United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)
Xafiiska Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya
Warqad ku socota xubnaha Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool (no 18)
Neyroobi, 30 Sebtembar 2009.
Al-salaamu caleykum
Saabibayaasha qaaliga ah,
1. Waxaan idin rajeynayaa ciid wanaagsan, waxaa kale oo aan dhamaantiin idiin soo gudbinayaa salaan diiran, taas oo ku aadan waqtigaan ay ummadu isugu wada-baaqeyso nabad iyo is-cafin. Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in uu sii jiro jowigaan (is-cafinta iyo nabad raadinta ku dhisan) taas oo aan rajeynayo in nabadda lagu baahin doono Soomaaliya sannadka soo socda, si caruurta Soomaaliyeed ay ugu faanaan ku soo noqoshada ay ku soo noqoneyso wadanki waalidiintooda- xasiloonida, horumarka iyo barwaaqada.
2. Ilaa iyo mudaddii ugu dambeysay ee aan warbixin idin soo qoray, waxaa dhacay dhowr arrimood oo muhim ah, waxaana doonayaa in aan idin sheego qaar ka mid ah arrimahaasi. Bishii Augusto, Ururka Midowga Afrika ayaa kulan madaxeed ku yeeshay magaalada Triboly ee dalka Libiya, mudadaas oo arrimmaha Soomaaliya ay ajendada shirka meelweyn uga qorneed. Waxaa si guud dareen weyn looga muujiyey dhibaatada ka sii socota Soomaaliya, waxayna dhammaan wadanmadda Afrikaan ah is wayn ugu baaqeen in la taageero Xukuumadda Soomaliyeed isla-markaasna ay taageero u fidiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ayada oo la maraayo wadda kasta oo suuragal ah. Xubnaha Ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Urur Gobaleedka IGAD ayaa ah kuwa ugu haboon ee taageero siinaaya Soomaaliya maadaama ay xirrir sokeeye la leeyiihin wadanka.
3. Bishii la soo dhaafay, anigu waxaan booqay dalka Yemen. Sida aad oksoon-tihiin, Dawladda iyo dadka reer Yemen, waxay Soomaaliya la leeyihiin xiriirro badan, waxayna siiyeen taagero muhim ah wadanka sida deeq waxbarasho. Mudaddii aan joogay halkaasi, waxaan la kulmay wakiilo ka socday Qaxooiga farah badan leh ee Soomaaliyeed ee halkaas joogay safarka khatarta ahna soo galay, waxaana dhegeystay caba-shooyinkoodii. Waxay dareen sanyihiin in ay dayacaadi uga timid dhinaca madaxda Soomaaliyeed.
4. Wax yar ka dib, waxaan markii labaad booqday Somaliland iyo Puntland- markii ugu horeysay ee aan booqdayna waxay aheyd bishii March ee Sannadii tagtay. Waxaan ogahay Maamuladda ka jira labadaas meelood in ay ka go’an tahay ka dhabeenta iyo xoojinta habka isu-dhulqaadashada ku dhisan iyo sii wadista ay sii wadayaan taariikh ahaan arrimmaha la xiriira nabada iyo xasiloonida, isla markaasna ay ka wadashaqeeyaan wixii dhibaato ah ee dhexdooda ka dhasha. Waxaa si diiran la iigu soo dhoweeyey Hargeysa iyo Garowe, waxaanna halkaas kula kulmay dad-farabadan ee dalka dibadiisa ku noola, kuwaas oo wadanka ku soo noqday si ay ganacsi kala duwan dalka uga sameeyaan sida war-isgaarsiinta, hoteelada, gaska dabiiciga ah iyo wixii la mid ah.
