Home » Warar »

Sheikh Shariif: sida qofka caadiga ah uu u fikiro hadday madaxdu u fikirto iga rumaysta wax badan ayaa xumaanaya

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif: Majiro Khilaaf u dhexeeya Xubnaha ugu sareeya DFKMG

Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa September 30, 2009 ka hadlay xarunta CSIS (Center for Strategic and International Studies) ee Washington DC.

Hadalkii uu halkaas ka jeediyey waxa uu kaga hadlay ururadii soomaray Soomaaliya burburkii ka dib, oo salka ku hayey qabiilka, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

shariifk0Waxa kale oo uu ka hadlay in mucaawino buuran aan ilaa hadda la siin xukuumaddiisa.

Madaxweynaha DFKMG waxa uu sheegay in uusan jirin khilaaf u dhexeeya xubnaha ugu sareeya xukuumaddiisa, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri:

“Waxaan rabaa in aan idiin sheego beryihii ugu dambeeyey waxaa aad dadku ay uga hadlaayeen khilaaf u dhexeeya dawladda dhexdeeda in uu jiro, laakiin waxaan idiin sheegayaa idiin xaqiijinayaa in uusan jirin, haddana waa laga dhawaajiyey, majirin, kala qaybsanaan iyo khilaaf dawladda soo dhexmaray marna ma jirin, waxaa la ahaa marwalba isku aragti, isku hadaf, gaar ahaan madaxda ugu saraysa oo guddoomiyaha baarlamaanka iyo maxay ahaato ra’iisul wasaaraha si joogto ah ayaan u leenahay shirar iyo wada tashi, maalina ma dhicin wax aan isku khilaafno, marka waxaan aaminsanahay wararkaasu in ay yihiin warar loo adeegsanayo dawladda in lagu wiiqo.”

Waxa uu hadlay ciidanka DFKMG oo uu sheegay in hubka ay haystaan iyo kaalmada ay helaan in ay yihiin kuwo kooban, taas oo keeneysa in ay gudan waayaan hawshii la rabey in ay gutaan, ayuu yiri. “Marwalba waxaa loo baahanayaa dad cusub oo soo tababarta oo ku soo biira ciidanka, maxaa yeelay waqti walba waxaa dhaca dhimasho iyo dhaawac” ayuu yiri. Waxana uu sheegay in hubka Ciidanka DFKMG uu yahay hub jabhadeed ee uusan ahayn hub dawladeed, “hub dawladeed waa la yaqaan ayaan u malaynayaa.”

Hadal dheer oo uu jeediyey kaddib waxaa la weydiiyey su’aalo. Dadkii su’aala weydiiyey waxaa ka mid ahaa gabar Soomaaliyeed oo sheegtay in ay ahaan jirtay taageere Shariif, ay ka qayb qaadatay sidii ciidamadii xasuuqa geystey ee Itoobiyaanka looga saari lahaa Soomaaliya. Laakiin, ayey tiri, ma doonayo hab-maskaxeed in aanan daacad u ahayn, oo aan dheho wax kasta waa malab iyo caano, waxaan daremaya in ay jirto dayacaad, waxaan doonayaa in aan weydiiyo Sheikh Shariif uu aad ugu feejignaado arrimaha bini’aadamin ee soo wajahday geeska Afrika oo ay ilaa 8million soo foodsaartay macaluul, iyo in 5 million ay barakaceen, iyo in uusan ka aamusin Ciidamada Itoobiya oo markii ay doonaan gelaya oo ka baxaya Soomaaliya, kuwaas oo ku xad gudbaya jiritaanka dhulka Soomaaliya, taas oo taageero siinaysa kuwa ka soo horjeeda.

