Home » Warar »

Shirweynaha Qurba-joogta Afrikaan ee Yurub

Waxaa magaalada BRUSSELS caasimada midoowga yurub ee dalka Bilgam lagu qabtay shir balaaran oo lagu casumay dhamaan ururada matala qurba-joogta arfikaanka ee qaarada yurub. Shirkaa wuxuu socday intii u dhaxeeysay 30 september ilaa 3 oktober 2009. Shirka qaban qaabadiisa waxaa iska kaashadayay Africa Diaspora & Policy Centre ADPC oo xaruntiisu tahay Amsterdam iyo International Centre for Migration Policy Development oo xaruntoodu tahay BRUSSELS. Shirka ayaa daba socday shirar hor u dhac ahaa oo lagusoo qabtay magaalooyin Den haag iyo Brussels. Shirka ujeedadiisu waxeey aheyd sidii qurba-joogta afrikaanka ee qaarada yurub ku nool u sameysan lahaayeen dalad urur oo mideyso, dalaadaasoo ka shaqeyso sdiii danahooda kor loogu qaadi lahaa, waxaa kaloo aad looga hadlay in la isku xiro qurba joogta afrikaan ee kunool yurub iyo dalalkeey martida u yihiin, iyo waliba in la xoojigyo xiriirkooda dalalkii eey asal ahaan u dhasheen

Waxaa soomaalida qurba-joogta yurub shirka ugu qeyb galay una matalayay labada urur ee kala ah Netherlands Somalia Organisation (NEDSOM) oo uu matalay Guuleed Yuusuf iyo Puntland Aid Service (PAS) oo uu matalay Saalax Siciid labadaa urur ayaa xarumohoodu kala yihiin Netherlands iyo Denmark. Labadaan urur ayaa goobta shirka kusoo bandhigay wax qabadkooda. Labada urur ayaa aad ugu dheeraaday doorka qurba-joogta soomaaliyeed ka ciyaareen dib u dhiska dalkooda hooyo ee soomaaliya. Labada urur ayaa sidoo kale soo gudbiyay fikaradahooda ku saabsan sidi la isugu xiri kara qurba-joogta afrikaanka iyo waliba qaabka ugu wanaagsan ee loo dhiso karo dalad urur mideeyo dadyoowga afrikaanka ah.

Shirka waxaa goobjoog ahaan loogu casumay ururo iyo heyado badan oo caalami ah oo eey kamid yihiin. African union, EU, xarumo tirakoobka iyo diraasaadka, jaamacado caalami ah iyo waliba wariryaal madax banaan iyo bahda saxaafada. Shirka waxaa furay Awil Mohamud madaxa ADPC. Wuxuu u mahadceliyay kasoo qeyb galayashaa shirka. Wuxuu kaloo faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirka. Awil wuxuu kaloo ka hadlay doorka qurba joogta afrikaanka ah ka ciyaari karaa dalalka eey ku nool yihiin. Waa in la xoojiyaa xiriirka afrika iyo EU. Waa in laga qeyb galiyaa diasporaha qeybaha kala duwan ee bulshada. Waa in diasporaha si toos ah u dhex galaan bulshooyinka eey ku nool yihiin arintaas waxeey gacan ka geysan kartaan hormarkooda ayuu mudan Awil ku nuuxnuuxsaday.

Awil wuxuu warbixin kooban ka bixiyay shirkii july 2009 lagu qabtay magaalada Den Haag iyo wixii kasoo baxay. Shirkaa waxaa looga gol lahaa in la ogaado baahida diasporaha, lana dhageysto codkooda. Shirkaan oo socday 3 maalmood ayaa kusoo gababoobay jawi wanaagsan, waxaana la isku afgartay in la sameeyo gudigii qabanqaabada ee dhisi lahaa dalada guud. Waxaa soomaalida gudigaa u galay mudane Guleed oo matalay NEDSOM. Waxaa la rajeynayaa in dalada dhismeheeda dhamaado wixii loo gaaro 21 oktober 2009. Waxaa sidoo kale shir u gogol xaarayaa kulan loo dhan yahay oo dhexmara afrika iyo yurub bisha december 2009 kana dhaco magaaalda Adis Ababa. Shirkaa oo looga hadli doono xiriirka afrika iyo yurub. Waxaa lagu rajo weyn yahay in dhismaha daladaas ee ururada soomaaliyeed door weyn oo wax ku ool ah ku yeelan doonaan. Shirkaa ayaa dhaqaale ahaan taageero ka helay midowga yurub iyo heyado kale oo caalami ah. Iskusoo duubo shirkaa ayaa ahaa mid aad logu bogay, wax weyna ka badali doono kala daadsanaanta iyo dayaca qurba-joogta afrikaanka ka muuqato qaarada yurub gudeheedada.

Puntland Aid Service Puntland Aid Service

puntlandaidservice@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.