Home » Warar »

Xildhibaano Fashiliyey dhawr arrimood oo uu sameeyey Wasiirka Maaliyada DFKMG

Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo si weyn u dhaliilay Qaabka uu u shaqeeyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan, islamarkaana kashifay arrimo dhowr ah oo sameeyay =Shir jaraa’id=

Muqdisho, Sept 19, 2009: Waxaa maanta Shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Xildhibanada soo bandhigay Qoraal aad u dheer oo ka kooban 4-Bog oo wax looga sheegaayo qaab dhaqankiisa, hanti ay sheegeen inuu lunsaday, Awoodo dheeri ah oo uu isticmaalo, Lacago Shilin Soomaali ah oo uu samayntooda wado iyo Digniin ku aadan Madaxda Dowladda KMG ah oo ku aadan ficiladaasi  uu wado Wasiirka Maliyadda.

Xildhibanda Shirkaasi jaraa’id fadhiyay waxaa ka mid ahaa : Xildhibaan Prof. C/Laahi Axmed Afrax   oo ka mid ah Gudiga Maaliyadda iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Soomaaliyeed, Xildhibaan Faarax  Cali Cabdi, Xildhibaan  Maxamed Cali Cumar, Xildhiban Cali Yuusuf Cismaan, Xildhibaan Daahir C/Qaadir Muuse iyo Xildhibaan Shukri Xaaji Axmed.

Warsaxaafadeedkaan oo aad u dheer ayaa waxa uu u qornaa sedan:

Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Sh. Axmed ma ka badbaadi doontaa dhaqanka wax dumineed ee Shariif Xasan Sh. Aadan oo ah Wasiirka Maaliyadda ee TFGda xilligan??

Shariif Xasan waxaa marki u horreysey lagu dhex arkey masraxa siyaasadda qasan ee Soomaaliya geba gebadi Shirkii dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtey dalka Kenya ka dib markuu xubin ka noqdey Baarlamaanki loo dhisey Soomaalida asagoo isla markiiba isu soo sharraxey afhayeenka Baarlamaanka.  

Waxay xasuustaan intii joogtey madashii lagu dooranayey afhayeenka in ololihiisii doorashada afhayeennimo ay dhanka kharashka ka taageerayeen ganacsato ay dano gaar ahaaneed kala dhexeeyeen, kuwaasoo aan marna gacmaha kala bixin qalaamarogadka siyaasadeed ee Shariif Xasan. Dhanka ololihii baarlamaanka dhexdiisa ahaa waxaa si mintidnimo ahayd ugu ololeeyey aqlabiyaddii qab qablayaalki dagaallada Sokeeye ee doorka weyn ku lahaa xulki xubnaha Baarlamaanka, laf ahaantoodana xubno ka noqdey Baarlamaanka Soomaaliyeed. Si kasta ha ku yimaadee waxaa loo doortey Shariif Xasan afhayeenka Baarlamaanka bishii September  2004tii. 

xild1

Waxaan hoos ku faah faahineynaa dhibaatooyinka, dibindaabyada iyo jallaafooyinka inta badan loo aaneeyo in uu si toosa ama dadban uga dambeeyey shariif Xasan, kuwaas oo sababey in shanti sano ee la soo dhaafey (August 2004- August 2009) ay TFG markey tallab horey u qaado ay laba tallaab dib u qaadeysey ilaa ay ku soo ururtey waqtigan la joogo waddada isku xirta Hotel Global iyo Gegida Caalamiga dayaaradaha Aaden Cadde:

1-     Shariif Xasan Shiikh Aadan waa ninki bilaabay in si been abuur cad ah loogu dhawaaqo go’aan aan baarlamaanku u codeyn, taasna waxaa tusaale u ah in muddadi uu baarlamaanku joogay Kenya in iyadoo la is dilaayo uu ku dhawaaqay waa la codeeyay iyadoo weliba ay fadeexadaas goob joog ka ahayd warbaahinta caalamka.

