Home » Siyaasad »

Siyaasi Reer Puntland oo Beelo Gobolka Bari ku Diriray Ugu Baaqay Nabad

Siyaasi Reer Puntland oo Beelo Gobolka Bari ku Diriray Ugu Baaqay Nabad

Waxa mudooyinkan Aloosnaa Dagaal xidhiidh ah oo ka dhacayay Gobolka Bari dagaaladaasi ayaa salka ku haya inta badan dhul daaqsimeed iyo Ceelasha Biyaha, Maamulka Puntland ayaa wada abaabul xoogan oo ay arinkaasi ku dhex galayaan, hase ahaatee ilaa haatan wali waxa laysugu Jiraa Kuurka.

Dagaalkii Ugu danbeeyay ayaa ka dhacay Deegaanka Bina iyo Baargaal waxana ku dhawaacmay 5- Ruux oo laba dhinac kala ah.

Maamulka Gobolka bari ayaa wafti balaadhan Deegaankaasi u diray oo ay ka mid yihiin odayaal iyo Siyaasiyiin, waxana ay wararku sheegayaan in lagu Guulaystay in xabada la Joojiyo.

Bile Maxamuud Qaboowsade oo ah Siyaasi Reer Puntland ayaa sheegay inay wadaan Waan Waan xoogan oo arinkaasi lagu qaboojinayo, Bile oo haatan Jooga Magaalada Dekeda leh ee Bosaaso ayaa Ugu baaqay beelaha walaalaha ah inay colaada joojiyaan oo ay Miiska wada hadalka Fadhiistaan.

Bile Qabawsade waxa uu sheegay in Guud ahaan Gobolada Mudug iyo Bari ay xasaraduhu ka oogan yihiin isla markaana waxa uu dadka Goboladaasi degan u soo jeediyay inay Ilaaliyaan Amaanka oo hashiiyaan.

“Puntland inay nabadi ka Jirto waxa lagu Garankaraa qaabkii ay u dhacday doorashadii Puntland ee sanadkan Horaantiisa taasi oo si xalaal ah oo aan Rabshad lahayn u qabsoonta Caalamku halkaasi waxa uu ka dha dhansankaraa Kaluusinada Puntland ka Jirta” Ayuu Bile.

Bile Maxamuud Qabawsade ayaa dhawor jeer xilal kala duwan ka qabtay Maamulka Puntland isaga oo mar ahaa Wasiir ku Xigeenka Dekedaha iyo Kalluumaysiga, sidoo kale waxa uu ahaa La Taliyaha Cade Muuse ee dhanka Warfaafinta.

Jamac Feyte
Feyte37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Siyaasi Reer Puntland oo Beelo Gobolka Bari ku Diriray Ugu Baaqay Nabad "

  1. ali gelle says:

    waxaan kula talinayaa labada beelood in ay joojiyaan colaadaha cusub kuwii hore ayaaba loo la yahay xale dagaalna wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho ayaan idin lee yahay ee “please and please stop the civil war as soon as possible”