 shariifk2

shariifk4

Markii uu arrintaas ka jawaabayey markii uu in ka jawaabay ayuu yiri “gabadha weli madaxa ayey luleysaa. Arrinta Itoobiyaanka ayaad rabtaa in aan ka hadlo… annaga dawladaan aragtideedu waxay tahay colaad Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex jirta mar walba waxay keeneysaa dhibaatadii oo sii socota, annaga marka dhinaceena in aan qaadano wax kasta oo nabad lagu heli karo in aan qaadano, baahida nabadda waa lawada qabaa laakiin annagu waa uga baahi badanahay, sida qofka caadiga ah uu u fikiro hadday madaxdu u fikirto iga rumaysta wax badan ayaa xumaanaya, marka Islaamka marka laga fikirana marka laga hadlaayona waxaa la yiraahdaa tillaabo kasta oo la qaadayona waxaa la yiraahdaa maxaa ka dambaynaya, maxay dhali kartaa, marka maadaama Soomaaliya iyo Itoobiya ay colaadoodu waqti dheer soo socotay in aan u jeedsano in aan xal kusoo dabaalno, oo xataa wax aan dhibsanayno ay dhacaan habka aan ku xallinayno in uu noqdo waxaan ma haboona waxaan waa dhibsanaynaa waxaan ma jeclin sidaas in ay noqdaan, laakiin aysan noqonin si aan u helo caadifadiina keliya intaan soo istaagno magaroofanka aan wixii aan rabnay ka sheegno waxaan aaminsanahay inay taas keeni karto dhibaatooyin ka duwan, markaa sidaas aad u dadaaleysid ayaan u dadaalaynaa, sida aad u dareemeysid ayaan u dareemeynaa, laakiin waxaan is leenahay meesha aad joogtiin waa xasaasi waxay u baahan tahay si ka duwan dadka caadiga ah in aad u fekertiin si maslaxada dadka loo xaqiijiyo, waxaan rajaynayaa in aad iga qanacday.”

Hadalkii Sheikh Shariif iyo su’aalahii weydiiyey:

Halkan ka dhegeyso (AfSoomaali, ka bilaabanaya Daqiiqadda 5:20)

Transcript (English)../pdf (CSIS)

Daawo Video (English)

Tixraac: CSIS website

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Sheikh Shariif: sida qofka caadiga ah uu u fikiro hadday madaxdu u fikirto iga rumaysta wax badan ayaa xumaanaya "

  1. asc wad salamtiniin somalitalk marka hore waxaan ku talinaa in madaxweyne shariif uu xilka iska casilo haduusan wax qaban karin madama uu waqti ku socdo umaddisina ay dhamanayso malin walba umaleyn mayo in uu wax farqi ah u dhaxeeyo dowlda shariif iyo tii ka horeysay ee cabdulaahi yusuf in kastoo uu dhibkii iyo barakici afeyntii shacabka soomaliyeel uu wali sii socdo marka maxaa ummadii soomaliyeed u qabateen manta intii ad xilka hayseen in kastoo somalidu xilalka ay jecelyihiin dhamantoda? nin xil qaad eed qadyee allow dowlad xaq ah ina sii oo an ku nasano amiin amiin

  2. Togane says:

    Sheekh Shariif Madaxweynaha Soomaaliya…

    Marnaba lagama yaabo dacaayada SOMALITALK iyo kuwo wax ku qoro in ay hoos u dhigto..

    Cid walbana way ka warqabtaa taas ee waa iga xasuusin… Somalitalk qabsada howlihiina saxaafada xalaasha ah ee iska daaya saxaafada xaaraanta ah ee loogu bartay saxaafada Soomalida badankeed..

  3. anigu waxaan ku talin lahaa in aan alle subxaanuhu watacaalaa barino in uu dhibka naga qaado isagaa uunbaana naga qaadi kara, soomaaliya dadka u dhashey waa dayacan yihiin ee dayacaadda allaha ka qaado.
    mahadsanid

  4. garyaqaan says:

    shiikh shariif hala weydiiyo hadalkaagii shalay {Maxkamadha markuu haystay}uu ku hadli jiray iyo maanta fikirkiisa farqi weyn ayaa u dhaxeeya ee maxaa iska badalay.
    shiikh shariif wax aan kugu taageerno hadaan nahay reer Minisotta ma aragno. waa laga yaabaa 10 oo caado qaatayaal ah oo aan mab,da lahayn inay kuu yimaadaan oo ku taageeraan.laakiin runtaa waxey tahay dowladii hore iyo doladaan wax farqi oo dhaxeeya ma aragno.waxaaba laga yaabaa inaad wax ka daran ay dowladaani sameysay.
    sida baddii soomaaliya ooaad muran galisay.isfaham baddeed muxuu yahay?