Home » Warar »

Suldaan Xuseen Xirsi Faarax oo ugu baaqay Umada somaliyeed inay Xasiloonida Dhowraan iyo In Fursad la siiyo Amaanka guud ee Somaliyeed

Suldaan Xuseen Xirsi Faarax oo ugu baaqay Umada somaliyeed inay Xasiloonida Dhowraan iyo In Fursad la siiyo Amaanka guud ee Somaliyeed

Suldaan Xuseen Xirsi Faarax ayaa ka hadlay xaaladaha Amaan xumo ee Umada somaliyeed waxaana uu si wayn uga hadlay dagaalada dadka masaakiinta ah ee mataada caruurya iyo Haweenka ah ku le,deen inuu yahay mid aan loo baahanayn in loo turo umada ilahayn waa shey muqadis ah ayuuri Suldaan Xuseen Xirsi Faarax oo ka mida saladiinta somaliyeed ee Puntland iyo Koonfurta somaliya waxaana uu ku nuux nuuxsaday isla markaasina ugu baaqay maamulka dowlada somaliya inay aad u xaq dhowraan barkac iyo dhibaatada aad moodo iminka inay idlaatay ee ka soo kocdoomaysa maalin walba Gobolada Konfureed qaasatan Magaalada Muqdisho ee caasumada dalka somaliya.

Suldaan Xuseen Xirsi Faarax ayaa sidoo kale si wayn u amaanay Maamulka Puntlland shacabka ku dhaqan oo uu ku tilmaamay kuwo aad u jecel Amaanka iyo Nabadgelyada Walow uu wax laga xumaado ka isimo ahaan ku tilmaamay dagaalada beryihii ugu damayey ka soo cusboonay gobolkan Bari ee Maamulka dowlada Puntland oo siwayn uu rajo wanaagsan uga muujiyey Suldaan Xuseen Xirsi Faarax inay noqoto ilaahay idankiis mid wax yar ku soo dhamanaysa oo ay ku howlanyihiin isimada Maamulka dowlada Puntland iyo qaybaha kale ee Odayaal dhaqameedka wanaaga iyo Nabadgelyada Jecel.

Suldaan Xusayn ayaa lugu tilmaamaa isimada ugu mihiimsan somaliya ee had iyo Goraale u hanqal taagay sidii ay u qodaxbixin lahayeen Hanaanka Nabadeed ee Umada somaliyeed waayo Horaa loo yidhi Dagaal Wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta ,halka dadkalena ay dhahaan Nabadaa Naas la nuugule Iyo Nabad baa la dugaashadaa ee Dadow doona oo daryeela Wixii nada idiin ah.

Suldaanka oo ka mid ah Isimada ama Duubabka dhaqanka Beelaha Koonfureed ee soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inay saxiib dhowyihiin isla markaasina inbadan ka wada hadlaan saladiinta Reer Puntland sidii looga Faaidaysan lahaa Amaanka marwalbana umada ay Malaaqyada u yihiin ugula talin lahayeen inay noqdaan kuwo aan ka daalin nabada Umad somaliyeed ee Reer PL,Waxaana uu ku nuuxnuuxsaday isla markaasina amaanay Nabada ka jirta degaanada dowlada PL iyo sida ay ukala damyaan nabadoonada Reer PL oo uu sheegay inuu ku leeyahay saxiibo aad qaali u ah oo ay kawada tashadaan Amaanka umada iyo sidii ay marwalba u sii amba qaadi lahayeen.

suldaan

Waxaa uu suldaanku hadalkiisa ku soo Ururiyey oo Yidhi war Umadeey Maxkaxdu ha shaqayso oo marka ay qolo qolo la dagaalanto yaan lugu boodin dagaal iyo reer reer ee waa in laga fekera maslaxada umada somaliyeed waayo waxaasi ama taasi labooditaanka dagaalka ah waa waxa maanta Umada somaliyeed Halkaa dhigay oo dadbadan ay ugu le,deen kuwaasi oo ilaa iminka aan la garanayn wax ay ku dhinteen ,taasina ay keentay degdega iyo qabiilka oo loo baahanyahay inay umadu iska hofaan oo dhinaca wanaagsan wax walba wax kaga iftiimiyaan Samaantana u badiyaan.

Fadlan Wixii Afkaara La soo Xiriidh Suldaan Xuseen Xirsi Faarax
xhusen@hotmail.com
0025290796160/Somaliya
Maxamed Axmed Ciise /Bosaso

Waxaa soo tebiyey
maxamed ciise
geedi7@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.