Home » Maqaallo »

Astaamaha lagu garto Aqoonyahanka !! | Kuluu

Astaamaha lagu garto Aqoonyahanka !!

 Dear.

All . Readers

Aslaamu caleykum w/w

An ku bilaabo magaca eebbe mid guud iyo mid gaar ah ba naxariista inta kadib Mahad oodhan illahay bey u sugnatay naxariis iyo nabad geliyo rasuulkeena kurkiisa bey ahaatay

Waxaan jecleystay inaan wax ka qoro maqaal ku saabsan Astaamaha lagu garto aqoonyahanka ,waxaana igu dhaliyey markaan arkay dad badan oo aqoon yahaniin ah hadana u dhaqmaayo sida caamada oo kale . waxaan is weydiyey miyesan jirin mar hadii ay isu ekaadi aqoon yahan ki iyo ninka aan caamada ah , astaamo lagu soo soci karo qofka aqoonyahanka ah oo laga soo soci karo karo dadka caamada ah ,waxaan is tusaleyey inaan soo qoro maqaalkaan .

Aqoontu waa hor u marka qofka iyo bulshada waxaaan isbedla socda kasoo , isbedalkaas oo keena dhisnaan ruuxa aqoonta bartay iyo isbedel ku dhaca qaab dhismeedka noloshiisa . culumad ku xeel dheer culuumta looyaqaan Educationka ( tarbiyada ) wax ay dhehaan hadii aysan aqoontu qofku wax ka bedelin laguma tilmaami karo aqoonyahan ,

waxaa jirto had ka hor maanso aan katiriyey Astamaha ardeyga wanaagsan , balse hadii aan soo qato waqti ga baa igu dheranayo iyo maqaalka . waxan astamahakan ku soo koobay 15 astaamood wana kuwan ee kabogosho wacan .. 

Dhowrsani : waa sifo lagu garto ruuxa aqoonta-xanbaarsan waana inaad xumaanta oo dhan ka dhowr sataa oo aad noqotaa ruux leh illahay ka cabsi , leh taqwo , iskana illaaliyo waxyalaha xumanta u beel kadhac ku noqon kara sharaftiisana .

Aqoon-side: Waxaan uga goleeyhay qofka oo ay ka muuqato aqoonta oo uu ay isbedel kusameyso , kana soocan bulshada qeybteeda kale laguna soo tilmaansan karo aqoonta uu xambaarsan yahay.

Hal-abuule : Waxaa had iyo goor lagu yaqaan ruuxa aqoonta leh inuu ku taamo sida uu bulshada uu lanool yahay uu wax uga bedelilahaa oo uu ku soo biirin laha wax cusub oo waxtar u leh hor u marinta iyo qaab-dhismeedka bulshadaas ,

Daacad-sami : Aqoonyahanku waa kii dacad u ah bulsha weyntiisa oo aysan u kala soocnayn oo uu layimaado ikhlaas dhab ah shaqo kasta iyo camal kasta uu qabanaayo uu usameeyo illahay dartii oo usan cidkale ka sugin abaal iyo mahadcelin toona .

Qoraa: aqoon yahanku waa kii allaba sita oo had iyo goor ku mutaxan agabkiisa waxbarasho side qalab howl-leedkisa , qalinka iyo buuga oo kale . waxana kii qore fikir kasta oo wanagsan oo maskaxdiisa ku soodhaca iyo oraah suuban uu maqlo iyo murtida waayo murtidu wa qallabka ay ku korto maskaxdu, qorana culuumta qeybeheeda kalea duwan meel adagna geshada qalab-ugaasigisa ( buugisa) .

Camal-leeye : aqoontu waxa lagu xafidaa iyo adoo lagudhaqmo oo shaqo ahaan loo isticmaalo , waana astaha lagu tilmaansado aqoon yahanka oo waxkasta oo ciladgaarto loogu geeyo qofka xirfadaas ugaarka ah oo ku caan baxay , waana inuu aqoon yahanku uu ku daboqo kuna dhaqan geliyo naftiisa iyo camalkiisa iyo noloshiisa oodhan aqoontiisa iyo waayo aragnimadisa oo uu howsha u qabto habsami wanaagsan

Dhiiragelliye : Aqoon yahan ku wa mid had iyo goor u heelan sida uu kor ugu qaadi laha awood howleedka mujtamac uu la nool yahay asagoo adeegsanaayo qallabka- dhiiragelinta sida hadalka wanagsan waayo Nebigeenu NNKH kor kisa ha ahaato waxa uu aha shaqsi nolosheena oo dhan ay waajib tahay inaan tusaale kadhigano , waxa uu dhiragelinayey malintii dagaalkii isbaheysiga ( cazwatul axsaab ) oo uu laha asxaabta iyagoo galadii soo hareeraysay oo ay madiino gudoon ku yihin iyagoo qodaa gudkii dhufeyska oo jibinaayo ciida iyo dhagixii oo xaladaas ku sugan buu nabegu ( NNKH) uu laha ‘ waxaa uu muuqata madaxdii kirsa iyo qeysar oo lafuraanaayo ‘ dhiiragelintu waa agabka shaqada lagu qabto hadii lawaayona waa hamiga oo luma iyo shaqada oo caajis gasho .

