Home » SaahidYusuf »

Samaaxatul Shiikh C/siis ibnu c/llaahi ibnu Baaz !!!(1)

Waa imaam saalix ah oo xalaal quute ah oo saahid ah, waa kii Muslimiintu meel ay joogaanba ay umuuraha Diintooda kula noqonaayeen xagga fatwada iyo Cilmigaba,waana mid ka haray salafkii saalaxa ahaa xagga laazimida xaqa iyo raacidda sunadda.Shiikhu wuxuu ka soo jeedaa Qoys Cilmiga ku xeel dheer laguna yaqaano garsho iyo Akhlaaq, wuxuu ku yiri Suleymaan ibnu Xamdaan kitaabkiisa uu uga hadlaayey Culumada Xanaabilada: Asalkoodu waa Madiina, mid ka mid ah Awoowayaashood ayaa u Guuray Daraciyah,kadibna waxay uga sii guureen meesha la yiraahdo Xuudatu banii Tamiim.(1)

DHALASHADIISII:

Shiikhu wuxuu ku dhashay Riyaadh maalintii labaad ee Bisha Dul Xijah, Sannadka 1330 Hijriyadda , ayaduuna ku barbaaray kuna weynaaday kamana tagin ilaa uu Xaj ama Cimro aadaayo mooyee.

KORITAANKIISII:

Shiikhu wuxuu ku koray Bay’ad Cilmiga ku faanta iyo Hanuunka iyo wanaagga oo ay ka buuxaan Culumo Fara badan iyo Imaamadii Diinta. Wuxuu Shiikhu markiiba Xifdiyey Quraanka inta uusan Baaluqin si fiican buuna u xifdiyey,kadibna wuxuu bilaabay in uu Cilmiga ka barto Culumada ayadoo lala qabo dadaal dheeraad ah iyo sabir iyo adkaysasho.

Waxaa haboon in aan sheegno waxaa Barashada Diinta ku boorisay Hooyadiis Allaah ha u naxariistee oo ku adkaysay in uu barashada Culuumta Sharciga ah uu ku dadaalo, Raad weyn bayna arrintaasi ku reebtay.
Shiikhu Markuu yaraa wax buu arkaayey se Allaah ayaa doortay in uu indho dareeyo Sannadkii 1346 oo cudur indhaha kaga dhacay, wuuna indho beelay guud ahaan 1350 H.

Se taasi kama reebin in uu Barashadii Diinta halkiisii ka sii wado, wuxuuna laazimay Culumo caan ah oo Rabaaniyiin ah iyo fuqaho saalixiin ah, wuuna ka faa’ideystay faa’ido badan. Noloshiisiina waxay ku raadeeyeen Ra’yi Toosan iyo Cilmi naafac ah iyo in uu umuuraha sar sare tiigsado iyo Akhlaaq fiican iyo Tarbiyad hagaagsan, Taas oo Raad weyn ku reebtay.

ARRIMAHA KHEYRKA AH UU KULANSADAY:

Waxaa aad u adag in la soo koobo arrimaha kheyrka ah ee Shiikh C/siis uu kulansaday,se haddii aan wax yar ku soo koobno Sifooyinka wanaagsan ee uu Shiikhu leeyahay waxaa ka mid ah :

1) Xaqa oon lala gaban.
2)Qalbi waasac ah oo uu ku xamilo kala gediyaanshana dadka.
3)wuxuu ahaa nin caadi ah oon dadka iska qarin oo aad si fudud ku helayso.
4)Dacwaddiisa oo ku dhisneyd xikmad iyo waano wanaagsan.
5)Wuxuu ahaa Shiikh Caalimi ah oo adduunka oo dhan laga ictiraafsa yahay.
6)Sida la yaabka leh uu u yaqaanay ikhtilaafka ku dhisan ijtihadka Cilmiga ah
7)Qalbi wanaagga oo uusan Ruuxna qalbiga wax ugu haynin.
8)Asagoo la noolaaday jiilal kala gedisan macnaa cimri dheer .
9)Akhlaaq wanaagga iyo dhawrsanaashaha Carabkiisa.
10)u taagnaashihiisa faritaanka waxa wanagsan iyo ka digitaanka waxa xun.
11) Zuhdigiisa iyo Tawaadiciisa macnaa Allah ka cabsigiisa.
12) wuxuu ahaa midka loogu maahmaaho Deeqsinimadiisa, oo deeqsi ah.
13) Aad iyo aad buu u oohin badnaa macnaa Allaah ka cabsasho darteed.
14)Ma uusan ka suulin dacwo gaarsiinta ilaa noloshiisa dhamaadkeeda.
15) Wuxuu ahaa mid Barauunka ( miskiga) ah oo kale, kan wuu u fatwoonaa,kan wuu waaninaa,kan tazkiyo ayuu u qoraa,kan waa u shafeeca qaadaa,kan kitaab buu siinaa, kan ugu liita wuu u dhoola cadeynaa ama cunno ayuu gurigiisa ugu yeeraa.
wuxuu ahaa baxdoow dhankii loo eryaba waa gammaan xulashadiissiye.

