Home » Siyaasad »

Burburkii Qaran ilaa Qoys Q- 4aad|Mingiste

Maxaa Burburay ? Aug.2009

(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah)

Ma fahansan tahay erayada ay ka mid tihiin:-

Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga- Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qoriga-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan-Qabriga.

* Waxaa burburay QALBIGII qofka Soomaaliga ah,meel kasta oo aad tagtana dhamaan Soomaalidu waxay ka hadlaan wax la soo dhaafay,waxaana ka gebi ahaanba meesha ka maqan in ay ka hadlaan in ay ka hadlaan mustaqbalka iyo waxa la yeelayo,waxaa ka maqan Soomaalida in ay ka haadlaan sidii looga bixi lahaa dhibka faraha badan ee jira.

* Waxaa burburay JINSIYADII Soomaalida ,berigii hore si sahlan ayaa lagu aqoonsan jiray shaqsiga Soomaaliga ah,balse maanta waxaa aad u adag aqoonsiga qofka Soomaaliga ,marar badana waxaad maqlaysaa suaalaha ay ka mid yihiin “Waar ma Afsoomaali ayuu ku hadlayaa iyo “Waar qofkaasi ma Soomaali baa mise ma ah”iwm

* Waxaa burburay niyadii(hamadii) qofka Soomaaliga ah,waxaana muuqaqta in inta badan Soomaalidu ay quus ka taagan yihiin dalkoodii iyo dadkoodiiba,gaar ahaan inta dibadaha ku nooli waxay u muuqdaan dad daawanaya Riwaayad aan dhamaad lahayn,naftana waxay ku maaweeliyaan dhowaan ayaan dalkii hagaagayaa,nabada iyo horumarna la helayaa.
* Waxaa burburay Afsoomaaliga oo ahaan jiray luqada keliya ee Soomaalidu isku afgarato,balse waxaa soo baxay Afsoomaali cusub oo aan laysla garaneyn.Waxaad arkaysaa laba qof oo Soomaali ah oo maanta dhan wada hadalaya hadana ay adag tahay in ay isfahmaan.

* Waxaa burburay qaab dhismeedkii bulshada oo la odhan karo waxaa aasaas u ahaa “QOYSKA”,mid yar iyo mid weynba ,mana arko cid ku howlan dib u soo celinteeda.

* Waxaa burburay dhaqankii Soomaalidu lahaan jirtay ,kaas oo ahaa mid soojireen ahaa oo ay ka duwaneyd inta badan shucuubka kale ee kala duwan ee ku nool dunida guudkeeda,dhamaanba hab dhaqankii Soomaalidu lahaan jirtay waa burburay.

* Waxaa burburay dhamaanba hogaankii bulshada Soomaalidu lahaan jirtay sida Madaxdhaqameedkii, Odayadii,dhalin yaradii, haweenkii iyo guud ahaanba waxgardkii.

* Waxaa burburay bulshadii caadi ahayd ,qaar Jeelasha shanta qaaradood ayey ka buuxaan,qaar badaha ayey maalin kasta ku dhintaan,qaar xabad ayaa maalin kasta ku dhacaysa ,qaarna cunto la,aan ayey wadooyinka daadsan yihiin, qaarna dhaxan iyo haraad ayey u dhinteen ,qaarna layaab ayey gidaarada la fadhiyaan.

* Waxaa burburay dhamaanba dhulkii Soomaalidu degi jirtay,,waxaa dhacay xaalufin balaadhan,waxaa dhacay nabaad guur ay sababtay dabeecada iyo mid aadamuhu sabab u yahay-ba.

* Waxaa burburay Baddii amase biyihii Soomaalida,qaar waxaa lagu shubay SUN-qaarna waxaa ka kaluumaysta Dowlado shisheeye ah,qaar waxaa xukumaBUDH CAD BADEED,qaarna waxay qarka u saran yihiin in ay qalalaan amse in biyaha laga leexiyo.

* Waxaa burburay taariikh soo jireen ah oo ay lahaan jireen shacabka ku abtirsada magaca Soomaaliyeed,taas oo aan filayo in ay gabi ahaanba ay qarka u saaran tahay in ay ka tirtiranto geeska Afrika .

* Waxaa burburay guud ahaanba hab Siyaasadeedkii Soomaalida ,waxaadna moodaa in ay xilligan Siyaasada Soomaalidu raacday hab ka duwan habkii ay ku soo nabad iyo caano maashay ay haan jirtay“Garnaqsiga”.

* Waxaa burburay hab Dowladeedkii ay Soomaalidu lahaan jiray ,ee ay kaga mid ahaan jirtay caalamkan aynu ku nool nahay,sidoo kala waxaa meesha ka sii baxaya ka mid ahaanshaha ururo badan oo caalamku leeyahay,oo hore Soomaalida looga yiqiin.

* Waxaa burburay oo meesha ka baxay eraygii ay Soomalidu mudada dheer ku hadaaqi jirtay ee ahaa “Somaliweyn” amase “shanta Soomaaliyeed”,Soomaali aad u fara badan ayaa u yaqaan erayga Soomaaliweyn, “Somaliland iyo Soomaaliya oo keliya,runtiina waa fikrad khaldan.

* Waxaa burburay oo aadan dhegaysan Karin sheekadii Soomaalida,haddiiba aad isku daydo in aad dhegaysato waxa Soomaalidu ka sheekaysato waxaa ugu badan “maaanta wax dagaal ahi ma dhaceen,maanta hebel ma hadlay,imisa ayaa dhintay iwm.

* Waxaa burburay Ganacsigii Soomalidu lahaan jirtay,oo waxaad maanta arkaysa nin iibinaya raashin,dawo iwm oo dhamaantood DHACAY,waxaaad arkaysaa nin magaciisaba la yidhaahdo MAALIN TAAJIR.

* Xiligan aynu ku jirno waxaa socda qorshe balaadhan oo lagu burburinayo DIINTA oo ahayd tan keliya ee inoo bedqabtay,tan keliya ee isku keen haysay,tan keliya ee ina badbaadin karta,bal eeg amase maqal inta urur diimeed ee maanta ka jirta Soomaaliya ee xabada iyo dagaalku ka dhexeeyo.

Hadal iyo dhamaan intaa aan kor ku soo sheegay iyo weliba in badan oo qalinka kala xishooday waxay ka mid yihiin burburka jira,ee weliba aanan garaneyn halka uu ku dhamaan doono.

La soco qaybta 5aad oo aan ku eegi
Sababihii keenay burburkaa balaadhan

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Burburkii Qaran ilaa Qoys Q- 4aad|Mingiste "

  1. Mohammed says:

    Rammaddaan Kariim
    Brother Mingeste hadalba intaas ayuu ku dhan yahay.Waxaa aad iigalay marka aad tiri soomaalidu waxay ka sheekaystaan oo kaliya waxii dhacay!!!!!!!