2-    Isla marki loo doortey afhayeenka wuxuu la xulafoobey qabqablayaalkii dagaalaadii sokeeye, waxayna isku bahaysteen kala jebinti baarlamaanka uu afyayeenka u ahaa, wuxuuna qayb ka mid ahayd xubnihi Baarlamaanka u soo kaxeystay Muqdisho aqlabiyddiina uga soo guurey Nairobi.

3- Wuxuu kala qayb galay qabqablayaalki uu Muqdisho u soo raacey asaaskii isbahaysigi argigixiso la dirirka la magac baxay; ka dib markii laga itaal roonaadey isbahaysigi, wuxuu si degdeg ahayd heshiis ula galey Cabdullaahi Yuusuf oggolaadeyna in TFG gebi ahaanba la geeyo magaalada Beydhabo ee gobolka Bay oo uu isagu ka biyo diiday markuu u soo baqoolayey Xamar.

4- Wuxuu shir guddoomiyey, isagoo ah guddoomiyaha baarlamaanka, shirkii uu Baarlamaanka TFG ku oggolaatey in ay Dalka soo galaan ciidamada Itoobiya si ay gacan u siiyaan TFG xilligeedi hore. Hase yeeshee muddo yar ka dib wuxuu bilaabey cambaareynta soo gelintaanki Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa.

5- Ka dib qaraxii magaalada Baydhabo lagula beegsadey madaxweynihi hore ee TFG Cabdullahi Yuusuf, wuxuu Shariif Xasan si deg deg ahayd is-afgarad hoose ula galey Midowgii Maxaakimta Islaamiga oo fadhigoodu ahaa Xamar, wuxuuna mar labaad soo dayacey xilkii uu u dhaartey ee ahaa afhayeennimada Baarlamaanka Soomaaliyeed.

6- Asagoo ay wehliyaan xildhibaano tiro yar oo ay isku aragti ahaayeen ayuu wax ka asaasey isbahaisigi la magac baxey ARS (Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya) oo saldhigga ka dhigtey dalka Eritrea caasimaddiisa Asmara, wuxuuna noqdey guddoomiyihi golaha dhexe ee ARS.

7- Asagoo huwan magaca ARS ayuu si hoose ula xulafoobey qaar ka mid ahaa Baarlamaanka iyo Xukuumaddi TFG, kuwaasoo ay isku afgarteen in ay u dhega nuglaadaan oggolaanshaha wadahadal la qorsheynaayay oo u dhexeeya TFG & ARS. Waxaa intaa u dheeraa in ay u suurta gashey in lacagihi deeqaha ahaa ee loogu talo galey in lagu dhiso hay’adihi dowladda intoodi badneyd loo weeciyo mucaaradki TFG ee isku urursadey Asmara, asagoo gacan ka helayey qaar ka mid ahaa kuwa isku sheega wakiillada Beesha Caalamka ee Nairobi fadhiya.

8-Wada hadallo iyo heshiisyo hoose oo uu Shariif Xasan hoosta kala wadey Xukuumaddii Nuur Cadde ee lagu soo geba gebeeyay Djibouti, ayaa ugu dambeyntii waxaa ka dhashey arrimaha soo socda:

  • Baarlamaan 550 xubnood ah,
  • Kala jab ku yimid Isbahaisigii ARS oo uu maleegay Shariif Xasan,

9-   Heshiiski Jabuuti waxaa kaloo ka soo baxey, ka sokow baarlamaan la laba laabay (275X2=550), Dowlad saldhiggedu yahay Xukuumad ay si aad ah uga muuqato gacanta weyn ee uu Shariif Xasan ku lahaa dhismaheeda asagoo laf ahaantiisana ka xushey Wasaarada Maaliyadda iyo Raiisul wasaare ku xigeen.

