Home » Badda, Warar »

Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya “Waxaan kasoo saari doonaa war rasmi ah”: Wasiiru-Dalwaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Puntland

Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya “waxaanu si rasmi ah war uga soo saaraynaa marka uu dhanka dawladda Federaalka ka soo dhammaado”: Wasiiru-Dawlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka u qaabilsan Puntland

d112SomaliTalk ayaa October 12, 2009 magaalada Minneapolis waraysi kula yeelatay wasiiru-dawladaha Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Puntland, Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, waxana uu sheegay in  Puntland ka soo horjeedaan Heshiiskii isfaham ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya, ayna mowqif rasmi ah ka soo saari doonaan, ayna u danaynayneyaan halka ay jirto danta ummadda Soomaaliyeed.

“Waxa uu ka mid yahay waxyaalaha aan is leenahay dawladda Federaalka in ay saxdo ayaa looga baahan yahay, oo ah wasiiradaan oo ay dhici karto mararka qaarkood wax Mandate ayagoo aan haysan si kale u fekera oo u saxiixa heshiisyo caalami ah ayagoo aan wadan khubaradii loogu talo galay kiiskaas in ay ka kaalmeeyaan, oo dhankii farsamada ka arradan, ayuu ka mid yahay heshiiskaas xagga lagu galay, naftarkiisana anagu waa ka soo horjeednaa, sida shacabka Soomaaliyeed uu u diidayba,” ayuu yiri Dr. Cabdi Xasan Jimcaale.

d114Arrimaha heshiiskaas xukuumadda Puntland makala hadashay dawladda Federaalka ama Kenya qudheeda ama UN-ta, haddaad la hadasheen maxaad kala kulanteen, waxa uu ku jawaabay:

“Waxaan sugaynaa in uu ka soo dhammaystirmo dhinaca dawladda Federaalka ah, oo ka soo dhammaado dhinacooda, ilayn sidaad ula socotid dawladda Federaalka waxay ka kooban tahay hay’ado kala duwan, hay’adahooda marka hore iyagaa isku mashquulsan, bal iyaga haka soo dhammaato, markaas ayaa Puntland go’aan keeda qaadanaysaa.”

Maxaad u malaynaysaa inay ku kallifayso Dawladda Federaalka in ay ku adkaysato heshiiskaas, maadaama aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ay muujiyeen in uusan faa’iido u ahayn Soomaaliya oo lagu waayi karo 116,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran, baarlamaankuna uu diiday, Dr. Cabdi Xasan Jimcaale waxa uu ku jawaabay:

“Anagu waxaan markasta eegaynaa danaha shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, Puntland waxay ka mid tahay gobolka ugu weyn marka loo eego xagga xeebta, ama marka loo eego masaafada dhuleed ee ay ku fadhido Soomaaliya oo dhan, xeebtayadu waa 1400 ilaa 1600km, waa xeebta ugu weyn, marka walwal weyn waa nooga jiraa dhaqanka noocaas ah oo lala galayo dawlado shisheeye, waana ka xunahay, waana ka soo hor jeednaa, laakiin waxaanu si rasmi ah war uga soo saaraynaa marka uu dhanka dawladda Federaalka si rasmi ah uga soo dhammaado.”

Heshiiskii DFKMG iyo Jabuuti  waxay Puntland iska taagtey mowqif cad, haddaba maxaa Puntland mowqif cad isaga taagi weydey heshiiska DFKMG iyo Kenya, waxa uu ku jawaabay:

“Dabcan dawladu xaashaa lillahi ee waa laga hadlay, wasiiradu waa ka hadleen, in aan la socotid iyo in kale ma aqaan, laakiin arrinta aan ka hadlayno waxay tahay oo keliya in marka hore iyagaa isku diidan dhexdooda baarlamaankoodii, dawladdii ayaa isku diidan, madaxweynahii waxa uu weli saxiixay ma jirto, marka dawladda Puntland xaq ayey u leedahay in ay ka fiirsato, laakiin macnahii ma aha in dawladda Puntland ay raali ka tahay heshiiskaas saxiixiisii, idaacadahana way ka sheegtay, wayna ka hadashay, Puntland-na markasta waxay u danaynayneysaa halka ay jirto danta ummadda Soomaaliyeed, xaashaa lillahi”

d112

Markii SomaliTalk wax ka weydiisay in heshiiskan la barbar dhigi karo kii caruusha ee 1967, Dr.Cabdi Xasan Jimacaale waxa uu yiri: Anagu is-barbardhig ma samaynayno, laakiin mowqifka Puntland waa cadyahay, mowqif waxaa weeye ka soo horjeeda in cad yar oo hal-mitir ha noqotee ee geyiga Soomaaliya ah in aan la bixin, oo isku xirnaantii iyo midnimadii dhulka Soomaaliya in uu muqadas yahay.

Wasiiru-dawladaha Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Puntland, Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa booqasho ku yimid magaalada Minneapolis halkaas oo uu kaga qayb galay shirka qurba-joogta Puntland.

Waxaa waraysiga qaaday
Cabdiwali Dalboon
SomaliTalk.com Minneapolis

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya “Waxaan kasoo saari doonaa war rasmi ah”: Wasiiru-Dalwaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Puntland "

  1. Mahad says:

    Geesi Geesi dhalay, saa baa loobaahanyahay, waryaaya, show puntland waa the most wadaniyiinta soomaaliya, noolaada,.

