Home » Warar »

Gudoomiyaha goloha odoyaasha ee Hiiraan oo sheegay in Ciidamo beeleed qabsadeen Baladwayne iyo Dowlada Kumeelgaarka ah oo Kenya Askar ka qoranaysa

Xaaji Maxamuud Axmed Xooshow (Korontaalle) oo sheegey in ciidamada qabsadey Beledweyne ay yihiin ciidamo Beeleed

Xaaji Maxamuud Axmed Xooshow (Korontaalle) Gudoonka sare ee Golaha  odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horaysay ka dhawaajiyay in Magaalada Baladweyne ay qabsadeen Beelo Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Dhaqanka Hiiraan oo saxaafadda la hadlaayay saxaafadda Muqdisho, ayaa muujiyay in urur uusan qabsan Magaaladaasi, “Ma qabo inuu qabsaday  Ururka Xisbul Islaam Magaalada Baladweyne” ayuu yiri Xaaji Maxamuud Axmed Xooshow.

“Waxaan qabaa in magaalada B/weyne  ay soo weerareen dad huwan magaca Xisbul Islaam  oo hoggaaminaya ciidamo beeleed u daacad ah” ayuu yiri Gudoomiyaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Afhayeenka ururka Xisbul Islaam Maxamed Caruus oo isna  ka jawaabay hadalkaas, ayaa  sheegay in Magaalada Baladweyne ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan xoogaggooda ayna halkaas u tageen sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka ayna uga difaaci lahaayeen ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya  iyo kuwa Itoobiyaanka.

“Magaalada Baladweyne waxaa qabsaday ciidamo uu horkacayo Muuse Cabdi Carraale, mana qabo inuu ku socdo magac urur ee wuxuu ku socdaa Magac beeleed” ayuu si cad warbaahinta uga sheegay guddoomiyaha Odayaasha Hiiraan.

Todobaadyo ka hor ayay ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo dagaal kula wareegay Baladweyne ay halkaas isaga baxeen, markaasoo ay gudaha u galeen ciidamo taabacsan Xisbul Islaam oo uu hoggaaminayo Sheekh C/raxmaan Ibraahim Macow.

Waa markii ugu horreysay oo nabaddoon ka tirsan kuwa Gobollada Hiiraan ay sheegaan in magaalada Baladweyne ay la wareegeen xoogag beeleedyo huwan magac urur diimeed ka mid ah kuwa ka dagaalama gudaha Somalia.

Dhinaca kale  Wararka ka imaanaya Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan ururka Xisbul Islaam ay fariisimo  ka sameysateen  deegaanno hoostaga deegaanka Ceelgaal oo 15-km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baladweyne.

Dadka deegaanka ayaa u  sheegay inay arkeen ciidamo wata gaadiid dagaal oo fariisimo ka sameystay buuraha ku dhow deegaanka Ceelgaal oo ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Xisbul Islaam ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay wadeen dhaq dhaqaaq la xiriira inay rabeen inay dib u qabsadaan Magaalada B/weyne.

Dowladda Kenya oo si Qarsoodi ah u qoraysa Ciidamo ay doonayso inay u dirto dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Kenya ayaa la sheegayaa inay bilowday inay si hoose u qorto ciidamo ay doonayso inay u dirto gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo la doonayo inay qayb ka noqdaan ciidamada AMISOM  iyo kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Ciidamadaan la qorayo ayaa la sheegay inay dhamaantood yihiin Soomaali, loona diiday inay ka mid noqdaan dadka aan Soomaalida ahayn ee ku nool dalka Kenya, waxaana la sheegay in loo furayo dhalinyaradaas la askareynayo tababar socon doona Muddo lix bilood ah.

Maxamuud Gaboobe Guddoomiyaha degmada Gaarisa ee Gobolka waqooyi bari ee Kenya oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wiilasha la qorayo uu la kulmay ayna qaarkood u sheegeen in loo qoray askar.

“Waxay ii sheegeen wiilashii aan la kulmay in loo ballanqaaday in mushaar ahaan loo siin doono 600-Dollar bil walba, ayna galeen askarta iyagoo ka faa’iidsanaya fursaddaasi” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Gaarisa.
Dhanka kale magaalooyinka ku yaala dhulka Somalida-Kenya ayaa la sheegay inay ka taagan tahay shaqo la’aan haysata dhallinyarada waxbartay iyo kuwa aan waxbaran, taasna ay keentay in looga faa’iideysto in loo qoro ciidamo la geynayo Somalia.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qaxootiyada Kenya oo Askar laqoroyo

