Home » Warar »

Midkamida Faransiiskii la afduubay oo Madaxtooyada jooga

MUQDISHO, Soomaaliya Ninkii faransiiska ee katirsanaa ciidama amniga ee Faransiiska ee Ciidamada Dowladda kasoo horjeeda afduubeen bishii lasoo dhaafay ayaa xoroobay Arbacadii, waxaana lagu ilaalinayaa xarunta Madaxtoodaya, sidaa waxaa yiri qof dowlada ka tirsan.

Waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan inuu ninkan baxsaday ama lasiidaayey ama uu dilay sadex kamida kuwii qabsaday. Xaalada ninkii kale ee Faransiiska ahaa ee lala afduubay ayaa markiiba cadayn.

Farhan Arsanyo, oo ah Sarkaal Milatari somaali ah, ayaa u sheegay AP ninku wuxuu u yimid ciidamada dowladda galinkii hore ee arbacada, kadib markuu isu sheegay, ayuu yiri waxaan kasoo baxsaday kadib markaan dilay sadex kamida kuwii afduubay.

Laakiin Wasiirka Arimaha Dibada ee Faransiiska ayaa yiri:” Xornimadiisu waxay soo noqotay dagaal la’aan, akhbaaro taas khilaafsan ayaa gudaha kasoo baxaya” Warka Wassiirka ayaan xusin wax baxsasho ah, hadalkiisa ayaa u dhacayey in lagu yaabo wadahadal in lagu siidaayey.

Sarkaalku wuu nabadqabaa “xaaladiisuna waa caadi” sidaa waxaa yiri Abdulkadir Hussein Wehliye, Caawiyaha Xoghaynta Madaxtooyada. Waheliye wuxuu yiri sarkaalu wuu kasoo baxsaday kuwii afduubay mase xusin wax dil ah.

Xigasho AP

Warkale ayaa sheegaya sarkaalkan ku sugan Madaxtooyada inuu yahay midii Xisbul Islaam hayeen. Sidoo kale waxaa lafilayaa in Dowladu ka hadasho goor dhow xaalada sarkaalkan Faransiiska ah.

Labada nin ayaa lagu Afduubay Soomaaliya kadib markay halkaas u tageen inay tababaraan ciidamada Dowlada Kumeelgaar ka ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Midkamida Faransiiskii la afduubay oo Madaxtooyada jooga "

  1. hanad says:

    waa sax ninga waa sobaxsaday aniga kucadenayo walaal maxayelay aniga waxan ahaay ciidanka hesday ninka wanjifnaay mxayelay ninga waa nin ciidan ah waxuna kusoo baxsaday owood ciidan

  2. cazaam yare says:

    aniga waxaan u arkaa inuu yahay war aan caadi ahayn waayo nin aan dalka udhashanin siduu ku tagay madaxtooyada waxaana ku boorinaa walaalaha kan kalana haysta inay qoorta ka jaraan niman waxaa jira diinta ka been sheegay waxaan dhihi lahaa walaalayaal mujaahidiinta garab istaaga

  3. 5KAROON says:

    AS DHamaan,
    waxaa wax lala yaabo ah see nin cadaan ah uu mogadhiso ugu lugeeyey mudo shan saac ah waxaas wax caqliga geli kor mahan nin kaas dowladaa xisbul islaam lagashay wada hadal ayaan anigu aaminsanahay madax furashana waa la bixiyey ee warkale maleh……..mahadsaniid hamaantiin

  4. hersi says:

    waa yaab !!ganacsiga xamar kasocdaa waa mid gaarey xad aan laqiyaasi karin !hadda saxaafadda waxaa ay inoo sheegeysaa in nin kamid ah afduubayaashii faransiiska uu soo baxsadey ..lugna uu ku yimi goobaha dowladu ka arimiso !! waana nin aan muqdisho kala aqoon oo ajnabi ah !! waa wax lagu qoslo ..kolley aniga oo xamar kudhashey oo kusoo koray oo 19 aan kamaqnaa xamar waan ku habaabey goortaan tagey hadda ..laakiin ninkan waxaa uu soo gaarey isagoo lugeynaayo madaxtoyada ..shaki kuma jiri in lacag lagusoo furtey..kuwii heysteyna ay ahaayeen magacbadanayaasha diinta ka been sheega oo aduun raadis ah ..habar jecolooy muuse waa kaa !!