Qeyb ka mid ah ammaantiisa :

Mar ayaa Shiikh la su,aalay Xukunka Sujuudda sahwiga, markaas ayuu ku jawaabay waa Suno mu’akad ahn (sunatun mu’akidah) Ruux kale ayaa isla su,aashaas weydiiyey darsiga dhexdiisa,markaas ayuu ku jawaabay waa sunno mu’akad ah.Mid Sedddexaad ayaa isla su,aashii wax yar kadib ku soo celiyey si fudud ayuu haddana ugu celshay jawaabtii asagoon caroonin oo qalbi fiican.

Marna wiil yar ayaa joojiyey asagoo socda si uu su,aal u weydiiyo , Su,aashii ayuu ku badiyey ilaa uu shiikhu dhinac u istaago si uu su,aalihiisa oo dhanba uga jawaabo ilaa dadkii la socday ay uga naxariistaan taagnidiisa dheeraatay darteed.

Marna waxaa u yimid Nin Reer baadiyo ah oo wax ka weydiinaaya Naagtiisa oo uu furay,Shiikha ayaa u sheegay in uusan ku noqon kareynin oo uu seddexdii Dhalaaq u dhamaatay,oo haddii uu rabo in uu ku noqdo aysan u suurtoobeynin ilaa uu nin kale soo guursado mooyee, Ninkii Reer Baadiyaha ahaa ayaa Shiikha ku celceliyey su,aashii oo samri waayey.Shiikhuna wuxuu ku celceliyaa jawaabtii hore uun, markaas ayaa ninkii kula hadlay shiikha Lahjaddii reer baadiyaha oo ku yiri Shiikh bal darteey arrinka u daa.
Makaas ayuu Shiikhu ku yiri dadkii la joogay Ul i siiya arrinku Ciyaar buu noqdaye.Shiikhu ma xanaaqin ee wuxxu rabay in uu ninka ogeysiiyo arrinku in uusan ciyaar galin.

Sabarkiisa iyo Adkeysigiisa Cilmiga :

Shiikha ku sabridiisa Cilmiga waxay aheyd mid la yaable oo xataa ardeydiisu la yaabi jireen,Shiikha casharka ma baajin jirin in uu safar jiro ama uu xanuunsan yahay mooyee !!!
Casharkiisa Maalinta khamiistana wuxuuba mar mar socon jiray muddo 3 saac iyo siyaado,mar mar na wuu ka cudur daaran jiray in uu casharka dheereeyo, mar marna wuxuu tamanin jiray in haddii uusan mashquul aheyn uu casharka sii wadi lahaa.

Ohintiisa Allah dartiis uu u ooyo :

Wuxuu ahaa Shiikhu Allah ha u naxariistee mid Qalbi jilicsan oo oohintiisu dhawdahay, Wuxuu ku ooyey markii uu akhrinaayey Sheekadii Kacab ibnu Maalik markii uu dagaalkii tabuuk ka haray,Sheekadii Beecaddii labaad ee Caqabah,Sheekadii ninkii Reer Baadiyaha ahaa ee intuu Islaamay horay Jihaadka ka galay ee la dilay ee uu Nabigu yiri : Camal yar buu sameeyey Ajar weyna wuu helay, wuu ooyey markii uu akhrinaayey sheekadii furashadii Makkah, Sidoo kale wuxuu aad u ooyn jiray markuu Maqlo sheekadii ifkigii Caa’isha iyo markuu Maqlo hadalkii Abuu bakar markuu Nabigu dhintay Nnkh ee ahaa ( Ninkii Maxamed caabudi jiray Maxamed wuu dhintay Ninkii Allaah Caabudi jirayna Allaah waa nool yahay mana dhiman) !!! iwm.

