Home » Badda, Warar »

Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay

Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay!

  • Warbixin, Faallo iyo Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 16, 2009

Website-ka Guddiga Qarammada Midoobay u qaabilsan Xadaynta Badaha ayaa lagu daabacay warqad ku taariikhaysan August 19, 2009. Warqaddaas waxaa ku cad in ay ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, isla markaasna loo saxiixay (for) Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Inkasta oo magaciisa lagu qoray haddana saxiixa isagu ma leh.

Waa warqad si qeexan u muujinaysa in DFKMG ay si bareer ah u doonayso in ay dhul-badeedka Soomaaliyeed si toos ah muran u geliso, si markaas loogu sharciyeeyo Kenya akhbaartii ay u gudbisatey Qarammada Midoobay ee sida aan gabashada lahayn u cabiratay 116,000km2 oo ah dhul-badeedka Soomaaliyeed.

“Waxaa ah arrin aad looga yaxyaxo, looga xishoodo, isla markaana laga argagaxo, in qof sheeganaya mas’uul Soomaaliyeed uu qoro warqad noocan oo kale ah. Waana arrin aad looga xumaado.” Sidaas waxaa yiri aqoon yahan Soomaaliyeed oo akhriyey warqadda loo saxiixay Cumar C/rashiid..

Inta aynaan u gudbin tarjumaada warqaddaas, waxaan  is-dul taagi doonaa macnaha ay xambaarsan yihiin dhawr qodob/xeer oo lagu xusay warqadda, sida:

Annex I, article 5(a): ee Nidaamka Guddiga QM waxa uu dhigayaa “Haddii ay jiraan dhul ama bad lagu muransan yahay, Guddiga (QM) ma tixgelin doono ama ma ansixin doono akhbaarta uu  soo gudbiyey dal ka mid ah kuwa uu ka dhexeeyo murankaasi. Laakiin Guddigu waxa uu tixgelin siinayaa akhbaarta uu soo gudbiyo dal ama ka badan ee ku saabsan aagga lagu muransan yahay haddii uu jiro ogolaansho hore oo ay bixiyeen dhammaan dalalka uu muranku ka dhexeeyo.” Taas macnaheedu waxaa weeye haddii muran jiro waa in marka akhbaarta la gudbinayo lala socodsiiyo QM, haddii dalalkii murankaasi ka dhexeeye ay isla ogol yihiin muranka markaas Guddiga Xadaynta Badaha ee QM waxa uu ka gaari karaa go’aan. Arrintaas ayaa si qeexan loogu cadaynayaa warqadda hoose ee loo saxiixay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. (Tixraac halkan).

Annex II, article 9: ee UNCLOS waxa uu dhigayaa: Ficilka Guddiga (Qarammada Midoobay ee Xadaynta badaha) caqabad kuma noqon karo arrimaha la xiriira xuduudda u dhaxaysa labada dal ee deriska ka ah xagga badda. (Tixraac halkan).

Annex II, article 4: ee UNCLOS waxa uu dhigayaa: Dalka xeebta leh oo doonaya in ay kordhistaan cabirka qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waa in ay muddo 10 sano gudahood markii xeerku dhaqan galay, in ay Guddiga (QM) u gudbistaan akhbaarta la xiriirta xadka baddooda oo ay la socdaa farsamo cilmiyeed iyo saynis garab siinaya cabbirkaas. Waa in dalka xeerbta leh ay sheegaan magacyada xubnaha ka tirsan Guddiga (QM) ee dalkaas ka taageeray xagga farsamada ama siiyey talo.

omar abdirashid sharmarke

Sida aad ku arki kartid warqadda ay daabaceen Qarammada Midoobay, waxaa ku qoran in loo saxiixay Ra’iisul wasaaraha DFKMG, laakiin magaca qofka saxiixay kuma qorna.

Waxaa aad u cajaa’ib badan in qoraalka warqaddu uu ku soo celcelinayo HESHIISKII IS-FAHAMKA (MOU) ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya, laakiin aan hal meelna lagu xusin in Baarlamaanka DFKMG uu heshiiskaas ka dhigay WAXBA KAMA JIRAAN.

Waxaa xusid mudan, sida laga helay ilo wargal ah, in xeerkii ay Baarlamaanku ku diideen heshiiskaas in loo gudbiyey madaxweynaha DFKMG, sidaasna uu xeerkaasi ku noqonayo qaanuun dawladeed. Waxaa baarlamaanku heshiiskaas diidey August 1, 2009. Taas oo jirta ayaa waxaa muuqata (maadaama warqaddani ku taariikhaysan tahay August 19, 2009) in xukuumaddu ay garab martay Baarlamaanka oo halkii ay gudbin lahayd go’aankii baarlamaanka ay ka gudbisay qoraal aan la aqoon cidda saxiixday oo aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Warqaddaas marka la dhuuxo qaabka ay u qoran tahay iyo sida loo kala hormarinayo erayada iyo dalalka, iyo sida loogu celcelinayo in uu muran baddeed ku jiro dhulka Soomaaliyeed, waxaa laga dheehan karaa in uusan qorin qof Soomaali ah ama dan u haya dalka  iyo dadka  uu matalo.


(1) saxiixa lagu yaqaan Cumar C/rashiid. (2) Saxiixa ku  qoran warqadda August 19, 2009.

Tarjumadii SomaliTalk.com ee warqadda hoos ka akhri:

Xukuumadda Federaaliga KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya..
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

______________________________
XRW/00506/08/09  August 19, 2009

Mudane Ban Ki Moon
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay
New York, USA

Mudane,

Ayadoo la tixraacayo xiriirkaagii ku taariikhaysnaa May 11, 2009 (La socodsiintii ku astaysnaayd CLCS.35.2009 LOS ee Qalfoofka Qaaradda) ee ku saabsanayd akhbaartii ay Kenya u gudbisay Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda (ee Qarammada Midoobay QM), iyo ayadoo la waafaqayo xeerka Lifaaqa ee Annex I, farqaddiisa 5(a) ee Xeerarka iyo Qaanuunka Guddiga (QM), waxaa sharaf ii ah, anigoo ku hadlaya Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, in aan soo gudbiyo aragtiyadan:

Xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya waa mid aan la xallin. Waxay u muuqataa in Kenya ay sheegatay aag ka bilaabanaya loolka barta uu xadku kala kulmo badda, halkii ay ahaan lahayn (in la raaco) sida uu dhigayo xeerka baddaha adduunka oo markaas la jeexo xarriiq isku in u jirta (xadka labadda dal) si loo sameeyo cabbirka qalfoofka qaaradda ee u dhaxaeeya labadda dal ee deriska ka ah xagga badda. Soomaaliya waxay ku salaysay aragtida dambe (in la jeexo xarriiq isku in u jirta iyo xadka labadda dal si toosa looga dhaqaaqayo).

Arrintan xadaynta ee aan la xallin waa in loo tixgeliyo in ay tahay “muran baddeed” ayadoo laga tilmaan qaadanayo xeerka Annex I, farqaddiisa 5(a) ee Xeerka Nidaamka Guddiga (Xadaynta Badaha ee QM). Kenya iyo Soomaaliya waxay sheegteen aag (dhul-badeed) is-dul-saaran, aaggaas oo ujeeddo taas la mid ah ku noqonaya “aagga lagu muransan yahay.” Sidaas daraadeed, ficil kasta oo ay qaadaan Guddiga (QM), ayadoo la raacayo UNCLOS, xeerka Annex II, qodobkiisa Article 9, waa in uusan caqabad ku ahaan arrimaha la xiriira xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.