Dulqaad-badane : waa lama huraan aqoon yahanku inuu had iyo goor u dhabar adeego caqabadaha ka hor imaanaayo oo , uu uu u qaabilo noloshu sida ay usoo qaabisho , waayo dulqaadku waa furaha hor u marka .

Toosiye : Aqoon yahanku waa tilmaamaha iyo toosiyaha ahana talabixiyaha bulshada uu kuxeeran had iyo goorna bulshadaasi wax ay kutiirsan tahay daladiisa iyo toosintiisa , waxaan uu kutalabixiya waxyaalo waxtar u leh jirtaanka iyo hor u marinta bulshadaas .

Xaliye : Aqoonhanku waa kii had iyo goor xaliye ismaan dhaafka u dhexeeya ummadiisa waxaan uu dhibtaada ku xaliyaa hab cilmiyeysan isagoo agabsanaayo aqoontiisa

Garshoole : Aqoonyahanku waa kii had iyo gor garasho u leh dareemana dabeecad iyo duruufaha kala duwan bulshada iyo dadka uu ku dhex milmo waxaan had iyo goor uu kufikiraa ada uu durafahas ku dabooli lahaa .

Samafale : Aqoonyahanka dhabta ah waa ruux u heelin samafalida bulshada uu ku dhex noolyahay waxaan uu lawadaga dadka dhibtada iyo culeyska hadba soo foodsaara waxaana uu ka qeyb qataa sida uu doorkiisa uga qaadan laha howla ha dhexadana wax uu u xirtaa sida uu qofkasta oo tabaleysan uu ku caawini lahaa uguna gar gar bixin laha .

Dhexeeye : Aqoonyahanku mayaqaan dad kala xigsiga kan baa kuu dhow kan baa kula tol ah kanaa isir wadaagtan dhaan waxyalaha foosha xun oo dhan waa mid ka dhiidhiya miisanka keliya iyo halbega uu wax ku cabiro oo uu dadka ku qiimeeyo waa diintooda iyo dhaqan kooda iyo aqoontooda .

Agaasime : Aqoonyahanku waa mid had iyo goor agaasimin waqtigiisana dhowra noloshiisana agaasim fiican ku maamula dadka uu ku dhexjiro jeceyl inuu baro nadaamka iyo ixtiraamka iyo kaladanbeynta waxaan uu ku dhiirageliya dadku iney had iyo goor noqdaa dad kala dembeya iyo wada shaqeyn buuxda kadhexeyso nadaamkana dhowra raacana hab iyo dastuur wanaagsan .

Hami-sare : Aqoon yahanku wa kii leh hami sare hindisana sidii uu ku miradhalin laha himaladiisa oo uu ku gaari lahaa .

Go,aan-qaate : Waa mid leh go,aan-qadasho xoogan oo ku saleysan fikir saliim ah Fikir iyo go,aan qadashada fiican wax ay leedahay talaabo hor u mareed oo fiican waayo xikmad carabi ah baa oraneysa [ inkunta daa ra.yi fakun daacasiim ah ] oo macniheedu yahay hadii aad leedahay aragti iyo talo fiican waa inaad la timada go,aan qadasho adag . 

Waxaa halkaas inoo kudhamaaday qoramadii aan ku qiimeynayey ruux aqoonyahanka ah oo lagaga sooco bulshada inteeda kale ruux walba isaga baa naftiisa yaqaan marka ruxii ku sifooba Astamahaas fiican ee wanaagsan wax aan oran kara Waa aqoonyahan dhab ah balse qof kii ay kamaqan yihiin astamaha qeybtoodna waa inuu isku daya sida uu ku gaari laha wayo waxkasta waa labari kara nafta . waxaan jecelahay inaan noqono ku wo kafaa,ideysta qormadaan.

Mahadsanidiin

Mohamed Nuur kuluu

Islamabad pakistan 

kuluu22@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Astaamaha lagu garto Aqoonyahanka !! | Kuluu "

  1. Mohamed Nour says:

    Bro khadar thanks wad mahadsantahay sxb
    sidaad igu dhiiragelisay qorida maqaalo kale oo xiiso leh mahadsanid sxb

  2. Khadar Farah Ibrahim says:

    ACWW,

    Waxaan taageero iyo hambalyo rabaa inaan gaadhsiiyo, qoraaga maqaalka kor ku xusan. Sida cilmiyeysan ee uu u qodobeeyey astaanta AQOONYAHANKA. Waxaan ku yara naaxin lahaa, waa sifaheenii marka layara milicsado dhaqankeenii miyiga ee lagu qiimayn jiray ‘NIN DOORKA’ ama ‘HALYEYGA’ oo ku darsady aqoon cilmi qorid/akhris ku saleysan. Waxaan kusii xoojinlahaa halqodob, oo aan filayo in aanay munaasib ku ahayn dibnaha bini aadamka, balse aynu kadhiganay wax caadiya oo lagu haasawo ama lagu kaftamo, siyaasiyiintan hadalkoodaba daa shaqo ayaabay kadhigteen; SIYAASI=YAAN LAGAA BEEN BADNAAN.
    Waxaan kusoo gunaanadayaa maqaalkaasi waa mid bulshadeenu u baahantahay una baahan in aynu nafteena ku dabaqno, iskan waanino bahash beenta layidhaahdo.
    BEEN SHEEGE AQOONYAHAN MAA HA.

    KHADAR F IBRAHIM
    NEW ZEALAND