Home » Warar »

Sheekh Shariif oo Qadar Gaaray iyo Qadar oo dhexdhexaadin wada

Madaxwaynaha DFKM Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa ku gaaray booqasho rasmi ah Wadanka Qadar, isagoo kasoo duulay Magaalada Nayroobi , booqashadaas oo qaadan doonta dhowr maalmood ayaa Shariif ku mari doonaa dhowr wadan oo Khaliijka iyo carabta isugu jira, wadamadaasna ay ugu horayso Imaaraadka Carabta, Saldana Cumaan iyo Liibiya, sida ay sheegayaan warar laga helayo dhinaca Soomaalida.

Sida ay sheegtay saxaafada Qadar Madaxwaynaha waxaa soo dhoweeyey Madaxa hay’ada warfaafinta ee Qadar iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar.

Islamarkiiba Madaxwaynaha imaatinkiisa Qadar waxaa shir Qasriga Madaxtooyada ugu qabtay Shalay galab Amiirka Qadar Sheikh Xaamid.

Kulankaas dhinaca Qadar waxaa kasoo qayb galay Sheikh Xamid binu Jaasim binu Jabar aalla Taani, ahna Raysulwasaare iyo wasiirka Arimaha dibada, Sheikh Xamid binu Thaamir aalla taani madaxa hay’ada warfaafinta iyo Madaxkale.

Dhinaca Soomaaliya waxaa waftiga kamid ahaa C/raxmaan Ibbi Raysulwasaare ku xigeenka labaad,Cali Axmed Jaamac Jengali Wasiirka Arimaha Dibada,Xasan Macalin Maxamud Wasiiru Dowlaha, Wasiir C/raxmaan Jaamac C/laahi iyo Cali Qaasim Naaji Safiirka Soomaalida ee Qadar.

Warar laga helayo dhinac Qadar ayaa sheegaya in labada dhinac kawada hadleen soo bandhigid xiriir wax wada qabsi ee labada wadan.

Shariif_Qatar2
Warar laga helayo Soomaalida ayaa sheegaya “in Qadar usoo bandhigtay Madaxwanaha DFK inay dhexdhexaadin dhamaystiran usamayso Dowlada Kumeelgaarka ah oo dhinac ah iyo Mucaadka Islaamiga ah oo dhinac ah, si loo xaliyo Dagaalka.

Waxay xoojinayaan warar laga helayo dhinaca Qadar, inay Qadar soo gaari doonaan Maalmaha fooda inagu soo haya Madaxda Mucaaradka Soomaaliya, si loo balaariyo dhexdhexaadinta Qadar wado , si loo xaliyo dhibaatada Soomaaliya ee aan dhamaadka lahayn ee labaatan jirsatay.

Warkaan oo faahfaahsan oo Carabi ah akhri…..

Isha Warkan|hornafricaonline

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Sheekh Shariif oo Qadar Gaaray iyo Qadar oo dhexdhexaadin wada "

  1. Maxamed Soomaali says:

    Sheeq Shariif reer galbeedka ayaa ruwaayad ku soo aqriyeen adiga ayaan ku aqoonsanahay ayaa lagu yiri waa in aad laysaa inta kaa soo horjeeda sheekh Shariif ma ilowday C/laahi Yusuf isla sheekadaas ayaa lagu soo aqriyay in ka badan 30,000kun oo shacab ah ayuu layey aaway isagii hada Yemen ayuu qaxooti ku yahay waana nin qasaaray aduun iyo aaqiro adigana sidaa ayaa ku dambeesa ogow.

