Home » Warar »

Barnamij daqli uruurin ah oo la doonayo in lagu fidiyo dalka inta ay DFKMG gacanta ku heyso

Barnamij daqli uruurin ah oo la doonayo in lagu fidiyo dalka inta ay DFKMG gacanta ku heyso .
 

Sawirada Halkan ka daawo…

Munaasibad ay ka soo qeyb galeen wasiirka lacagta Cbadiraxman Cumar Cusman Enj yariisow ,wasiiru dowladaha arimaha gudaha Cabdirashiid maxamed Xidig ,Gudoomiyaha Gobolka banadir ,maxamed Cusman cali ( dhagaxtuur ) iyo kuxigeenadiisa Sida cabdifataax Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey ,iyo shido ,taliyaha Ciidanka daraawiishta Dowlada fadaralka KMG somaliyed Maxamed Rooble Jimcaale ( goobaale ) iyo ku xigeenkiisa Afrax Cali Afrax taliyayaasha ciidanka qeybahooda kala duwan iyo saraakiisha dowlada qeybaheeda kala duwan ,xubno iyo saraakiil ka tirsan dowlada hose ee Xamar ,Afhayeenka bolic -ika yo midka Gobolka banadir.
 
dhamaan intii ka hadashy madashay ayaa isku racday in Excontrolka afgooye laga qaadayo lacago canshuur ah loo si sharciyeysan lagu qadayo

Waxaan Isniintii la bilaabay canshuur uruurin aan shacabka lagu dhibeyn isla markaana lagu daryeelayo sida uu munaasibada ka shegay wasiiru dowlada arimaha gudaha oo ku hadlayey magaca wasiirka arimaha gudaha wuxuuna shegay in canshuurta lagu daryeelo shacabka oo ay dib ugu noqoto sahcabka .
 
Cabdirashiid maxamed Xidig “qofka muwadinka ah waxaa ugu horeysa muwadin nimadiisa waa in u canshuurta bixiyo”
maxamed Xidig “Shacabka somaliyeed fariinta aan gaarsiineyno waa in ay diyaar la noqdaan bixinta canshuurta “
 
wuxuu balanqaaday in canshuur ururinta waxlooga qaban doono arimaha bulshada sida in lagu fulin doono sidii loo daryeeli lahaa bulshada amaankooda wax loga qaban lahaa sida caafimaadka ,waxbarashada ,dugsiyada ,wadooyinka .
 
waxaa kale oo uu ugu danbeyntii shegay in ay arinta canshuur uruurinta aysan halkaan ku ekaan doonin balse la gaarsiin doono dhamaan Gobolad adalka ,dagmooyionka min tuulo ilaa iyo melaha ugu hooseeyo ee canshuur lagu qaadi karo waxana ka muuqatay wajigiisa sida ay ug ago.antahay in la qaado canshuurta siiba Excontrolka Afgoye oo munaasibada lagu qabtay .
 
Munaasabadasi oo loogu gon lahaa canshuuro ay dowlada kmg soomaaliya si rasmi ahmaalmaha soo socda uga bilaabi doonto magaalada muqdisho ayaa ugu horeenti waxaa halka ka hadlay wasiirka lacagta kmg soomaliya ingineer c/raxmaan yariisow oo ka hadlay dowlada kmg soomaliya qorshaheeda ku aadan in ay canshuur ka bilowdo gudaha magaalada muqdisho .
 
Wasiirka lacagaha dowlada soomaliya ingineer C/raxmaan yariisow ayaa tibaaxay in dowlada kmg ay canshuuraha kaga bilabeyso magaalada muqdisho ay tahay controlka afgooye isagoona sheegay in looga gonleeyahay qaabkii amaanka loogu sugi lahaa gudaha wadanka soomaliya.
 
