Healthcare: Obama miyuu ku xad gudbay dhaqanka dadka maraykanka qaarkood?
Su’aalo iyo Jawaabo ku saabsan dooda Caymiska Caafimaadka ee USA (Q&A)
Baraka Obama waxaan u qirayaa in uu muujiyey dadaalkiisa iyo niyaddiisa fiican ee uu soo bandhigay, xataa haddii uu ku guulaysan waayo dadaalkiisa oo ay congresska ka diidaan qorshahiisa ammaan buu mudan yahay, sababtoo ah waxaa uu dusha u ritay hawl culus oo laga baqo. Dhaqanka dadka maraykanka qaarkood waxaan uga jeedaa kuwa u arka in qorshaha isbedelka ee uu Obama wadaa inaysan dan ugu jirin. Dhaqankaas waa kan oranaya dawladda waad ku aamini kartaa ammaankaaga xataa hadday dhagaysato telefoonkaaga waa OK laakiin kuma aamini kartid waxbarashada caruurtaada iyo daryeelka caafimaadkaaga. Oo waa laga yaabaa inayba ku sumayso.
Waa dhaqan u eg munaafuqnimo (hypocracy). Waa dhaqan aaminsan in caafimaadka wixii aan ahayn ka hortagga cudurada faafa aysan ahayn dan guud ama homeland security issue halka dalal yar yar ay aaminsan yihiin inuu caafimaadku yahay dan guud oo ay ku bixiyaan wixii ay awoodi karaan oo dhan. Obama kuma qaldana in danta guud laga hormariyo tan gaar balse waxaa uu gelayaa bog taariikhi ah sida madaxweynihii hore ee maraykanka soo maray ee la oran jirey Lyndon B. Johnson oo aad wax ugu qabtay dadka dan yarta ah (great society programs). Talada fiican waxay ku jirtaa in arrintan Obama lagu taageero mar haddii nidaamkii caymiska caafimaadka maraykanka ee lagu xirey shaqada socon waayey.
Waa maxay isbedelka uu rabo Obama inuu ku sameeyo caymiska daryeelka caafimaadka USA?
Obama waxaa uu ka mid yahay dadka maraykanka ah oo aad ula socda adduunka kale daneeyana , waxaa uu aaminsan yahay in dalka maraykanka oo ah dalka ugu dhaqaale badan dunida maanta ay ceeb ku tahay in ilaa 40 milyan oo muwaadiniin u badan aanay haysan caymis daryeel caafimaad halka dalalka Yusub iyo Canada ay dadkooda daryeelaan. Obama isbedelka uu rabo waa in dadka aanan haysan caymis caafimaad in ay helaan mid ay awoodaan kuwa hore u haystayns kooda haytaan ayadoo aan canshuur badan la kordhin iyo in dadka ikhyaar badan la siiyo. Obama waxaa uu ka digay in dadka haysta caymis caafimaad haddii aysan taageerin qorshahiisa kooda uu ku qaaliyoobi doono inta ay hadda bixiyaan (premium). Waxaa xusid mudan in Obama uu si toos ah ugu eedeeyey shirkadaha gaarka ah ee caymiska caafimaadka in ay dadka marain habaabiyaan si ay faaiido u helaan isla markaana dadka jiranna ay mararka qaarkood caymis u diidaan.
Yaa diidan qorshahan fiican ee caqliga ku dhisan?
Ugu horeyntii waxaa diidan siyaasiyiinta qaarkood sida xisbiga Jamhuuriga oo isha ku haya xilliyada doorashada madaxweynaha iyo xubnaha congresska maraynka ee 2010 & 2012. Siyaasiyiintan waxaa ay ka joogtaa arrintan geeri ama nolol oo waxay u arkaan in haddii uu ku guulaysto arrintan in ay adkaan doonto in lala tartamo Obama iyo xisbigiisaba, marka waxay samaynayaan siyaasiyiintaas wax alla iyo wixii uu ku fashilmi karo healthcare reformna waxay u arkaan fursad fiican oo lagu ceebeeyo Obama. Kooxda labaad waa kooxda ilaalisa danaha gaarka ah ee loo yaqaan lobbyists ama K street people. Dadkan muqalisiinta ah waa dad sharciyaysan oo congresska hoos yaaca.
