Home » Warar »

Ciidul Fidriga Sanadkan oo looga dhawaaqay Shanta Qaaradood ee Aduunka, SomaliTalk waxay ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyanaysaa munaasabada Ciidul Fidriga, Ciid Wanaagsan

Ciid wanaagsan – Ciid Mubaarak, Maamulka iyo wariyaasha Somalitalk ayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed meelay joogaanba iyo dhammaan Muslimiinta ugu hambalyeynaya Munaasabada Ciidul Fidriga ee Sanadka 1430H. Bahda Somalitalk waxay u rajaynaysaa dhamaan Muslimiinta iyo Soomaalidaba in ilaahay Ramadaanka kiise kale Cibaado ku gaarsiiyo, Soomaaliyana Mustaqbalkeeda ilaahay hagaajiyo.

Bilasha Ciidul Fidriga oo looga dhawaaqay inay Bari oo Axada ciidtahay Shanta Qaaradood ee Aduunka
Waxaa laga arkay meelo badan oo Soomaaliya kamid ah, Sida Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo sadex dhalin yaro ah arkeen, Waxaa iyana laga arkay Tuulada Wardheer ee ka mid ah Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag oo Macalin Dugsi arkay, Sidoo kale waxaa laga arkay Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar oo nin iyo Gabar arkeen. Sidoo kale Waxaa laga arkay Hargaysa oo kamid ah Gobolada Waqooyi Galbeed. Maamulada Puntland iyo Somaliland waxay shaaciyeen inay Bari Ciid tahay.

Sidoo kale waxaa shaaciyey inay Bari Ciid tahay Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika. Somalitalk oo la xiriirtay Gudoomiyaha Golaha Sh. Abdiraxman Sh. Cumar oo sheegay inay Bari oo Axad ah ay bisha Shawaal kow tahay ayna tahay Ciidul Fidri. Shiikha ayaa ugu Hambalyeey Munaasaba Ciida dhamaan muslimiinta gaarahaana Soomaalida, uguna duceeyey in ilaahay xaalada ay ku jiraan mid ka wanaagsan ugu badalo.

Sidoo kale Somalitalk oo la xiriirtay Xarunta ugu Wayn ee Soomaalida ee Waqooyiga Ameerika Abubakar As-Saddique Islamic Centre ayaa iyana sheegay inay Bari oo axada ay tahay Ciid laguna tukan doono Minneapolis Convention Centre, Abuubakar ayaa sheegay in Takbiirta ay bilaabanayso 7:00am Salaadana waxaa loo istaagi doonaa 8:45am subaxnimo ee Xiliga Minneapolis.

Sidookale meelaha kale ee Caalamka ee Bari Ciidaya waxaa kamid ah:

Sacuudiga, Masar, Qadar, Urdun, Imaaraatka, Falastiin, Kuwayt, Baxrayn, Lubnaan, Yaman, Suuriyaa, Suudaan waxay ku dhawaaqeen sugnaanshaha Bisha Shawaal ee Barakaysan ee sanadka 1430H
Sidoo kale waxaa iclaamiyey Turkiya, iyo qayb kamid ah Muslimiinta laga tirada badanyahay ee isu taga Yurub iyo Golaha imamaamyada ee Gobolka Fiktooriya ee Ustaraariya, Malaysiya, Singaboor, Jarmalka, Kuuriyada Koonfurideed in Ciida fidriga ee Barakaysan ay ku aadan tahay Maalinka Bari ee Axada oo ku beegan September 20, 2009.

Ciid wanaagsan Ciidmubaarak

Ehalkaaga iyo Asxaabtaada ma u direysaa Hambalyada Ciida Ramadaan, Soobooqo boggaga hoos kuqoran:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ciidul Fidriga Sanadkan oo looga dhawaaqay Shanta Qaaradood ee Aduunka, SomaliTalk waxay ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyanaysaa munaasabada Ciidul Fidriga, Ciid Wanaagsan "

  1. asc ciid mubarak dhamaan umada muslimintaa meel walba ee joogan ciid mubarak kulucaam awantum bilkhr ciidaan ciidedan kale bilwaqo iyo bash bash barwaaqo musliminta mel walbo ee joogto dhibka ilaah hagaqaado soomali quluubteedana ilaah haisku dugowadanbkeenana ilaah nabad hagadhigo

  2. Maxamed Soomaali says:

    CIID WANAAGSAN

    dhamaan umada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaan ilaahay ka baryaya in Soomaalida walaalaha ah ee dagaalamaysa in nabad ku ciidaan dagaalkana iska daayaan aamiin.