Dadka Degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa waxa ay si xilkasnimo ku jirto isku xilqaameen sameyn wado dhererkeedu yahay 54km , iyadoo dadka degmada dhibaato aad u xoogan ay ku qabeen wadada oo afar illaa shan maalmood loo soconayay gaaris deegaanka Xaafuun.
Guddoomiyaha Degmada Xaafuun Maxamed Yuusuf Garow (Booliwade) iyo dadka deegaanka oo aan u kala harin isimo iyo nabaddoono ayaa waxaa dadaal baaxad leh u galeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen dhibaatada wado xumidda waxayna illaa iyo iminka xaqiijiyeen hagaajinta wado dhererkeedu yahay 10km .
Ma jiraan wax gacan ah oo ay dadka deegaanka Xaafuun ka haleen dhinaca dowladda Puntland iyadoo ay jiraan gacan ay weydiisteen hay`adda WFP oo aan weli isna soo gaarin waxaana si iskaa wax u qabso ah dadka xaafuun ugu dadaalayaan sidii ay uga miradhallin lahaayeen hadafkooda ah helidda wado wanaagsan kana dhow waqtigii ay ku qaadan jirtay tegidda degmada xaafuun markii hore .
Dhinaca kale qaar ka mid ah Nabaddoonada Degmada oo ay ka mid yahiin Nabaddoon Cali Maxamed Sharmaarke iyo Nabdoon Cabdi Axmed Maxamuud (Islaweyn) oo u waramayay website-kan ayaa u sheegay in dad ka soo jeeda gobolka iyo dadka danaynaya horumarka iyo samafalka inay gacan ka siiyaan howsha ay u sarakaceen dad degmada Xaafuun .
Si kastaba ha ahaatee waa talaabo lagu farxi karo islamarkaasna ku dayasho mudan dadaalka ay dadka Degmada Xaafuun ay ku samaynayaan wado dhererkeedu yahay 54km iyadoo hore ay wadadaasi u xireen bacaad baaxad weyn.
NB. Haddii Aad Gacan Ka Gaysnayso Kala Xiriir
Suldaan Raage Sheekh Maxamuud
raage1968@hotmail.com
+2529-796373 /+2526-6796373
Waa dadaaleen reer Xaafuun. Waa arin ku dayasha mudan.
Miyaaney haboonaateen in qurba jooga soomaaliyeed nimankaas gacan siiyaan si ay laami ugu shubaan jidka, Jayga roobka iyo cagta baaburta ayaa lategaya. Reer xaafuun ha la caawiyo si uu u waaro Jidku.
Nabadgelyo Maxamad
Toronto in Canada.
Waan ku faraxsanahay in aan arko soo noqoshada dhaqankii soomaaliyeed ee ahaa in isku filaano. Heyado shisheeye iyo maamul ku sheegyo aynan waxba ka sugin. somaliya burburka walaanay uga baxayn ilaa yar iyo weynba loo istaago danta guud.
Guul ayaan idiin rajaynayaa dhamaan dadka isku xilqaamay inay wadada dhisaan .
Aad ayaan ugu faraxsanahay in reer xaafuun ay isku tashtaan oo ay samaystaan waddo loosoo maro oo bacaadkii dhibka badnnaa dhex markiisa aan dadku u xiisayn kaga raystaan
runtii waa talaabo ku dayasho mudan deegaannada kalena waxaa fiicnaan leheed inay kaga daydaan
mahadsanidin