BAAQ TAHNIYADEED IYO TAAGEERO KU AADAN HESHIISKA DAWLADA FADERAALKA KU-MEEL-GAARKA AH EE SOOMAALIYA IYO DAWLADA PUNTLAND
Asalaamucalaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Salaantaas islaamka ee kor ku qoran ka dib, annaga oo isugu jirna Guddiyada, Aqoonyahanka, Wax-garadka iyo qaybaha ka duwan ee Qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool carriga Britain, kuna hadlayna magaca Jaalliyadda Reer Puntland ee UK, waxaan halkaan bogaadin iyo teegeero aan kala har lahayn u marinaynaa Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Shiikh Axmed, iyo Raysalwaaaraha Cumar Caddirashiid Cali Sharmaake iyo Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiraxman Moxamed Faroole.
Waxaan si laab iyo kal-gacal ku dheehan yahay u taageerraynaa Heshiiska dhaxal-galka ah oo ay ku kala saxiixdeen magaalada Galkacyo Madaxda Dawlada Faderaalka iyo Puntland taariikhdu markay ahayd 23-kii Ogoosto 2009, kaasoo xambaarsanaa 15-ka qodob oo wax ku-oolka u ah Ummada iyo Dalka Soomaaliyeed, si gaarana waxaan u soo dhawaynaynaa qodobka 14-aad ee Heshiiska oo si gaara u taabanaya Jaalliyaddaha Dibada ee Soomaaliyeed, kaasoo ah wax lagu farxo in maanta Madaxda Dawlada Puntland iyo Faderaalkuguba garwaaqsadeen, dareensan yihiina in xirriirka joogtada ah ee Qurba-joogta Soomaaliyeed lala yeesho uu laga maarmaan u yahay dib-u-noolaynta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya maadaama dadkii aqoonta iyo waaya-aragnimada lahaa ay dalkii Soomaaliya dibada uga baxeen dhibaatada baahsan ee aan joogsiga lahayn ee ka taagan dalkii hooyo awgeed.
Waxaanu si xoogan ugu boorinaynaa Madaxda kor ku xusan in ay ka miro-dhaliyaan heshiiska lakala saxiixday, waxaanu si taas la mida ugu dhiiri-galinaynaa in xirriirka iyo wada shaqaynta Puntland iyo Dawlada Faderaalka la adkeeyo, lagana hortago caddawga Soomaaliya oo aan doonayn in ay arkaan in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaago iyo kuwo caadaystay in ay qoraan warbixino aan sal iyo baar toona lahayn, xaqiiqadana ka fog sida Kooxda Xasaradaha Caalamiga (International Crisis Group) oo dhawr asbuuc ka hor soo saartay qoraal ay cadawtino dheeri ku dheehan tahay.
Annaga oo dareensan lana socona in ay Puntland tahay hooyadda iyo assaaska Dawlada Faderaalka ee Soomaaliya, had iyo jeerna u taagnayd in ay Soomaliya soo ceshato karaamadii iyo sharaftii ay ku lahayd Bulshada Caalamka, baanu waxaanu jecelnahay in aan ugu baaqno Dawlada Faderaalka ee Soomaaliya in ay dar-dar galiso habka faderaalka, ee ah kan keliya ee maanta Soomaliya lagu raadin karo, dibna loogu soo celin karo hanaankii dawladnimo oo ay lahayd.
Waxaan kaloo aad u taageersanahay dadaalka weyn ee bogaadinta mudan ee ay Dawlada Puntland ka wado magaalada Galkacyo, xarunta Gobolka Mudug iyo habka wanaagsan ee ay u xakamaynayso falal-danbiyeedka qorshaysan ee is dabajoogga oo murugada iyo tiraanyada leh ee ka dhacaya magaaladaas, oo u eg kuwo lagu carqaladeeynayo nabadgelyada Puntland iyo weliba shaqaaqooyinkii dhawaaan ka dhex dhacay labo beelood oo walaalaha ah ee degaanka Ufayn ee Gobolka Bari.