“Marka runtii u jeedada waxay tahay in la dar dar galiyo barnaamishka dowlada ee ah sidii daqli ku filan dowlada ay u heli laheyd loogan maarmi lahaa macawinada ama deeqaha dibadaha waxaan aamin sanahay soomaliya waa wadan qani ah waa wadan qeraad ku filan heysta waa wadan isku tashan kara runtii anagoo taas ka duuleena wasaarada lacagta sidii look ala saaray maaliyadii lacagta waxeey xooga saartay in la raadiyo ilo daqli e dowlada usoo xarooda runtii tani waa tii ugu horeysay oo isleenaha in kuwo kale lagu soo dari karo marka runtii excontrol waxaan rabnaa in ay noqoto bar control lagu tilmaamsado maamul wanaaga bar lagu tilmaamsado in nidamka dowlada iyo dowliga uu safiican uga socdo waa sida uu hadalka u dhigee wasiirka lacagata ee C/raxmaan yariisow

Wassiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha ee dowlada kmg soomaliya C/Rashiid xidig oo isagana ka mid ahahaa masuuliyiintii xafladasi kazoo qeyb galay ayaa sheegay in dowlada KMG soomaaliya ay qorsheeneyso qaabkii ay gobolada soomaaliya u gaarsiin laheyd howlaha canshuur uruurinta ee dowlada soomaliya qorsheeneyso .
 
“Barnamijkii dowliga ahaa ee dowlada u qorsheysaan lagu bixiyo dalka oo dhan waxaa nasiib wanaag manta ah in ay halkani ay nasiib u yeelatay in ay noqoto pagekii kowaad ee laga bilaabo dowladana ay diyar u tahay in auy isku fidiso meelo badan oo ay si canshuurta loo uruuriyo shacabka soomaaliyeed lama dhibayo ee waa la daryeelayaa si loo daryelana canshuurtaa ayaa shacabka lagu daryeelaa deeqaha aad ma qasheen ee caalamku bixiyo waa canshuur dad laga qaaday.
 
sidasi darted waa in aynu anaga is daryeelna canshuurta bixino qofka muwaadinka ah muwaadin nimadiisa waxaa ugu horeyso in uu canshuurta bixiyo markaad canshuurta bixiso ayaa tahay mawaadin sidaasi darted dadka shacabka farinta aan gaarsiineyno waxa ay tahay in ay diyaar la noqdaan canshuurta lagama xoogayo lama qasbayo lamina dhibayo sidii ayaga loodaryeeli lahaa amaankooda iyo dhismihii caafimaadka wax barashada iyo dugsiyadi ee wadooyina waa sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha
Waxaa sidoo kale munasabada ka hadlay gudoomiyaha gobolka banaadir max’ed cusmaan cali Dhagax tuur oo ku hadlayay magaca maamulka Gobalka banaadir “ Sidii awalba aan ku balan saneyn wasiirka wasaarada lacagat iyo wasiiru dowlaha arimaha gudaha waxa sharaf noo ah in gobolka banaadir uu noqday gobolkii ugu horeeyay ee wasarada lacagta dalka jamhuuriyada ee daqli uruurin ka bilowdo sharaf ayeey noo tahay .
 
waxaan filaa in ay nu nahay gobolka banaadir ee laga bilabo aad iyo aad ayeynu ugu farax sanahay ka dowlad hoos ahaan in shaa alaahu waxii dhankena ah in aan ugau adeegi doono shacabkaeena waxaana marsiin doonaahalak sharciga noo ogol yahay ee marka waxaan rajeynayaa in xiriirinta dib ugu wareeji doono aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay sharaf gaar ah ayeey noo tahay hadanu nahay gobalkii ugu horeeyay ee daqli uruurin ka bilowday inaan noqono sida uu hadalaka udhigay Mr:dhagaxtuur

    

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Barnamij daqli uruurin ah oo la doonayo in lagu fidiyo dalka inta ay DFKMG gacanta ku heyso "

  1. mukhtaar says:

    wax cusub meesha kama muuqdaan waayo ninkii xamar tagaaba isbaaro ayuu dhigtaa si uu shacabka u baarto.
    waxaase la yaab ah in layiraahdo tani waa sharci mar haadii lay baaranayo kan i baartay inuu sharci sito iyo inuu bilaa sharci yahay iima kala duwana waayo kolen anigu waa dhacanahay