Home » Maqaallo, SaahidYusuf »

Samaaxatul Shiikh C/aziiz ibnu Baaz !!!! ( 2)

Samaaxatul Shiikh C/aziiz ibnu Baaz !!!! ( 2)

Casharkeenii hore waxaan uga soo hadalnay Sifaat fiican uu lahaa Shiikhu ,haatanna qaar kale ayaan ka sii sheegeynaa insha’alaah.

Cilmigiisa iyo Xifdigiisa:

Wuxuu dadka badidiisa Shiikhu uga duwanaa Xifdin aad u ballaaran iyo dhaqso u helidda jawaabta saxa ah iyo fahamka weyn uu u lahaa soo ururinta masaa’isha cilmiga ah, wuxuu ahaa Shiikhu mid Allaah ilhaamkiisa ku socda,caqligiisuna aad u weyn yahay. waxaa taas u daliil ah waxaa laga yaabaa in la su,aalo Axaadiis lagu muransan yahay mararka qaarkood oo ku yaala kutubta lixda ah(1) iyo kuwa kale oo ka mid ah kutubta Sunaha , Markaas ayuu ka jawaabaa asagoo axaadiistaas Takhriijinaaya oo asaaniideedana ka hadlaaya, asagoo sheegaaya sidey Raggii Ahlul cilmiga uga hadleen.

Wuxuu ahaa Shiikhu mid uu Allaah ku mineystay Xifdinta Saxiixeynka Bukhaari iyo Muslimba iyo soo daliilsashadooda markuu u baahdo, aad bayna u yareyd in uu qaar ka mid ah garan waayo, mar ayaa la su,aalay annagoo qadeyneyna, Shiikh ma xafidsan tahay Labada Saxiixeyn?Haa Allaah ayaa mahad iyo shukriba lehe, laakiin Kitaabka Saxiixul Muslim ayaa mar mar u baahan fiiro iyo isku dubarididba ayuu yiri (2).

Aqoonta xagga Luqadda Carabiga :

Wuxuu ahaa Shiikhu Allaah ha u naxariistee mid lagu tirsho culumada Luqadda Carabiga ah Siiba cilmiga Naxwaha iyo luqadda Carabiga dhamaanteed, waxaana taas laga daawan karayaa kutubtiisa iyo Sheekeysigiisaba, Khudbooyinkiisa iyo Muxaadaraadkiisaba.

Wuxuu ahaa mid bayaamin u saaxiib ah iyo mid si fiican u guta sharciyada Luqadda, badanaaba wuxuu isticmaali jiray Asluubka Culumada , wuxuuna la gaar ahaa markuu khudbeynaayo mid afkaartiisa qoddobeeya si aysan uga kala fakan iyo mid celiya dareemadiisa si uusan Caqligiisu wax u noqon.isku soo wada duub duuboo wuxuu ahaa mid fasiix ah oo aanba wax laxan ah laheyn habba yaraado ama haba weynaadee iyo waliba asagoo ka fog in uu is dhibo amaba wax karaankiisa ka badan raad raadiyo.

Haybaddiisa iyo isweynaan la,aantiisa :

Waxaa Shiikha laga soo guuriyey isweynayn la’aan weyn taas waxaa ka mid ah in uu isku sifeeyo mid Cilmi doon ah (Dalibul Cilmi ah).Wuxuu labisan jiray dharka midka ugu Raqiisan Haddii uu doono dadka ayuu iska xijaabi karay, dharka midka ugu qaalisanna waa qaadan karay se adduun oo dhanba waxba lama aheyn.
Wuxuuna ahaa mid dhallinta Cilmi doonka ah maalkiisa khaaska ah ka quudiya,sidoo kalena Guryo badan ayuu dabka u shidi jiray macnaa Quudin jiray.

Shiikhu waxaa la isku Raacay mid Haybad badan oo Ruux kastaayi qadariyo xataa Culumadu waaweyn qadariyaan oo leh haybaddii Culumada, taasna wuxuu ku mutaystay Akhlaaq wanaagiisa iyo ixtiraamkiisa uu dadka oo dhan ixtiraamo.

