Home » Maqaallo »

Waalidiinta soomaalida iyo nidaamka waxbarasho ee reer galbeedka | Ahmed-haadi

Waalidiinta soomaalida iyo nidaamka waxbarasho ee reer galbeedka

Inta badan waalidiinta soomaaliyed oo ay carruurtu u dhigato dugsiyada hoose/ dhexe ee wadamada ay usoo haajireen ee reer galbeedku, waxa ay la qabsan la’yihiin nidaamka waxbarasho ee ka jira wadamadaan, waxayna intooda badan u haystaan, in haddii ilmuhu maalin walba tagaan iskuulka sidii soomaaliya oo kale, uu illmahaasi uu helayo mustaqbal waxbarasho oo sare.

Sababtoo ah waalidiintaan intooda badan waxa ay arki jireen ilmo iskuul loo diro waalidkana uusan warba ka hayn iskuulka iyo macalimiinta dhigta intaba, laakiin wadamadaan arinku sidaa waa ka gadisan yahay. Ilmuhu wuxuu u baahan yahay in laga war hayo iskuulka uu dhiganayo iyo ilmaha waxa uu dhiganayo, si haddii ilmihii uu u baahdo caawinaad loo geeyo meelaha looga caawiyo casharrada.

Marka waxaa muhiim ah in waalidka iyo iskuulku ay yeeshaan xiriir joogta ah, waalidkuna uu mar walba weydiiyo macalinka heerka uu ilmihiisu marayo iyo waxa ku adag dhan walba.

Waalidkii aan sidaa sameynin laf cad ayuu toobin ku hayaa, ilmihiisuna markuu gaaro galaaska ama fasalka ugu dambeeya ayuu waagu ku baryaa, wuxuuna indhaha ku kala qaadaa ilmihii oo uu macalinkiisu leeyahay, waan ka xumahay ilmahaadu ma gali karo dugsi sare, waxaan u raadineynaa markuu sanadkaan dhamaado iskuulada farsamada gacanta ama kuwa lagu hayo ilmaha ka leexday nidaamka waxbarashada.

Arinkaa wuxuu waalidiin badan ku abuuraa niyad jab, markii ay arkaan ilmihii ay 9 sano u kalahinayeen iskuul oo la leeyahay ma gali karo dugsi sare, buundooyinkiisa oo aad u hooseeya aawadood.

Markaad eegto ilmahaas iyaga ah intooda badan haddii ay heli lahaayeen waalidiin la jaanqaadi kartay ama fahamsan nidaamka waxbarasho ee wadamadaan waxa ay jaanis u heli lahayeen intooda badan iney helaan waxbarasho sare.

Si arinkaa asaga ah looga hortago ayna jiilkaan joogo qurbaha ay u heli lahaayeen mustaqbal wanaagsan, waxaa muhiim ah in waalidiintu muujiyaan iney xiisaynayaan iskuulka ilmihiisu dhigto, ayna u soo booqdaan si joogta ah ayna tagaan kulamada iskuulku leeyahay iyo kuwa looga yeero intaba, waana iney xiriir joogta ah la sameeyaan macalimiinta ilmaha wax u dhiga. Waxaa kaloo muhiim ah inay maalin walba waydiiyaan ilmaha waxa uu soo dhigtay maanta iyo waxa uu la soo kulmay, galabkii markii la gaarana uu yiraahdo soo qaado buugaagta oo akhri, kana shaqee howsha guriga ee laguu soo diray, wixii markaa ku adkaadana uu ilmaha kala kaashado xuruumaha ilmaha looga caawiyo casharada.

Waxaa hubaal ah waalidkii sidaa sameeya, in ilmihiisa uu helayo waxbarasho sare oo uu ilmuhu naftiisa iyo dadkiisaba ku anfaco, waalidkuna uu heli doono dareen ah inuu waajibkiisii gutay. Marka waa lagama maarmaan in waalidku arinkaa inta uu ilmuhu yar yahay xil weyn iska saaro, ogaadaana in soomaaliya iyo halkaan dhanka waxbarashada uu farqi weyn u dhaxeeyo.

Ahmed-haadi Muhumad Ahmed
Haadi30@hotmail.com
Odense Denmark

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.