Home » Maqaallo »

Qoysas Soomaaliyeed oo Ku Dhaqanaa Galbeedka oo u Guuray Malaysia | Xasan Cade

Qoysas Badan oo Soomaaliyeed oo Ku Dhaqanaa Dalalka reer Galbeedka Oo Si’aad ah Ugu Soo Qulqulaya Dalka Malaysia, Sababtu maxay tahay?

Waxaa dhawanaahan dalka Malaysia soo gaaray qoysas badan oo ka yimid dalalka ka tirsan qaaraada yurub iyo waqooyiga Amerika kuwasoo u soo guuray dalkan Malaysia, waxaana si aad ah loogu arkayaa xaafadaha ay soomalidu ka degan tahay caasimada Dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.

Hooyo Caasho oo ka mid ah hooyooyinkii qoysaskooda u soo raray dalkaan Malaysia oo kula kulmay hoygeeda cusub ayaa ii sheegtay in sababaha iyada iyo caruurteeda ay Malaysia ugu soo guureen ay tahay in ay ogaadeen in Malaysia ay tahay wadan Islaam ah islamarkaana caruurtooda ay u heli karaan dugsiyo qur’aanka lagu barto iyo malcamado Islaami ah.

Waxa ay intaasi ku dartay in caruurta soomaliyeed ee yurub iyo amerika lagu barbaarinayo ay adag tahay in ay dhaqankooda iyo diintooda ku taagnaadaan sidaasi darteedna ay ka door bideen inay Malaysia u soo kaxeeyaan si ay diinta Islaamka u bartaan iyo weliba dhaqankooda madaama Malaysia ay ku sugan yihiin soomaali aad u tiro badan.

Sidoo kale iyana waxaa jira qoysas kale oo soo gaaray dhawaanahan Malaysia oo u yimid si’ay u xanaaneeyaan qaar ka mid eheladooda oo dhaawacyo halis ah ka soo gaaray dagaalada ka socda Muqdisho kuwasoo lagu dabiibaayo qaar ka mid ah cusbitalada dalkan Malaysia, waxaana dad dhaawacyada qaba ay yihiin kuwa wax looga qaban waayay gudaha Soomaliya.

Isku soo wada duubow waxaa aad u soo kordhaya tirada dadka soomaliyeed ee Malaysia ku nool iyadoo soomalida Malaysia ku dhaqan ay isugu jiraan qoysaskaasi ka soo guuray dalalka reer galbeed oo si aad u soo galaya Malaysia, iyo qoysas ka soo barakacay Soomaaliya iyo arday aad u tiro badan oo wax ka barata jaamacadaha dalka Malaysia.

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.