April 7, 2009 ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya iyo Wasiirka Qoshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo labadaba ay dawladahoodu u xil saareen, waxay Nairobi ku saxiixeen “Heshiis Is-Afgarad (Memorandum of Understanding MOU) oo dhex maray Jamhuuriyadda Kenya iyo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, is-afgaradkaas oo dal kasta u ogolaanayey in uusan diidmo ka keeni karin (NO-OBJECTION) akhbaarta ku saabsan Qalfoofka Qaaradda in ka durugsan 200 oo mayl badeed ee ay u gudbisanayaan Guddiga Qarammada Midoobay ee Xadaynta Qalfoofka Qaaradda”. Nuqul ama koobi ka mid ah Isfahamkaas ay saxiixeen labada Wasiir waxaa lagu lifaaqay akhbaartii hordhaca ahayd ee muujinaysa in ka durugsan 200 mayl badeed oo ah  qalfoofka qaaradda oo ay gudbisay Soomaaliya, ayadoo lagu salaynayo go’aankii  ka soo baxay Kulankii siddeed-iyo-tobnaad ee dalalka  xubnaha ka ah UNCLOS ee ku qoran dukumiintiga SPLOS/183.

Heshiiskaas Isfahamka (MOU) ee la xusay ee dhexmaray Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ku cad in waqtigii ku haboon uu dal kasta si goonidiisa ah uu akhbaarta (cabbirka baddiisa) ugu gudbisanayo Guddiga (QM), taas oo ay ku jiri karto aagga lagu muransan yahay, ayadoo aan wax tixgelin ah la siinayn xadayn baddeeda labada dal. Sida ku cad Heshiiska Isfahamka labada dal waxay hore ogolaansho ugu bixiyeen in Guddiga (xayanta ee QM) ay go’aan ka gaari karaan akhbaartaas ay gudbisteen ee aagga lagu muransan yahay. Waxaa taas dheer in ay shardi tahay in akhbaartaas loo gudbiyey Guddiga (QM) iyo kaddib soojeedinta ay ansixiyaan Guddigu waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay labada dal ka taagan yihiin marka laga hadlayo muran badeedka u dhexeeya ayaga, waa in aysan caqabad ku ahaan xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha baddaha ee aagga lagu muransan yahay, oo ay ku jiraan xadaynta qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 oo mayl baddeed.

Sida ku cad Heshiiskii Isfahamka (MOU) xuduudaha badda ee aagga lagu muransan yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda in ka durugsan 200 mayl baddeed, waxaa ka heshiin doona labada dal ee xeebta leh, ayadoo lagu salaynayo Sharciga Caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan baaritaankooda ay si kala gooni ah ugu eegayaan akhbaarta ay gudbiyeen labada dal ee xeebta leh, isla markaasna Guddiga (QM) uu labada dal u soo jeediyo talooyinkiisa ku aadan sidii ay qaabkii ay (dalalkaasi) u samayn lahaayeen xadaynta ku saabsan qalfoofka qaaradda (badda) wixii ka durugsan 200 mayl badeed.

Ayadoo fahamsan arrimaha sare ayay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay marlabaad ku celinaysaa ogolaanshaheedii in Guddiga (QM) ay Kenya u qiimeeyaan (examination) akhbaartii ay u gudbisatay ee la xiriirta aagga lagu muransan yahay ee u dhaxaysa labada dal,  ayadoo la raacayo xeerka 5(a) ee Nidaamka Xeerka Guddiga (QM). Ficilka ay qaataan Guddigu ee la xiriirta akhbaartii ay gudbisay Kenya waa in aysan caqabad ku ahaan akhbaarta ay mustqabalka gudbisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayadoo la raacayo xeerka Annex II, qodobkiisa Article 4 ee UNCLOS, oo khaas ku ah qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed oo ay la socdaan xog farsamo iyo saynis oo arrintaas gacan siinaysa, oo uu ku jiri karo aagga lagu mursan yahay, iyo tixgelinta uu Guddiga (QM) siin doono mustaqbalka akhbaartaas ay gudbin doonto Soomaaliya.

Waxaa sharaf ii ah  in aan ku weydiisto in warqaddan loo gudbiyo Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda, isla markaana in la daabaco, oo weliba lagu daabaco website-ka Guddiga (xadaynta badaha ee QM).

Fadlan iga aqbal, mudane, tixgelintii ugu saraysay.

(for) loo saxiixay

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Ra’iisul Wasaaraha

Soomaalidu waxay ku maah maah daa “Bari Cune Soo bixi doone” Waa ilaahay mahadii haddii sharixidii iyo bayaamintii Somalitalk, Go’aankii Baarlamaanka iyo qayladii dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay difaacidda badda ay hadda u cadahay indha-sarcaadkii Dowladda FKMG ay shacabka ku majara habaabinaysay, ayna cadaatay inay doonayso si aan gabasho lahayn in badda Soomaaliyeed loogu wareejiyo Qarniga 21-aad Dowlada Kenya.

Qoraalkan kore uma baahna sharaxaad badan, waxaanse is dul taagi doonaa dhowr arrimood oo muhiim ay tahay inay fahmaan ummadda iyo Masuuliyiinta Soomaaliyeed.

1- Marka la eego qaabka hadalku u socdo, sida uu isugu xiranyahay iyo sida uu Kenya ugu xaglinayo iyo kala hormarinta Magacyada labadda dal, marka si aad ah loo dhuuxo waxaa ka muuqda inay tahay waraaq Kenya soo qorotay oo loo saxiixay, sidii Heshiiskii loogu yeeray MOU.

2- Qodobka Muhiimka ah oo Dowlada Shariif iyo Cumar caqabada ku ah waa “aaway go’aankii  Baarlamaanka ay gaareen Agoosto 1, 2009” sida uu dhigayo Xeerka u qoran Dowlada Kumeel gaarka ah waa in madaxwaynaha loo gudbiyo go’aanka Baarlamaanka, 14 casho gudahoodna uu kusoo jawaabaa, inuu soo saxiixo iyo inuu soo diido oo markale dib looga hadlo, labaas ayaa u furan. Sida aan ka helay xubno ka tirsan DFKMG oo magacooda diiday in la shaaciyo, Madaxwayne Shariif waa lagaarsiiyey Go’aankii Baarlamaanka. Taas oo jirta, ayaa meeshii Qarammada Midoobay looga gudbin lahaa go’aankii Baarlamaanka ayaa waxaa la gudbiyey Agoosto 19,2009 waraaq ka daran tii Heshiiskii Kenya lala galay Abriil 07,2009. Hadaba su’aashu waxay tahay maxay ku kala duwan yihiin go’aankii Madaxwayne shariif Baarlamaanku ku doortay iyo go’aankan uu Baarlamaanku kudiiday Heshiiska Kenya uu lagalay?  sidoo kale maxay ku kala duwan yihiin go’aankii Baarlamaanku Raysul Wasaare Cumar lagu ogolaaday inuu Wasiirka koowaad noqdo, Dowladiisiina lagu ansixiyey iyo  go’aankan uu kudiiday Heshiiska Kenya uu lagalay? Su’aasha mudan in Baarlamaanku ka jawaabo waa miyaan la joogin xiligii Madaxwayne Shariif iyo Raysul Wasaare Cumar xilka laga xayuubin lahaa oo lagu qaadi lahaa waxa afka qalaad lagu yiraahdo (impeachment).

