Home » Maqaallo »

Proffesor Ibbi V Puntland ?Gari labo kama Wada Qosliso? | Muhiadin

PROFFESOR IBBI V PUNTLAND ?GARI LABO KAMA WADA QOSLISO? 

somdfk1

Erayada loo adeegsanayo xiliftanka u dhaxeeya Maamul Gobaleedka Puntland iyo R/W  ku xigeenka Prof: IBBI, ayaa u muuqda kuwo maalinba, maalinta ka danbeysa ku sii siqaya Dhabo labada dhinacba ku seegayaan himilada qarsoon ee ay huwan yihiin.

Marka laga soo kaco dhagxaanta tuuryada ah ee ay isdhaafsanayaan labadan garab, waa Garabka Maamul Gobaleedka Puntland iyo kan Prof: IBBI, ayaa sida dhabta ahi waxa la isku hayo ka gundheer yihiin dhagxaanta hawada la isku marinayo, danahuna ka weyn yihiin inta muuqata ee la buunbuuninayo.

Inkastoo baroortu dhinac u badan tahay, aadna isleedahay warafka IBBI waxa uuba gilgilay bulshaweyntii Puntland Gudo iyo Dibadba, cadeyntuna tahay fariimaha iyo maqaalada la is dhaafsanayo, kuwaasoo kuwada socda R/W ku xigeenka, tanoo runtii ah Nuqdad Madoow oo iftiiminaysa Kaalinta siyaasadeed ee Maamul Gobaleedka Puntland iyo sida uu ugu nugul yahay dharbaaxo siyaasdeed oo banaanka uga timaada.
Sidoo kale miyeeynan ceeb iyo ihaano ku noqonayn Bulshaweynta Puntland iyo Maamulkooduba in xubin ka mid ah Golaha Wasiirada DFKG ah, kawada qeylinayaan amaba uu gaarsiin karo heer uu ku khasbo in ay ku dhawaaqaan Goonigoosasho.
somdfk2

Qaar ka mid ah Falcelintii IBBI ku aadaneyd:

Dr. Ibbi ma Dulaalbaa mise waa Masuul Dowladeed W/Q: Farah Aw-Osman
       TII SHALAY MA TAN BAAD KU DARTAY? ?Qore: Farjac
      Akhristow Professor Ibbi ma taqaan? W/Q: Salad Abdi Hassan(Waayeel)
   – Professor Ibi Ha ka Been Sheegin Howlaha Hay?ada PERSGA ee Bada Cas
    Jawaabtii  ka bixiyay Wasiirka D. iyo A.F. ee Puntland Dr.Abdi Jimaale Dhageyso
    Somalia: Puntland leader warns the TFG over Djibouti agreement

Sida dhabta ah ee siyaasadu na bareyso danaha labada dhinac kala huwan yihiin, oo ay ku qurux badnaan laheyd in isku dhinac loo jeediyo, ayaa marka la kala kaxeeyo keenaysa in la is raad guro, raadgurkana sida dhacday waxa ku naafoobaya Dhinaca Puntland oo mar walba waxa afkalaqaadku ka imanayo ayaga yihiin, halka qolada kale qorshahooda hoos ka wataan.

QORSHAHA DAHSOON EE AY KALA HUWANYIHIIN LABADAN QOLO:

somdfk3

 Inta aynun gudagelin qorshayaasha dahsoon ee ay ku kala hulaabanyihiin labadan qolo aan salkeedii hore bidhaamino, si ay noogu muuqdaan aragtiyaha isdiidan ee labadan qolo.

Marka aan adeegsado weedha oraneysa labada qolo, iyadoo dhinaca Puntland marka laga tago, aysan macquul aheyn in aan Prof:IBBI oo keli ah ugu yeero QOLO, balse IBBI, uma gaar ahan siyaasada uu ku shaqeynayo, ee waxa ay hoos imaaneysaa tan Dowlada uu xubinta ka yahay, taasoo hogaankeeda uu leeyahay R/W Sharmaarke iyo Madaxweynahii doortay ee SHiikh Shariif, dhiniciisana uu ku nabayahay R/W ku xigeenka kale Shariif Xassan.