Shaqadiisa iyo manaasibtii uu soo qabtay:

Sooma wada koobi karno Shaqooyinkii uu soo wada qabtay ee aan ka sheegno kuwii ugu muhiimsanaa:

1) Macallin ayuu ka ahaa Machadka Cilmiga ee Riyaadh laga bilaabo sannadkii 1372 H iyo Kulyadda Shareecadda ee Riyaadh oo uu ka dhigi jiray fiqhiga ,Towxiidka iyo Axaadiista.
2) Waxaa loo cayimay ku xigeenka Jaamicadda Madiina Sannadkii 1381 H, wuxuuna Madaxa Isla jaamicaddaas noqday Sannadkii 1390H.
3) Sannadkii 1395 H madaxa guud ee Baaritaan Cilmiyeedka ,iftaha iyo Hanuuninta.
4) Xubin ka tirsan Hay’adda ugu sarreysa ee Culumada Sacuudiga.
5) Xubin iyo waliba Madaxa aasaasayaasha Ururka Iskutagga Caalamka Islaamka(Raabidada).
6) Madaxa Majliska Caalamiga ah ee Masaajidyadda Adduunka.
7) Madaxa Majliska fiqhiga Islaamiga ah ee Maka AL-mukaramahee raacsan Raabidada.

Intaas iyo kuwa lake oo badan ayuu ama xubin ka ahaa ama madax ka ahaa.

Qaar ka mid ah Kutubta uu Qoray Shiikhu :
1 – الفوائد الجلية في المباحث الفرضية.
2- التحقيق والإيضاح لكثير من مسائل الحج
والعمرة والزيارة “توضيح المناسك”.
3- التحذير من البدع، ويشتمل على أربع
مقالات مفيدة ((حكم الاحتفال بالمولد النبوي، وليلة الإسراء والمعراج، وليلة النصف
من شعبان، وتكذيب الرؤيا المزعومة من خادم الحجرة النبوية المسمى الشيخ أحمد)).
4- رسالتان موجزتان في الزكاة والصيام.
5- العقيدة الصحيحة وما يضادها.
6- وجوب العمل بسنة الرسول صلى الله عليه وسلم وكفر من أنكرها.
7- الدعوة إلى الله وأخلاق الدعاة.
8- وجوب تحكيم شرع الله ونبذ ما خالفه.
9- حكم السفور والحجاب ونكاح الشغار.
10- نقد القومية العربية.
11- الجواب المفيد في حكم التصوير.
12- الشيخ محمد بن عبد الوهاب ((دعوته وسيرته)).
13- ثلاث رسائل في الصلاة: ((1- كيفية صلاة النبي صلى الله عليه وسلم، 2- وجوب أداء الصلاة
في جماعة، 3- أين يضع المصلي يديه حين الرفع من الركوع؟)).

Wuxuu ogolaaday in Bog internet ah magaciisa lagu furo:

Shiikhu intii uusan dhiman maalmo ka hor ayuu ogolaaday in loo sameeyo Bog internet si uu Boggaasi u noqdo mid asaga iyo Dunidda inteeda kale isku xidha aydoo lala qabo meelaha kala gedisan ay maanta Muslimiintu ku kala nool yihiin.
wuxuuna noqonayaa hadafka Boggaasi mid u shaqeeya hadafka fidinta islaamka saxiixa ah iyo soo bandhigga Manhajka Salafiga ah. Sidoo kale soo bandhigid Barnaamijyada Muuqaalka ah sida Barnaamijkiisa Caanka noqday ee ( nuurul calal darbi) iyo isutagyada Cilmiga ah iyo Muxaadaraadka iwm sidoo kale wuxuu Shiikhu ogolaaday in lagu tarjumo luqooyin fara badan si ay Muslimiinta oo idili uga faa,ideystaan Duruustaas.

Maalmihii ugu danbeeyey ee Shiikha:

Wuxuu yiri madaxa xafiiska Shiikha DR.C/llaahi AL-xakami ( Wuxuu ahaa dadaalka Shiikha Bilihii iyo waliba maalmihiisii ugu danbeeyey mid la yaable,maxaayeelay wuxuu laba laabay Dadaalkiisii aad buuna isku dhibi jiray si uu u dhameeyo howlo badan iyo Waraaqo badan oo sugaayey uu u dhameeyo, waxaabad mooday in uu ogyahay in uu tagaayo markaas ayuu laba laabay in uu dhameystiro arrimaha Muslimiinta ee sugaayey).

