Khilaaf ku saabsan Badda Soomaaliya oo soo Kala Dhexgalay Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif iyo Ra’iisul wasaarahiisa
- Axmed Walad Cabdalla oo Booqday Hargeysa iyo Garoowe
- Mudaharaad ka dhacay Hargeysa oo dad ku dhinteen
- Dr. Faroole oo fariin adag u dhiibtey Axmed Walad Cabdalla (Puntland waxay kalsoonida kala laabanaysaa DFKMG haddii aan…..)
Warar laga helayo ilo wargal ah ayaa tibaaxay in khilaaf soo kala dhexgalay madaxda ugu saraysa xukuumadda DFKMG, gaar ahaan madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo ra’iisul wasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Si rasmi ah looma shaacin waxa uu khilaafkaasi ku salaysan yahay. Laakiin warar laga helayo ilo wargal ah, oo weydiistey inaan la magcaabin, ayaa tibaaxay in khilaafka xubnaha sare ee xukuumadda FKMG uu salka ku hayo Badda Soomaaliya. gaar ahaan meesha laga samaynayo xarun lagala dagaalamo burcad badeeda.
Arrintan ayaa sii xoogaysay kaddib markii ay heshiis ku saabsan xarun loo samaynayo la dagaalanka burcad badeedka ay galeen wafti uu hoggaaminayey Sheikh Shariif , heshiiskaas oo DFKMG ay la gashay jabuuti, ayadoo uu jiray heshiis kaas la mid ah oo ay hore u wada saxiixdeen Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole.
Qodob ka mid ah heshiiskii DGPL iyo ra’iisul wasaaraha DFKMG ay saxiixdeen Augsut 23, 2009 waxa uu dhigayaa sidan: “Waxay labada dhinac ku heshiiyeen maadaama ay burcad badeeda faro ba’an ku hayaan Puntland in gobalada Puntland laga dhiso xarun weyn oo ciidamada bada, loona dhameystiro agabka iyo qalabka, ayadoo beesha Caalamka lagala kaashanayo.” (EEG HALKAN – Heshiiskii Garoowe).
DGPL iyo DFKMG oo heshiis saxiixanaya August 23, 2009
Wafti uu hoggaaminayay madaxweynaha DFKMG oo toddobaadkan tegey Jabuuti ayaa (September 10, 2009) waxay heshiis ku saabsan in xarunta la dagaalanka burcad badeedka laga dhigo Jabuuti la galeen dalka Jabuuti. Heshiiskaas waxaa xukuumadda FKMG u saxiixay ra’iisul wasaare xigeenka ahna wasiirka Kalluumaysiga Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi). (EEG HALKAN – Heshiiskii Jabuuti).
Jabuuti iyo DFKMG oo heshiis galay Sept 10, 2009
Prof. Ibbi oo Jimcadii (Sept 11, 2009) laga waraystay arrimo la xiriira heshiiska uu saxiixay waxa uu yiri “Shirkani horta ma ahayn shir lagu sii talo galay, waa shir ka dhex dhashay imaanshaha madaxweyne Sheikh Shariif Xafiduhu-Laah, markii uu yimidna waxay abuurtay in labada Madaxweyne ka wada hadlaan Center-kan (Xaruntan) lagu tababarayo ka hortagga burcad badeeda in laga sameeyo magaalada Jabuuti, sagaal dal ayaana saxiixay, annaga ayaana ugu horaynay.” (Halkan ka dhegeyso).
Halkaas waxaa ka cad in ay jiraan laba sheshiis oo isku arrin ku saabsan (meesha laga hirgelinayo xarunta la dagaalanka burcad badeeda) oo ay kala galaan laba wafti oo ay kala hoggaaminayaan labada xubnood ee ugu sareeya xukuumada kumeel-gaarka ah.
Arrimaha la xiriira badda Soomaaliya waxaa muran ka taagnaa badanaa intii ay jirtey xukuumadda uu hoggaamiyo Sheikh Shariif. Sababtoo durbadiiba markii la dhaariyey xukuumada ayadoo aan waqti badani ka soo wareegin ayay Kenya la gashay heshiis ku saabsan xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo la saxiixay April 7, 2009. Heshiiskaas oo muran weyn ka dhex dhaliyey xukuumadda iyo baarlamaanka FKMG, ugu dambayntiina ay baarlamaanku heshiiskaas ka dhigeen “Waxba kama Jiraan.”