3- Arrinta sadexaad waa erayada murugada ku ridaya wadaniga Soomaaliyeed ee ay ku celcelinayso cida qoraalkan gudbisay, fadlan erayadan oo ah nuxurkii warqada dhuux. “Xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya waa mid aan la xallin….”Waxay u muuqataa in Kenya ay sheegatay aag ka bilaabanaya loolka barta uu xadku kala kulmo badda, halkii ay ahaan lahayn (in la raaco) sida uu dhigayo xeerka baddaha adduunka oo markaas la jeexo xarriiq isku in u jirta (xadka labadda dal)……”Arrintan xadaynta ee aan la xallin waa in loo tixgeliyo in ay tahay “muran baddeed“…………..””Heshiis Is-Afgarad (Memorandum of Understanding MOU) oo dhex maray Jamhuuriyadda Kenya iyo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, is-afgaradkaas oo dal kasta u ogolaanayey in uusan diidmo ka keeni karin (NO-OBJECTION) akhbaarta ku saabsan Qalfoofka Qaaradda in ka dururgsan 200 oo mayl badeed ee ay u gudbisanayaan Guddiga Qarammada Midoobay ee Xadaynta Qalfoofka Qaaradda”. Nuqul ama koobi ka mid ah Isfahamkaas ay saxiixeen labada Wasiir waxaa lagu lifaaqay akhbaartii hordhaca ahayd” (Somalitalk: Waxaan idin xasuusinaynaa nuqulka heshiiska Kenya lala galay waxaa gudbisay oo xogteeda ku lifaaqday Soomaaliya, waxaana ku saxiixnaa Cumar  C/rashiid, halka Kenya ay xustay oo Kaliya)…………”Heshiiskaas Isfahamka (MOU) ee la xusay ee dhexmaray Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ku cad in waqtigii ku haboon uu dal kasta si goonidiisa ah uu akhbaarta (cabbirka baddiisa) ugu gudbisanayo Guddiga (QM), taas oo ay ku jiri karto aagga lagu muransan yahay, ayadoo aan wax tixgelin ah la siinayn xadayn baddeeda labada dal. Sida ku cad Heshiiska Isfahamka labada dal waxay hore ogolaansho ugu bixiyeen in Guddiga (xayanta ee QM) ay go’aan ka gaari karaan akhbaartaas ay gudbisteen ee aagga lagu muransan yahay”………… “Sida ku cad Heshiiskii Isfahamka (MOU) xuduudaha badda ee aagga lagu muransan yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda in ka durugsan 200 mayl baddeed, waxaa ka heshiin doona labada dal ee xeebta leh, ayadoo lagu salaynayo Sharciga Caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan baaritaankooda”…………..”Ayadoo fahamsan arrimaha sare waxay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay marlabaad ku celinaysaa ogolaanshaheedii in Guddiga (QM) ay Kenya u qiimayso (examination) akhbaartii ay u gudbisatay ee la xiriirta aagga lagu muransan yahay ee u dhaxaysa labada dal, …”

Qoraalkan kore waa nuxurkii waraaqdii QM loo gudbiyey oo tarjumaadeeda kor aad ku soo aragteen, dhammaan meelaha cadaymaha u baahan oo dhan waxaan ku faahfaahinay qoraaladii hore, fadlan intii aan fursad u helin ama aan xasuusan  iyagoo faah faahsan ka akhri hoos. Hadalkan kore oo dhan wuxuu isugu soo ururayaa sidan: Kenya ayaa nagu qabsatay, cabiratayna 116,000km2 oo badda Soomaaliya ka mid ah, Waxay u yeertay Dowlada Fedaraalka Kumeelgaarka ah ee ay hogaamiyaan, Madaxwayne Sheikh Shariif Sh. Axmed iyo Raysul Wasaare Cumar C/rashiid, waxay ka ogolaadeen sheegashadii Kenya waxayna u saxiixeen Heshiis dantiisu tahay inay labada dal isla ogol yihiin in Xuduuda Baddooda aysan kala calaamadsanayn, Muran baddeedna  u dhexeeyo, Soomaaliya waxay ogolaatay inaysay wax diidmo ah ka keenayn xogta Kenya QM u gudbisatay oo badda Soomaaliya ay ka qaadatay ku jirto. Labada dal waxay isla ogol yihiin in QM ku kala saarto aagga ay isku haystaan oo badda Soomaaliyeed ah iyadoo la raacayo xeerka Baddaha ee Caalamiga ah, Waxay kaloo isla ogol yihiin in QM aysan caqabad ku noqon Kenya iyo Soomaaliya heshiiskooda maadaama labada dal ay isla fahmeen in uu jiro dhulbadeed aan kala calaamadsanayn, Muran baddeed iyo wixii ka baxsan aaga la kor dhindoono ee ah 200 oo mayl baddeed in aag isku mid ah u cabirmi doono labadda dal. Gabagabada waraaqda ayaa waxaa Guddiga QM Soomaaliya u sheegtay inay fahamsantahay arimaha badda ay ka hadlayso, isla markaasna ay ku celinayso ogolaanshaheedii ahaa in Guddiga QM uu qiimayn siiyo Kenya akhbaarii ay u gudbisatay ee la xiriirtay aagga lagu muran sanyahay ee badda u dhaxaysa labadda dal.

Aagga lagu muransan yahay waxaa kuu cadaynaya: Warbixintii ay Kenya gudbisatay waxay si bareer ah ugu muujisay khariidad ay ku cabiranyso dhul-badeedka Soomaaliya. Halka DFKMG ee Soomaaliya ogolaatay in aysan arrintaas waxba ka qabin.

Miyaa Lagu Been Abuurtay Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid, Mase waxa loo saxiixay ayuusan war u hayn oo arikin?

caruushaSu’aashaas ayaa ku soo dagdagaysa maskaxda qof kasta oo Soomaali ah, waxaa caqliga iyo garashada fahamka Banii-aadamka kafog in warqad noocaan oo kale ah uu saxiixo/gudbiyo/ogolaado masuul ku magacaaban jago muhiim ah sida Mudane Cumar  C/rashiid. Hadana dhinaca kale taariikhada marka dib loo celiyo, waxaad moodaa shalay iyo maanta wax isaga eg, 1967 waxaa Dalka Soomaaliya Madaxwayne ka ahaa Mudane C/rashiid Cali Sharmaake, waxaa Raysul Wasaare ka ahaa Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Allah labada ha u naxariisteed), waxay ogolaadeen heshiiskii Caruusha (MOU) ee ay ku maqanyihiin lix gobol oo Soomaali ah, halgan dheer oo xorayntooda loogu jirayna halkaas ayuu ku ragaasay.

2009  Waxaa Dalka  Soomaaliya Madaxwayne kumeel gaar ah ka ah  Mudane Sheikh Shariif Sh. Axmed, Waxaa Raysul Wasaare kumeel gaar ah ka ah Cumar C/rashiid, waxay ogolaadeen heshiiskii Nairobi (MOU) oo lagu qaadanayo 116,000km2 oo badda Soomaaliyeed kamid ah.

