Home » Warar »

Barnaamijka dardargalinta Mac-hadka diiniga ee Buurtinle

Mac-hadka diiniga ee Buurtinle waxaa la furay 1998kii, xarunta mac-hadkana waxaa dhisay Bankiga Islaamiga, kharshkiisana waxaa wada bixin jirtay hay’adda Al-Muntadaa Al-islaami; sidaa darteed waxbarshada mac-hadku waxay ahayd lacag la’aan muddada dheer ee uu furnaa.

Sawiro kale oo dheeraad ah daawo

Mac-hadka oo isugu jira qeyb dugsi dhexe ah iyo qeyb dugsi sare ah waxaa lagu bartaa shareecada islaamka, luqada carabiga iyo maaddooyinka adabka, sida taariikhda iyo juqraafiga. Waxaa kale oo uu leeyahay qayb lagu barto kumbuyuutarada.

Ahmiyadda Mac-hadka iyo Baahida loo qabo

Mac-hadku wuxuu ku yaal magaalada Buurtinle oo xarun u ah dhul ballaaran oo tuulooyin iyo miyi ah, dhulkaas oo aan inta badan lahayn haba yaraatee wax waxbarasho ah, inta wax ka jiraana aysan dugsi hoose iyo dhexe dhaafsiisnayn. Waxaa kale oo aan dadkaasi haysan meelo kale oo ay ka bartaan cilmiga diinta; sidaa darteed ayaa mac-hadkaani muhiim u yahay dadka deggan magaalada iyo kuwa ku nool deeganada ku xeeran. Waxaa iyana magaalada soo dagay dad ka soo guuray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe oo markii hore u soo raacay waxbarashada mac-hadka ee lacag la’aanta ah.

Waxqabadka Mac-hadka

Mac-hadku wuxuu u qabtay bulshada deegaanka iyo deegaanada kaleba waxyaabo badan oo is badal ku sameeyay noloshooda, kuwaas oo isugu jira dhinacyada dacwada, waxbarashada, wacyiga, is fahamka, isku kalsoonida, heshiisiinta iyo xallinta mashaakilka.

Xagga waxbarashada ilaa iyo hadda waxaa mac-hadka ka qalinjabiyey 300 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo u qaybsamay qaar jaamacado gudaha ama dibadda ah ka baxay ama hadda dhigta, kuwo dacwada iyo tacliinta ka qaybqaatay iyo kuwo ka shaqeeya hay’adaha iyo sharikadaha ganacsiga dalka.

Saamaynta dhinaca dacwada waxaa laga qiyaasi karaa heerkii ay magaalada Buurtinle maraysay 10 sano ka hor iyo maanta oo ay soo gaartay in ducaadda oo ay horseed u yihiin maamulka iyo macallimiinta mac-hadku noqdaan cidda loogu kalsoonida badanyahay magaalada, isla markaana loola soo noqdo xallinta mashaakilka waaweyn ee cid kale lagu aamini waayay.

Mac-hadku wuxuu qabtaa nashaadyo dacwadeed oo kala duwan, waxaana ku xiran ama iskaashi ka dhexeeyaa xarumo waxbarasho iyo kuwo dacwadeed oo ay ka mid yihiin shan masjid, toddobo malcaamadood, dugsiga hoose ee Imaamu shaafici iyo Xarunta Cumar Ibnu Alkhaddaab oo isugu jirta Daarul Qur’aan iyo dugsi hoose oo waliba leh qeyb jiif ah. Waxaa kale oo ka mid ah xarumaha ay mac-hadka isku xiran yihiin Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Alxikma oo ay maamulaha iyo macallimiinta mac-hadku duruus iyo tawjiihaad ka bixiyaan.

Waxaa kale oo farta lagu fiiqi karaa nashaadka iyo waxqabadka ay maamulka iyo macallimiintu u hayaan bulshada, sida duruusta masaajidda, caawinta goobaha kale ee waxbarasho, muxaadaraadka iyo wacyigalinta guud, iyo ka qaybqaadashada xallinta mashaakilka bulshada oo ay kaalin weyn kaga jiraan.

Maanta iyo xaaladda Mac-hadka

Mac-hadku isaga oo maanta maraya markii uu ugu fiicnaa taariikhdii uu shaqaynayey, ayna dhigtaan 300 arday, dadweynaha reer Buurtinle na ay indhohooda ku arkeen qiimihiisa iyo waxtarkiisa ayaa waxaa la soo darsay duruufo xagga dhaqaalaha ah oo ka dhashay ka dib markii hay’addii AlMuntadaa Al-Islaami ee kharashkiisa bixin jirtay ay awoodi weyday in ay sii waddo kaalmihii ay u fidin jirtay mac-hadka. Haddaba arrintaas waxay keentay in si dhab ah looga fakaro sidii Mac-hadku uu shaqadiisa u sii wadan lahaa, loona xallin lahaa culayska dhaqaale ee soo kordhay, taladuna waxay ku soo aruurtay in ardaydana wax laga qaado, waxa dhimana la kabo.

Baahida dhaqaale ee Mac-hadka

Baahida Mac-hadka waxaa ugu culus mushaarada macallimiinta iyo shaqaalaha, iyada oo mac-hadka ay ka shaqeeyaan maamulaha iyo ku xigeenkiisa, 11 macallin iyo shan shaqaale ah. Haddaba baahida mac-hadka ee in la daboolo ay lagama maarmaanka tahay waxaa ka mid ah:

1. in dhismaha Mac-hadka lagu kordhiyo fasalo cusub; si uu ugu filnaado ardayda.
2. In sannad walba lagu kabo lacag dhan $20000 labaatan kun.

Intaa ka dib waxaa la gudboon dadka ehlu khayrka ah ee Ilaahay wax siiyay inay mac-hadkaan ugu gurmadaan si hagar la’aan ah, gaar ahaan dadka deegaanka u dhashay oo iyaga xil gaar ah ka saaran yahay badbaadinta iyo horumarinta dadkooda iyo deegaankooda. Tan kale xoolaha lagu bixiyo faafinta iyo barista cilmiga shareecada waa wax Ilaahay loogu dhawaado oo leh ajar weyn; sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa qof kasta oo muslim ah oo wax ka gaysan kara wax u qabadka mac-hadkaan in uusan kala soo daahin.

Gabagabadii waxaan xusuusinaynaa bulshada Soomaaliyeed in xoolaha laga la bakhaylo waxbarista iyo tarbiyaynta dhallaanka marka dambe looga bixiyo mag iyo qaan ay galeen, dhab ahaana xoolaha ku baxa qofka waxbaristiisa iyo tarbiyayntiisa ayaa ka yar kuwa ku baxa qaamaha iyo magaha uu galo haddii wax la abri waayo.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:

Maamulaha Mac-hadka Sheekh C/nuur Axmed Xirsi Mobile: 0025290749010/ 66749010

Maamule ku xigeenka Sheekh C/kaafi Maxamed Dirir 0025290751075/ 66657004

Waxaa diyaariyey Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.