Home » Siyaasad »

Bishii hore waxaan Finland yimid W.W cadaalada DKM Janaqow|Idiris

Qofkii finish yaqaano lifaaqa ha akhriyo hadii loo baahdana waan turjumidoonaa
Intaa kadib waxaan idin ogaysiinaynaa W.W.Cadaalada DKM in uu yimid Finland waxuuna la kulmay siyaasiin

kala gadisan sida xildhibaano iwm.

Wasiirka cadaalada waxuu doonayay dageero dhanka milirariga ah iyo dhaqaalo si ay oola dagaalamaan kooxaha ku kacsan waxaase arinkaas amakaak uu ku noqotay siyaasiintii uu la kulmay waayo W.Cadaaladeed in uu ku mashquulo arin militare maadaama oo w.cadaaladu la ogyahay waxa uu golaha wasiirada ooga wakiilka tahay iyo guud ahaan shaqada W.Casaarada ay qabato oo ka gadisan shaqada ay qabtaan wasaaradaha kale.Waayo sadexda hay adood ee dawladi ka koobantahay

hay ada dajinta sharciga = (Baarlamaanka)

hay ada fulinta =(golaha wasiirada)
hayada garsoorka= (maxkamadaha)

Sadexdaas hay adood oo kala madax banaan ayaa ka jirto wadamadaan reer galbeedka waxaana layaab ku noqotay in wasiir cadaaladeed sidaa u dhaqmo!! waxaa kale oo ay layaabeen cida arimahaan usoo wakiilatay wasiir cadaaladeed!! waayo W.cadaalada waxuu ilaaliyaa sharciga calaamada wasaaradiisana waa miisaan oo micnaheedu yahay GARSOOR.

Balse hadii aan u kuurgalno DKM waxaan dhihi karnaa dawladu waxay ka koobantahay oo kali ah hay ada fulinta gaar ahaan labo
wasaaradood oo kale ah

wasaarada Gaashaandhiga
wasaarada arimaha dibada

waxaana muuqato in macal baarlamaanku uu dagaalka ku jiro qaarna ayagoo dagaalamayo ayayba dhinteen sida Eng Cadaw sidookale Badaxa Baarlamaanka waxuu hada kahor shir jaraa id ku sheegay inay dalbanayaan ciidan shisheeye 24 saac gudahooda!! hadaba waa maxay sababta ay DKM ooga koobantahay 550 baarlamaan iyo 50 wasiiro ku dhaw amaba kabadan maadaama shaqada waxaas oo dhan ay wada qabtaan ay tahay shaqadii ay qaban lahaayeen labo wasaaradood.

waxaana taa u daliil ah sida madaxda dawlada u gaaf wareegayaan dunida ayagoo hayo shaqada labadaas wasaaradoo oo kali ah.

Chairman of Somali Reconstruction And Social Development ry(SORASOD) Idiris Hassan Farah
www.srasd.net idirishf@hotmail.com Phone:358445545344

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Bishii hore waxaan Finland yimid W.W cadaalada DKM Janaqow|Idiris "

  1. bashir says:

    Dagaalka maanta loo ordaayo ma garaanaayo,ujeedkiisa. Amxaaradaii shalay lagu jihadayey waa kuwa maanta beled weyn soo galay , aaway dadkii mudaharadi jirey waagi hore. wax badan aya qarsoon ee runta banaanka ha la soo dhigo.

  2. Runtii soomaaliya waa wadan aysan ka jiran doowlad xoog leh waxaana ay mucaaradka ku wareegsanyihiin Villa soomaaliya marka wasiir walba haddii uu dibadda yimaado waa inuu raadiyaa taageero lagu sugo aminiga iyo kala dambeynta sidaa darteed ceebi malahan in wasiir walba markuu dibada yimaado inuu noqdo mid gaashaan dhig amni suge marka walaal yeeysan kaa hoos bixin xaalada wadanka Soomaaliya ku sugantahay iyo doowlada jawiga ay hadda ku shaqeyneyso oo ah sidii ay u tabareysan lahayd.