Taas oo jirta ayaa madaxweynaha DFKMG waxaa laga soo xigtey in uu yiri “arrintaasi Baarlamaanku si khaldan ayey u fahmeen,” sida uu SomaliTalk u sheegay Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmi Baarista Dowlada Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa oo aan wareysi gaaban kula yeelanay Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti, September 11, 2009-ka, isagoo ka mid ahaa waftiga madaxweynaha DFKMG. Hadalkaas oo aad uga caraysiiyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanaka.
Heshiiskaas oo baarlamaanku waxba kama jiraanka ka dhigay waxaa Qarammada Midoobay u gudbiyey ra’iisul wasaaraha DFKMG, asagoo ku lifaaqay warqad uu ku saxiixan yahay magaciisu. Ma jiro war rasmi ah laga hayo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo lagaga hadlayo go’aankii baarlamaanku ka qaatay heshiiskii isfahamka.
Laga soo bilaabo sannadkii 2000 oo la soo dhisay Xukuumadii KMG ahayd waxaa xukuumad kasta oo soo martay Soomaaliya ay la kulmaysay khilaaf soo dhexgalayey madaxdeeda ugu saraysa, sida: Khilaafkii madaxweynahii xukuumaddii lagu soo dhisay Carta, C/qaasim Salaad Xasan iyo ra’iisul wasaare Cali Khaliif Galayr oo sababay in Galaydh ay baarlamaanku xilkii ka qaadeen isagoo dalka bannaanka kaga maqan. Khilaafkii madaxweynahii xukuumaddii lagu soo dhisay Mpagathi, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo sababay in Geeddi uu xilka iskaga tago. Khilaafkii ra’iisul wasaarihii bedeley Geeddi, Nuur Xasan Xusuun (Nuur Cadde) iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf oo sababtay in Yuusuf xilka iskaga dego.
Wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa la filayaa bishan September 2009 in ay tagaan New York oo ay kaga qayb galaan kulanka Guud ee 64aad ee Golaha Qarammada Midoobay. Sida laga soo xigtey safiirka Soomaalida u fadhiga UN-ta waxaa la filayaa waftiga Sheikh Shariif in ay tagaan Washington DC, Columbus iyo Minneapolis. Lama oga in waftigaasi ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee deggan Maraykanka ay si xaqiiqo ah uga warbixin doonaan arrimaha la xiriira badda Soomaaliya iyo heshiiska is afgarad ee Soomaaliya iyo Kenya ee baylahda ka dhigaya dhul badeed baaxad weyn oo ah badda Soomaaliya.
Madaxda DFKMG waxay si cad uga warwareegayaan in ay wajahaan oo jawaab sugan ka bixiyaan sababta rasmiga ah ee ay u difaacayaan heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Axmed Walad Cabdalla oo Booqasho ku tegey Puntland iyo Faroole oo farriin adag u dhiibay Walad Cabdalla
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, ayaa Sabtidii (Sept 12, 2009) waxa uu booqasho gaaban ku tegey magaalada Garoowe, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha DGPL, C/raxmaan Maxamed Faroole. Waxayna halkaas ku qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah.
Shirkaas jaraa’id madaxweynaha DGPL waxa uu ku cadeeyey in Puntland ay tahay qayb ka mid ah DFKMG. Sida ay werisay Idaacada Codka Maraykanaka “Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in Puntland ay ka mid tahay DFKMG ee somalia isaga oo xaqiijiyay inaanay ahayn dawlad madaxbanaan ee ay tahay Dawlad goboleed, waxaana uu xusay shirkii ay magaalada Gaalkacayo kula yeesheen wafdigii Ra’iisal Wasaaraha DFKMG ee Soomaliya Cumar Cabdirashiid, Faroole ayaa sheegay in ay shirkaasi ku xalliyeen mad madow badan oo ku kala dhex jiray xidhiidhka Dawladda Federalka ah iyo Maamulka Puntland.” Dhegayso (MP3) .
VOA waxa uu intaas raaciyey “Ergayga Gaarka ee Xogahaya Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmedou Walad Cabdalla ayaa soo dhaweeyay hadalka Madaxweyne Faroole isaga oo tilmaamay in xaqiijinta ay Puntland xaqiijisay in ay ka mid tahay maamulka DFKMG ee Somalia uu horseed u yahay in la dhiiri galiyo isku duubnida loo baahanyahay in lagaga gudbo dhibaatada dagaallada Somalia ragaadiyay.”
