Home » Warar »

Odoyasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo si Kulul u Cambaareeyey DFKMG iyo AMISOM, Uganda iyo…..

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah odoyasha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye oo laga soo saray baaq iyo digniino ku aadan dhinacyo kala duwan ayaa qoraan dheer oo saxaafada loo qeybiyey waxaa uu u qoraana sidaan…

Halkan ka dhegeyso Warsaxaafadeedka (mp3)

Halkan ka eeg warsaxaafadeedka oo saxiixan

Warsaxaafadeed
Ujeedo warsaxaafadeed
Ujeedo cambaareyn faragalinta Beesha caalamka ee ka soo horjeedo nabad ka dhalata Somaliya

Hordhac

Kadib markii ay meesha k abaxday dowladii milatariga ee siyaad barre uuna dilaacay dagaal qabiil waxaa mar qura dalka u soo tartamay dowladaha dariska ah kuwaas oo dadaal dheer u galay sidii ay uga hortagi lahaayeen dowlad ka dhalata Somaliya ,waxaa arinka ku taageeray dowladaha reer galbeedka oo uu horkayey mareykanka oo maal iyo muruqba ku bixiyey arinkaas.

Waxay marwalbo dowladaha dariska ah dadaalkooda ku soo dhaweeyaan maamulo ay kaga hortagayaan nadaam ay raali ak yihiin shacabka Somaliyeed ,ugu danbeyntii waxay MBAGATI ku soo yagleeleen dowladii corneyl Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo dalka ku soo daabushay in ka badan 30.000 ( sodon Kun ) oo ciidamo Ethioian ah iyo 500 ( Shan kun ) oo cidian yugunadha iyo Brundi ah kuwaas oo iyagaba dalkooda ay ka jiraan cuduro iyo dagaalo sokeeye oo dhexdooda ah ayna waxba ka qaban waayeen ,waxay dalka u geysteen xasuuq aan noociisa oo kale Africa soo marin .

Nidaamka T.F.G-da hada jirtana waxay xasuuq shacabka iyo soo daabulida Ciidamada shisheeye ka dhaxashay tii C/dulaahi Yuusuf Barlamankuna waa isla kii u codeeyey in ciidamo shisheye dalka loo gacan galiyo .

Ereyga ah argagixiso ayaa somaliya joogta hadafkiisu wuxuu yahay in lagu indho tiro bulsho weynta caalamka laguna qarriyo xasuuqa ka baxsan bini.aadanimada ee lagu haayo shacabka somaliyeed .
Sodaasi darteed ,golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye wuxuu soo jeedinayaa qodobada soo socdo :.

A ) Canbaareyn

1. Goluhu wuxuu canabaareynayaa faragalinta joogtada ah oo ay ku hayaan arimadaha hoose ee Soamaliya dowladaha Ethiopia ,kenya,yugandha,Djabouti,Burundhi, iyo yamen kuwaas o qaarkood xaduud beenaad la leh Somaiya ,caadeystayna in ay marwalbo lasaftaan koox ka mid ah kooxaha ka jira dalka somaliya si ay uga hortagaan nabada iyo israc ka dhasha Somaliya iyaga oo adeegsanaya taatikada isticmaarka ee ah qeybi oo xakun .

2. Sidoo kale goluhu canbaareynayaa shaqsiyaad codow ah oo awooda ugu weyn ku bixiya la dagalanka nabada ka dhalata dalka Somaliya sida ergeyga qaramada midobay Axmed walad Cabdalle iyo safiirka mareykanka ee dalka kenya meykal raamberag iyo Ergayga Midowga Africa Nikolas muwankila ,oo la tagan somaliya hub cusub halagu soo dabulo ,waxaana si gaar ah u cambaareynaynaa Madaxweynaha dalka yugandha oo sanadahaan danbe ku caan baxay dhaqaale ku radinaya xasuuqa shacabka Somaliyeed ,isaga oo xitaa yahuda israaiil ka codsaday in arintaa lagu garabsiiyo .

3. Waxaa wax lala amankaago ah in nidamka F.F.G –da ay kuba faraxsan yihiin xasuuqa shacabka Somaliyeed lagu haayo kuna raadinayaan Aqonsi ay ka helaan Beesha caalamka .
4. Sidoo kale waxaan canbaareynaynaa ha’addahii sheganayey in ay u doodayaan xaququl insaanka Somaliya ,kuwaas oo afka ka fureystay xasuuqa ay AMISOM ku heyso shacabka .

