Home » Warar »

Eeney: wuxuu ahaa wiil Kabaha Caseeya maanta wauxuu ka mid yahay Xulka Qaranka Soomaaliyeed

Eeney: wuxuu ahaa wiil Kabaha Caseeya maanta wauxuu ka mid yahay Xulka Qaranka Soomaaliyeed

Magiciisa oo buuxa waa Aadan Xuseen Ibraahim, waxaana lagu naaneesaa Eeney, waxsaana uu ku dhashay degmada Waajid ee gobalka Bakool sanadku markuu ahaa 1993-kii, wax ehel ahna uma joogaan magaalada Muqdisho.

Waxaa uu Muqdisho soo galay isagoo jira 10 sano, si uu u raadado nolol u dhaanta tii Waajid waalidikiisna ugu shaqeeyo, waxaana uu durbaba bilaabay shaqada kaba dhaaalinta maadaama wax kale oo uu qaban karay aanay jirin.

Waxaa uu tagay xaafada Geed Jacayl ee degmada Wardhiigley waxaana uu halkaa ka biaabay shaqada kaba dhalaalinta,xaga raashinka waxaa gacan qabtay nin oday ah oo xaafada dagan oo a yiraahdo cabdi Siciid, wixii uu shaqadiisa ka helana waxaa uu u diri jiray hooyadiis oo ku nool Waajid.

Eenay waxaa uu sheegay in maalin maalmaha ka mid ah isagoo caruur yar yar banooni kula cayaarayay meel jid cadde ah uu soo ag maray guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo cabaar markii uu daawaday kadib kasoo dagay gaarigiisii lana sheekeystay Eeney.

“Guddoomiyuhu waxaa uu ii sheegay in aan ka mid noqonayo mashruuca tababarka dhalinyarada kubada cagta ee FIFA ay maal geliso, muddo bilo ah kaddibna waxaa la iga mid dhigay xulka dhalinyarada da’doodu ka yartahay 17-ka sanadood”ayuu yiri Eeney.

caseeye1

“Markii hore waxaan ahaa caseeye, hadana waxaan ku jiraa xulka qaranka, uma maleynaayo in aan noloshii caseeyenimada dib ugu laaban doono, waxaana qabaa rajo weyn mustaqbal wanaagsan oo kubada cagta ah ayaana ii muuqda”ayuu Eeney hadalkiisa sii daba dhigay.

Wuxuu si weyn ugu mahad celiyay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Mugaabe oo kasoo saaray noloshii kaba dhalaainta iyo odayga cabdi Siciid ah ee uu hoygiisa ka raashimeeyo.

caseeye4

“Waligey ma aanay fileyn in aan diyaarad kori doono,laakin hada waan koray anigoo waliba sida calanka Soomaaliya matalayana dalkeyga”ayuu Eeney u yiri si farxad leh.

Cayaaryahanka da’da yar Aadan Xuseen Ibraahim oo lagu naaneeso Eeney waxaa uu dhawaan ka soo llaabtey dalka suudaan oo uu kaga qaybgaley tartankii Junyariska ee Qaramada bariga iyo bartamaha

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiin khasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " Eeney: wuxuu ahaa wiil Kabaha Caseeya maanta wauxuu ka mid yahay Xulka Qaranka Soomaaliyeed "

  1. Dr:abdi dahir farah xaleef says:

    waxaan ku guubaabinayaa in cid kasta oo masuul ah uu ku dayato soomaalinimada uu muujiyay walaalkeen Mugaambe sida wadaninamada ah ay ka maqan tahay eexda, qabiilka, nin jaclaysiga,uu ugu hiiliyay wiilkaas la dulmiyay oo loo diiday in uu waxbarsho iyo mustaqbal fiican sameysto isga iyo caruur badan oo soomaaliyeed, wey kuxusi doontaa taariikhdu, waadna ka heli doontaa xag ILLAAHAy. haklaas ka sii wad, waana arrin ku dayasho mudan ruuxii ay ku jirto Soomaalinimo.

  2. afcadde says:

    waa wax aad loogu farxo sheekada wiilka eeney laakin ma is waydiiseen imisa qayrkii hada ku nool tii u ka baxay oo weli ku jira haysana garab iyo gargaar ka ilahay mooye oo gobolkasta iyo tuulo kasta oo dalkeena ka mid ah oo weliba qaarkood xataa anay awoodin inay helaan biyo la cabo waxkaleba iskadaaye

  3. Ahmed says:

    Runtii la ,yaab ma leh,wiilkan waayo qofkii wadankiisa joogo mar uun buu heer gaari karaa,lakiin ninkii wadankiisa ka baxo,waxa u yaal waa qaxooti,iyo su,aal ah,Goormaa naga laabaneysaa,wiilkan waxaa u rajeenayaa nolol fiican iyo mustaqbal wanaagsan.