10- Mrkii bishi Feb. 2009ki Xamar loo soo wada laabtey (Madaxweynaha, Xukuumada iyo Baarlamaankaba) waxaa soo if baxey awoodda aan caadiga ahayn ee uu Shariif Xasan ku leeyahay Dowladda, waxaana ka mid ah ficillada tooska ah iyo kuwa aan tooska ahayn ee la rumeysanyahay in uu mas’uul ka ka yahay ama ka dambeeyey fulintooda:

xild2

  1. Maadaama uu yahay Wasiirka Maaliyadda wuxuu siduu doono u isticmaalaa dakhliga yar ee ka yimaada Dekadda Muqdisho iyo deeqaha yar yar oo ay caddaan ahaan (cash) u soo dhiibaan dalal carbeed, kuwa deriska ah iyo saaxiibbada Soomaaliya. Wuxuu Shariif Xasan ku war la’yahay ama iska indhatiraa in uu jiro sharci iyo nadaam lagu maamulo hantida Qaranka, wuxuuna lacagaha soo gala Dowladda ku shubtaa shirkadda gaar ahaaneed ee Xawaaladda Dahab Shiil, ayadoo uu haawanayo Bankiga Dhexe oo si aad ah loo diyaariyey. Ma jiraan wax raad ah oo laga reebo lacagaha uu Shariif Xasan ku takri falo.
  2. Wuxuu ihaaneeyey Baalamaanka ka dib markuu iska indho tirey shruudihi lagu xirey bixinta qoondihi 3 bloodlaha ahaa (March, April iyo May 2009), shuruudahaas oo ahaa in aysan Wasaaradda Maaliyaddu fasixin lacag aan sababaha lagu bixinayo oo faah faahsan la soo hormarin oo aan baarlamaanka la hor keenin.
  3. Waxaa laga quustey in ay Wasaaradda Maaliyaddu sameyso oo baarlamaanka u soo gudbiso wax lagu tilmaami karo miisaaniyad si loo ogaado inta uu dakhliga yari ka dabooli karo baahida weyn ee Dalka ka jirta oo aan kala mudnaan yareyn, waxaana uu caadestey Shariif Xasan Sh. Aaden in uu mugdi dhexdiis dakhli iyo kharashba ku maamulo (non transparent finance management).
  4. Wuxuu Dalka Suudaan ka wadaa qorshe lagu sameynayo lacag shilin soomaali ah oo aysan jirin meel lagu oggolaadey soo saaris lacageed, taas oo wiiqi doonta dhaqaalaha Dalka ee haatanba aad u liita, maciishadda danyarta soomaaliyeedna meel ba,an geyn doonta.
  5. Waxaa jira heshiis lala galey Dalka Kenya oo ku saabsan in wixi Dalka Kenya looga soo dhoofinayo koonfurta Soomalia cashuurta looga qaado Dalka Kenya dhexdiisa, arrinkaas oo fulintiisa aan la marsiin nadaamka canshuur ururinta ee u degsan Soomaaliya. Wuxuu ku shaqaaleeyey Kenya dhexdeeda in ay lacagtaas u guraan dad uu ku xushey qaraabannimo iyo kuwa uu ku qabo kalsooni gaar ahaaneed.
  6. Waxaa Jagadooda waaya wasiir iyo shaqsi kasta oo khilaaf dhex maro ama ku tallaabsada wax aan raalli gelineyn Shariif Xasan, waxaana la xusi karaa Maxamed Cabdullaahi Oomaar, wasiirki Arrimaha Dibadda iyo Prof. Gaandi, Wasiirki Gaashaandhigga oo labaduba waayey wasaaradahoodi ka dib markey ka horyimaadeen arrimo uu Shariif Xasan si gaar ahaaneed u daneynayey.
  7. Wuxuu  sabab u noqdey in bixinti baasaboorka cusub carqalad ka bixi weyso ka dib markuu Shariif Xasan si mugdi ku jiro uga bixiyey lacagti ku jirtey xisaab lagu shubi jirey dakhliga ka yimaada bixinta Baasaboorrada, sidaas darteedna istaagto bixinti baasaaboorka, Soomaali badanna u dhibaatooto baasaboor la,aan.
  8. Wuxuu hadda maleegaayaa oo uu faraha kula jiraa barnaamij uu iskaga hor keenayo TFG iyo maamul goboleedka Puntland, sababtoo ah R/wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa heshiis ku saabsan halka saldhig looga dhigayo tababaridda ciidamada la dagaallanka Burcad badeedda la galey Dawlad Goboleedka Puntland, hase yeeshee, Shariif Xasan asagoo daba jooga dano gaar ahaaneed, wuxuu go’aansadey in mashruucaas loo wareejiyo Dalka Djibouti wuxuuna fulinta qorshahaas u adeegsaday Wasiirka Kaluumeysiga oon haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn arrimahaas.
  9. Si aan looga carqaladeyn qorshayaashiisa wejiyada badan oo uu ugu horreyo kan Djibouti loogu rarayo barnaamijka la dagaallanka burcad badeedka, wuxuu Shariif Xasan ku howllanyahay in laga dhigo waxba kama jiraan heshiiski ay Xukuumaddu la gashey Puntland, taas oo horseedi karta bur bur ku yimaada midnimada TFGda xilligan iyo kala fogaansho dhex mara TFG iyo gobollo muhim u ah midniada Qaranka. Waxayse su’aasho tahay dan iyo heello ma ka leeyahay Shariif Xasan midnimo qaran iyo dano guud toona.     