  2. ahmed ade says:

    waaa sax wasiiirkuuu wuu ku saxanyahay sida arinta uga hadlay…..noolow puntland

  3. Rashid ali says:

    waxaa mudnaan mudan in la ogaado maxay tahay heshiishka ka dhexeeya Omar C.sharmaarke iyo Shariifaka ee ku aadan Badaha somaaliya. Omarse mawqifkiisuse halkuu taaganyahay maadama uu yahay wadani somaaliyeed

  4. farah yusuf says:

    ilaahy banu kumahadinay hadiyadiisa islaamka ee uu nasaii yey nabigana waan kusalinayaa salaatan daaiman abadan
    itaas kadib walaalaha webkaan waanu uga mahad celinay naa waxaadna ogaataan difaaca dalkiina dadkiina iyo diin tiinaba inaad difaacdaan waa shay aad idinkuba ubaahan tihiin maxaa yeelay waa hantidiinii laakiin waan idiinka mahad celinay naa maadaama aad uga hormarteed dhamaan umada soomaaliyeed kuna baraarujiseen taa saan laydinla wadaagin

  5. Gaalkacyo says:

    marka dameeruhu waylo dhalaan baa kan aad ku sheegaysaan madaxwayne shariif idiin qiran doonaa inuu kenya ka qaatay lacag kuna gaday badii soomaaliyeed

  6. Abdiqani says:

    Well, Dr. Jimaale waa nin aqoon sare u leh sharciyada iyo qaanuunka aduunka lloga dhaqmo, laakiinse su aashu waxay tahay muxuu uga hadli waayay mar hore maxayse waraysiga soomalitalk ka badali kartaa nimankaan badaha soomaaliya iibsanaya?

  7. cabdi aadan says:

    marka koobaad mahad ideylkeed allah swc ayey usugnaatey,nabad gelyo iyo naxariisna nabigeena muxamad scw dushiisa ha ahaato, marka labaad waxaan mahad balaaran iyo hambalyo aan xad lahayn u ogolahay ayadoo xasad iyo cuqdad ka fog walaalaha soomaaliyeed ee ah tafatirayaasha webkan somtalk.com,waxay na tuseen heerka aan kala go,alahayn ee ay wadaniyadooda gaarsiisan tahay,eey sideey farta ugu fiiqaayaan qaladka lama ilaawaanka ah ee ay galaayaan damiir laawayaal nagu af ah, nagu midab, ah dal iyo dadna nalawadaago.Hadaan marka wax yar ka iraahdo fikirkeyga arintaan bada, waa qorax soo taagan sacabo laguma qarsho,waa arin waadax ah oo aysan cidna ka qarsooneyn waayo heshiiska noocaan oo kale ah marka lagalaayo qaanuun ahaan iyo nidaam ahaan waxaa lagu galaa meel cad oon qarsoodi lahayn iyo waliba iney goobjoog tahay hay ,ada dowliga ah ee ay sitoos ah uquseeyso arimaan dabcan wazaarada bada iyo dakadaha iyo mazuuliyiinteeda,marka in my opinion arintaan waa arin qarsoodi ah oo loogaga faa,iideystay ragaan dowlada maqaarsaarka ah loo dhiibtay , ayadoon wax laga qaban waxyaabo badan oo ubaahna in marka hore wax laga qabto ayey kor ka bilaabeen iyo arimo anaga caamada ah een siyaasad noo bilwneyn aanaan ku fikirneen inaan ka biloowno.(isku soo wada duub arintaan waxay salka ku haysaa hunguri shaqsiga soomaaliga ahna waa hunguri waayo faqri aan dhamaad lahayn ayaa maskaxda ooga qufulan, midna ku darso markaan is baabi,inay oo birta iska asalnay waxaa dhintey damiirkii waxaan u aaboyeelaynana malahan) mahdasanidiin

  8. maxamuud says:

    raiisalwasaaraha soomaaliya waxaa uu kasoo jeedaa gobolka puntland laakiin soomaaliya ayuu raiisal wasaare u yahay dhamaan qayb lixaad leh ayuuna ka qaatay heshiiska xadgudubka ah markaa waxaan aaminsanahy puntland waxbadan ayay ka ogtahay heshiiskaas marka la fiiriyo dhinaca xog ogaalnimada keliya waayo raiisalwasaaruhu waakii tegey puntland wuuna u faahfaahiyey. sheekh shariif waxaa lawaydiiyey inuu ka warbixiyo heshiiska badda ee kenya lagashay somaaliya wuxuu yiri anagu badd maanu bixin ee NFD ayaanu waydiisanay sheekadaas shariif malaga rumaysan karaa marka caqliga lakaashado maya weeyaan waayo maanta awood umalaha uu keenya NFD ku weydiisto waxaadna halkaas ka garan kartaan inuu waayay wax u ku difaaco heshiiska lacagta lagu qaatay.waxaase wax laga xumaado ah baarlamaanka soomaaliya haduu diidey muxuu sheekh sharif u diidey ma sharciga wadanka ayuu kaweyn yhay bal fiiriya khaldka wayn wadar iyo waaxid yaa waalan.asc

  9. Bashir Shekh Moxamed says:

    Soomaaliyey toosoo toosoo isku tiirsada…

    Bashir Shekh Moxamed.