Home » AmiinYuusuf »

Baarlamaanka Soomaaliya: Dantii Yaqaan | Amiin Yuusuf

Baarlamaanka Soomaaliya:
Dantii Yaqaan

Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu kooban yahay 550 xubnood, marka la fiiriyana waa tiro aad u badan, waayo dadka Soomaaliyeed ma xamili karaan tirada intaa la eg, waayo Dowlado ka hanti badan ayaa Baarlamaankoodu intaa ka yar yahay, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliyana loo qaybsaday qaab ku dhisan 4.5, iyadoo dhamaantoodna xubnaha Baarlamaanka ay degan yihiin Hoteelada ugu qaalisan Magaalada Muqdisho, sidoo kalana waxay wataan Gawaarida Raaxadda kuwoodii ugu dambeeyey iyagoo mar kasta ka boor kiciya wadada keliya ee Dowladdu maamusho ee Makka Al-Mukarama waxayna u dhexeeyaan xarunta Madaxtoonyada iyo Hoteeladda ay degan yihiin, waxaana ku baxa mar kasta xubnahaasi qarash aad u fara badan.

Markaad booqato xarunta Madaxtoonyada Xildhibaan kasta waxa uu wataa Warqad uu kaga dalbanayo Dowladda in la siiyo Lacago si uu ugu maareeyo arrimihiisa Qaaska ah, tusaale waxaan u soo qaadan karnaa, Xildhibaan ayaa sheeganaya dhibaato qoyskiisa ka haysata waxa uuna codsanayaa in la siiyo kumanaan kun oo Doolar, mid kale ayaa leh “Dhaawac ayaa i soo gaaray waxaa jirkeyga ku jira hub firirkiis, marka waxaan doonayaa in la ii qaado isbitaal dibadeed” mid kale ayaa leh “Aniga dhowr bilood mushaar layma siin, waa in mushaarkeyga la i siiyaa”, kaba sii daran xildhibaan kale ayaa isna leh “Waxaan u baahanay shaqaale laygu daro xafiisyada Dowladda”, mid kale ayaa isna waraaq la haadaya  lana soo boodaya “Dhowr jeer oo madaxda dowladdu safaro dibadda ku aaday, aniga waa layga reebay marka waa in markaan laygu daraa liiska, waayo weligay ma aanan bixin oo ma raacin madaxda Dowladda, isagoo welibana ku sii doodaya waa in Safaradda Dowladda loo qaybsadaa 4.5”, kuwo kale waxay wataan dacwo la xiriirta Wasiirada Dowladda waxaana hadaladooda ka mid ah “Wasiir ehebel waxa uu ku takrifalay deeqihii waxbarasho, waxa uuna ku xaabiyey qoyskiisa, iyagoo markaa ay muuqato inay ka xun yihiin sida loo hareer mariyey deeqdii la helay oo ay doonayeen in ay dhankooda ka helaan”, Xildhibaanada qaar ayaa ku dacwadoodu sidaan u dhigan tahay “Raali kama nihin in Booska Xildhibaankii geeryooday uu iskii u buuxiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, marka waxaana ka codsaneynaa Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha in ay arrintaasi wax ka qabtaan, haddii kale beesheena kalsoonida ayay kala laabaneysaa dowladda”, waxaa intaa sii dheer in Xildhibaanada qaar ayaa Madaxtooyada kormeer ugu tagaan haddii mushaar la bixinayo iyo haddii kale, waxayna labadii kastee xildhibaan waxa ugu horeeya oo ay isweydiiyaan ay tahay (UNDP bishan miyeysan soo dhiibeen mushaarkeenii, waxaan u maleynayaa in ay saddex bilood nala gaarsiin doono”, waxaa ka sii yaab badan in mararka la arko Xildhibaan ku dacwoonaya “Ciidamadii tababarka loo qaaday dhawaan laguma qaybsan 4.5”, kuwo kale ayaa wata waraaqo ay ku qoran yihiin in lacago fara badan looga yeeshay Hoteeladii ay deganaayeen, sidaas darteed ay Dowladdu si dhaqsi leh uga bixiso lacagahaasi, haddii kale waqti aan sidaasi u dheereyn Milkiilaha Hoteelku ku hanjabay in shandadahooda banaanka la soo dhigi doono, Xildhibaanada qaar ayaa ku dacwooda “Waxaana dooneynaa in nalaka bixiyo tikidh-ka Diyaaradda, iyadoo qaarkood ku marmarsiyoona arrimo caafimaad iyo arrimo qoys”
.
Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa buux dhaafiyey codsiyada ay wataan Xildhibaanada Baarlamanka oo intooda badan ku saleysan arrimo dano gaar ahaaneed iyadoo la iska ilaabay middii guud, wax war ahna laga heynin shacabka tabaaleysan ee diifta iyo darxumadu ku haysato duleedka Muqdisho iyo gobolada Dalka ilaa iyo haddana ma jirto hal Xildhibaan oo tabarucaad la uruurinayo hal doolar ku darsaday, wuxuuna Xildhibaan kasta u xusul-duubayaa sidii uu u labacanleyn lahaa Shaqaalaha soo galey Dowladda , waxayna hadda ka sii fekerayaan sidii ay booska u sii xajisan lahaayeen iyagoo ku sheekeysta “Dowladda soo socota Baarlamaanka miyaa la kala dirayaa mise sidaan ayuu ahaan doonaa”.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya: Dantii Yaqaan | Amiin Yuusuf "

