Home » Qoyska »

Ha ku ciyaarina caruurtiina!|Rooxaan

Waxaan ku bilaabaynaa magaca Allah salaana korkiisa ha ahaato rasuulkiisa

Kadim markii aan u fiirsaday sida ay somali badan ula dhaqmaan caruutooda iyo sida ay u koriyaanba waxaa ii soo baxaday waxaalo badan oo dhibaatooyin ah oo umadeena ka haysata xaga dhaqanka. Umadeena intabadan waxay asal ahaan kasoo jeedaan dhulka naxariista daran baadiyaha ah, dhaqanaka ad adayga ku dhisan ee reer badiyaha ayaa wili ku dambeeya somalida xitaa kuwa dadgan magaalooyinka iyo dibadahaba. Waxaa ka mida dhaqankaas in uusan kofku ka gaban in uu aflagaadeeyo, caruutiisa, lamaanisa iyo dadka ay wada hadlayaan. Afxumada iyo hadalka oo la isku xumeeyo ayaa waxaa kadhasha xumaan iyo nacayb intabadan dhex mara dadka wada nool ama isdhalay.

Hadii aan usoo laabano caruurta, somalidu waxay ula dhaqmaan caruurtooda sidii wax aan qiimaba lahayn iyoga oo markastaba ku aflagaadeeya dadka kale hortooda.

Waxaan mararka qaar booqdaa reer ama waxaan lakulmaa qof somaliya oo ay curuurtiisu lajoogaan, markii ay caruurtaasi wax aad u yar oo khalad ah sameeyaan waxaa inbadan dhacda in waalidkood si xun oo xad dhaafa ay u aflagaadeeyaan. Aflagaadadu way ka xuntahay in la dilo caruurta, waxay qalbigooda ku reebtaa nabar aan waligiis bosoonayning.

Waxaa lagu ogaaday badhitaano badan oo lasameyey in caruurta loo koriyo sida silica ah islamarkaana ay koriyaan waalid ay dareemayaan caruurtu in aysan qiimanaynin in ay caruurtaasi soo baxaan kuwo dhinaca maskaxda ka jiran oo qaba cuqdad hoosaad aan waligeed bogsoonayning arintaasina waxay mararka qaarkood keentaa in ay noqdaan dad sameeya falal aan caadi ahayn sida, dil, tuugaysi, isticmaalka maanduuriyayaasha, kufsi iyo waxyaabo kale oo ansha xuma ah.

Waxaa lagu sheegay sabata keenaysa waxyaalahaas in ay tahay in cunuga hadii marka uu yaryahay laqiimo tiro oo ay walidkiisu markay u xanaaqaanba ay ku dhahaan “nacas baad tahay” “wax aad tahay lama arko” “waligaa wax ma noqon doontid” iyo waxii lamida oo qiima tiris ah in ay ilmaha yar maskixiyan uga dhaadhacayso in uu yahay qof nacasa oo aan qiimabadan lahayn. Hadii uu qufku isu arko in uusan qiimalahan ama uu naftiisa nacana waxaa dhacda in uusan ka xishoonin waxyaalah anshax xumada ah ee ay dadka caadiga ay ka xishaadaan.

Waxaa intaas dheera dhinaca tabarka oo ay iflagaada iyo qaabdarada waalidku raad wayn ku leedahay.

Jidhka bini aadamka waxaa kora oo xoogaysta qaybta aadka loo istixmaalo, hadii aad in badan isticmaasho murqahaaga way korayaan hadii kale se way yaraan. Hadii aad in badan orodo waxaa xoogaysta xidida dhiiga iyo wadnaha IWM marka hadii aad in badan istic maasho qayb kamida maskax daada ama dabeecadaada waxaa ay qaybtaasi u koraysaa si aynan qaybaha kale ee maskaxdu amamaba dabeecadu u korin.