Markii iigu horeysay ee aan ka shaqo bilaabay US Senate 2003 waxaa iga yaabiyey tirada badan oo ay ku joogaan US Capitol iyo furfurnaanta iyo qado qaadidda ay ku casuumaan congresska iyo shaqaalahooda. Arrinta aan aad uga naxay waxay ahayd in dhamaantood ay caymiska caafimaadka dhinaca danta gaar ka eegayeen. Koox aad u yar oo matasha waayeelka America oo la yiraahdo AARP ayaa ka soo horjeeday maalintaas. Lobbyistayaasha jooga Washington DC ee congresska ku xooma waxaa lagu qiyaasaa inay ka badan yihiin 12000 ama halkii congressman in ay ku soo aadi karaan 23 lobbyiste. Haddase waa la adkeeyey sharciga ay ku dhaqmi karaan.
Siyaasiyiintan iyo lobbyists dadweynaha waa ay qaldayaan ayagoo isticmaalaya aaladda warbaahinta ayay cabsiiyaan dadka. Waxyaabaha ay ku cabsiiyaan waxaa ka mid ah ayagoo yiraahda: Caymiskaaga ayaad waayeysaa, shuuci ayuu Obama naga dhigayaa, dawladda ma wadi karto barnaamij Caymis caafimaad, canshuurta ayaa la kordhinayaa, dhaqtarkaagii aad taqaanay ayaad waayeysaa. Dawladda haddii ay maamusho Caymiska waxay fasaxaysaa in waayeelka iyo dadka jirada xun qabaa la dilo, heerka daryeelkeena caafimaad ayuu hoos u ridayaa iwm. Waxaa kale oo ay isticmaaleen dad ay u soo dirsadeen goobaha shirarka arrintan looga hadlayey ee loo bixiyey “Townhalls”.
Kooxda saddexaad ee diidan isbedelka caymiska caafimaadka waa dadweynaha maraykanka qaarkood oo dhaqan ahaan u aaminsan in ay dawlaaddu xun tahay oo canshuur badan dadka ka gurato kuna amar kutaaglayso iyo in aanay wadi karin hawsha caymiska caafimaad ee ay doonayso in ay fuliso qorshe sir ah oo ay isku balaariso. Wadankan Maraykanka dadka badankii waxay daryeel caafimaad ka helaan shaqadooda (80%) iyo cidda ay u shaqeeyaan marka laga reebo xoogaa yar oo dan yar ah oo ay dawladdu kabto ( Medicaid) iyo dadka waayeelka ah oo ay dawladda wixii ay hore meel ugu dhigteen ay sii kabto (Medicare). Badanaa caymis la’aan waxay ku dhacdaa marka shaqo la waayo sida sanadkan 2009 ku dhacday dad badan.
Waxaa kale oo jira koox kale oo cunsuriyad midab takoor u diidan qorshaha Obama. Waxaa weliba xusid mudan in aqoonyahanada African Amwericanka oo xasuusta taariikhdii hore ee African Americanku soo mareen walaac ka muujiyeen dadka caddaanka ah ee hubaysan ama qoryaha sita oo soo xaadiraya goobaha uu ka qudbaynayo Obama iyo kuwa isticmaala luqadda qarsoon ee ah waxaan rabaa in aan dib u soo ceshado Amerikadaydii aan aqaanay ( I want my America back).
Ilaa hadda sharcigan Bill ku saabsan caymiska caafimaadka oo la filayo inuu ka gudbo congresska ma jiraa?
Maya, Ilaa hadda sharci la isku raacay oo dhamaystiran ma jiro, mana la oga inuu Obama ku guulaysan doono iyo in kale laakiin ilaa hadda in ka badan 500 oo isku day sharci ama amendments ayay congresska sameeyeen. Arrintan caafimaadka oo aad loogu kala qaysan yahay waa lix meeloodow hal meel dhaqaalaha maraykanka taasi ayaa ku tusunaysa sidey muhiim u tahay. Obama dhawr dib u dhac ayaa ku yimid ilaa hadda oo ay ka mid yihiin waqtiyadii uu rabay in sharcigan la dhameeyo oo ilaa August ilaa hadda dhawr jeer dib loo dhigay sidoo kale geeridii libaaxii senate-ka Senator Kennedy. Sidoo kale Obama waxaa dharbaaxo ku noqotay warbixintii xafiiska miisaaniyadda ee congresska (CBO)oo sheegay in qorshaha Obama uu kordhin doono qarashka dawladda. Dharbaaxadii ugu danbaysay waxay ahayd guddiga senate-ka ee financeka oo maanta u codeeyey in public option meesha laga saaro. Waxaa la filayaa in bill loo codeeyo 2009i ntii aanay dhamaanin lamase hubo inuu noqon doono mid fiican. Obama xisbigiisa demoqraadiga waa ay heli karaan house-ka laakiin senateka republicanka haddii aanan loo helin 60 waa ay horjoogsan karaan in la codeeyo. Sida caadada u ah senate maraykanka waxaa intaas ka dhex socda wada xaajood badan oo qaarkood si hoose loo galo marka lama qiyaasi karo waxyaabaha ay isku raaci doonaan ugu danbaynta.