Arrimaha aan soo sheegney oo dhami waxay tusaale cad ka bixinayaan taariikhda wax dumineed iyo daneystennimo ee uu Shariif sakiin ku caan baxay iyo sida uu u duminaayey siyaasad kastoo uu ka dhex arki waayo danihiisa gaar ahaaneed iyo lacag urursigiisa aan xuduudka lahayn.

Waxaan, haddaba, uga digeynaa Madaxweyne Sheekh Shariif Shiikh Axmed in uu ka feejignaado hagardaamada uu wado Shariif Xasan Sh Aaden,  oo haddii uusan Madaxweynuhu wax ka qaban u keeni doonta sharaf dhac shakhsiyaddisa ah iyo bur bur ku yimaada Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay oo ah tii ugu taageerada weyneyd dhanka Beesha Caalmka laga soo bilaabo 1991.

Waxaan ka codsaneynaa dalalka deeq bixiyeyaasha ah, Dalalka Carabta iyo guud ahaan adduunweynaha in aan wax deeq ah loogu dhiibin shacbiga Soomaaliyeed Xukuumad uu Wasiir Maaliyadeed u yahay shaqsiga leh sifooyinka kor ku xusan. 

Waxaa soo tebiyey
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com

Waxaa isku soo dubaridey: Amiin Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Xildhibaano Fashiliyey dhawr arrimood oo uu sameeyey Wasiirka Maaliyada DFKMG "

  1. Gabaldoon says:

    Sheekh Shariif dadka la taliya ee ugu dhow dhow waa shariif xasan, qanyare iyo Ibbi. Waa laga yaabaa in shariifku yahay nin fiican lakiin dadka ku wareegsan ma fiicna. Nin walbana saaxiibadii baa laga eegaa. Shariif Xasan wuxuu khilaaf ka soo bilaabey Embagaati. Reer uu ku jiraa weligiiba nabad kuma negaan. Khilaafkaa waxaa ugu dambeyntii ka faa’iideystey cadawga Soomalida oo Xamar ku diley 16,000 oo qof. Shiikh shariif wuxuu isagaa dhigaa saxiib lilaahi ah. Laakiin Shariif Xasan waxa uu saaxiib la yahay jeebkiisa oo keliya.

  2. wax hubsasho hal baa lasiistaaa says:

    *malaga yaabaa in sheekadaba aysan saas ahayn,
    *malaga yaabaa in uusan waxba dhunsanba
    *malaga yaabaa in ay siyaasadiisa jecleyn xildhibaanada wax kaqoray/maxayse ilaa hada ula sugeen hadii ay waxka ogaayeeen
    *Malaga yaabaa in raga wax qoray ninka ku sahladeen qabiilka uu ka soo jeedo saasna ugu dhiiradeen ooba ay iska dabadhigteeen
    ALLAAHU ACLAM ALLAAAHU ACLAN
    WAXAY ILA TAHAY
    hadiiba uu intaas oo hoowl ah aad sheegeysaan qaban karo waa ninkarmeedee haloo duceeyo hana loo kaashado khayrka hana lala taliyo oo yaan ceebihiisa meesha lagu sheesheegin waa ULUL AMRIYEEE.