-1967 C/rashiid Cali Sharmaake dhigiisa waxaa ahaa  Madaxwaynena ka ahaa Dalka Kenya oo guushaas taariikhiga ah usoo hooyey Mudane Jomo Kenyatta.
-2009 Sheikh Shariif Sheikh Axmed dhigiisa waxaa ah Mudane Mwai Kibaki oo doonaya guushaas mid ka muhiimsan inay taariikhda u gasho.

Waxaan u daynaynaa inuu ka jawaabo taariikhdan isu eg ee qormaysa mudane Cumar C/rashiid inuu u bareeray inuu Kenya Badda Soomaaliyeed siiyo iyo in magaciisa la isticmaalay. Sidoo kale Sheikh Shariif mawuxuu noqon doonaa Madaxwaynihii ugu horeeyey ee xukunka ku qabsada sumcadda dhinaca diinta oo dalkiisa iyo dadkiisa dhagra isagoo wadaad ah, mise taarkhiidan madow wax buu ka badali doonaa intuusan indha sarcaadku dhamaan?.

warqadda raiisul wasaaraha DFKMG
Warqadda ra’iisul wasaaraha DFKMG 8/19/2009

Sida uu xaqiijiyey B. Lynn Pascoe, oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan Qarammada Midoobay, waxaa xarunta Qarammada Midoobay ee New York imanaya wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, oo uu kaga qayb gelayo kulanka Guud ee Qarammada Midoobay ee 64aad oo furmay September 15, 2009.

Dhanka kale, safiirka Soomaalida u fadhiya QM waxaa laga soo xigtey in Sheikh Shariif inta uu joogo Maraykanka uu booqan doono Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka Washington DC, Columbus iyo Minneapolis.

Su’aashu waxay tahay markaas Sheikh Shariif shacabka Soomaaliyeed ma u cadayn doona sababta ay xukuumaddiisu ugu adkaysanayo heshiiska uu baarlamaanku diidey ee aan wax dan ahi ugu jirin ummadda Soomaaliyeed.

Faafin: SomaliTalk.com | September 16, 2009


Matthew Russell Lee
Matthew Russell Lee (www.innercitypress.com)

September 14, 2009: Su’aal ku saabsan heshiiskii is-afgarad ee ay diideen Baarlamaanka DFKMG ayaa Matthew Russell Lee waxa uu weydiiyey B. Lynn Pascoe, oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan Qarammada Midoobay (Under-Secretary-General for Political Affairs), si toos ah ugama jawaabin su’aashaas… (halkan ka daawo)

August 24, 2009: Afhayeen u hadashay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM oo la weydiiyey go’aankii baarlamaanka DFKMG ku diidey isfahamkii Somalia-Kenya ayaa tiri: “Xaqiiqo ahaan in loo codeeyey oo la diiday dukumiintigaas waa arrin khusaysa gudaha Soomaaliya, waa arrin Soomaaliyeed, farahana la geli mayno.” (Daawo Halkan )

Eng. Maxamed Cali| iyo Xasan Dhooye

Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
“Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan.” “Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos ayuu u socdaa,” Prof. Ibbi Akhri/Daawo…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

34 Jawaabood " Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay "

  1. Ahmed abdi sugulle jawab says:

    Marka hore inta aanan ugudbin jawaabtayda waxan sixushmad iyo wadaninimo ku dhehantahay uga codsanaya maamulka shabakada (somalitalk) in aysan baramijkan kadhigin mid halmar okaliya laga hadlo e uu noqdo mid joogta ah inta ay maqantahay taako ka mid ah dhulka somaliya waadna ku mahamsantihin wadaninimada aad ushaqaynaysan baal dahabana waad kagalaysan taarikhda inta hadi aan ku dhafo codsiga waxan halkan jawab uga bixinaya ano ah muwadin somaliyed sida bareerada ah o loogu soo dulay badda somaliya taas ay si sharci daro ah u iib saden dad wax magarato ah oo sheganaya hogamiyal somaliyed iyo dowlada kenya o caadaysatay in ay dhulka somaliya ku boobto si aan waafaqsanayn sharciga ayado hishis aysan ogayn lagashay umada somaliyed iyo baarlamanka somliyo oo diidmo qayaxan arinka kamujiyay ay 2shaqsi oo runahanti aan lagu tilmamikarin somalima in ay yihin si sharcidaro ah u ibsadan badda somaliya waxan ku so aruurinaya hadalkayga sadex qodob 1.”waxan ugu baaqaya baarlamanka ku meelgarka ah in hadi ay ka dhabtahay diidmaday diide khiyamada qaran ay xilka kaga xayubiyan damiir lawayasha aan istahilin in ay shegtan hogamiyal qaranka somaliya hadi aysan arinka maadama ay iibsaden hantidi sharafti qaranimadi jiritanki umada somaliyed hadi aysan barlamanku arinka ku dhaqaqin waxa cadanaysa in ay qayb libax kaqaten boob ka aan geedka losomarin iyo in aysan matalin shacabka soomaliyed e ay sher kula jiran qaaiminta .2.”waxan ugu baqaya dhaman umada soomaliyed inta allah ku manaystay garashada meelkasta o ay jogan in ay uguntadan sidii ay dagal af iyo adinaba ugu qadilahayen cadowga iibsaday badda somaliya loguna ugarsanlaha meelkasta o ay jogan .3.”waxan ugu baqaya dowlada kenya in aysan kutuman qaranamida somaliya o aysan matalin shaqsiayadkasu qaranka somaliyed dibna uga fiirsato go.aankas hadikale ay cadanayso in kenya sicad ugu soo dushay qarinmadai somaliya maadama baralamaki somliya u arinka sicad udiiday hadi kale ay kenya qadi donto masuliyada arintas lagalan xisbtamidono .4.”waxan mar labad leeyahay 2shaqsi o sheganaya h/somaliya waa (sharif shiq ahmed)iyo”(cumar cabdirishid) hadi aydan jawab ka bixin arinkas walahi malin waxa imaan doonta laidnkula xisabtamo danbi kasta o aad kagashen qaranimada somaliya o runahanti aad siisaten sharafti umada somaliyed xoga sandarerta “! Laidina horkeni doono sharciga hadi aydan kawan tobin waxadna ka gashe taarikhda baal madow e una horseden umada somaliyed mugdi waalayab war miyadanan lahayn damiir !kibiki iyo rayla odhinga waa 2 shakhsi o idinla mid ah idinko muslimo sheganaya ayaad iibsaten umadini ayaguna u horsdayan guul umadodi waa yaab war taarikhdu ninba meel ayay ku qoraysaye ! Hagalbsanina magac xumo taarikh mugdiya iyo akhri waaye ka fiirsada mamta jaanis haysatane o hadi aad marki hore laidinku khiyamay manta uguntada saad u sixilahayden “)wabilah atowfiq