Waxaa jira warar laga helayo ilo wargal ah oo tibaaxay in madaxweynaha DGPL uu fariin adag u dhiibey Walad Cabdalla. Fariintaas oo ku saabsan: “Haddii aan DFKMG ka laaban heshiiskii (Sept 10, 2009) ay la gashay Jabuuti ee ku saabsanaa xarunta burcad badeeda, in markaas ay Puntland kalsoonida kala laabanayso dawladda uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif.” Waxaa warku intaas ku daray in Walad Cabdalla yiri waxaan fariintaas gaarsiinayaa Sheikh Shariif ee iga warsug.
Sida ku qoraalkii hordhaca ahaa ee ka koobnaa 15-ka bog ee ku lifaaqnaa heshiiska isfahamka badda ee DFKMG ay u gudbisay Qarammada Midoobay April 14, 2009, Axmed Walad Cabdalla waxa uu ku lug lahaa diyaarinta dukumiintigaas ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta ee ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ama dhulka badda hore u sii gashan.
Axmed Walad Cabdalla oo Booqday Hargeysa
Ergayga xoghaya guud ee QM Walad Cabdalla ayaa Khamiistii (Sept 10, 2009) waxa uu booqday magaalada Hargeysa halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.
Sida laga soo xigtey warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyaha Somaliland waxay Daahir Riyaale iyo Walad Cabdalla ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta labada dhinac.
Dhankiisa Axmed Walad Cabdalla waxaa laga soo xigtey in uu yiri Somaliland waxaan ka taageeneynaa dhanka horumarinta iyo la dagaalanka Burcad Badeedda.
Hargeysa oo rabshado ka dhacay ay ku dhinteen 3 qof
Mudaharaad ka dhacay magaalada hargeysa ayaa waxaa sabtidii (Sept 12, 2009) waxaa ku dhintay 3 qof, dhawr kalena waa ku dhaawacmaan.
Waxaa wararku tibaaxeen in dadja mudaharaadayey ay iska hor yimaadeen ciidamada ammaanaka, halkaas oo dadka mudaharaadayey tuurayeen dhagxaan iyagoo daqiiqyada ku gubey taayiro. Ciidamada ayaa furay rasaas.
Dadka mudaharaadayey waxa kale oo ay gubeen gawaarida Booliska. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland , Abdulahi Osmail Ali , waxa uu weriyaal u sheegay in dadka mudaharaadayey ay adeegsadeen hub iyo bombaanooyin, waxayna dhaawaceen afar boolis ah ayuu yiri.
Sida ay werisay AFP waxaa boolisku xireen saddex weriyey oo ka warbixinayey mudaharaadka, kuwaas oo kala ah Abdiqani Husein iyo Abdifatah iyo Abdiqani Abdulahi.
Talaadadii (Sept 8,2009) ayey ahayd markii ay boolisku xoog ku galeen xarunta baarlamaanka Hargeysa kaddib markii ay dagaalameen xildhibaanadu, ayey qortay AFP.
Waxaa wararku tibaaxeen in arrintu ay cakirantey kaddib markii dib loo dhigay doorashadii la qaban lahaa September 27. Daahir Riyaale waxa uu madaxweyne ka noqday Somaliland bishii May 2002. Waxana uu u taaganyahay sharaxaad cusub.
Mudaharaadka Hargeysa Ka daawo VIDEO-ga Halkan….
- Isha Sawirada iyo qaar ka mid ah akhbaarta: AFP, Radio Hormuud, VOA, BBC, horseed, AP, Google video, Youtube, somaliland, Google news..
