Home » Warar »

Ardeydii ugu badneyd ee soomaaliyeed oo ka qalin jebisa Jaamacadaha Dalka suudaan

Ardeydii ugu badneyd ee soomaaliyeed oo ka qalin jebisa Jaamacadaha Dalka suudaan

Xaflad si weyn loo soo agaasimey ayaa waxa ay ka dalka Sudan caasimadiisa Khartoum gaar ahaan hoolka weyn ee lagu magacaabo National RIBAT Hall.

Xafladan oo aheyd mid lagu gudoonsiinaayey ardey soomaaliyeed ee ka qalin jabisay jaamacada sudan shahaadooyiin oo tiradoodu gaareyso in ka badan 300 oo arday, kana qalin jabiyay dhamaan taqasusyadada kala duwan ee laga barto jaaamacadaha sudan.Xafladan aadka u qiimaha badneyd ayaa aheyd mid ka duwan xafladahii hore taas oo ey ka muuqatay farxad iyo reyn reyn aad u weyn wajida ardayda soomaaliyeed.Sida caadadu ahey xafladan waxaa u istaagay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabiyay Jaamacadaha sudan.

Xaflada ayaa ka soo bilaabatay Gudaha Jaamacada Africa taas oo ey dhamaan Ardayda qalin jabisay ey ka soo raaceen Gaarigii loogu talagal oo ahaa Diplomatic VIP, tan ayaa aheyn mid aan hore loogu baran xafladihii hore ee ka dhici jiray sudan. Quraan akhris kadib waxaa waxaa kalmad qaatay isagoo matalaya ardeyda ka qalin jebisey jaamacada C/wali xasan Cabdulahi, kana hadlay wax yaalaha looga baahan yahay ardayda soomaaliyeed ee ka qalin jabisay jaamacadaha sudan iyo waajibaadka ka saaran dalkooda sidii ey uga qeyb qaadan lahaayeen dib udhiska wadankoooda. Waxaa ku xigay kalimada Martida oo ku hadlay Dr Xuseen Bashiir ahna Macalin soomaaliyeed oo wax ka dhiga Jaamacada Africa Qeybta Sayniska-Geology.

ja1

Waxaa kaloo kalmada Walaalaha Sudan ku hadlay Macalin Yasir Cali oo ka mid ah macalimiinta Jaamacada Africa.

ja2

ntii aan la bilaabin Gudoonsiinta Shahaadooyin Sharafka waxaa kalmad la siiyay Gudoomiyaha Ururka Ardayda Qalinjabisay Sanadkaan C/karim Barqadle Cigale oo runtii u mahad celiyay dhamaan xubnaha ururka iyo qaabkii ey u xaqiijiyeen hadafkooda qaaliga ah. Ka dib waxaa la bilaabay gudoonsiintii shahaadooyinka dhamaan ardayda soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay xafladan tiradooduna tahay 53 arday.Marti sharafka shahaadooyinka qeybisay waxaa ka mid ahaa DR Xuseen Bashir, Xildhiban DR C/qadir Macalin Max’ed (Geedi) , Macalin C/qadir Xirsi, Macalin Yasir Cali iyo Aadan Saney.

ja3

Gabagabadii iyo gunaanadkii xaflada waxaa lagu soo qatimay Heeso aad u macaan oo ey soo bandhigeen qaar kamid ah ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata sudan. xafladan ayaa waxay ku dhamaatay sidii loogu talagalay

Burhaan Cumar sheikh

Khartoum –Sudan

Burhaanudiin10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ardeydii ugu badneyd ee soomaaliyeed oo ka qalin jebisa Jaamacadaha Dalka suudaan "

  1. muxamed says:

    asalaamu calaykum

    aad ayaan oogu mahad celinayaa websiteka somalitalk maxaa yeelay wxuu in badan kaduwan yahay websiteyada kale ee soomaalidu leedahay. halka isagu uu ku mashquulsan yahay danaha caamka ah ee umada baraarujintooda cilmi baarisyada waxku oolka ah waxa ay kuwa kale ku mashquulsan yihiin qabiil iyo waxyaabaha sii kal fogaynayo umadan ba,day ee qarkaba u saaran inay baaba,do.

    mahadka dib arinkaan farxada ah waan la qaybsanyaa walaalahay inkastoonan la joogin laakiin walaalnimadu is aqood bas ah kuma xirree waa dhalasho, dhaqan, iyo caqiido isku mid ah inay idinka dhaxayso aadba meelo kala fogfog kala joogteene.

    laakiin waxaan u soo jeedinayaa hal su,aal ah oo mararbadan qalbigayga kusoo noqnoqtay jawaabna aan u waayey waana sidan. maxaa soomaalidu marka ay joogto qurbaha aad isugu jeceshahay iyagoo muujinayo inay iskujinsiyad iyo isku dal ku abtirsadaan marka ay wadankoodii hooyo isla joogaana isu laynayaan, isu dhacayaan. xataa kuwaas xaflada wada dhiganayo markay wadankii ku noqdaan midwalbo tolkii ayuu raacayaa oo difaacayaa.