  2. Bashiir Maxamed Maalin says:

    Asalamu Caleykum,

    Walaalayaal waxaan wada ogsoonnahay in dalka somalia horay ay u qeybiyeen gumeystayaalkii talyaani iyo ingiriis iyagoo u qeybiyay wadamo gaalo ah sida itoobiya iyo Kenya oo hada aad arkeysaan sida ay ugu damac weyntahay in ay si sharci daro ah ula wareegto qeyb ka mid ah bada somalia, mida kale tan waxay hor u dhac u tahay boob ay damacsanyihiin wadamada shisheeye ee ay hugaamineyso NATO kuwaasoo soo buux dhaafiyay Bada somaliya mararka qaarna ay usoo dagaan Dhulka ayna ku beegsadaan cidii ay rabaan ayna ku xasuuqaan dadka rayidka ah ee somaliyeed iyo waliba ugaarta iyo xoolaha ,dhirta IWM. intaas oo idil waa gardaro aan geed loogusoo gamban ee uu shisheeyaha ku hayo somaliya ,lakin waa su,aale aaway somalidii isku kaashan laheyd in ay ka hor tagaan !!! Somaliyeey baraaruga oo gaalada ka hor taga adinkoo raacaya kitaabka alle iyo sunadii nabiga aana ku dagaalameyn wadaniyad ee Jihaad niyeeysanaya
    Asalamu caleykum

  3. ABDI WAAMO says:

    waanu ka xunahay in dhulkeena sidaa loo eebsado oo ay hadana iibsadaan wax layiri waxaad tahay masuul oo aan ula jeedo kii horay u sameeyay arinkaan ,waxaan ku qanacsanahay inkastoo ay yihiin dad ay ku yartahay aqoonta badidood xildhibaanada barlamaanka oo diiday waxa uu soo maleegay khaainulwadanka wasiirka loogu yeero iyo inta kalashaqaysay iibkan cidaydonto ha ahaatee in maxkamad la soo hortaago ceqaabtooda oo ah daldalaad aan dacwad laheena lagu fuliyo ,ummada somaaliyeedna raali ayay ka tahay dhamaan gaar ahaana shacabka waamo, inta ay naftu nugu jirtana mid aan raali ka noqonayno ma ahaan doonto deegaanka ay badiisa iibsadeen waxaa leh wadani aan ogolaanaynin in badiisa la boobo waxaana uu lamid yahay wasiir uyaalka dawacadi akhlaaqda faqiirka ka ahayd ee wabiga ku kaadiday ee naceeda warisay waayaha ayaase nakala saari hadii rabi idmo.

  4. axmed says:

    marka hore aad uma aanan wada akhrinin laakinse waan ku noqon, hase ahaate, madaxweyne iyo raisal wasaare labadaba arrintan aad ayey u ogyihiin.
    waxaa ay kenya arrintan ula soo degdegteyna aan idiin sii ballariyo ,kenya waxaa mar dhow loo dhisayaa dekedda afrika ugu weyn ,waxaana mashruucaas hirgelinayo dawladda QADAR ee khaliijka carbeed,dekeddaas waxay u dhowdahay xduudeena ama xuduud badeekenna , waxaa la doonayaa in nala fogeeyo oo aynaan dekedda u soo dhowaan..

  5. Cibar Adde says:

    wlaaal aniga fikrada aaan dhiibanaayo waxay tahay waa ay ku qaldan tahay in ay gadato dhulka mid ah dhulalka somlaia hadana wa bada somalia taasna muhiim ma ahan prime manisterkana taas kama yeeleyno hadii ay kenya qaadatana lagama yeelaayo taa waa qeyb muhiim ah oo la go’do somalia marka walaalayaal aniga raali kama nihin taa dowladana hadey taas sameyo waalala xisaab tamaaa ?

  6. abdinur says:

    Assalaama caleykum walaala yaal waxaan idin ku salaamay bacdi badda walaal lasiiyey kenya waxaa lahaa dadka ku le anaya 4ta qalba dad iyo biriba loona adeeg saday Itoobiya cadowga kalaba marka haddiii dadkii lahaa laga digay haad geed waayay, sedee badii ama dhulkii kale ku bad baadayaa wasinah. garan maayo.

  7. ilkaqalalax says:

    qof waliba waxuu Ogyahay waqti xaadirkaan in soomaaliya aysan ka jirin hellina muddo ku 2o sanno ah, dowladaha dariska la ah soomaaliya arrintaasi way u muuqataa sida iila tahay marka wax ka sow qaad ma lahan hishiiskaas, sababtow ah raggan la leeyahay bad bay baxsheen qaarkoon xitaa ma yaqanaan soomaaliya inta gobol & degmo ay tahay
    dowladdana ma ahan oo waxay ka talisaa 5 km dhul ka yar magaaladda muqdisho ka mid ah iyadduna ay dhinac yadda ka taagan yahiin ciidan shisheeya marka waa , wasiirka wax saxiixay ay la sheegaya ma leeyahay wasaaradda ama xafiis uu ku shaqeeya Waa MAYA waa magac u yaal , cabdiraxmaan cabdushakuur xitaa maanta haddii la waydiiyo inta wasaaradda uu madaxda u yahay inta laamood ay tahay ma yaqaana , marka waa aan hadhow aysan ku doodi karin kenya in ay hashiis ama nidaam ku heshay baddaas waxayna muhiimaddu tahay in la hella dowladda soomaaliya oo xukunto soomaaliya gees ka gees taasi haddii ay timaada ama kenya heshiis la gasho ummadda soomaaliyeed way ku qasbantahay waxay u sow gooso laakiiin raggani waa NGO iyaguna way Ogyahiin kuwa hishiiska la galayna dabcan lacagta ayaa luntay ay ugu hanqaltaayeen in ay ku hellaan badd marka ha u raadsadaan sidaas ayaa aniga ku sow koobayaa.
    waa mahadsantahiin

  8. c/waaxid m, jaamac says:

    waa war bixintii badda somaliya aye inoo diyaaresaye somali talak waa na mahad sanyahiin

  9. Waad salaaman tihiin, wax aan qoro maqaan dhulkii markay qaateen cadowgii soomaaliyeed ayay si tar-tiib ah u GOOSANAYAAN BADDII kuwii aan u malaynaynay in ay dowlad inoo yihiin WAY iibsadeen baddii berrina dhul ayaa la iibsaday ayaa maqli doontaan allow naga soo gaar.

    DIINLAWE SHARIIF iyo INA CABDIRASHIID taariikh madow ayay soomaaliya uga tegi doonaan u daran ubadkeena allow naga soo gaar.

  10. Salaan kaddib, waxay ka mid tahay darada soomaaliya ku dhacday 25 sano ee la soo dhaafay, 1960maadkii ayaan waxaan arki jiray sawiro soomaaliya oo dhurwaa,dawaco
    iyo bahalo yar yari googoosanayaan waxaa loola JEEDAY Ethiopia, Kenya SAWIRKII waagaas oo run ah ayaa hadda oo aan ku jirno qarnigii 21aad soo baxay.
    Maxaa noo dan ah madaxda soomaaliyeed ee hadda joogta waa in kacdoon shacab lagu ridaa kaddibna ALSHABAAB la taageeraa iyaga ayaa yaqaan sida gaalo loola dhaqmo
    markaan saas leeyahay ma taageersani AL shabaab laakiin way dhaamaan kuwa hadda jooga iyo kuwii ka horreeyayba.