Sidaas darteed waxaanu talo ahaan ugu soo jeedinayaa Dawlada Puntland iyo Shacabkeedaba qodoba hoose ku qoran:
- In Dawlada Puntland ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay sharciga u hor keento gacan-ku-dhiig layaashii dilay Allaha u naxariistii Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Puntland Warsame Abdi Shirwac (Seef Banaanka) oo si bareer ah loogu toogtay barmaha magaalada Galkacyo iyo dilkii ka dambeeyey ee marxuum Goobe Cali Xobbar oo laysku xirririnayo fulintooda.
- In cid kasta oo raad ku yeelata falal danbiyeedkaan aan looga harin cidday doonto ha noqo intay doontana ha qaadato si sharciga loo horkeeno oo ciqaabtooda loo mariyo maadaama aysan jiri karin cid sharciga ka weyn, taasuna tusaale ugu noqoto cid kasta oo damacda in ay carqalad iyo khalkhal galiso ammaanka iyo nabadgelyda Puntland.
- In dhamaan Issimada, Nabadoonada, Culumaa’udiinka, Wax-garadka, Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ee Gobolka Mudug la shaqeeyaan Dawlada si aan kala har lahayn, Dawladuna ahaato haykalka kaliya ee looga danbeey fulinta hawshaan.
- In Dawladu si deg-deg ah u soo dhisto Maamul tayo leh oo hannan kara Gobolka Mudug oo lagu soo xulay xirfad, hawl-karnimo iyo daacad, iyada oo la kaashanaysa qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku xusan qodoka 3-aad.
- In Dawladu awood ciidan oo sharciga Dawlada u hogaansan u samayso magaalada Galkacyo, iyada oo loo dhamaystirayo agabka iyo qalabka ciidan ee u baahan yihiin si xasiloonida iyo kala dambaynta loogu soo celiyo maagaalada Galkacyo oo ahmiyad gaar ah leh.
- In Issimada, Nabadoonada, Culumaa’udiinka, Wax-garadka iyo Ganacsatada labada Beelood oo dhawaan Ufay ku dagaalamay ay ahmiyad iyo dadaal dheeri ah geliyaan siday ku soo af-jari lahaayeen shaqaaqooyinkii dhowaan degaanka Ufayn ku dhexmaray labada Beelood oo walaaha ah iyaga oo ka faa’iidasanaya fursada u furan manta oo ay hormood ka tahay Dawlada Puntland iyo Culuaa’udiinka iyo Waxgaradka Reer Puntland oo dhan.
Gaba-gabadii, waxaanu mar labaad ku bogaadinaynaa Dawlada Puntland xilkasnimada, dulqaadka iyo deganaanshaha ay muujisay, iyo habka wanaagsan iyo weliba ahmiyad gaarka ah oo ay siisay xakamaynta iyo maaraynta dhibaatooyinka kor ku xusan oo ahaa kuwu ku cusub degaanka Puntland, waxaanu leenahay waad ku mahadsan tihiin, waana kuwo aan idinku garab taaganahay haddaanu nahay Jaalliyadda Reer Puntland ee UK.
“Hawl Kama Daale Weli Waa Hogadii”
Alla Ha Ina Garan Siiyo Jidka Toosan ………Aamiin……….Aamiin…………Aamin
Bayaankaan taageerada iyo dhiiri-galinta isugu jira waxa saxiixay Jaalliyada Reer Puntland ee UK oo kala ah:
1 |
Mohamud Yusuf Ali Hoosh |
32 |
Habiib Mohamed Issa |
2 |
Hirsi HajI Jama |
33 |
Ahmed Farah Yare |
3 |
Abdullahi Ali Hashi |
34 |
Abdullahi Kalid Boqor |
4 |
Mohamed Haji Farah Geesood |
35 |
Abdullahi Salah Osman |
5 |
Abdifatah Mursal Mohamud (Fandhaal) |
36 |
Abdullahi Osman Aw-Muse |
6 |
Warfaa Garwayne |
37 |
Abdullahi Mohamed Dafle |
7 |