5. Waxaan si aad ah uga digeynaa dagaalka cusub oo ay si wada jir ah u soo abaabulayaan AMISOM iyo F.F.G –da kaas oo aan u aragno in lagu burburinayo goobo hada nabdoon laguna cirib tirayo inta ka hartay shacabka somaliyeed laguna abuurayo barakac cusub oo ka fool xun kan hadda jira .

B) Baaq

1. Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in ay ka digtoonaadaan waxbixinada ay IGAD iyo midowga Africa ka gudbinayaan Somaliya kuwaas oo aan dhexdhexaad ka aheyn arinta Somaliya .
2. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa shacabka somaliyeed gudaha iyo dibadaba in ay muujiyaan shucuurtooda islaanimo oo ay ka soo horjeestaan xasuuqa Ciidamada AMISOM ay ku hayaan shacabka Somaliyeed iyo in dalka la keeno ciidamo Shisheeye oo hor leh .

3. Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqeynaa Mujaahidiinta Guud Ahaan in ay midoobaan Kas-badaanna kalsoonida shacabka somaliyeed si looga hortago shirqoalda loo maleegayo dalka iyo dadka somaliyeed .

Gudoomaiyaha Golaha dhaqanka iyo
midnimada beelaha hawiye
Suldaan Axmed Dhoore Faarax

saxiiix

Halkan ka eeg warsaxaafadeedka oo saxiixan

Waxaa soo tebiyey

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Odoyasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo si Kulul u Cambaareeyey DFKMG iyo AMISOM, Uganda iyo….. "

  1. mujaahid jecel says:

    Maasahaalah beelaha hawiye alah ha ukaalmeeyo wanaagan aywadan. Inshaalahu waan jabin donaa cadawga ilahay iyo muslimiintaba cadawgda.farkaliya fol madhaqdo isku duubnaash iyo ilaahy onkaashanaa waa muhim.

    Melbourne in Australia.

  2. warsame says:

    asc
    salaan ka dib
    waxaan aad un taageersanahay bayaankan ka soo baxay odayaasha dhaqanka hawiye
    waayo waxay ogaadeen wax aanay hore u ogayn oo ahayd inaan dawladaha derisku mara soo dhowaynayn dawlad somali yeed oo awoodle
    taas oo aanay ogayn dad badan oo somaliyeed
    waxa laynakula coloobay uun baa kala duwan oo dawlad kasti dano gaaray leedahay waxayse ka midaysan yihiin inaynaan laynakala jeclay
    jabuutidaa inoogu dhow marabto in dawlad somaliyeed soo noqoto
    ee waxay rabtaa inay inaga aduunka inagu maasho
    somalidu maanta wax badan waa ogtahay
    illaahay waxan ka baryayaa inuu mar inoo soo celiyo sharaftii dawlad nimo iyo midnimadeenii
    abwaankii soomaliyeedna wuxuu yiri
    bawdada markii aan ka jabay & boqonta taageeda habeenkii way bidhan lahaa bahalki cawlaaye ragii buurta dheer igala baxay beerka ka ogsooni bah ducaysan goortay dhamaan iga dul booyaysay bah sadhaysan baga inay itiri beerka ka ogsooni ninkii beled shisheeye iga jiray soona bixi waayay ee inaan bogsado uun jeclaa beerka ka og sooni laxaad waabadhaadhe haduu ii bogsado xoogu uu bixiyayhay kay isugu beego abaalbadan abaal budiyo dheerada ninba kiisa kaan ugu bedeli beerka ka ogsooni
    wabillaahi towfiiq

  3. mohamed says:

    Asc wr waxaa layaab leh mashaakilka haysta umada soomaaliyeed ee ah anna way kan guddigii hore Midnimada Beelaha Hawiye goormaa la badalay waxaan filayaa in laga fiirsado in badan masuuliyaddan lasheeganayo si dangaara ama kooxgaara loogu raali galiyo ayadoo la iska hilmaamayo danta caamkaa lana raadinayo dangaara.
    Waxaan alle weydiisanaynaa inuu dhibka innaga dulqaado