  11. zekeriye says:

    waa yaab waxa la yari maxay ka nuugta maxaysey ku nuugtaa waxaan ula jeeda ii yadoo ah dowlad taag daran oo hawlo badan uu yaalin oo aanay aminigii ayna hayn inay saxiixaan dalkoooda dhulkiisa inay bixiyaan malaha mayna fahmin miyaa waxa laga saxiixayo markaa waxaynu oran karna c/laahi yuusuf waxa uu keenay itoobiyaan oo dadkii uuu buu iibsadey oo wuu ogolaadey in la laayo dadkiisa shariifkuna waxa uu ogolaadey inuu dhulka iibsado waana nasib daro in ay madaxweynayaashaas ay ka maqantahay waxa la yiraahdo muwaadinimada dadku dhulkoooda dhiiga bay u qubaan lakin kuwaani kaadidooda bay u qubaan somaaliya

  12. durraan shirwac says:

    dhagartii la malegoo
    dhuuni qaate dhulkiisi
    dhadhan aanan badnayn iyo
    uu ka doorto dhaqaale
    dhalaankii iyo caruurtuu
    dhaloo soo korayuu
    u horseedi dhibay
    aaqirkii dhexgalaan iyo
    wado dhiiri lahoo
    dhabo looga baxaa oo
    dhooqo aanan lahayn
    dhankaastaaba ka waayinoo
    dhacdadaan maanta nahaysaa
    hadaanaan dhiidhiyinoo
    dhiiga an u huriweyno
    dhalaankeena dambaysay
    dhacdadaan hada taagan
    dhibaysaaye ogaada

    mid dhaqaale inuu
    heloo uu ka dhargaa
    dhadhaminoo gaajo xun haysoo
    dhibanaa weligiisoo
    wax unbaa la dhacaa
    dhagahaas ka maqlaa
    dhinucuu ka maroo
    aqoon aan dhibi doonino
    dhagartiisa ahaynbaa
    dhulkii maanta masuul
    hadalkii dhahayoo
    dhagweynoo iska joogo
    saxiixuu dhag kasiiyey
    badahoo la dhacaa iyo
    dhulkeenii sababoo
    dhiiranoo weli jooga

    dharaartii madaxweyne
    laguu dhaarinayoo
    ayaad dhaawac inaad
    dhiig daad shaa noqonay iyo
    hanti aad dhunsata iyo
    dhulkii ood gadataa
    dhici mayso lahaydoo
    shariifoo dhaar ku maraysoo
    kitaab aad dhag kasiisaye
    ma dhugbaadan lahaynoo
    dhadhankii iyo dhaqaale
    hadaad dhaayaha saartoo
    diintii waad ka dhaqaaqdo
    hanti aaw dhididaynoo
    durba dhuunta maraysaa
    shariif uu dhinacaagiyo
    ibbi uu dhabta saaro
    dhinac kastaa kaa dhigdhigeen

    intaad dhoohantahoo
    dhanbaal aad cabdiyoow
    weli dhaayaha saarin
    ood ku dhiibtay badii
    ban-ki-moon dhinacyaaloo
    kenya dhoola cadeyn iyo
    qosolkaa dhagta haysoo
    dhab weeyaan hadalkaa
    kibaki uu dhahayaa
    dhigaagii asagoo ah
    dhafoor buurka adoonkan
    badaadii dhacayoo
    weli dhiiran hadaad
    cabdiyoow dhiig danqadaa iyo
    dhuux dareen leh jirkaagiyo
    dheecaan uu ku jiraa
    waa inaad dhiidhido oo
    dhufayskaan ka baxdaa oo
    shariif aanu dhaqaaliyo
    ibi dhuuni nasiisanoo
    wadaadka yey dhabihii
    dhinac yey uga tuurine
    dhulkaagii cabdiyoow
    dhacnaa oo cadowgii
    horey uu u dhantaalay
    dharaartaan magacaaga
    sharmaarkoow yaaney dhufays
    dhacdaadunu ku tuurinoo
    ku sheekaysan dhalaanki
    dhaxal kaa sugayoo
    u hari doona dhulkii

    durraan shirwac
    london/uk

  13. Ahmed Musa says:

    Asc waad ku mahadsan tihiin sida saraaxada leh ee aad u soo bandhigeysan dhagaraha ka dhanka Somaliyed ilahay dadaalkiina haydinka abaal mariyo waxaan idinka codsanayaa in ay ka daalin daahfurka heshiisyada dahsoon ay galan madaxda Dowlada somalia waxaad isku daydan in aad lakaashataan Aqoon yahanada Somaliyed ee ku xeel dheer culuumta iyo shuruucda bada si ay umada ugu baayaaniyaan macnaha xududda bada iyo inta somalia ay xaqa u leedahay isla markaasna waa in waqti ku filan lagaliyo sidii lagu ogaan lahaaa macnaha ka danbeeyay in Dowlada Somalia ay hibayso bada Somalia

    wad mahadsantihiin

  14. salah says:

    asc waraxmah,Rabi wanaag ha ka abaal mariyo somalitalk, runtii waa arin qaro weyn oo ay ku amaanan yihiin, sida ay isugu hawleen inay shacabka soomaaliyeed qeylo dhaan gaarsiiyaan. walaalahyga soomaaliyeedoow, ma somalitalk keliya ayaad ku daynaysaan daaficidda badda iyo dhulka soomaaliyeed, walaalhayga soomaaliyeedoow dhamaantiin waxaa idinla gudboon inaad guntiga dhiisha isaga dhigtaan sidii aad muruq iyo maskaxba ugu difaaci lahaydeen dhulkeenna soomaaliyeed.

  15. Abdi says:

    Duni kale ayaynu joognaa
    dad aan talin jirinbaa talin
    kii xun baa san
    kii san baa xun
    Waa adduun daba gaddoon ah
    Beenaalahaa wanaagsan
    runsheeguna xun.
    Ha u Liicina!

  16. asc dhamaan swaxafiyiinta somaliyeed gaar ahaan kuwa somalitalk waxan aniga ugu hambalyaynaya somalitalk sida wanaagsan aya ula socota xuquqda iyo xadadka dalkooda waayo waxa la odhan kara saxafada marmarka qaarkkood qayb ayay ka tahay difaaca dalka sisda tan oo kale waxaana leeyahay waxskasta oo jira qwaa in shacabka loosoo bandhigaa

  17. ASCW.

    Walalayaal waan idiin mahad-celinayaa Dadkiinan Wadaniyiinta ee isku howlay soo tabinta wararka la xariira Bixinta Biyaha dalka Soomaaliyeed.

    Marka xiga waxaan aad uga xumahay, warqada labaad ee ka tagtay sida ku qoran Xaafiiska Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka KMG ah oo muran lugu galinayo Badda Soomaliya ee aysan cidna xaqiri karin.

    Warqadaas waxaa iiga jira shaki baaxad weyn oo ah cida qortay, inkastoo ay labada dhinac difaaceen, markaan leeyahay Labada dhinacba waxaan ula jeedaa Madaxweynaha dawladda Faderaalka iyo Raysalwasaarihiisa.

    Ayaan daro baahsan waxaan u arkaa talaabooyinka ay qadayaan Labada nin ee sheeganaya in ay hayaan ama lugu og yahay dhulka Soomaaliyeed, waxa ayna hadey xasuusan yihiin Jabuuti ku mareen dhaarta Alle, oo ay ku dhaarteen in ay wadaniyada Soomaaliyeed ilaalin doonaan.

    Shacabka Soomaaliyeed iyo qofkastoo og xaalada ay ku sugan tahay Soomaaliya, waxa ay aad uga xun yihiin heshiisyada kala duwan ee lalagalyo dalalka jaarka la ah Soomaaliya, oo ka faa’iidaysanaya Dawladda La’aanta Soomaaliya.