Waa maxay doorka Senator Max Baucus?
US Senate waa meel gudiyo shaqada kala qaybsadeen ninba guddiga uu gudoomiyahan u yahay asagaa ku awood badan. Haddaba senator Baucus oo ay Obama isku xisbi yihiin dadkii waa uu ka yaabsaday oo waxaa la kala saari waayey ma nin blue demaocrat ah baa oo Obama lug jiidaya ama lugoynayaa mise waa nin caqli badan oo republicanka cayaar qatar ah la cayaaraya oo raba inuu qaar ka soo helo mise waa nin ay duufsadeen kooxaha u ololeeya danaha gaarka ah. Si kastaba ha ahaatee ilaa hadda talaabooyinkii uu qaaday waxay u badan yihiin kuwo u muuqda inuu Obama ku taageerayo oo uu republicanka ku qaldayo. Senator Baucus waa madaxa guddiga dhaqaalaha oo la rabo in uu soo maro sharcigan marka hore. Fiiri halkan
http://www.google.com/url?sa=t&source=web&ct=res&cd=
Obama muxuu u sugi waayey hawsha healthcare reform ilaa sanadka danbe?
Obama waa uu ogyahay culyska arrintan leedahay iyo mucaaradada ka iman karta iyo fashilka siyaasadeed ee ay keeni karto laakiin waxaa laga yaabaa inuu dunida uga yaabsado sidii doorashadiisuba dad badan uga yaabisay oo uu hirgeliyo hawsha culus ee caafimaadka businesska noqday. Xusuuso markii uu u tartamayey doorashada madaxweynaha maraykanka dad badan ayaa ku yiri waad da yar tahay senator cusub ayaad tahay ee waqtigaagii lama gaarin ee hadda u bannee siyaasiyadda gaamurtay ee Hillary Clinton. Obama waxaa uu gartay in haddii uu markaas fursadda is dhaafiyo in aanay soo marteen. Sidoo kale caymiska caafimaadka hadda inta la xiisaynayo haddii uu qaban waayo waa kale uma suurtoobayso. Sidaas ayaana ku kalifaysa inuu dedejiyo arrintan. Hawsha ku xigta oo ah Immigration reform waxaa ay u noqon doontaa wax fudud sababtoo ah waxaa uu heli doonaa senatorro badan oo republican ah oo raba immigration reform iyo kooxaha u ololeeya danaha gaarka ah oo badankood taageeri doonaan sababtoo ah shirkadaha waaweyn waxay u baahan yihiin shaqaale badan oo jaban.
Ugu danbayntii ololaha Obama ee isbedelka caymiska caafimaadka ayaa yeelan kara dhaliilo badan oo ay ka mid tahay inuu noqdon waayo public optionkii uu balan qaaday iyo in dadka lagu qasbo inay gataan caymis caafimaad haddii ay gadan waayaan lagu ciqaabo ganaax ka badan $3800 sanadkii. Waxaa la aaminsan yahay in Obama uu isku deyi doono wax alle iyo wixii uu awoodo kana dhabayn doono hadaladiisii ahaa inuu noqon doono madaxweynihii ugu danbeeyey ee hawshan wax ka qabta iyo inay dhamaatay waqtigii cayaarta. Meesha sharcigan ku danbayn doono iyo sida uu u ekaan doono ugu danbayn iyo inuu noqdo mid fiican ama hal bacaad lagu lisay yeynaan ka hor dhicin ee aan sugno la arki doonaee insha Allah!!!
Maxamuud Nuur Wardheere
Hore uga soo shaqeeyey US Senate
Faribault , Minnesota
mnwardere@yahoo.com
ANIGOO AH DADKA AKHRIYA MAQAALADA WARDHEERE WAAN TAAGEERSANAHAY WAANA REAL SOMALI MAN,
waad ku mahadsan tahay ra’yigaaga
ADIGA WARDHEERE GOORMAA DEMOCRAT NOQOTAY WAATAA U SHAQEEN JIRTAY COLMAN. MARKALE U CARAR MAYORNIMADA SIDAA SHAQA LAGUU SIIYO KKKKKKKKK