  2. ahmed says:

    SCWWB
    Dhexdhexaadinta Qadar wado ma xuma lakiin waa inay Qadar garato halka qaladka ka jiro. shalay iyadaa wada tageeri jirtay kooxahaan markay isku midka Guudka sare ka ahaayeen oo MAXAAKIIIM la oran jiray Shariifkana hor boodi jiray oo isga calanka madaw ee Tawxiidka ku qoran meel walba noo suri jiray ayna nagu bareen inuu yahay raayadii Rasuulka SCWS- NNKH-
    Maantana isagii uunbaa is badalyoo nagu oranayaa waa wax lagu badaalayo calanki qaran .
    Shariif waxuu maanta wadaa waa Ethiopian , iyo Maraykan iyo intii cadaw ku ah kalmadda Tawxiidka iyo Magac islaam.
    hadaba sidee baa nin xitaa magacii islaamka gacantiisa ku burburiyay loogu garbin karaa oo Shareecaan wax ku xukumayaa looga aqabali karaa???
    xagee ka jirtaa caalamka meel Shareecada Islaamka ay USA iyo Ethiopian taageerto, ma waydaan arag SWAT iyo sida loo galay. war aan ilaahay ka baqno, Shariifku dawladnimo waxaba kama yaqaan , waa ninka badda heshiis uusan aqoon u lahayn u saxiixay kenya , waa ninkii shalay Hillary Clinto gacan qaaday oo Ethipiankuu shalay na lahaa waa cadaw soo jireena maanta garab iyo walaanimo iyo ciidan ka dhigatayoo umadda kusoo hoggaminayaa.

    hadiiba Dhexdhexaadini jirto Shariifka waa nin sharaftidii beelaye xilka inuu iska casilo ummadana ay tashato .
    Xasan daahir iyo Shabaab waxba kalama aha waxa ka dhimana iyo qaldaadka jiro waa wax la saxi karo laakiin ninkaan maanta usoo tafaxaytay aduunyo oo diintiisii gatay oo Cabdulaahi yusuf ka dheereeyay waa Shariifka madaxweynaha laga soo dhigay iyo Shariifka loo yaqaano Shariif sakiine oo labaduba u qaadimiin ah Ahmed walad cabdall .
    Somali inay hagaagto hadii la rabo Halga qabto Ahmed Olude Abdalla iyo laba Shariifoo waxba aan garanayanin oo xitaa qaab dawladeed inay wax ku dhacaan daaye aan adadninmo caqli madaninimo lahayn.

  3. Ascwr:Safarka Shariifka wadamada carabta waxaan u arkaa inuu yahay (too late)waayo mar hore ayaa laga rabay inuu xariir wanaagsan layeesho wadma carabta meesha uu mareeykanka & Itoobiyo iska dhajinayo, hadda oo ay dadkii soomaaliyeed ka rajo dhigeen shariifka & kooxdiisa wax qabad la`aanta & isku dhadhajinta Itoobiya & Mareeykanka.
    Laakiin waxaa lagayaabaa inuu hada ka soo helo xoogga shaxaad ah,laakiin mafilayo wax saas ah inuu kakeenayo: walaahu aclama: abdishakuur abdullahi

  4. cirsankayeer says:

    Qatar waxay isku dayi kartaa inay dhexdhexaadiso dowladda iyo Xisbul-Islaam. waa calaacal tima ka soo baxeen in alshabaab ay u hogaansamaan wax dhexdhexaadin ah, iyagu waa inay adkaadaan ama laga adkaado!! waddanka waa inuu u haraa sh. usaama ama inta kale midkood.

    Sidaa darteed xitaa hadii ay guulsato fekradda dhexdhexaadintu, waxba sooma kordhin doonto, waxa ugu weyn oo ay keeni karto waa iyagoo sh. xasan daahir iyo xisbigiisa ka dhaadhiciya inuu dagaalka joojiyo ama la heshiiyo dowladda.

    Taasina waxba ma beddeli doonto, oo cidda gacanta ugu xooggan iska leh dagaallada soomaaliya waa alshabaab, iyaguna cid ay wax ka maqlaan waxaa ka jira Sh. Usama bil Laden.

  5. khadar says:

    as wr wb
    wallaal dowlada dibad laga heshiisiyey dowlad ma noqoto ayaan islee yahay ,
    ee adinku heshiiya, dagaalka hada u jeedadiisu ma cada;
    waayo muslim ayaa muslim leynaya,
    oo magacyo & xujo isku sameystey;
    illahey ka baqa, bil rabadaan ayaa lagu jiraaaye fursadan ka faa iideysta
    qofkii taageera dagaalkan labada dhinac asaga oo ka qeyb qaatey ayuu la mid yahay
    www