Maalintiisii ugu danbeysay Nolosha Shiikha :
Shaikh_IbnBaaz

Shiikhu dadka ayuu ugu yeeri jiray Dacwada islaamka ilaa Akhirkii noloshiisa, sida laga soo guuriyey Majaladda Qoyska hadalkii Shiikh C/aziiz wahaybi : ( Shiikha ayaan la joogay Habeenkii uu dhimanaayey salaadii Maqrib ilaa cishihii , wuxuuna ahaa sidaan ku ogeyn oo aheyd in uu Fataawiga ka jawaabo qofkii la jooga oo weydiiya ama qofkii soo wacaba ? Kadibna wuxuu Dadkii la Fadhiyey weydiiyey mid kasta xaaladiisa kadibna
waxaan ka dalbanay in uu noo Duceeyo,wuxuuna yiri Adinkuna ii Duceeya halkaas baana iskugu kaaya danbeysay Shiikha, Wuxuuna Dhintay Salaadda Subax wax yar ka hor Maalin Khamiis ah oo Bisha Muxaram ay tahay 27, Sannadkii 1420 H Allaah ha u naxariisto.

HAL WAX OON KA QAATAY SHIIKHA OON WALI KU CAMALFALO:

Runtii markaan u noqdo Barshada Salaadeyda ayadoo lalaqabo mid Cilmi ku dhisan, waxaan ka Bartay Kitaabka Mukhtasarka ah ee Zaadul Micaad ee uu Qoray Shiikh Maxamed bin cabdi Wahaab Raximahulaah, Runtii waa Kitaab aad iyo aad u fiican oo Shiikh Maxamed cabiwahaab ku Faryareystay asagoo ka soo gaabiyey Kitaabka weyn ee Ibnu Qayim ALjowzii ee la yiraa ( Zaadul micaad fii hadyi Kheyr Al-cibaad) kaas oo lagu tiriyo kitaab Siiro ah ama fiqhi ah ama Kitaab Xadiis ah, Dhankii loo eryaba waa gammaan Xulashadiisiiye.

Se markaan imid Mareykanka labaatan sano ka hor ayaan labo shay oo kaliyah ku daray Salaadeydii ( up grading) Labadaas shay mid waxaan ka qaatay Shiikheena C/aziiz ibnu Baaz Raximahulaah oo ahأين يضع المصلي يديه حين الرفع من الركوع؟).

Taas oo ah Meesha la dhigaayo Gacmaha marka laga soo kaco Rukuucda, Arrinkaas ayaan waxaan ka faa’ideystay Shiikh ibnu Baaz markaan Akhriyey Risaaladiisaa yar ee aan kor ku soo sheegay oonan ku Qancay, wuxuuna Shiikhu Qabaa in lagu soo celiyo meeshii markii horeba ay yaaleen oo ah Xabbadka korkiisa ayagoo is dulsaaran, maadama uusan jirin wax nusuus ah oo noo cadeynaaya in meel cusub la dhigaayo.
Ta kale aan ku Siyaadshay asagana waxaan ka qaatay Shiikh Maxamed Saalax Cuthaymiin, asagana markaan ka hadlaayo Taariikh Noloshiisa ayaan sheegi doonaa inshal laah.

FII AMAANI LAAH

SHIIKH SAHID MOHAMED YUSUF
USA,VA
MUTAKHASIS FIL XARAKAAT AL-ISLAAMIYAH
SAHID_YUSUF@YAHOO.COM

1)waa Bukhaari,muslim,daa’ud,tarmadi,nisaa’i iyo ibnu xibaan.
2) waxaa Bukhaari iyo muslim ku yaala 10,000 xadiis ka waran akhristoow ma pc baa.
markii lagu daro kutubta kale ee Axaadiista bal ka waran iyo kuwa daciifka ah uu xifdisan yahay, wuxuu ahaa mucjiso ka danbeysay salafkii saalaxa ahaa ayadoo lala qabo indho la,aantiisa ilaahoow u naxariiso shiikheena C/Aziiz ibnu baazi.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Samaaxatul Shiikh C/aziiz ibnu Baaz !!!! ( 2) "