sc wr wb. marka hore puntland waa dowlad gobaleed.waxaana ay awood u leedahay in ay ka tashato haday somaliya wali sidaas iskugu dhex yaacsanaato.ma kula tahay nin deegaankii u dagaan ka dhigay meel ay ku noolaan karin bini’aadamka marka qof kasta waxaa u jecel yahay inuu wax sheego laakin waxaa is waydiin mudan puntland waad jeceshahay inaad wax ka sheegto! lakiin dhilka aad ka so jeedo sidee buu yahay xaalkiisa? puntland iyo somaliland waxay ka nasteen dhibkii ay kala soo tageen koonfurta. marka nin aan mamul dhisan! nin aan nidaam iyo dastuur lahayn.xataa shareecada islaamka iyo romanka, waa iga suaale away somalia taalooyinkii away guryihii shacabku dhisteen hantitooda galiyay!away warshadihii wadank.warshadii hilibka.dawadafurtka . coca colada . dharka sonkorta.sigaarka iyo taraqa away warshadii korantada iyo isgaarsiinta?away dayuuradihi dagaal. away tiyatarki. away stduim muqdisho?iyo wax badan aan ku qorin meesha.marka qofka inta uu puntland ka hadlin isaga isa soo sax ka dibna dad la xaajoo. taas baa kaaga fiican wax kasta>
Abanur saaxiib waan kugu raacay. reesal wasaaruhu xamaruu joogaa. shariif ayaa keensaday. marka haduu iswaalo waa labadelaa. waa inuu dhagaystaa madaxwaynihiisa. puntland moohoo waa gobol somalia kamida. waa inay dhagaysataa Mogadishu. oo kudayataa. Ama xamar ama No Somalia. Puntlandestku waxay nadhahaan xamar waxay waxay ladegiwaysay Ethobiyaankii waa baxeenee hawiye maabaxay. Kaftanku waa uufuranyahay. laakiin tani waarun pirate ka waxaa laga maamulaa puntland. marka waxayrabaan inay hadana kudarsadaan meeshii laga xukumaayey kuwa ladagaala. Hadhow waxay noqonaysaa wiil pirate ah iyo adeerkiis oo bada ilaalinaaya markuu sooqabto waa uu sii daynaayaa. aniga waxay ilatahay ciidamo jabuuti iyo xamar laga keenay waa in Boosaaso lageeyaa.
ASCWW,
Ugu horeyntii waxaa khalad ah in Ra’iisalwasaaraha Xukuumada dhexe ee dalka Soomaaliya heshiis la gallo Gobol ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya.
Dowllad Gobolleedyada waxaa looga baahan yahay in ay u soo gudbiyaan wixii Qorshe ama mashaariic ah Dowladda Dhexe, ka dibna Xukuumadda u gudbiso Barlamaanka, wixii markaa ka dambeeya ayaa noqonayaa Mashruc kastaba Sharci, ka dibna loogu gudbiyo Madaxweynaha si u saxiixo, arrintaasoo aan filayo in ay tahay nidaamka Saxa ah ah ee Dowladnimada.
Cumar Cabdurashiid waxaad mooddaa in laga dhigtay Kubri loo maro Fidnada soo jireenka ah ee dadkan la baxay Buntaland ku hayeen muddada Dowladda la’aanta ee dalka Soomaaliya.
Haddaba, waxaan leeyahay Taariikhda ayaa sheegi doonta cidda dhibka la daba taagan Ummadda Soomaaliyeed, kolay dadka wax garadka ah waxaan filayaa in ay garanayaan cidda gardarada ku haysa Ummaddan.
Wabillaahi Towfiiq
A.Abanur
asc somalitalk marka hore marka xigta ramadanul kariim bahda somalitalk waad ko mah san tehiin sida wanagsan aad inoogu soo gud bisaan aqbarta aan u oon qabto mahad sanediin somalitalk ok bye
AS.C.W.W,
Waanu la wada soconaa inta badan waxa ka dhacaya Somalia. Madaxda Muqdishana waxay u baahan yihiin in ay bartaan qeexida “MABD’A” kadibna ay mid yeeshaan.
kadib markaan dhinac walba ka eegay Muqdisho dadka jooga iyo waxa laga filan karo waan ku talin lahaa maanta.
1-Puntland in aysan marna hoos uga dagin arinkii ahaa dadkaas Federal uun baa Somalia isku keeni kara.