Tan iyo cishadii Shiikh Shariif loo doortay Madaxweynanimada DFKG ah, maamulkii isaguna ka hanaqaaday Puntland waxa uu iclaamshay mucaaradnimadiisii, tanoo sida lawada xasuusto iskadaa diidmada la diidanaa Shariifka, ay iclaamiyeen in xubnihii isla Gobalka Puntland kasoo jeeday ayan aheyn kuwo matala Gobalada ay u dhasheen.

Tani waxa ay abuurtay in xubnihii Reer Puntland ee Dowlada FDKG ah ka muuqday uuna ugu sareeyay R/W Sharmaarke niyadjabi ku yimaado, kolkii loo ekeysiiyay rag dhuuniraacnimo Muqdisho u tagay, cod iyo tixgalinna aan ku laheyn Gobaladooda.

Markan ayaa waxa timid in isku doon lawada saaro Shiikh Shariif iyo Cumar Sharmaarke, iyadoo Puntland ay istustay in dheeshu dhinacooda u soo dhici doonto, balse waa ku hungoowday oo dhawaqyadeedii badnaa DFKG ah iyo Beesha Caalamkuba dhaq jalaq umasiin, illaa ayba timid in xiniftankii Puntland ay u  soo weecshaan Walad Cabdalla, ayagoo leh, ?asagaaba Aabe u ah hawshan?

Hadaba sababta ku kaliftay Puntland in ay qaadato talaabooyin ka dhan ah DFKG ah, ayaa noqon karay markii hore dhawr arimood, halka markii danbe sida warar hoose sheegayaan ayba timid damac ka weyn midkii hore.
1.    In Maadaama lagala tashan Magacaabidii R/W Sharmaarke iyo xubnihii kale ee matalayay Gobaladeeda, ay iyana badelkeed taas uga dhigaan
2.    In ay xakameeyaan gacmihii Puntland iyo DFKG ah is dhaafsan jireen, iyagoo fiirshay wixii ka bixi jiray oo keli ah.
3.    Iyagoo istusay in mucaaradka iyo DFKG ah isku fiirsadaan, ilaa ay timaado heer DFKG ah ayaga u soo gacangasho. Iyo Qodob lagasoo xigtay Madaxweynaheeda oo ahaa
4.    Marka fashil ku yimaado kooxdan Shiikh Shariif iyo Cumar Sharmaarke horboodayaan, in Beesha caalamku iclaamin doonaan Shir, kaasoo fursad u siinaya Madaxweyne C/Raxmaan Sh:Maxamed in uu hogaanka la wareego, Sidii Madaxweynihi hore:C/laahi Yusuf.

Hadaba qaar ka mid ah qodobadanni si toos ah ayay u saameeyeen DFKG ah, iyagoo ay usoo baxday in mucaaradka xabada ku ridaya iyo kan maamul Gobaleedka Puntland u kala agabsokeyn.

Tanina waxa ay keentay in xitaa xubnihii Reer Puntland ee DFKG ah ka mid ahaa Daaqadaha ka xirtaan danahii la rabay in ay ayagu uga turjubaan Puntland Dowlada dhexe ee ay xubnaha ka yihiin, waana tan ay la aamusan yihiin xilli Maamulkii Puntland dhawaaqu ka dhamaaday.

Dhinaca kalena waatan keentay in loo xilsaaro Prof:IBBI, dabagalka danaha Puntland uga xiran DFKG ah, isagoo gudanaya hawshiisiina waatan aad moodid in uuba si fudud u helay fayuuska laga qarxin karo, dabka ayan dabdamiska u haysan Puntland.

Dab damiskii Puntland gacanta ugu jiri lahaa waatan ay ku sheegee dhuuni raaca, waana xubnaha kasoo jeeda Gobaladaas ee ka mid ah DFKG ah.

Hadaba danaha DFKG ah Puntland ka yeelaneyso, ayaa noqon kara
1.    In Puntland aqoonsato Madaxdeeda DFKG ah iyo xubnaheeda Matalaya ee ay diidan tahay.
2.    In Puntland soo celiso taageeradii ay u hayn jireen DFKG ah.
3.    In Puntland qayb ka noqoto la dagaalanka kooxaha kasoo wada horjeeda, ee ay hada ku fiirsaneyso DFKG ah.