  1. Mh Mohammed says:

    Salaamullaah calayk yaa akhil caziza, walaahi aniga shakhsi ahaan waxaan ahay arday inta badana ma helo fursad aan netka iyo ku baaro waxyaalaha qiimiga leh ee lagu soo qoro, laakin qoraaladaada daacadii aad bay ii soo jiideen iyo sida qiiimiga leh ee aadu soo dharaandhirisay xqiiqda, midda kale o dhibka ugu wayn igu haysa waxay tahay luuqada carabiga oo aanan aad ugu fiicnayn balse aad ayaan u rabi lahaaa inaan helo qoraaalo sidan oo kale ah si aan uga faa’iideysano aniga iyo dhamaan muslimiinta kale adigana waqtiga aad galisay ilaah hakaa abaal mariyo.
    Jazaakalaaah khayral jazaa

  2. ismail says:

    jazak allah sida fiican ee aab noogu soo gudbisay taariikhada culimada uu soo dadaashay islaamka kuwa kale waan ka suganyaa isha allah

  3. sheikh sahid says:

    scwxwb:
    Asaxaabta wiilal & gabdhaba Allaah ha idin barakeeyo,waxaan Allaah ka baryeynaa in uu
    na waafajiyo leylatul Qadarka,naartana qoorteena ka xoreeyo.
    waxaa noosoo socda Mowlana Abuu Aclaa’ Al-mowduudi xafidahu laah iyo sitimaanka danbe.

  4. Maxamed cabdirisaaq says:

    Jzk khair, akhi, aad baad ugu mahadsan tahay qoraalkaadan qiimaha badan. Wallahi runtii, wakhti dheer baan sugayey qaybtan ladaad ee taariikh noolaadkii Sh. Bin baz, maalin kastoon soo galo somalitalk waan ka fiirin jiray in aad soo galisay qabtii labaad..Jzk khairan mar labaad, allah ha kaa abaal mariyo walaal, insha allah siina wad shaqadan dahabka ah ee aad bilowday!

  5. Nadifa C/xaliim says:

    Assalaamu Calaykum.

    Jazaakallaahu Kheyran, buurikta fii camalik, aad baan ugu bognay taariikhdii macaanayd ee sheekh ibnu baaz allaha u raxmadee marka la akhriyayo waxaadba moodaa adigoo webi malab ah hadba koob ka darsanaya yacnii waxaan ka wadaa kama dhargaysid inaad sii akhrido, marba marka ka danbaysa waad u sii xiisaysaa, marka walaal noo soo gudbi culimadii kale ee qarnigan, kolley juhdi iyo dadaal badan waad ku bixisay inaad xogta intan le’eg soo ururisee ilaahay miisaankaaga xasanaadka ah ha kuugu kabo.

    Culimadu kala sooc maleh, inaan taariikhdooda qurxoon wax ka ogaanana waxay noo ifinaysaa mugdiga iyo tuhunada beenta ah ee qaarkood laga faafiyay, culimadu waa shakhsiyaad uu ilaahay dadka kale oo dhan ka dhex doortay si ay cilmiga diinta u fidiyaan, marka qolo qolo iyo qowm qowm toona malahee aan ka wada faa’iidaysanno dhaxalkii ay nooga tageen, culimaa’u suu’na aan ka leexano iyo fatwooyinka fifteen years old ay dhiibayaan.

    Wassalaam iyo rabadaan wacan

  6. aad ayaanugu faraxsanahay sida wanaagsan ee aad usharaxden taariikhda sheekha iyoxadiiska ugu dameeya ee gacmaha lasaarayolaabta
    N.B fadlan noosoogudbiya taariikha haas oo kale waxii aad kaawoodaan

  7. farax says:

    a/c walaal jazaaka LLAAH khyral jazaa casharka qiimah badan aad noo faa iidaysay gaar ahaan masaladda ah gacanta meesha lasaarayo oo dadbadan ku wareereen rukuucda kadib a/c/w/w/

  8. jama mohamed says:

    walaalkay khayr alla hakasiiyo casharkii
    qiimaha iyo qaayaha lahaa ee uu inoo soogudbiyaya,kuwa kalana waan kaasugaynaa
    jazaakalaah khayr

  9. omar jacfar says:

    Jazakallah sheikh, waa qoraal qayim ah Ilaah abaal mariyo. kuwa kale ee soo socda waan kaa sugeyna insha alaah.