaas hayo sababto ah lama xisabtami karo wasirada moryanta ka soo jeeda. wale mooryaan baan rajo laga sugin.

  4. Cabdullahi says:

    Ardayda Mahubtaan in xamar kaliya laga qaaday oo hal qabiil kaliya ay yihiin? iska hadal looma baahna ee wax hala hubsado…

  5. wadani says:

    aslkm
    waxaan aad oogu faraxsnahay in dhalin yaro somaaliyeed ay helaan deeq wax barasho dawladii bixisayna waa ay ku mahdsantahay
    dhinaca qaloocan yaanan wax laga eegin ayaan qabaa anigu

  6. abdirahman says:

    marka hore salaan qiima badan oo ah tan islaamak iga gudooma somali oo dhan meel kasta ay jogto ,marka xigta mahad balaaran waxan u jeedin websitka somalitalk oo isagu ka duwan kuwa kale, hadan u gudbo muhiimada ,horta waa mahad ilaah in loogu mahadiyana waa muhiim ,in deeqo waxbarasho loo helo ardayda somaliyeed , lkn wixii dhacay way dhaceen, waxaa la shegay in mar danbe an wax la khiyaamen , horay wixii dhacay way dhaceen hadii , hada ardayda somaliyeed si xaq ah wax logu qaybinayo waa arin u bahan in la soo dhaweyo, ilaahna wan ka baryeynaa arintaa in ay dhacdo inkastoo ay somalidu kala quusatay , waxaana muhiim ah in deeqda gobolada somaliyeed oo dhan lawada gaarsiiyo

  7. DHOOMBE says:

    ASC.

    Marka hore salaan qaali ah, dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan.

    Salaan ka dib, Waxaa meesha ka muuqata in deeqaha waxbarasho ee loogu yaboohay Ummadda Soomaaliyeed laga dhigay arin siyaasadeed. Xamar kaliya in laga qaato dhalinyaradda Soomaaliyeed waa musuq maasuq cad. Waayo Xamar waxay leedahay Jaamacado waaweyn halka Goboladda Dalka ayna laheyn Jaamacad iyo Waxbarasho sida Xamar oo kale.

    Mida kale waxaan ku raacsanahay Walaalkey Maxamed, Waana hubaal in wiil hiilo iyo garab Waxbarasho loogu diray Dalka dibadiisa inay u bateen qaar lagu qasaaro, Aniga taas waan arkey waana dhan, Dhaliyaradii garabka waxabarashada loogu diray waxay wada noqdeen qaar gaaloobey, qaar Qamriyacab noqdey iyo qaar loosers noqdey.

    Waa sida uu u sheegay HAL XAARAAN AH, NIRIG XALAAL AH MA DHASHO !!

  8. saciid says:

    asc waan idin salamy bahda war bahinta iyo inta ku xiran iyo dhamaan dadka somaliyeed.
    runtii waxaa la yaab ah arday somaliyeed baa wax barasho loohelay baa la leeyahay .halmaaglo oo kamid ah magaalooyinka somalia baana laga qaaday.marka may dhahaan arday reer muqdisho ah baa wax barasho loodirayaa .
    maxaa magaca somalia beenta looga sheegayaaa wabailaahi tawfiiiiiiiiiiiiq

  9. marka koowaad waan umahadelinayaa somalitalk hadii aan kabixiyo fikradayda ku aadan maxaqbaain xamarkaliyah ardayda lagaqaado oo puntland iyo somaliland wax kumalaha iyo gobolada soomaalia oo dhan taasi waxaan ka dhihi karaa waa cadaalad darro in nin nabad wax kusoobartay in si raaxo leh jaamacad lagu qaado waayo inta uu school dhiganaayay nabad ayuu ku soobartay sidoo kale gobolada soomaalia waxaa ubadan wax laga dhigo hayado gaalo ah oo dadka baro wax ay iyaga soo go aamiyeen lkn muqdisho ardayda kunool inta ay baranaayeen aqoonta waxay ku barteen si silac ah iyo si aanan wax lagu baranin waxaa lagayaabaa badanaa inaysan guriga ugu jirin koronto waayo maheestaan nabad aykusoo gashadaan iyo waliba hadii aanu eegno xiliyadii ugu adkaa ee ay kujireen dugsiga sare oo ah xiliga ugu adag ee wax labarto in ay si silic ah wax ubarteen waxaana ku socday oo kusocdo waliba ardayda maanta wax baranaysa xasuuq ba’an mararka qaarkood schoolka wadooyinkiisa waala xiriyaa oo waxaa laga yaaba in isbuuciiba lba maalmood ama halmaalin in uu xirnaado sidoo kale waxaa jirta macalimiintii aqoonta fiican laheed inay katagen wadankii oo dibadaha ay shaqo udoonten yaa umaqan ardaydii ooyaawax baraayo waxaa jirta maalimiin aanan awoodin inay katagaan dalka waxay go’aansadeen inay naftooda usha qeestaan iyo waliba macalimiintii oo dhimasho iyo dhaawacba ku socdaan waayo macalimiinta waxay kamid yihiin dadka la gumaadaayo malin walba hadii aan kahadlo ardayda somaliland iyo puntland iyaga naftirkooda maalin walba waala qaadaa oo dowladohooda waxay u diraan jaamacado oo dowlado kale ubalan qaadeen maxaa loo fiirinayaa xamar masaakiinta ku nool oo maxaase loo qaadi waayay markii kuwaas laqaaday taasi maahan cadaalada darro cadow allaah waxaan uga baryeenaa inuu jannado firdowso galiyo waa ninka kaliyah maanta dowlada kamuuqdo oo waxa uu kana xayaa dadkiisa lkn kuwa kale oo ugu horeeyo sh.shariif waa kuwo aanan dhiig laheen intaas ayaan ku soogabagabeenayaa fikradeyda ardayda hada laqaaday waxaan ugu baryayaa alle in uu ufududeeyo wax barashada baritona ay nagu anfacaan waxa ay baranayaan gd by

  10. mohamed says:

    really Waa waxlagu farxo in ardey somaliyeed ay jaanis waxbarasho helaan balse Somalidu horey bey ugu maah maahdey hal booli ah nirig xalaal ah madhasho nin garab wax lagusiiyey kuma sugaayo inuu somalia beri hogaan fiican u qabto taasina waa dhibatooyinka ay soomalida ragaadisay oo aysan iskagaran , mahadsanidiin

  11. Mohammed says:

    waxaa la yaableh ardeyda xamar lee laga qaadayo soomaaliya ma xamarlee baa war alle ka cabsada dadka u xaqsoora, puntland, somaliland, bay iyio bakool kismaayo dhamaan xataa lama fiirin ma taas baa xaq ah