Home » Sports »

Leicester iyo Koobkii Ciida

Leicester iyo Koobkii Ciida

Waxaa maanta ka lagu qabtay magaalada Leicester koobab ay ku tartamayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Leicester iyo agagaarkeedaba, laguna xusayey munaasabadda maalinta ciida. Tartankaas waxaa soo qabanqaabisay hay’adda Puntland Youth and Sports Development organisation (PYSDO) oo fadhigeesu yahay magaalada Leicester.

Tartankaas waxaa kasoo qeyb galay kooxo fara baddan iyagoo loo kala qeybiyey saddex qeybood oo ku dhisan xagga da’da.

Kooxihii ka qeyb galay waxey kala ahaayeen Masjidul Quba, Huda, Dansom, Leicester Star, iyo kooxda jaaliyadda Jabuuti oo iyagu ka cudurdaartay xilligii danbe.

Koobkaas waxaa kaalinta 1aad ku guuleystay caruurta da’doodu aheyd ( 8 -10) kooxdii ku ciyaareysay magaca Quba, kaalinta 2aadna Leicester Star. Sidoo kale dhalinyarada da’doodu tahay 12 -14 waxaa kaalinta 1aad ku guuleystay Dansom, kaalinta 2aadna Quba. Sidaas si la mid ah kuwa da’doodu tahay 15 -17 waxaa kaalinta 1aad galay Dansom, kaalinta 2aadna Quba.

Ciyaar wanaaga waxaa qaaday Waliid oo isagu ka mid ahaa caruurta da’doodu tahay 8 -10, sidoo kale Waliid waxaa uu ku guuleystay aqlaaq wanaaga isagoo ka socday markiska Quba.. Sidaas si la mid ah waxaa qaaday ciyaar wanaaga dhalinyarada da’da weyn Maxamed Amiin oo isagana ka socday Quba.

Maamulka hay’adda PYSDO waxaa ay guud ahaan u mahad celinayaan dhammaan dadkii kasoo qeybgalay iyo ciyaaryahanadii ka qeyb qaadaneyey tartanka, sidoo kale waxa ay u mahadcelinayaanXawaaladda Iftiin Express oo iyadu qeyb ka mid ah barnaamijka suurtogalisay qabsoomiddiisa gaar ahaan wakiilkooda leicester Cabdullaahi Cusmaan Fuaad. Waxaa kaloo halkan aynu uga mahadcelinaynaa Garsoorayaashii ciyaarta dhexdhexaadinayey sida Nuur iyo Cabdullaahi Black. Sidoo kale Cabdullaahi Coonka oo isagu ahaa gudoomiyihii guddiga qiimeynta. Waxaa kaloo aynu u mahadcelinaynaa Faandhe media oo naga caawisay xagga duubista barnaamijka.

Guud ahaan ciyaarahaas maanta wax ay ku soo gabgaboobeen jawi aad u wanaagsan iyadoo ay dhalinyaradii reer leicester ay raali kawada noqdeen.

ciyoor

Mhadsanidiin
Iftiinshe media
Waxaa soo tebiyey Jooje

…………

Ururka Arday Puntland PSA oo Qabtay Munaasabad loogu dabaaldagayo Ciidul-Fidriga

Ururka Arday Puntland (PSA) ayaa waxuu xaflad ballaaran oo lagu maamuusayey maalinta Ciidul fidriga ku qabtay xaruntiisa ku taal magaalada Boosaaso, Xafladan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay: Maamulka DGP , culumo’udiinka, Ururada Bulshada iyo marti sharaf kale oo badan.

ugu horayntii waxaa ka hadlay xaflada sheekh Ciise Sh. Axmed oo halkaas ka jeediyay Muxaadaro ku saabsan Al-acyaad Fil islaam, waxuuna dadka islaamka ah ugu hanbalyeeyey munaasabada ciida, tilmaamayna qiimaha ay leedahay maalinta Ciidul Fidriga iyo sida islaamku u rabo in loo muujiyo farxadeeda.

Munaasabdaan oo ay kahadlayn masuuliin kale gadisan sida Ganacsatada, Culumo’udiinka iyo Ururda Bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Majaajalado iyo nashiidooyin ay aad ula qiiroodeen dadwaynihii kasoo qayb galay

Guntii iyo gunaanadkii barnaamijka waxaa soo xiray Gudoomiyaha Ururka Ardayda Puntland (PSA) C/fataax Maxamed Sugulle xusanay dadaalka uu ururka ugu jiro soo nooleynta munaasabadaha diiniga ah si loogu baraarujiyo da’yarta soomaaliyeed muhiimada ay leedahay, dhinaca kale wuxuu gudoomiyuhu ku dhiirigaliyey dhalinyarada in ay ku dadaalaan waxbarashada, dhawrida nabada iyo kaqayb qaadashada horumarinta bulshada si looga baxo dhibaatooyinka hada ka jira dalka Soomaliya.

ciyoor2

C/xakiim Axmed Maxamed
Boosaso -Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Leicester iyo Koobkii Ciida "

  1. Abdi fitaax says:

    waxaa ah wax lagu farxo in dhalinyarada somaaliyed ey dhamaan maal walba ay joogan ay u dabaldagan ciida mubaarak.waxaan waliba si gaar ahaan ugu mahadcelinayaa ururka dhalinyarada ee puntland youth spor devloment organsation,waxaan leeyahey waa loo bahanyahay urur somali oo rer puntland ka horamariya dhinaca sportiga waa wax aad loogu farxo
    mahadsaniddin