  3. M Abdullahi says:

    SC. Eid Mubarak.

    This is a very serious and eyebrow-raising allegation against the treasury minister of Somali transitional government, who is also deputy prime minister. brought against him bye six parliamentarians while some of them are treasury auditing committee members of the current mp’s . If this is true, the government must take an swift action and must demote this guy, the honesty Somali citizen that are free from tribal and personal interests including the esteemed Somali Talk website must set torch light on this greedy monster. The last but not the least he and Ali Gedi should be referred to the Somali Hawala Leaders to let them know that any money deposited by politicians for profit at the expense of the suffering poor Somalians. Will render their Hawala businesses s bound for imploding. I think that is our only option to put these guys financial abuses in check.

    Peace and prosperity for All.

    M. Abdullahi.

  4. garyaqaan says:

    a/s
    bacda salaan
    qofku markuusan rabi ka baqeyn wax la xisaab tamana uusan haysan dee wixii sheydaan tusaba wuu sameyn.
    mida kale nimankaan war saxafadedka so saaray ayaga yaa la xisaabtama waxa ay sheegayaan inay run tahay yaa xaqiiqdee da haya.dhulkii/hantiidi umada soomaaliyeed maalin inbaa la cunayaa dhul iyo berriba waa la boobay.dhalinyarada wadanimadu ku jirto ayuu sugayaa dhulko. odayashaan ilahayna ka baqi waayey,waqtigeeniina ku tumanaya miyaan daawanaa. waa mayaa.
    ilaahay xaqa na tus. meel aan wax ka bilowno ma garanayno ilaahay noo hiile, adaa gargarbadana ah.

  5. Ali Farah says:

    Salaan ka dib ,
    waxaa jira Xigamd oraynaysa “Qofka tolyar” in loo ogolaado xaqiisa ee aan marnaba lagu tijaabin Awood sare oo la rabo in lagu garo Qaranimo ay weli ka dhexmuuqdaan “Tol waynihii” uu cuqdada ka qabay Tolyarahu.
    Si kastaba ha ahaatee “Mr.Xasan Aden” waan ka qawaday , waxaan ka door biday Prof.Dalxa !

  6. runtii somaaliya waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo raba in faraha lagu taago ama wax laga qabto runtii waxaan layaabay shariif xasan ayaa hantidii qaran siduu rabo ka yeelaayo waxaan is weydiinay asaga mala su.aalay shariif xasanoow hantidaan waa tii qaranka ma liyiri aniga ma is lihi shariif xasan ayaa hantidii qaranka ku ciyaaraya laakiin mid ayaan aad ula yaabay waxay tahay doowlada markay hal talaabo horay u qaado labo ayay gadaal u qaada ma la is weediiyay hal nin ayaa dowlada dib u celin kara waa maya waxay dheheen golobal ilaa aadan cade ayay ku egtahay dowlada marka ma waxaa la dhihi karaa hadii shariif xasan la qabto doowlada ilaa hurwaa iyo dayniile ayay soo gaareysaa waa la yaab runtii aniga waxaan arkaa dad dowlada ku jira ha ahaadeen isbaheesigii tfgdii hore hadii la sheegana shariifka i qarso ayuu noqonayaa waa hadii eedeynta run tahay aadan cade iyo golobal waxaa sababay inay joogto doowlada tii hore cabdulaahi yuusuf ayaa booskaa yarka ku wareejisay soomaliya waxaan ogsoonahay in la isku dilaayo xabad rootiga shariif xasan waa macquul laakiin asaga ayaan jawaab ka sugaynaa

  7. a.a. says:

    sharif xassan waa nin iska caadi sida aan u arko,midda kale waxaa is waydiin leh hanti dawlad lahayd miyaa jirtay,sow tii baabe,eenwax walba, ruux kasta ee ku jira dawladda wuxuu rabaa mucaawinada loo soo diray masaakiinta in uu cuno, taasi weeye waxa ay maanta isu dilaayaan soomaalida wa billaahi tawfiiq.