SAAMEYNTA LABADA DHINAC U GEYSTAY DHAGXAANTII LA IS DHAAFSADAY

somdfk4

DFKG ah, waxa u cadaatay in mucaaradka Hubeysani ayan xididada u siibi Karin inta ciidamada AMISOM, Muqdisho ku sugan yihiin, ayna leeyihiin ?GIIRO GEESKAYGA KU DAAQ?, dhacdadan oo marka dhaawacyadii iyo calaacalkii ay Puntland kula galgalan laheyd, rabbi uga ceeb asturay, gaarsiisayna in ay ka madaxtaagaan halkii Puntland la rabtay.
Warafyada kale ee Puntland tuureysayna uma muuqan kuwo saameyn weyn yeelan kara, waayo? Beesha caalamku danahii Soomaaliya ay ka lahaayeen intooda badan waa kuwa Amisom iyo Villa Somalia fulinteeda wadaan.
Dhinac Puntland ayaa hadaba sida laga dheehan karo umulka ay la afxoorinayaan, daqarro kasoo gaareen warafyadii IBBI,
1.    Waxay qireen in IBBI ka hor istaagay Maraakiib affar ah oo Burcadbadeedka lagula dagaalami lahaa.
2.    Waxaa kaleeto oo ay qireen inqarashaad badan oo Beesha Caalamku ku bixisay la dagaalanka Burcadbadeedka laga afqabtay.
3.    Waxay filan waayeen qorshaha xeebta LIIDO, dhalinyaro loogu gaardisiinayo, la leeyahay Burcadbadeedka EYL, bay la dagaalameysaa.
4.    Waxaa laga hor istaagay in ay ku lugyeeshaan siyaasada DFKG ah.
5.    Waxa ugu daran in xubnihii isla Gobalkan ka soo jeeday ee ay dhayalsanayeen, markan u calaacalayaan, wallow wali garasho ayan la iman.
6.    Tan jabuuti, ayaa hadaba u muuqata OOFWAREEN kale oo IBBI la helay, markii ay u arkeen in uu kala daadiyay intii Yareyd ee R/W Sharmaarke xodxodashada uga heleen.
FAL CELINTA PUNTLAND

Madaxda Puntland, oo sidii ay xilka ula wareegeenba horaantii bishan, marnaba aan jixinjix u muujin Dowlada Dhexe ee Muqdisho, sida ficiladoodu muujinayeen, ayna ugu horeysay Dastuurka oo Dowladnimo iyo Madaxbanaanima ku qorteen, ayaa falcelinta lasugaaba ay tahay, oraahda hadaba laga hayo, ee ah in ay xiriirkaba u jarayaan maamulka Muqdisho, tanoo ay muuqato wax mar walba u qorsheysnaa in ay aheyd.
Tani ma tahay mid wax u dhimeysa IBBI amase Dowlada uu salka kula jiro?

Jawaabtu waa MAYA, micnihuna waxa weeye AWALBA XIRIIR MA KA DHEXEEYAY? WAA MAYA.
Ma muuqato cadaadis kale oo Puntland xiligaan dul dhigi karto DFKG ah. Go?aano ay ugu dhawaaqdo goonigoosadnimo ama madaxbanaani ma ahan kuwo ay faa?iido ama dano kale oo siyaasadeed uga caano cabeyso, taasna waxa u ah DALIIL aan meel dheer looga dooneyn Somaliland oo ku dhawaad labaatan sano riwaayadaas jileysay. 

DANI MAXAY TIRI HADABA? 

Danta labadan qolo ayaa lalaba lisi karaa, waa hadii damaca Puntland ee wax doonka iyo wax diidkaba iskugu jira dabar iyo  maskax dihini hageyso, halka docda kale (DFKG) ee diyowga ku jirana damiir iyo daahirnimo loogu xilinayo.   

Muhiadin hussein eid
alcarab1@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
/Sawiradana waxaa qoraalka soo raaciyey qoraaga.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Proffesor Ibbi V Puntland ?Gari labo kama Wada Qosliso? | Muhiadin "

  1. Runay waa been says:

    Hadii qoraalada si qurxoon loo qorayo, fahansiintoodaa lama kala saraysiin karo. Puntland waa mamaul soomaaaliyeed. DFKM waxay sheegataa inay soomaali ma tasho. Wadamada shisheeyey wax qabad ma rabaan, Puntland wax qabad baa yaal. Puntland ma ahan seef wax lagu jaro, balse waa biyo dabka laagu damiyo. Marka qoraalkaaga halmar aad la soo booday dib u raac.

    Mahad sanid