5. Usbuucii tegay, madaxda aduunka waxay ka soo wada qeybgaleen shirkii sanaadlaha ahaa ee Kalfadhiga Guud ee Qarammada Midoobay, kaas oo lagu qabtay Xarunta Qarammada Midoobay ee New York. Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed ayaa hadal muhiim ah u jeediyey kal-fadhiga subaxnimaddii Jimcaha aheyd asaga oo carabka ku adkeeynaayey baahida degdega ah ee loo qabo in la taageero dawladiisa, isla-markaasna wuxuu hoosta ka xariiqay baahida guud ee loo qabo dib-u-heshiisiinta. Madaxweynaha waxaa soo dhaweyey Xog-hayaha Guud ee Qarammadda Middobay, halkaasoo ay isku dhaafsadeen arrimmo muhiim ah ee ku saabsan Soomaaliya iyo Gobalka ba. Kulanku wuxuu ka danbeyey Booqashadii uu Madaxweynuhu ku tegay Saudi Arabia ka dib markii uu martiqaad ka helay Boqor Abdallah si uu uga qeyb gallo kulan halkaas lagu qabanaayey oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 20 madax-daleed. Arbacadii tegtay, waxaa jiray kulan ay yeesheen Xubnaha Caalamiga ah ee la socoshada arrimmaha Soomaaliya, kaas oo lagu hadlaayey Sommaliya, xiligaas oo ku beegneyd wakhtigii uu dhacaaayay shirkii Golaha Guud ee Qarammada Midoobay. In ka badan wakiilo ka socday 40 dal iyi ururo caalimi ah ayaana ka soo qaybgaly shirka.. Waxan qabtay shir aan caadi aheyn, ka dib markii codsi igaga yimid dalaka Talyaaniga iyo Kenya, waxaa looga hadlay arrimmo muhiim ah ee la xiriira sidii kalmo dedeg ah looga siin laha Dawladda Soomaaliyeed dhinacyada horumarka, la dagaalanka burcad badeedka iyo arrimmaha la xiriira bin-aadanimada. Ka soo qeybgalayaasha shirka waxay ahaayeen, Raiisul-wasaaraha Kenya, iyo Wasiirada Arrimmaha dibada ee wadamada kala ah Denmark, Ethiopia, Kenya, Talyaaniga, Yemen, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimmaha dibada ee Dawlada Mareykank u qaabilsan Arrimmaha Afrika, Ergayga Sare ee Ururka Reer Yurub u Qaabilsan Siyaasadda dibadda iyo Amniga loo wada dhan yahay, iyo Ergayga Reer Yurub u qaabilsan arrimmaha Huromarinta iyo Kaalmadda bani-aadanimada iyo laba wakiil oo ah kaaliyayasha Xoghayah Guud ee Qarammada Midoobay.
6. 17 Sebtembar werarkii ismiidaaminta laha ee lagu qaaday xarunta ciidammadda AMISOM waxaa uu sababay dhimashada 22 qof, sidaa oo kale waxaa ku dhaawacmay dad farabadan oo ka mid yihiin sarrakiil Soomaaliyeed iyo nabad-ilaaliyaal ka socday wadammada Burundi iyo Uganda. Werarkani waxaa cambaareyey Ururka Midowga Afrika, kan reer Yurub, IGAD, Jaamacada Carabta, UN ka, Norway, Mareykanka iyo wadamo kale, waxaan lagu tilmaamay in uu ahaa werar fulaynimo ku dhisan ee lala beegsaday kuwa naftooda khatarta u galiyey si ay u cawiyaan dadka Soomaaliyeed. Hase ahaatee, wadamada ciidammada ku deeqay waxay si cad u sheegeen in ciidamadoodda ay Mogadishu joogi doonaan ayna ka go’an tahay in ay difaacaan naftooda. Waxaa nasiibdarro ah in madaxda jeedisay hadalo lagu taageerayo werarkaan foosha xun, ay sii adkeeysay habkii looga dhex difaaci laha arrimmahoodi Bulshada Caalamka.
7. Sida laga yaabo in aad horey u maqasheen, Ka bid markii uu soo baxay qararkii Golaha Amaanka ee tirsigiisu ahaa 1844, ayaa waxa hadda jira talaabooyin cunaqateen loogu soo rogaayo shakhsiyaadka ku howlan ama siinaaya taageero falalka caqabada ku ah nabadgelyada ama amniga ama carqaladeynaya habka Kaalmada bin-aadanimo lagu gaarsiinayaa Ummadda Sommalyeed. Inta waxaa dheer cunaqabateynta lagu soo roggayo kuwa lagu helo ku xadgudubka cunaqabateynta hubka ee saran dalka ama kuwa xiriirka la leh Al-Qaeda ama Dhaalibaanka. Inkasta oo ay muhiim tahay in talaabo laga qaado qas-wadayaasha aan soo sheegnay, aya haddana waxaan anigu rumeysa nahay in laga saaro liska cunaqabateynta magacyada kuwa muujiyey in ay bedeleen dhaqankooda mujiyeyna in ay si xoog leh ugu shaqeynayaan tubta nabad soo ceelinta iyo xaasiloonida.