  1. Siidow says:

    Amiin ..sxb add ayaan uga helay war bixintaada ay ku dheehan tahay dareenka insaanimo iyo wadaninimo.Xildhibanada kuwa ka yimid qurbaha ee aan anigu aqaan waa rag aan weligood shaqo u kalihin oo ma shaqaystayaal ah , qaar ka mid ah waxay shaqadoodu ahayd inay kaalmo weydiistaan dowladaha ay ku hoos nool yihiin iyagoo ku andacoonaya dad soomaliyeed oo dhibaataysan baan wax u qabanaa . Wixii ay helaan iyagaa qaadan jiray..maraka sxb waa iyagii 550 noqday waa ismadhaanto iyo dhashaad

  2. waxaan leeyahay Amiin waa qoraa soomaaliyeed ,waa suxufi wax dareemaya, waxuu mudan yahay amaan iyo abaal marin ,waxaan leeyahay Allaha dhowro, kuwaasi ma ahan Xildhibaan ee waa Xilmadhibaan wa matarayaal ah

  3. rashid says:

    waxaan aad uladhacay fariinta saaxiibkeen Amiin
    laakiin waxaan la yaabaa soomalida wali daacadnimo raadineysa
    somali waxay ku heshiisay in la isdhaco
    la isdilo nin waloo naftaada

  4. Sadik says:

    Cajiib! Aryaa ninkan Amiin Khasaro ma aha ee waa Amiin Faaido. Horaa loo yiri laba la hayaa midi waa hunguri. Qaacidaadaas ayay qaateen. Waxaa yaab leh, yaa xil-dhabeen noqon kara kaliya? Waxaa noqon karaya inta dad ugu liidata, ma shaqaystahay ah, danayste ah, damiir laawe ah, dal iyo dad aanan aqoon. Tixraac dhamaantood CVyadooda, waxaa kuu soo baxaysa inay haduu gar la baxayna ahaa garka la yiraa garkan ha ka baqin, haduuu aqoon lahaana meel kasta ay soo tuftay.

    Ilaah baa soomali u maqan ee XIL-DHABEEN uma maqna.

    Sadik

  5. maxamed says:

    waxay ila tahay saxiibkeyga qaaliga ah amiin yuusuf, sida faah faahsan ee uu u cabriay sida saxda ah ee ay xildhibaanadu tahay xaaladooda.
    midna ku dar oo qaar kamid ah ayaa weli wareega dibadaha oo u tuugsi tagay halkaa si haddii ay u suurta gasho in uu magaca xildhibaanimada uu wax ku soo goosto.
    waxaa sidoo kale kuwoo aan ilaa hadeer fahansaneen waajibka loo igmaday ee ka saaran xaaladaha haatan uu marayo dalkan eey u tashteen kuwoo magac islaam ku jaha wareeiyry dadka iyo kuwan hoteela jiifka ah.

    ugu danbeyn aad ayan ugu mahadcelinayaa web ka Somali talk, sida ay ugu taaganyihiin difaaca dalka soomaaliya gaar aaan Badda somaaliya .