    Qodobkeyga ugu dambeeya, waxaana ugu baaqayaa Raysalwasaare Sharmaake iyo Madaxweyne Shariif in ay is casilaan ama ay ka laabtaan Qiyaamooyinka qaran ee ay sameynayaan, waayo waxa ay iska dhaga tireen Baaqyadii Laabta Wadaniyiinta Soomaaliyeed iyo go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee ay ku diideen heshiiskaasi.

    Mahadsanidiin

  18. Jaamac says:

    Runtii waxaa Murugo iyo uurkutaalo nagu ah in Dadka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Mas’uuliyiinta dusha urita Hogaanka Dalka Soomaaliyeed ay dagitaan ujoog yihiin oo mar walba un anaga nala dagayo oo anagu aynan waxba dagayn taasina waxay cadaynaysaa in uusan Masuulka soomaaliyeed uusan xil iska saarayn Dalkiisa iyo dadkiisa oo uu dhuuni raac yahay taas badalkeedna Aduun waynaha Shakhsiga dal xil ka qabanaya ama masuul noqonaya uu ajandihiisa koowaad uu noqdo siduu Dalkiisa iyo Dadkiisa Sumcad iyo waji uu uga kasban lahaa si bari ka maalin loogu xasuusto “Aduun Magac baa ka hara”.
    Waxaanan Marna ilaawayn Akhyaarta Sharafta iyo qiimaha leh ee sida wadaninimadu ku jirto ee iskaa wax uqabsada ah iskugu howshay Arintan ee SOMALITALK Alla ha inila garab galo dadaalkiina dhanka wanaagsan.
    Dalka iyo Dadka soomaaliyeedna ilaahay haka qabto dadka uhorseedaya hagardaamooyinka xadaya hantida dalka iyo dadka Sooyaalkuna ma iloobi doono Insha,allah.
    Jaahilnimo,Maangaabnimo iyo wadaninimo xumo ayaa dadka xilalka dalka haya haysa waxyar mooyee ee ilaahay jidka toosan hawaafajiyo.

  19. Jarweyne says:

    Waxaan layaabaa Somalida qaarkeed seey naive uga yihiin dowlada iyo jabhada kasoo horjeeda danahooda iyo garaadkooda siyaasadeed isla markaana ogoow kii wax bartay sandareerto ayuu mudnaanta siinayaa kii jaahil ahna maba fahansano shaxda. Adeer somali waa cad meel ka lusha oo wixii rabo lagu fushado ethiopia,kenya,eritrea iyo jabuutidaan aad walaalaha ugu hadaaqeeysaan ma idin la tahay in ay indin ka naxayaan hadeey noqoto shax siyaasadeed (Tixraac heshiiskii ibbi iyo wasiirkii reer jabuuti maxaa somaliya u diiday in coast guard base looga sameeyo oo kumanaan ay ku shaqaaloobaan waxna ka bartaan jahligana kaga baxaan ,Qarashka jabuuti oo wadan dhisan la galinaayo somaliya ayaa 100% u baahan yugandha iyo burundi intii lasiiyey ayey somalia la tiicaysaa???. Nimanka siyaasada iyo maamulka horboodaya waa agent aan garaad wadaninimo aan lahayn ama waa lahayste gacan shisheeye hageeyso. Shacabkana kii caaqil ah iyo kii caamo ahba qabyaalada ayuu aalad ka dhigtaa waxyaabo amakaag ku galinaayo, nin iska dhaaf masiirka wadankee lagu aamino $5 oo u shacbigu lee yahay ma jiro. Koleey aniga sidaan qabo aaga badeed ee ay kenya ku darsatay hindisaheeda waxaa wata shirkado norwegian ah sahmiye qayraadka ku jira aagaas ofcourse (oil gas etc),maadaama uusan xuduuda ka fogeeyn meesha la bililiqaysanayo somaliyana dowlad fadhida aysan ahayn waxaa la doorbiday in keenya loo sharciyeeyo aagaas si qayraadkaas dihan looga faaiideeysto knyana saamigeeda ay xarago ku qaadato. Akhriste waa inaad maanka ku heesaa heshiisyadii shidaaleed ee ay kenya la gashay iyo booqashadii raisal wasaarihii hore ee norway uu ku yimid kenya asagoo mathalaaya shirkad shidaal oo norwegian ah.Marka arintu waa sideey shaqsiyan iigu muuqato

    Salaamu caleeykum

  20. mahad says:

    waad salaaman tahiin somalitalk sida cad oo aad umuujiseen xirfada saxaafada waxaan idinkula talin lahaa inaad waraysataan labada suxufi oo marwalba soo qaada qadiyad bada soomaliyed macluumadkad kaheshaana ay noqanayso arin difaaci karto sidaad lasocataan waa markii ugu horaysay taarikhda norway marlabad uu raysal wasaare ku guulesto micnaheedana waa dawladii kadanbaysay qorshaha waad mahasantihiin

  21. Abdi Belel says:

    Waxaan aad u fahamsanahay oo aan la socda qoraaladiina ilaa sanooyin.Waxan dhihikaa waxa tihiin Waddaniyiin,Halgama ah,Maddalayaal u huray Maalkooda,maskaxdoodaiyo muruqooda,umadda somaliyeedna abaal baad ku yeelandoontaan.Waxa dhihi laha umada somaliyeed ku mudhaaharada oo naftiina u hura,Barlamanka waxan dhihilaha si dhaqsi ah ugu Gudbiya Qoraalki diidmada ahaa Ha,adaha Caalimiga sida QM-U.Jam/Carabta,U.Dawl.Islamka iyo Jaaliyadaha Somalia Meelkasta oo Ayjoogaan.Waxad diyarisan Xukun ka tuurid Mafiyada maxda sheeganaya ee sida khaldka aad u doorateen marki hore,waxa aan ogsoonahay in la idin marsiiyey,khayaano ahaan.Mahadsanidin SOMTALK.

  22. ASC.waxaan ka codsan wadaniyiinta reer amerika ahna asal ahaan soomali inay u hiiliyaan hooyadii dhashay ee bada somalia ayna mudaharaadaan new york meetinka ascwww

  23. Dayib Qalib says:

    Waxaan Halkan oogu baaqayaa umada Somaliyeed Ineey Mudaharaad iyo Qeeylo dhaadh Meel kasta eey joogaan ka dhigaan si caalamka iyo Kenya U arkaan inaan xoolo Soomaaliyeed been lagu qaadan karin.

  24. Abunasra says:

    Asc somalitalk mahadsanidin runti waxan dhahay wa mid murugo igu abuurtay somalida kalana ku abuurtay waxan leeyahay mas’ulinta sidan shacabka aaminay uqiyanaya ilaahey xaqa shacabka daalan ee somaliyed hakaso bixiyo cumar c/rashiid iyo sh. Shariif waa dadka ku tashtay in ay iibiyan sadar muuqda su’al kadhan , waa fajaciso.