8. Dawladau waxay waqti dhow heshiis la saxiixatay hay’ad caalimi ah ee qaabilsan arrimmaha xisaabaadka (Pricewaterhousecoopers). Arrintaani waxay ogolaaneysa in si hoose loo baaro, lolana socdo wixii kalmo dhaqaale ah ee Dawladda Federalka ahi hesho, isla-markaasna waxay bulshadaa caalamka siineysa kalsooni ah in deeqdoodii si hagaagsan loo isticmaalay. Sidaas darted, Bulshada caalalmka waxaa laga codsanayaa in ay dedejiyaan kaalmada ay siineyso Dawladda Soomaaliyeed, taas oo aan ku koobneyn oo kaliya dhanka kaalmada maadiga ah, waana in ay qaado talaabooyin la taaban karo. Arrimmahaan waxaa ka mid noqon karo in loo guuro Mogadishu si loogu dhowaado dhibbanayaasha ay waxyeelado ka soo gaartay naftooda deganaasha la’aanta ka jirta dalka iyo kuwa kaalmada u baahanba.
9. Si guud markii aan u eegno arinta, waxaa muuqda ifafaalooyin wanaagsan sida qaar ka mid ah kuwa la dagaalama dowladda in ay hadda garwaaqsadeen in dadka Soomaaliyeed oo kaliya ay ku sii baaba’ayaan si wadista qaska iyo deganaasha la’aanta. Waxan rajeynaya marka danbe ee aan warqad idin soo qoraayo in aan idinku soo sheegi doono arrimmo badan oo horumar leh ay sameyn doonto Xukuumadda iyo kooxo kale oo isla hadli doona. Waxaa loo baahan yahay in ay Soomaalidu ku wada hadasho wadanka gudihiisa si ay u xaliyaan dhibatooyinka socda. Soomaalidu waxay kuwada hadlaan isku luuqad, waxay wada wadagaan isku dhaqan iyo diin, waxay kari karaan in ay dhexdooda heshiiyaan wixii tuhun ah ee dhexdooda ku saabsana ay meel iska dhigaan. Xafiiskayguna wuxuu diyaar u yahay in aan arrintaas gacan ka geysto.
10. waxaan rajeynayaa in aad sameyn doontaan horumar dhinaca noolasha. 20 sanno oo colaad ah ka dibna waxaan rajeynayaa in ay qoryuhu ay aamusi doonaan. Hadafkeenu ma ah in maalin walba dhibaato la soo sheego, mana noqon karto arrin lagu bedesho xal wara. Dadka qurba joogta ah waxay kari karaan in ay door wanaagsan ka cayaaraan cadaadinta kuwa aan dooneynin in ay arkaan wax ka baxsan maslaxadaooda gaarka ah oo keliya. Waxaa la soo gaarey waqtiga la iso imaan laha, laguna shaqeyn laha rabitaanka dadweynaha.
Walaalkiin
Ahmedou-Ould Abdullah.
La xiriir
Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office – 254 20 7627133
Mobile – 254 737 400133
Email: Donna.Cusumano@unon.org
www.unpos.unmissions.org
Guul Rabiga na uumay ayaa leh. Dhammaan Waa idin Salaamay. Soomaaliya Cadawga u heelinayo Itoobiya iyo Kenya ayaa u tashaday. Gacal ee Soomaali leedahay waa Reer Jabuuti oo qudhooda Gumeysiga sameeyey ayaa jirta. Guuleysta Dhaladka Soomaalitalk. Rabi ha idiin garab galo. FCa
war waa ok anagu hadaan nahay somaliland ilaahya nabad waana sii yay laakiin waxaa ayaan xuma ah dadkan waalan ee reer Xamar waxey isku haystaan doqonomodooda iyo nacas nimadooda ilaahay ayaa mahad lih aan iga dhigin reer Muqdisho
WARAAQDAN WAA CIYAAR LOOGU DAN LEEYAYAH SOOMAALIYA BALE BARLAMANKEENU QAAN FIIRSANAYAA WELDANA FARAHA HAKALA BAXO SOOMAALIYA HADII KA LE HEEEEEEEEEEEEEEEEEE