2-in xubnaha DFKMG ee Puntland matala ay dalbadaan in dowlada laga saaro xubnaha nacaybka goonida ah u qaba somaalida qaarkeed una muujiyay gobolada qaar
3-waxaa lama huraan ah in Puntland ay dhisato cudud ciidan oo ay ku seexan karto
Asc,waxaan salamayaa dhamaan bahda Somalitalk khaasatan ragga qormooyinkan kusoo qorey, waad ku mahadsan tihiin sida aad dalkiina u difaacaysaan oo waxyaabihii dhacay aad uga soo saarteen Documentry-ga , amaan aad mudateen kadib, runtii waa wax laga xumaado in marwalba uu khilaaf dhexmaro DFKG ah ee Soomaaliya, sababtuna waxay tahay Jaahilnimo iyo waliba dan khaas ah iyadoo la raadinayo, Prof.Ibbi waynu ognahay waxa uu yahay, aqoontiisii la rabey inuu dalka iyo dadka ugu shaqeeyo ayuu dantiisa gaarka ah ku raadsanayaa, markaa ninkasta jaaniska yar ee umadda uu xilka u hayo haduu ku faaidaysanayo waa dhibaato, Waase wax iska cad oo Soomaalidu waxaa la dhahaa been way sheegaane Been ma maahmaahaan, waxaan uga danleeyahay Maahmaahdan “HAL BOOLI AHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO”, Ibbi waxa uu meesha ku yimid waa Baarlamaan ku sheega Jabuuti lagu soo dhisay oo ahaa mid xaqdaro ah oo aan ku jirin dastuurka dawlada Soomaaliya, marka isagaa sidaa ku yimid mar isaga iyo Labada Shariif,C/raxman C/shakur iyo rag kaleba waxay ku yimaadeen waa waxa aynu wada ognahay, marka Shalayna Kenya ayay ahayd waxay heshiiska la galeen oo ay badda gateen maantana Jabuuti ayay la galeen, marka Dawladaha Jaarkuna dan uma hayaan Soomaaliye waxay rabaan inay tabardarida ka iyo kala daadsanaanta ka faa’idaystaan, Shirarka ay nooqababnayaan waa mid wax ku jiraan oo dan ayay ka leeyihiin, Kenya Heshiiskii Embigati dantay kala hayd waxa uu ahaa heshiiskii Badda ee Baarlamaanku diiday, Jabuutina dhawr jeer ayay isku dayday oo heshiisyo qabatay laakiin Xiligan oo ay Baarlamaan badan soo kordhisay ayay heshay jaaniskeediiyoo waxay heshay rag calooshood u shaqaystayaal ah oo ay iyadu meesha keensatay.
Soomaalina waxaan leeyaay “War hooy timir lafbaa ku jiha” Walle hadaan la iska qaban dawladan Shariifyo wataan waxay soo wado ayaa ka daran inta hadda aad u jeedaan ee la ogaado.
Allow dalka iyo dadkaba noo hagaaji oo iskaayo fahamsii,Ilaahow Soomaali danuubta ay kala gashay Maslaxo ku badal, ilaahow adaa yeeli kara sidaas ee isku kaayo keen hadaan nahay Soomaali.
dal ninkii lahaa duminaayo yaa daryeelaaya? alow nacaymi. amin.
Ninbaa Reer Caaqil u ahaa, safar ayuu
meel u aadey, intii uu maqnaa Wan weyn
ayaa Aashuun madaxa la galay, waxaa la
waayey cid talo keenta; waxaa yimid ninkii caaqilka ahaa, wuu iskaa booyey
oo wax aamusiyaa ayaa la waayey, wuxuu
yiri ” haddii aan dhinto yaa caqli idiin
noqon doona?” wuxuu yiri ” bal horta
Wanka madaxa ka gooya” waa la yeelay,
laakiin madaxii weli Aashuunkii ayuu ku
jira, wuxuu yiri ” Aashunka jebiya” waa
la jebiyey, madaxii ayaa soo dhacay,
markaas ayaa loo sabciyey, Soomaliya
maanta waxaa ka taliya dad la mid ah
caaqilkaas.
Adeer hadii uu kabiyo diiday shariif heshiiskii ay wada galeen P/l & DFKMG mudane Dr.faroole waxan kula talinayaa isna in uu xiriirka u jaro dawlada uu hogaamiyo ninka aan la fahmayn macnihiisa waa sh.sharif, mar ma wadaad baa marna masidii prof.ali geedi ayuu wax qabyaaladaynayaa
kuwan siyaasiyin ku sheega somaliya waxay meesha u joogaan sidii ay dalka iyo qayraadkiisaba ugu gacan gelin lahayeen dad shisheeya ah oo ay dano iyaga u gaar ah ka helaan
Ri asalwasaaraha wxaad moodaa inuu qabiil jiitay somaliya manata is aaminkii waa ka dhamaday isaguna waxaad moodaa inuu jufadiisa rabo unuu qalabka ugeeyo iyo miisaniyad oo waliba ah meesha sartu ka qurantay oo burcadalagu shegayo hadeey helan markiin dagal weyba kasiiidarayan malas weydiinkara waxa uu muqdisha oo ciidankii lagu tabaryo intuu uga tagay Galakacyo heshiis ugu sogalay oo waliba waftiga uu hogaminayay eey ahayen wasiiro ku heeba waa iska cadahay daah masaaran