Home » Warar »

Qaabkii Looga Ciiday Toronto Canada

Qaabkii Looga Ciiday Toronto Canada

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah (GUJI)

Waxaa maanta isugo soo baxay kuna ciiday markazka weyn ee Dar-ul-Hijra ee ku yaal magaalada Toronto,Canada dadkii ugu faraha badnaa ee Soomaali ah oo dalkaan ku ciida. Dadkaas Muslimiinta ah oo kumanaan kor u dhaafay wajigoodana ay ka muuqatey farxad iyo ray-rayn aad u fara badan, ayagoo xasuusan dhibaatadii ka haysan jirtay hoolalka lacagaha faraha badan ku kaca oo loo kiraysan jiray ciidaha iwm.

Waxaa Ilaah mahaddiis ah in uu markazka Darulhijra xaqiijiyay una soo hooyay ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Canada guul wax ku ool ah oo taariikhda ummaddeenna ku soo kordhisay wax lagu faani karo.
Ciiddaas oo si aan kala har lahayn ay u soo agaasimeen maamulka markazka Daruljhijra iyo naftooda hurayaal (Volunteers) Ilaahay dartiis ugu sheqeeya ummadda.

Markazka waxaa lagu qurxiyey oo la dhigay gogol cusub oo aad u qurxoon (new carpet) iyo qalabka wax lagu duubo (maqal & muqaalba) ee casriga ah ayna gacanta ku hayeen dad khibrad dheeraad ah u leh taas oo abuurtay jawi aad u qurxoon oo dadweynihii kasoo qaybgalay ciidda aad u farax gelisay.

Salaaddii Ciidda kadib waxaa halkaas khutbad aad loola dhacay ka jeediyay Sh. Adam Mohamed Ciise oo ah Guddoomiyaha Markazka Dar-ul-Hijra.

Waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay marti sharaf ka kala socota Dowladda dhexe ee Canada iyo gobolka Ontario sida Dr. Shafiiq Qaadri oo ah Xubin ka mid ah Baarlamaanka Gobolka Ontario.

Dr. Qaadri wuxuu u hanbalyeeyay ummaddii Muslimiinta ahayd ee meesha isugu timid guud ahaan iyo ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan isgoo ku dhawaaqayay erayo soomaali ah oo ay ka mid ahaayeen”Ciid wanaagsan”. Waxaa kale oo ka soo qayb-gashay Gabadha la yiraahdo Dr. Kirsty Duncan oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka dawladda dhexe ee Canada (Member of Parliament, Etobicoke North). Gabadhaas baarlamaaniyadda ahi waxay maxfalkaas weyn iyo Maamulka Darul-hijraba guddoonsiisey dhambaallo qoraal ah oo isugu jira: tahniyad, boogaadin, taageero af iyo addinba ah iyo hambalyo fara badan.

toronto3

Sidoo kale waxaa lagu qabtay tartan kubadda kolayga ah oo ay soo diyaariyeen Cayaaryahanno ruug caddaa ah oo ay ka mid yihiin Cabdi-dheere iyo Faarax Oday. Dabadeedna waxaa cayaaro isaga hor yimid siddeed kooxood, ugu dambayntiina kooxdii ku guuleysatey cayaartii kama dambaysta ahayd (final) waxaa waxaa lagu maamuusey koobkii Ciidda ee Darul-hijra.

Waxaa kaloo halkaa la dhigay qalabka carruurta lagu maaweeliyo oo kala duwan.
Waxaan kaloo meesha ka maqneyn cunto noocyo badan oo aad looga helay sida BBQ chiken, Burgers, iyo Popeyes iyo dabcan Bariis iyo Digaag si wacan loo soloy iyo waliba mac-macaanno kala duwan,

Ugu danbayn haddaan nahay Maamulka Markazka Darulhijra waxaan hanbalyo iyo boogaadin u diraynaa ummadda Muslimiinta ah guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa ku dhaqan Toronto iyo nawaaxigeeda.
Waxaan kaloo gacmo furan ku soo dhaweyneynaa qof kasta oo kheyrkaas nagala qayb qaadanaya dhinac kasta ha noqotee.

Waxaanna idin leenahay: Ciiddaan ciiddeeda kale ku gaara nabad, barwaaqo, caafimaad iyo cibaado suubban, “kullu caamin wa-antum bikhayrin”.

A M I N A M I N A M I N A M I N A M I N
Maamulka Dar-ul-Hijra Islamic Centre – Toronto
www.darulhijra.org e-mail: info@darulhijra.org

Sidii looga ciidey Minneapolis & UK .. iyo Fariin Sheikh C/raxmaan u jeediyey Soomaalida

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qaabkii Looga Ciiday Toronto Canada "

  1. Abdi says:

    Hambalyo aad bay u Qurux badnayd