Ali Haji Warsame |
38 |
Mohamed Ali Abdi |
8 |
Mahamud Osman Dicin (Xaynwade) |
39 |
Abdi Ahmed Du’ale |
9 |
Ahmed Said Geelle Garoon (shoodhe) |
40 |
Abdullahi Hassan Farah (Baasaweyne) |
10 |
Abdirasheed Mohamed Daahir |
41 |
Mohamed Mohamud Ali Bile |
11 |
Said Cagawayne |
42 |
Mohamed Hassan Qoryeeyste |
12 |
Husain Noor Farah (Suulcayn) |
43 |
Abdifatah Adan Guureeye |
13 |
Abdiweli Mohamed Gurey |
44 |
Mohamed Ali Kaanje |
14 |
Abdifarah Samatar (Reer Baadiye) |
45 |
Mohamed Ali Hassan |
15 |
Abdirahman Adan Dude |
46 |
Mohamud Yuusuf Modoobe |
16 |
Abdullahi Mohamed Awil |
47 |
AbdiHadi Farah Gaas |
17 |
Abdinasir Biihi Soof |
48 |
Ahmed Mohamed Abdale (Tigaana) |
18 |
Osman Mohamud Ali (Qoroofey) |
49 |
Mohamed Ismail (Sandheere) |
19 |
Awil Hassan Saleebaan |
50 |
Mohamed Farah Raage |
20 |
Abdikadir Farah Jibriil |
51 |
Hasan Adan Osman (Hooori) |
21 |
Adan Guureeye Kaarshe |
52 |
Farah Fuuq Yare |
22 |
Abdikaif Hassan Mohamed |
53 |
Abdiqani Abshir Ali Seed |
23 |
Mohamed Farah Hersi (Naakhuude) |
54 |
Abdikadir Hassan Ciiro |
24 |
Abdi Hersi Osman Keenadiid |
55 |
Mohamed Ali Issa |
25 |
Bare Faataxo |
56 |
Mohamed Askar |
26 |
Mohamed Farah (Baadi) |
57 |
Abdirashid Yasiin Jama Buruuj |
27 |
Baashi Noor Salaad |
58 |
Abdirahman Ali Guureeye |
28 |
Omar Takar |
59 |
Abdullahi Ahmed Jama |
29 |
Abdullahi Darman Qulunbe |
60 |
Yasiin H Mohamud Abdulle Islaan |
30 |
Omar Ahmed Salah |
61 |
Abdirisak Caga Madoobe |
31 |
Nuur Hussain (Dabmanoolyahay) |
62 |
Saadaq Salaad Weyrax |
|
|
|
|
walaal pl waa dawlad lehna agabkii dawladnimo hadii soomaalyana waan kagoynaa dhawaan taasi kaftan midnimada soomaaliya waa muqadas soomaalind putland waa sheeko khiyaaliya
asc…walaalayaal ramadaan kariim.
haddaan hal erey ka idhaahdo heshiiskan iyo dadka isku dayeya in ay kubogaadiyaan waxaan u arkaa,sidan:waa marka koowaade,ma haboona keli wax cunka. dowladda somaliya in ay pl uqaabisho siddii dowlad iyada lamida waa ayaan darro iyo khiyaamo qaran ooo ay laba nin oo ay kuduudsiiyeen umad dhan wixii loo igmaday,pl waxay doonaysaa in ay katalawdo wixii loo igmaday umadda plna kuma wada qanacsana ee yaann laga gudbin waxa uyaalala umadda somaliyeed,ina c/rashiidna yaanu udhaqmin sidii inan cida uu doono wax lasaxiisan karo. pl madowlad baa mise waa maamul kusug ah oo ay ummadda deegaankaa degan wax kula qaybsanayso dalka intiisa kale..
dastuurka dalkana pl gooni daaq kadhigimaayo,yaan caddaalada la ilaawin,..mahadsanidin…
runtii waa hishiis fiican balse waxaa iswaydiin mudane ma hirgalayaah ,haduu hirgalo waa mid dan u ah dowalada tfg iyo puntland waxaan dhihi lahaa haloo faa idayo umada iyo dalka dadka canbaraynata wadah waxaan leeyahay canbaraynta iskadaayah horayna usocda oo kabilaaba nidaam meelaha aan nidaamka iyo dowladnimada laheen wabilaahi towfiiq
waa arrin fiican laakiin waxaan arkay ummad badan oo canbaaraynaysa heshiiskaas. marka waxaaan u qaatay dad masayrsan oo ka xun in soomali si cadaalad ah wax u qaybsato