Waxaa jira in maalmahan laga qoranaayo xeryaha qaxootiga ee Kenya dhalinyaro soomaaliyeed oo la doonayo in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Soomaaliya. Dhalinyaradaas waxaa duhurka cad laga qortaa xerayaha qaxootiga waxaana lagu daabulaa baabuur sidii arigii la dhoofin jiray kadibna waxaa lagu uruuriyaa xeryo ku meel gaar ah oo looga sameeyey xadka soomaaliya iyo Kenya. Dhalin yaradaas oo ah keydka kaliya ee ka soo fakaday nabaad guurka ku dhacay dhallintii soomaaliyeed waxaa looga daba yimid xeryaha qaxootiga arrintaasna waxaa wada dowlada Kenya iyo Dowlada soomaaliyeed oo leh ujeedooyin siyaasadeed , waxaana u jeedadeedu tahay in laga hor geeyo kooxaha hubeysan ee ka jira koonfurta soomaaliya.

Waxaa jira dhallin yaro badan oo dhigata dugsiyada sare ee xeryaha qaxootiga oo inta la raafay baabuur lagu gurtay oo lagu daadiyey xerayahaas. Dhalinyarada qaar waxaa loo sheegayaa in kiiba bishii la siin doono $200 doollar oo been ah sidaas ayaan lagu qaldayaa oo lagu kaxeysanaa.

Dowlada Kenya iyo dadka arrimahaas wataa waxay ogaadeen in meesha kaliya ee dhalin yaradii soomaaliyeed ku hartay ay tahay xeryaha qaxootiga markii intii kale dhamaadeen oo la waayey meel kale ciidan laga qorto ayaa maanta laga daba yimid FIIGGII yaraa ee qoysaskoodu la soo carareen si dabka loogu shito.

Arrintaasi waa nabaad guurintii u dembeysay sidaas darteed, waxaan u soo jeedinayaa in cid kasta oo wax qortaa ay qeylo dhaan dheer ka bixiso sidii looga hortagi lahaa jarriimadaas ay wadaan dad aan ka naxeyn ubadka iyo ummadda soomaaliyeed midna. Sidaas darteed, bahda warbaahinta Somali talk waxaan u soo jeedianayaa inaad noqotaan kuwo u horeeya ee tooshka u qaada fashilinta arrintaas. Waxaan kaloo muhiim ah in isha lagu hayo xaalada habda ay ku suganyihiin dadka ku dhaqan xeryahaas, waayo xeryaha qaxootiga waxa ku nool dad maato ah oo soomaalaiyeed oo aan hadli karin isna difaaci karin.

Naaleeye nuur
naaleeye111@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Gudoomiyaha goloha odoyaasha ee Hiiraan oo sheegay in Ciidamo beeleed qabsadeen Baladwayne iyo Dowlada Kumeelgaarka ah oo Kenya Askar ka qoranaysa "

  1. Faysal says:

    Ilahay uu guulaynaya Dawlada shariifka, Shababna Waa la qab-qabanaya.

  2. yusuf osman says:

    ciidamada ey kenya qoreyso hadii eyba soomali yihiin maxaa dhibaato ah waxey lamid yihiin kuwa dowlada KMG, mise soomalida kenya ayaan soomali aheyn.

  3. Maxamed Soomaali says:

    Maxaa Kenya ka galay askar Soomaali loo qorayo waxa dabka sii shidaya waa arimahaas oo kale Soomaaliya Soomaali baa iskaleh qof kasta oo Soomaali ah wadanka waa ka noqon karaa ciidan laakin waa qalad in Kenya ciidan inoo soo qorto. cida barnaamijkaa ku jirtana waa qaa’inul wadan in la ciqaabo ay ku waajibto.

  4. Caddow cali max'ud says:

    Waa qaa’imiin qiyaamaya diintooda oo ka soo horjeeda shareeciga Alle in lagu xakumo dhulka.

  5. Ahmed Abdullahi says:

    Hadey wadankooda ay kun laabtaan ooy difaacaan dalkooda ,dadkooda ,diintooda waxba kuma jabna in ay ku laabtaan wadankooda oo ay ka difaacaan hogaamiyaasha isku sheega in ay wadaado yihiin oo dadkooda u xasuuqayo dano qaas ah oo ay leeyihiin waxaan dhihi lahaa wiilashaas soomaaliyeed ee laga qortay xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalkqa keenya qaxooti waxtari maayo hormarne malaga gaarayo ee dalkooda in ay ku laabtaan oo ay difaacaan waa mid waajib ah

  6. ahmmed geedi says:

    dhalinyarada soomaaliyeed haddii aaanay dalka difaacin….. ma mareykan baa u iman oo difaaci, iyaguu dhulkoodii yahee ha difaacaan oo si daacada hagu shaqeeyaan wadankooda, tasaa u dhanata inay qaxooti ahaadaane