  8. abdo says:

    salaanta islaamka kadeib.
    ciid mubarak.
    walaalayaloow waxaan idin waydiiyay horta ma xuma in wixii xun la iska qabtee imisaa nin xun ku jirta doowlada haatan tagan miyaanse la arkin boqolaalka sida cad wax u dila dhaca waxna is daba mariya, shariif xasan waa nin ragnimadiisa ku soo galay doowlada wax nidaam ah iyo wax kala danbayn ah kama jirto somalaiya mana ka jiri doonto qarniyada soo socda aniga somalia yaan ahay waan jeclahay in wadankaygu nabad noqdo walahay waxan ka naxaa maatada siiba dumarka caruurta iyo wayeelka kuwasoo uu dhibka ugu wayni soo gaaro, hadaba shakhsiyaad wata maslaxad gaar ah ama ayagu u ololaynaya dano gaar ah oo ay leeyihiin walaahy wax ka soconaya ma jiraan danbiilayaal badan ayaa jira somaliya waliba ka sii daran shariif xasan su,ashu waxay tahay maxa loo shegi la yahay kuwaas?
    hadal iyo dhamantiis hadad ledihiin wuxuu ka yimi qabiil yar walahay aniga ismaba lahayn asharaaf intaas tiro le,eg aya jirta laakiin safaro badan oo aan maray kas oo biloow konfurta somaliya waqooyiga ilaa ithiopia ilaa kenya ashraafta dagan ee an arkay waa dad fiican oo tira badan geesiyiina ah marka ha is oranina tol malaha anigaaba aqaana kuwo badan oo ka gangistarsan shariif xasan ee waydan arkin mooyee ama degaano ay kaligood dagan oo ay u badan yihin ayaa jirin laakiin waa buuxaan waana rag wax iska dhiciya ee miskiinkaas ha idinka xamashe iska daya somaliyoo dhan ayaa la bililiqaysanaya dhul ilaa bad!!!! aan ahayn dadka wada tilamaa gar ilahay bay taqanaye!!

  9. Zahra says:

    Aad baan uga xumahay in qof ilaah dartii u dhaartey uu falkan oo kale ku kaco. Hade soomaali waxba uma harin hadii wasiirkii maaliyada uu waxan sameeynayo, wax cusubna ma aha oo waan fileynay inay tani soo socoto, waxaase ka daran dadka aamusan oo aan ka dhiidhin falkan waxaan ula jeedaa wasiirada kale iyo xildhibaanada aamusan. Ogaada kuwa aanan hadlin wey la cuneen hantida la dhacey. Waxaan halkan uga hanbalyeynayaa xildhibaanadan ka dhiidhiidiyey oo shir jiraa;idka qabtey. Waxaan rajeynayaa in eedeytan uu madaxweynuhu dhayelsan oo uu baaro ama kontroll xoog leh ku sameeyo maaliyada iyo wasiirkeeda. Sidaa ayaa aduunka la sameeyaa.

  10. Ahmed says:

    Ninkan Sharif xasan ah shekadisa waaba cajiibe tolow run haddi ay tahay sheekadan laga qoray ma ogsoon yahay in hanti shacab 1 shlin haddi ay tahay lagu naar tago oo nin musliminta ka mid ahaa dagaalki kheybara oo dhintay Rasulka Csw uu yiri waa ahlu Naar haddi la baarayna laga helay maro yar uu sii Qarsaday Ganiimadi laga helay Yahuuda ,,,, haddi ay been tahayna Qoladan xildhibanada lagu sheegay ma ogsoon yahiin buhtaanka ama ka been abuuradka qofka muslimka kula sheeganayo ay xaaraam tahay laguna naar tago Axaadisna kusoo aroortay ,,,, koley Qoladi saxan rabi ku cilmi leh waxase somalia ugu rajeynayaa shacab diin iyo nidaam rabi raali ka yahay lagu xukumo taas addun iyo aaqiro wanaag inogu jiraye Ascwrwb Ciid Wanagsan islaamkow Gar ahan somali weyn