Home » Maqaallo »

Ramadaanku waa Fursada Cumriga Q 9aad | Calinuur

Ramadaanku waa Fursada Cumriga
(Dersiga Sagaalaad)

Waxaa xiligaan oo kale muhiim ah in lala yimaado Sunadii Ictikaafka ee uu la imaan jiray Nabigeenii (Nabad iyo Naxariis Korkiisa allaha yeelee) Ramadaan kasta marka uuu gaaro Tobanka dambe, wuxuuna fogaan jiray Mashaakilada kale ee Dunada, asagoo u gaar yeeli jiray waqtiga oo dhan Caibaadooyin lagu sameeyo Masjidka gudahiisa.

Ictikaafku waa Qalbiga oo loo jeediyo Xaga Rabi, lana macaansado Munaajaadkiisa, lana weheshado, waxaana arintaas lagu sameeyaa in Masaajidka aan marna laga Baixin, iyo in Cibaadada loo gaar noqdo oo aan faraha lala galin arimaha kale ee Aduunka.

Ibnu Cutheymiin (Allaha u Naxariistee) oo Ictikaafka macna ahaan Sheegayayna waxaa uu ku macneeyay: In uu Insaanka ka haro dadka kale, si uu ugu gaar noqdo Cibaadada Allaah (cw) asagoo gala Masjid Masaajida Illaah ka mid ah, asagoo ruuxa raadsanaayo Fadliga Illaah iyo Ajarkiisa, doonayana inuu haleelo Habeenka Leylatul-Qadriga.

Waxaa kaloo uu Sheekh Inbu Cutheymiin (Allaha u Naxariistee) hadalkaas sii raaciyay waxyaabaha looga baahan yahay ruuxa Ictikaafka Doonayo waxaa uuna yiri:Sidaa dartyeed waxaa u haboon ruuxa Ictikaafaya inuu ku Mashquulo Xuska Illaah, Qur’aan aqris, Salaad iyo Cibaado, waxaana looga baahan yahay inuu ka fogaado waxa aan macnaha laheyn ee Aduunka ee Sheekada Aduunka ka midka ah, dhibse malaha inuu waxoogaa kula sheekeysto xaaskiisa hadal banaan ama qof kale maslaxad darteed,.. waxaa una soo arooriyay Ibnu Cutheymiin Daliil ahaan Xadiiskii laga wariyay Hooyadii Mu’miniinta Safiya (Allaha ka Raali Noqdee) oo ay ku sheegatay in ay u timid Nabiga suuban oo ku jira meeshii uu ku Ictikaafayay xili habeen ah oo ay la shekeysatay, waxa ay tiri ka dibna waxaan doonay inaan u laabto Gurigeyga, Nabigaana isii raacay sagootin ahaan..

Marka Ictikaafka waxaa uu ka mid yahay sunooyinka looga baahan yahay Muslimiinta in ay la yimaadaan Bishaan Ramadaan Gaar ahaan Tobanka Dambe ee ka midka ah si fursad loogu helo Cibaadada Munaasabadan qaaliga darteed.

Ictikaafka waxaa uu Bilaawdaa marka ay bilaabato Tobanka dambe ee Ramadaan. waxaa uuna leeyahay Shuruudo laga maarmaan u ah inuu ilaaliyo ruuxa doonaya inuu Ictikaafo si uu uga Ansaxo waxaana ka mid ah:
1- Inuu Muslim yahay Ruuxa Ictikafaya, Gaal kama Ansaxo.
2-Inuu Fiyoow yahay Caqli ahaan, kan waalan kama Ansaxo.
3- Qaangaar inuu yahay, Caruurta kama Ansaxo.
4- Waxaa looga baahan yahay Niyad inuu la yimaad ruuxa Ictikaafaya(Inuu Niyeesto).
5-Daahirna waa inuu kayahay Xeyd (Caado) iyo Nifaas, waxaa ku waajibaya hadii Caadada ka Timaado gabadha in ay joojiso Ictikaafka kana baxdo Masjidka.
6- Meesha lagu Ictikaafayana waa in uu ahaado Masjid lagu Tukado Saalaadaha Jiimcada iyo Jamaacada.

Waxaa kaloo jira waxyaabo looga baahan yahay inuu ka Digtoonaado ruuxa Ictikaafaya oo Buriya, waxaana ka mid ah.

1- ( Jimaaca) taasoo loo la jeedo ruuxa inta uu ku jiro Ictikaafka ma taaban karo Xaaskiisa ama lama imaan karo waxyaabaha hor dhaca u ah Jimaaca Sida Taabashada Shahwada darateed ah ama Shumin.

2- Waxaa kaloo Buriya Ictikaafka in Masjidka laga wada baxo dan la’aan, hadiise jirka qaarkiis laga bixiyo Masjidka sida uu sameeyay Nabiga (Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee) oo kale markii ay Caaisha u Dhaqeysay Timahiisa asagoo Ictikaafsan waa ay banan tahay.

3- Waxaa kaloo Buriya Ictikaafka Diinta in laga Baxo (Ridada) – illaah ayaan ka magan galeynaaye- waxaa kaloo Bura Camalkiisa oo dhan maadaama uu Ridoobay.

Sidaas oo kalana waxaa jira Aadaabo laga maar maan ah inuu ilaaliyo ruuxa Ictikaafaya,.. qaarkoodna hore ayaan usoo sheegnay, waxaa kaloo ka mid in uu ruuxa ilaaliyo Nadaafada Masjidka, inuusan ka dhigan Ictikaafka miduu uga faaiideysto Saaxiibo la sheekeysi, waxaa kaloo ka mid ah ruuxa inuusan dayacin Ehelkiisa maalmaha uu ku jiro ictikaafka oo uusan dhigin Masruuf la’aan.
Hadaba waxaan kusoo gabagabeynayaa walaal walba oo Muslim ah inuu isku dayo inuu soo nooleeyo Sunadaas laga tagay ee Ictikaafka isla markaana nafteena ku tarbiyeeyno ku dayashada Nabigeebnii Suubanaa, ugana dayanaa wax walba oo aan Cibaado ahaan u sameyneyno.

Waxaa Diyaariyay Calinuur Axmad Xoogsade.
calixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.