  4. Nafac M. Omaar says:

    runtii arintaa waxay k tusineysaa Nasiibka u qof walba lee yahay firi wiilkan dhashay 1993-ga hadana ku soo bar bararay nolasha meesha ugu hoyseyso waligiis ma uusan fileyn in uu diyaarad raaco hadana wuu racay waxaasa laga yabaa in u mustaqbalka u dheelo naadi caalami ah hadaba 90% dadka Sport-ga ha waa sidan oo hadna Millonair-ka noqday sida orad-yahanka Ethoipai Gabre Helaye salesei nolal ceenka ayu so maray

  5. liberia says:

    ASC WR WBR.

    AAD BAAN UGU FARAXSANAHAY IN HEERKAAS WIIL SOOMALIYEEED GAARO WAANA TALAABO KUDAYASHO MUDAN RUNTII…

    TEEDA KALE NINKAN FAALADAAN DIYAARIYEY WAXAAN DHIHI LAHAA BAL SOO SAX EENEEY GOOBTA UU JOOGAY AMA KU NOOLAA MA AHEYN WARDHIIGLEEY…

    HADDII LOO BAAHDO WAAN SOO RAACINAYAA
    WAAD MAHADSAN TIHIIN

  6. hanad says:

    waxaan layabay somalida dhaqankoda nolosha waxay ledahay heer hose iyo heer sare yacni waxaa aad ula yaabteen wiil noloshiisa kaba caseyn ku radsada horta wuxuu iska dhoray inuu dad baryo mida kale wuxuu garay heer uu somaliya u safto waxaa jiro kuwo babuurta dhaqo oo bari duliyal calami ah noqnonaya ha eegin duruuftee dadkaga dhinc karaac

  7. mustafe says:

    waa in aan lagu ekaan kaliya fifia lacag t ay maal galiso, balse loo fiirsho dhalinta in lamal glaiyo, si ay noloo fican u helaan.

  8. jbashir05@hotmail.com says:

    Waa sheeko naxdin iyo farxadba badan waxaan ka codsanayaa ganacsatada reer muqdisho inay wiikaan shaqo fiican siyaan

  9. waaw Eeneey nasiib buu leeyahay haddii asagoo wado boor badan ku ciyaaraya isla markaasna ah caseeya loo dalbaday inuu ka mid noqdo ciyaartooy la tooba bari doono. laakiin waxaan ku leeyahay Eenoow waalidkaa ha hilmaamin haddii aad ciyaartooy noqotay dhaldhalaalka adduunyada yeysan kula tagin.
    mahadsanid

  10. maymuun says:

    AMIIN qasaaro mahadsanid ,, ayaantaan rag yar yar oo LA MUSTAQ BAL SEEJIYAY ayaan ka dharag nay ,, ( wax dilla jannaad galaysan) balse EENAAY KA DUwan ,, SOO BAR BAAR EEDO allena kuma tuso WADAADDA MINDIYAHA DHIIGA AH WATA ,, aaaamin.

  11. Axmed M. Jaamac says:

    Eeney waxaan kuu rajeynayaa inaad noqoto ciyaryahan weyn oo magaca dalkeenna si sharaf leh u difaaca, soomali meel kasta oo ay joogto waa ku faraxsan tahay heerka aad gaartey, waxaad tusaale fiican u tahay dhalinyardeena, ilaaheey ha ku garab galo.

  12. Mohamed Abdirahman says:

    waa wax lagu farxo in ay wali jiraan dad soomaliyeed oo ay soomaalinimo ku jirto fursadna siinayaan dad aan fileyn fursadan oo kale guuleyso eeney
    sidoo kale hadii aad ka qudbitid dhibka ogow dad ayaa sidii aad ku jiri jirtey ku jira wali

  13. haniy says:

    asc
    masha allah ilahay baa u nimceeyey miskiinka ilahay baa waxa uu yiri aduunku waa ina macalin cusran, yusran maalin waa farxad, maalin waa problem marka walakay shalay wuxuu filayey trouble manta wuxuu haysataaaaa enjoy all ready allah said that point

  14. aduunyo says:

    aduunyoo waa taas waxad ogaanaysaa markaad aqriso suurada alaam nashrax