Home » Warar »

Ra’iisal wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday ururka NSUM

Ra’iisal wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiidi Cali sharmarke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday ururka North Somali Unionist Movement (NSUM), kuwaasoo kala ahaa, guddoomiye ku-xigeenka ururka Dr. C/llaahi Xasan Maxamud, afhayeenka Qaarada Yurub Xasan Axmed Ciise iyo wakiilka ururkan ee Qaaradda Australia Maxamed Xasan Buraale.

Xubnahan oo booqasho ku yimid caasimadda 13-kii bishan September ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sh. Axmed, wasiiro ka tirsan xukuumada, xildhibaano, ururada bulshada rayidka, haweenka iyo waxgaradka Muqdisho, iyagoo diiradana isla saaray xoojinta Midnimada dalka iyo Nabadda.

Afhayeenka Qaaradda Yurub ee ururkan NSUM Xasan Axmed Ciise ayaa iiga waramay kulanka maanta iyo ujeedadiisa.

“Anagu horta waxaan Muqdisho nimid 13/09/2009, waxaana la kulanay Madaxweyne Sheekh Shariif, guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe, saakana waxaan la kulanay R/wasaaraha mudane Cumar C/rashiid, waxaana dhalasho ahaan ka soo jeednaa gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn” ayuu yiri afhayeenka oo xusay in kulankooda ay diirada ku saareen xoojinta Midnimada, nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta dalka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in R/wasaare Sharmaake iyo madaxda dowladda ay uga warameen xaaladda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu tilmaamay inay ka jiraan abaaro xoogan.

kulanka7

“R/wasaaraha waxaan u sheegnay inay abaaro xoogani ka jiraan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn loona baahanyahay in dowladda Federaalku ay kaalmo Bani’aadaminimo uga dalabto beesha caalamka si loo gaarsiiyo waxa ay u baahan yihiin” ayuu yiri afhayeenku.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri.

“R/wasaaruhu wuxuu naga codsaday in ururkeenu uu kala shaqeeyo dhanka Dib-u-heshiisiinta iyo sidii loo xoojin lahaa Midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana ka balan qaadnay inaan la shaqeyn doono dowladda, dhankeenana waxaan kula talinay inay Dowladdu ay xooga saarto dhanka Dib-u-heshiisiinta.

Xubnahan ayaa intii ay magaalda joogeen waxay kulamo kala duwan la qaateen Wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirka Macdanta iyo biyaha Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Jaaliyaddaha Abdullahi Axmed C/dulle Azhari, Wasiirka Dib-u-heshiisiinta C/rashiid Deerow, Wasiirka Bey’ada Burci Maxamed Xamza, Wasiirka Dastuurka iyo A/federaalka Madobe Nunow Maxamed iyagoo dhamaana kala hadlay xoojinta Midnimada iyo Dib-u-heshiisinta Soomaaliyeed.

Maxamed Xuseen Ugaas
Ugaasyare114@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ra’iisal wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday ururka NSUM "

  1. Buluqbash Jeberti BIN Caqiil says:

    ninkii daryaala tu kale ku daraa. Soomaaliya dowalad ka ma jirto sida mudda soomaaliyeed ay ogtahay wixii lagu soo dhobdhobay Jabuuti oo ah cadowga soomaaliyeed way socon waysay ee mujahideenta Eebe ayaa fara kulul ku haya oo waxaan rajeynayaa in dariishada laga tuuro . marka ururka NSUM waxaa u wanagsaneed in ay tagaan magalada kismayo ayna la shiraan madaxda mujahideenta al shabaab ayaga kaalmo siin lahaa. intay ku ag wareegayaan qolo aan awood lahayn

  2. Rashid Mohamud says:

    Waa arin wacan kulankani, danna u ah insha Allaahu ummadda Soomaaliyeed.

  3. asalaamu calaykum walaalayaal… ramadaan kariim, waa guul ay gaadheen ururkani maadaama ay madaxdii dalka qaabileen una xaqiijiyeen xaaladda ay kujirto dadkoodii ay masuulka ka ahaayeen,NSUM waa urur midnimada somaliya ilaalinaya ayna samaysteen dadka soo jeeda ssc(sool,sanaag iyo cayn) shakhsi kasta oo soomaaliyeed waxaa haboon in uu taageero,maxaa yeelay waxay udarban yihiin xoojinta somalida waxayna kasoo horjeedaan kala goynta ummadda walaalaha ah. xukuumadda ina sharmaarke waa in ay latimaadaa qorshe ay kutaageerayso dadyowga udhashay sool,sanaag iyo cayn ee ilaa in kabadan 20sano udagaalamayey sharafta soomaalida ilaa haddana udagaalamaya guryahoodiina uga qaxay diidmada ay diidayaan maamul kala goynaya dadyowga sooomaaliyeed,. madaxweyne shariif iyo dowladdiisu waa in ay cadeeyaan mawqifkooda dhabta ah ee kuwajahan magaalada laascaanood ee ay haystaan somaliland iyo dhibaatada ay kuhayaan shacabka udhashay halkaa(ssc),.. waxaan kusoo gabagabaynayaa,fariin aan udirayo NSUM,oo ah in labalaabaan dadaalkooda dhabta ah ee kuwajahan waxkaqabashada xaaladaha kataagan deegaanada ay kasoo jeedaan ee lahaysto,. fadlan iska ilaaliya kali daaqnimada iyo nin jeclaysiga,ha idiin sinnaadeen dhamaan dadka aad matashaan . kana dhabeeya ujeedadiina allena ha inaga dhigo kuwo ku guulaysta,, tabilaahi tawfiiq..

    c/raxmaan ismaaciil maxamuud
    mobile:0025224036594
    hargaysa somaliya