Maskaxdaada iyo qalbigaaga oo la isku yidhaahdo maanka maalo kamida ayaa waxay qaabil san yihiin muranka, dabeecada qalafsan iyo isdifaacida markii ay qatar imaato. Waxay qaybtaasi u taba barantahay in ay qatarta kaaga fogayso sida ugu fudud, ee dagaal, xanaaq,been iyo waxkasta oo macquula.

Qaybkale ayaaa jirta oo qaabilsan wanaajinta, naxariista, runsheega, cadaalada iyo maslaxada. Hadaba qaybta maankaaga kamida ee aad si aada u ismaashid ayaa lawareegaysa maankaaga iyada ayaana korasa. Hadii marka cunuga isaga oo yar loola dhaqmo si xun oo la aflagaadeeyo oo laqiimatiro wuxuu korayaa isaga oo isdifaacaya, wuxuu baranayaa dhaqankasta oo xun si uu usaga difaaco dhaqanxumada waalida, sida inuu been sheego, in uu aad uga xanaaqo wax yar oo aan micna lahayn iyo qaabdarooying badan oo ka dhalatay baahi uu u qabo in uu isdifaaco. Hadiise ilmaha loo naxariisto, oo markii uu wax khaldo si fiican oo dadgan wax loo baro o loo toosiyo. Uma uu baahnaanayo cunugaasi in uu isudifaaco si qaabdaran markasata, sidaas darteeda wuxuu baranayaa in uu wax dhagaysto oo uu fakaro inta uusan wax samayn wuxuuna fahmaa faaidada ku jirta dagaanata iyo anshaxa wanaagsan.

Marka walaalayaal, maadaama haatana lagu jiro mishan barakaysan ee ramadaanka, u naxariisata caruurteena oo ilmaha habarina uun sida wax loo handado e waxaad bartaan wanaaga cadaalada iyo naxariista.

Waxaadna ogaataan in faiidada kaliya ee idiinku jirta caruurta ay tahay in ay noqdaan dad wanaagsan oo indinka bartay diin, wanaag iyo inshar suuban. Hadii lake caruutiinu waxay noqonayaan ganacsi lagu khasaaray, oo hadii ay indinka bartaan xumaan waxaad leedihiin dabi lamida dabigooda markasta oo ay ku dhaqmaan xumaan ay idinka indinka barteen ama aad idinku ku kalifteen. Hadiise ay ku dhaqmaan wanaag ay dinka barteena waxaad leedihiin ajarkooda oo kale.

Wabilllahi tawfiig
Farxaan Yaasin
rooxaan l rooxaan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ha ku ciyaarina caruurtiina!|Rooxaan "

  1. Umu Cabdullaah says:

    Assalaamu calaykum waraxmatullaah

    Alxamdulillaahi Rabbil caalamiin xamda yuwaafii nicamahu wayukaafii maziidah wassalaatu wassalaamu calaa man laa nabiyya bacdah

    Walaal Farxaan Juziita khayran kathiiraa
    runtii walaal mawduucaaga awlaad iska daayee anigoo hooyo ah buu aad iyo aad ii anfacay maashaa Allaah waxaana Allaah kaaga baryayaa Cadamallaahu ajraka warafaca darajataka cish xamiidan wamut shahiidan wakatharallaahu khayraka. Walaalaha qaaliga ah ee SomaaliTalka sidoo kale ayaan Allaah ooga baryayaa iyo kakhayr badanba bacdallaahi iyagaa suurto galiyey wax way inaan nafteena ka badalno jaanibka aqoonta kan tarbiyadda iyo waliba inaan lasocono waxyaabo badan oo caalamka kadhacaya Jazaakumullaahu khayran kathiiraa.
    Amaa mawduuca walaal Farxaan maashaa Allaah waxaan dhihi karaa sida uu ukooban yahay hadana uxeeldheeryahay waxuuba asiibayba xadiiskii nabiga SCW ee ahaa “Khayrul kalaami maa qalla wadalla” “Hadal waxaa u khayr badan kii yar ee hadana aad wax u tusiya-xeeldheer”
    Allaha nagu anfaco.
    Wallaahu calaa kulli shay´in qadiir