Home » Warar »

Gabdhaha Jaaliyada Somaliyed ee Sweden oo Kaalmo lacageed gaarsiyay Qaar ka mid ah dadka ku dhibaateysan Baladweyne iyo dad qaba cudurka Juudaanka

Gabdhaha Jaaliyada Somaliyed ee dalka Sweden oo Kaalmo lacageed gaarsiyay Qaar ka mid ah dadka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo dad qaba cudurka Juudaanka

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah

Lacagtaan Sadaqada ah oo ay soo dhiibeen Haweynka Soomaalida ee Jaaliyada Wadanka Sweden oo gaareysa 500 oo doolar ayaa waxaa ka xamdi Noqoy 68 Ruux oo u Badan haween ay si weyn ugu Muuqaneysa dhibaatada dhinaca Nolosho ka haysata waqtigan.

Sida uu Sheegay Wakiilka Deeqdan Lacageed ka timid Haweynka Soomaalida ah ee wadanka Sweden oo si weyn uga murugooday walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada aan waqtiga laheyn ay ku habsadeen waxaa Lacagta Sadaqada ah Gacanta laga galiyay Inteeda Badan Haween Da,ah oo ka rajo dhigay in ay gaaraan Xitaa Suuliga Kuwaa oo ay isugu darsameen Xanuuno Mudo dheer hayay, Waayelnimo, Nolol Xumo iyo dhibaato aduun .

Haweynka deeqda lacagta helay ayaa qaarkood waxaa ay yihiin kuwa haysta Caruur Agoon ah, kuwa waqtigan uu Asaay u saaran yahay oo ragoodi ka geeriyoodeen iyagoo aan waxba haysan, Haween Haysataa Caruur yar yar oo ay dadka Xaafadahada Mar walba dhexdooda isaga ururiyaan lacago Raashin loogu iibiyo maadama aysan jirin meel ay ku tiirsan yihiin, Haween Caruurtooda Meel Cidlo ah ay uga dhaqaaqeen kadib markii ay u heli waayeen wax ay ku Nafaqeyaan iyo sidoo kale Hawen waayeelo ah oo aan wax ilmo ah dhalin Alle Amarkiis .

Sida ka Muuqaneysa Muqaalada Sawirada Wakiilka deeqdan lacagta ee logu talagalay in ay gaarto dadka dhibaateysan Xuseen Xasan Dhaqane waxaa Guri ka Guri loogu tagayay dadka mudan in la kaalmeeyo kuwaa oo sida Sawirka ka muuqata gacanta laga galinayay Qof walba inta uu Nasiibka u helay.

gabdho2

“Aamino Odowaa waxaa ay ka mid tahay haweynka Nasiibka u helay lacagta Sadeqada ah oo ay la baxeen Haweynka Jaaliyada Wadanka Sweden waxaana ay sheegtay in ay haysato Caruur isuma qado ah oo uu ka geeriyooday wiil ay dhashay Alle Mooyee aysan jirin Cid kale oo ay wax ka sugeyso Marka ay heshay lacagta deeqa ah ayaa wajigeeda waxaa ka muuqanayay farxad iyadoo alle uga bariday dadkii soo xusuustay dhibaatada ay ku jiraan in uu Maalinta Qiyaaamaha ka badbaadiyo iyaga iyo waalidkooda Kurbada jirta”

Lacagta Sadaqada ayaa sidoo kale waxaa ay gaartay dad tiradooda ay gaareyso 16 Ruux Oo ah dadka Qaba Cudurka Juudaanka kuna Nool Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobalka Hiiran .

Dadka Qaba Cudurka Juudaanka ayaa isugu jira Rag aan shaqeysan Karin dhaawacyada ay ka qabaan dhanka Adimaha ,Haween Jiif ku Nool oo uu Cudurku dilooday Iyo Caruur uu Cudurka hadda la Nool.

Si kastaba ha ahaate Lacagtan Kaalmada ah oo ay Soo sadaqeysteen Jaaliyada Haweynka Soomaalida ee Wadanka Sweden ayaa la dhihi karaa waa bilow lakiin ma dhama Mid gaari karta Dhibaatada Dhinaca Nolosha ee Xiligan ay ku Jiraan Dadka aadka u liita ee Ku nool Magaalada Baladweyne

Xuseen Xasan Dhaqane
Magaalada Baladweyne

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.