  25. ali ahmed says:

    ku shcbka somaliyed
    wax aan shacbka somaliyed melkasta ay jog , walalayaal waxa aan idnka codsanaa dadka soomaliyeed meel ksata aad jogtan wax aan idanka codsanaa in aad banan bxa laga sameyeo melkasta aad jogtaan ,

    mahd celin .

    waxaa mahda iska leh ilaah koon kan nakeenay mida labad wax aan u soo jedinaa bahda saxaafada oo mar walbo la taagan fiiro gaar ah iyo mid guudba wax ay ku dhaqaa qayaan dadka iska dhigayo ulul amriga , wax aan si qaas ah ugu mahad celinyaa oo mar walbo u taagan aana marna ka dalin shabkada somaliTalk , aad iyo aad ayaad umahad santihiiiiiiiin

    gaba gabadii
    wax aan dhihilahaa banaan bax wey halkaga dhigo inta soomaali jogto

  26. Ahmed says:

    Ku: Shacabka Soomaaliyeed
    Og: Saxaafada Soomaaliyeed

    Waxa aan noo cuntamin in aan ogolaano gafka iyo qaladkan laga galey kheyraadka Soomaaliyeed. Ma ah in aan ku fakro oo kaliya dowlad ma lehin, ee waa in aan u fakarnaa sidii jiilka soo socda ee nabada ku barbaari doono dantooda iyo kheyraadkooda la badbaadiyo.

    Marka walaalayaal shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxa muhiin in ay ka dhiirandaan arintan marin habaabinta ah.

    Waa in magaalo kasta oo Soomaaliyeed banaabaxyo laga abaabulaa kuwaan isku sheegaya International Community loo sheegaa in shacabka Soomaaliyeed wadiniyiin yihiin. Jecel DHULKOODA, BADOODA IYO BADBAADINTEEDA.

    Gunaanid.
    Dantiisa waa marin xaqiisa hadii ILAAH idmo, mar labaad Shacabka Soomaaliyeed ee Jooga koonfurta Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland. muujiya in aad wadanimo iyo Soomaalinimo idin ku jirto.

    Warsan,
    Ahmed Abdi Ali(Cilloon)

  27. khadar Waddani says:

    Asc
    aad ayaan idiinku mahad naqayaa Bahda Somalitalk dadaalka aad ku bixiseen in aad dadka uga digtaan khataraha is huwan ee lala damacsanyahay Dalka waxaana aan ad uga xumahay in Mas’uuliyiin Soomaaliyeed haddii aan laga been abuuran ay dalkooda iibsadaan oo dammiir laawe yaal ay noqdaan hadba eega dantood gaarka ah oo ay ilaawaan in ay matalaan dal iyo dad dhan

  28. Mustaf Shaarrub says:

    waxan horay u maqlay maah maah reer koonfurred ah oo oranayso,(cimrigaa dheeraaday geelow dhalaayaas ku tusaa)wadanka somaliya awal rajay ayuu ahaa laakiin markhaati ayaan ka ahay in uu agoonoobay maanta.waxaan maqli jiray COL KU DHAC TUUGANA KUU CIIDAMISAY,way muuqataa in uu ilaahay ubixiyo umadan baylahan ee cadawgu si kasta u hagar daameeeyay dhalinyarada mujaahidiinta ah mooyaane anigu cid kale ma hayo,waakan kii aanu islaam moodnay maanta yuhuud isu dhiibay,ina c\rashiid awalba umada somaliyeed ma aqoonin mana aynan keenin mar xuumka dhalayna allaha danbigiisa dhaafee waala xamanayay heshiiskii caruusha 1967kii isaga iyo cigaalba.waxaan xasuustaa tix uu katagay darwiishkii ilaahay janadii hasiiyee waxuuna yidhi dilaalkii arlada anaa duub usoo xirane.diirada anaan u qaban gaaladu haday dareeraane.

  29. abdullahi gabbal says:

    aww
    Harta waxaan aad ugu mahad celinayaa somalitalk sida xilkasnimada iyo wadaninimada ah ee ay arintaas isaga xilsaareen.
    Arintan waa iska cadahay in DFKM ay badda iibsatay, xaqiiq intan kabadana uma baahna, sidaan filayo barlamankuna waa ku raacsan yahay ama wayba kala qayb san yihiin. waxaa gu sababaynayaa malahayga, muxuu barlamaanku u dabagali waayey arintii ay diideen, miyaanu jirin gudi arimahaas daba galkooda qaabilsan.miyaan nuqul loo soo celin markii madax waynuhu saxiixo ama diido.arintu waxay lamid yahy sadexdii tuug. barlamaan dhuunta wax kamaqla, gole wasiiro dalaaliin ah iyo madaxwayne camiil ah. cidna uma maqna ceelna uma qodna. waxaan ku talin lahaa dadka soomaaliyeed waa in shir degdeg ah laqabtaa arintaasna laga hadlaa, si soomaalinimo ah.sanad walba kumanaan shir baa laqabtaa sida shirarka diinta,kuwa siyaasada, kuwa qabyaalada iww. maxaa noo diiday badeenii oo cidla laga qaatay inaanaan xitaa hal shir laga yeelan, halbananbax loo samayn. adeer umad dhimay baan nahay. runtuna waxaa weeye inteena badani waan kaliidanaa kuwaas badeena iibsaday. waayo meel walba anagaa ku soo dhawayna, oo intaas hor ordayna.waxaana namax martay qabiil iyo qabyaalad, waana tan naga qarisay qaladaadka siyaasiinta xun.arintu waxay maraysaa wixii dhiig lahow kaca.

  30. dulmidiid says:

    TFGDA WAXAY LA MID NOQOTAY XAGA INKIRAADA XAQIIQDA KUWA LAGU MAGACAABO XISBUL ISLAAM IYO ALSHABAAB. MEESHAN FADEEXO AYAA TAALA SOMAALIDA AYAY U TAALAA TALAABADA AY KA QAADEYSO MAAMULKAN SIDA MUGDIGA AH U SHAQEYNAYA.

  31. Qayaad says:

    Waxaa marka hore wax lagu farxo ah in mareegtan somalitalk uu noqday mareegta keliya ee u taagan arrimaha wadanka Soomaaliya iyo guud ahaan dadaka soomalida.

    waxaa ii xiga iyana in wax laganaxo ay tahay in masuuliyiintii dhamayd ee wadanka ay noqdaan dad wax kalaxaraashaya.

    gunaanud; Somalitalk weynu idin garab taaganhaya e, fashila masuuliyiinta damiirka xun.

  32. waxa il tahay aniga arinta raysulwasaraha dowlsdda somaliya waa inusan fudeed ku bixin bada dalka si aan caadi ahay wayo dowladda kenya ma ahan il eey noga faaiideysatto dowlad la aantta amaba tabaryaridda dalka waxaan farayaa dowladda in eey foor jignatto

  33. Maxamed Soomaali says:

    Nimankan dowlada sheeganaya waa muqalasiin
    hadaan la iska qaban wadanka oo dhan ayay iibinayaan.

  34. Mahmud Galgaduud says:

    Intabadan aqoontadarida dadka masiirka umada lagu siiyey qoriga ay sitaan ayaa sabab u ah dhib kasta, waayo marka ay xaafiiska qabtaan waxey isku oodaan mooryaan xigto u ah halka aqoonyahanada aragtida dheer ay wax ka ogaan lahaayeen halka umada hogaankeedu u socdo!. Mahad ha idinka gaarto team-ka website-kan, runtii aad iyo aad ayaan iskugu taxalujiyey inaan fahmo bandhigiina inkastoo aanan bad mareen ahey hadana waa arimo cad cad waxa aad soo bandhigteen. Nimankan maamulka umada lagu dhoobey waxey soo wadaan ayaa ka daran marka ha u fiiro la’aanina!
    Mahadsanidiin dhamaan!