Home » Warar »

Yuusuf Indhacadde oo lasiidaayey xarigiisii Uganda kadib

KAMPALA — Maamulka Kampala ayaa arbacadii siidaayey Yusuf Indhacade kadib markii lagu xiray Kampala habeen si khalad ah, sidaa waxaa yiri nin ciidamada u hadlay.

Indha cade Ugandha wuxuu kusoo galay gaari dhinaca Kenya.

“Waxaa lasiidaayey saaka (Arbaco). Waxaa la hayey habeen” Felix Kulayigye ayaa sidaas u sheegay AFP. ” Markaan siidaynay wuxuu ahaa sidii uu ahaa, loolama dhaqmin sidii maxbuus”

Ciidamadu waxay sheegeen inay baarayaan sida Indha cade wadanka kusoo galay, sidaa waxaa yiri Kulayigye.
Waan daba galaynaa. Xarigiisa kadib waxaa lacadeeyey inuu wasiir yahay”, wuu sharxay. “Waxay ahayd inuu Diyaarad ku yimaado. Waxay ahayd inuu nala soo socodsiiyo una safro sidii madax dibadeed nasoo booqatay.

Xigasho: AFP
____________________________________________________________
Dalka Uganda ayaa lagu xiray wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga ee DFKMG, Sh. Yuusuf Maxamed Indhacadde, sida ay xaqiijisay Uganda, sidaas waxaa warka ku bilowday Aljazeera.

Warku waxa uu intaas ku daray in markii hore wararka soo baxay ay tilmaameen in Yuusuf Indhacadde lagu afduubay Uganda, laakiin markii dambe saraakiil reer Uganda ah waxay caddeeyeen in Indhacadde la xiray, kaddib markii laga shaakiyey safarka uu ku yimid Uganda.

Sarkaal sare oo u ka tirsan sirdoonka Uganda ayaa sheegey in Indhacadde la xiray arrimo la xiriira ammaanka Uganda.

Saraakiisha Uganda waxa kale oo ay caddeeyeen in ay ayagu xireen Indhacadde ayadoo la sheegay in ay sabab u ahayd safarkiisa oo aan la ogeyn waxa uu u tegey Uganda.

“Meeshaan iskama iman kartid adigoo sarkaal sare ah oo aan hore usoo sheegin” ayey yiraahdeen saraakiisha reer Uganda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda, Siid Axmed, waxa uu hay’adda wararka ee Reuters u caddeeyey in Yuusuf Indhacadde oo ah Wasiiru dawlaha Difaaca DFKMG in uu ay xirtay Uganda. Waxana uu yiri waxaan raadinayaa akhbaar dheeraad ah sababtii lagu xiray.

indhacade

ENGLISH:

Somali minister held in Uganda

Ugandan troops make up about half the African Union peacekeeping force in Somalia [AFP]

Uganda has confirmed that Somalia’s state minister for defence is being detained at an undisclosed location in the capital.

Earlier reports, citing relatives and government sources, said Sheikh Yusuf Mohammad Siad, a former warlord also known as “Inda’ade” or “white eyes”, had been kidnapped.

But Ugandan officials said on Tuesday that security forces detained Siad because his visit had aroused suspicion.

James Mugira, the head of Uganda’s military intelligence service, said the minister was picked up “as a security measure by Uganda state security”.

“We quickly realised he was a minister,” Mugira told the AFP news agency. “It was not a kidnapping.”

Uganda’s military makes up about half the African Union peacekeeping force in Somalia, and both countries are allied against Somalia’s rebels.

‘Legal papers’

Siid Ahmed, Somalia’s ambassador to Kampala, confirmed Siad was in Ugandan custody and told the Reuters news agency that the Somali government was seeking more details about the incident.

“We want to know what happened, but it seems to have something to do with legal papers,” he said.

A powerful Mogadishu warlord and former member of Islamic Courts Union which briefly took control in 2006, Siad is now a key member of Somalia’s internationally-backed transition government that is battling rebels.

Siad’s disappearance had earlier sparked fears he may have been abducted by fighters or a foreign intelligence service.

A Ugandan military spokesman said Siad was picked up because of “unclear reasons” for visiting Kampala.

“It is true. He is in our hands. He came here for unclear reasons and we picked an interest in him,” Lieutenant-Colonel Felix Kulayigye told Reuters.

“You can’t come here as a high profile person without notice.”

Somalia has been ravaged by violence and anarchy since regional commanders overthrew Mohamed Siad Barre, the then president, in 1991, before turning on each other.

Source: Aljazeera

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Yuusuf Indhacadde oo lasiidaayey xarigiisii Uganda kadib "

  1. yaaban says:

    Indha cadde inuu dalalka dadowna sidii Shabeellaha Hoose moodo oo iska dabaasho waa laga sugayey. maaha fal lala yaabo inu siduu rabo isaga socdo waayo maaha nin sharci yaqaan ama laga sugayo inuu u hoggaansamo, teeda kale inta badan waxa maanta masraxa siyaasadda soomaliya kaa muuqda ayaan waxbadan dhaamin Ilaah baa Soomaali u Jooga oo ay rajo ka sugaysa

  2. Zahra says:

    Waa kugu raacsanahay, cashar badan bey u baahan yihiin madax ku sheegaan.

  3. Maxamed Soomaali says:

    Sheekh Shariif iyo xulufadiisa waa in marka hore la soo baraa sharciyada diblomaasiyada.