Wax Bixintiisa Allah dartiis :

Wax badan ayuu Shiikhu sida la sheegay uu Mushahaarkiisa oo dhan sadaqeysan jiray ama u Bixin jiray Dacwada Darteed, mar marna wuu sii deynsan jiray si uu u siiyo mid wax su,aashay.Mar ayaa haweyney Filibiiniyad ah oo ninkeedii Nasaaradu Dishay ay Shiikha Warqad u soo qoratay ay uga hadleyso Carruurteeda Agoonta ah, una sheegtay in ay maqashay Shiikh la yiraadho Ibnu Baaz oo dadka caawiya, markaas ayuu Shiikhu 10 kun oo Riyaal in Mushahaarkiisa looga gooyo amray.Arrimahaasina aad bey Shiikha ugu badnaayeen.

Deeqsinimadiisa iyo Marti Soorkiisa :

Shiikha Gurigiisu wuxuu ahaa mid dadkoo dhan u furan waqti kasta , dadkuna ay soo aadaan soo Dhaweyna weyna ay kala kulmaan, Dadkoo dhana wax bay ka Cuni jireen ama qado ama Casho.
Nin Shiikha Cunto kariyihiisa ahaa ayaa maalin ka sheekeeyey in uu Shiikhu maalin Gurigiisa Maka Al mukaramah soo galay waqti qado ah ,markaas ayuu codad maqli waayey wuxuu weydiiyey sabata markaas ayaa loo sheegay in maanta waardiyayaashii ayaa dadkii celiyeen, aad buu markaas arrinkaas uga xumaaday kuna celiyey in aysan arrinkaan mar kale ku noqonin.

Shaikh_IbnBaaz
Waa inoo Qeyb labaad iyo Samaaxatul Shiikh ibnu Baaz Raximahulaah.

fii amaanilaah.

Sheikh Saahid maxamed yusuf
Mutakhasis fil xarakaat Al-islaamiyah
USA,VA
sahid_yusuf @yahoo.com

(1) waxaan ka soo qoray kitaab la yiraahdo: (Culumaa faqad naahum) Culumo aan weynay.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Samaaxatul Shiikh C/siis ibnu c/llaahi ibnu Baaz !!!(1) "

  1. Maxamed Cali Walaal says:

    Assalaamu Caleykum,

    Dr. Xoogsade, Adeer ma garaneysaa ” Cali Walaal?” Adigana Adeer Xoogsadihii School Xaawo Taako inoo wadi jiray miyaa? Fadlan ila soo xirriir hadaad tahay adeerkaas, hadii kalena cafwan. Jizaakallaah – Emailkayga waa: LiibaanCaliWalaal@gmail.com

  2. Dr. Abdullahi Ali xoogsade says:

    Assallamu allaykum

    jazaakallah, Sheikh Saahid maxamed yusuf, qoraaldaan oo kale ayaan u baahanahay

  3. sheikh sahid says:

    scwxwb:
    Akhii muniir Allaah ha kaa jaazeeyo bogaadintaada iyo akhbaarta aad nooga sheegtay shiikheena ibnu Baaz allaah ha u naxariistee.
    Midda kale afkayga ayaad kala baxday haddii Allaah noo ebyo Taariikhda Culumadaas caalamiga ah !!! Waxaan ku xijin doonaa Culumada Soomaaliyeed ee casrigii tagay sida Shiikh maxamed macallin, Shiikh cali suufi,Shiikh nuuraldiin cali colow,Shiikh Maxamed Soomaali iyo Qaar kale oon sideeda ku buuxin doono inshalaah !!!

  4. Abumuniir says:

    Asalaamu Calaykum,

    Walaalka hawshan inoo wada khayr Alle ha siiyo. Nin aan ku kalsoonahay ayaa ii sheegay in Sheekh Soomaaliyeed oo yaqaanay Ibnu Baz uu ku tilmaamay inuu ahaa “ummah” sida quraanku Nabi Ibraahim ugu tilmaamay inuu ahaa ” ummah”. Sheekhu darajo wayn iyo fadli ayuu ku leeyahay dacwadan casrigan aan joogno, waxaan kaloo xusi lahaa in Sheekh Ibnu Baz iyo Sheekh Mawduudi labaduba fadwo sharci ah oo qayaxan ay kasoo saareen dilkii culimada Soomaaliyeed ee 10 ka ahaa. Waxay ahaayeen culimo caalami ah oo la socda arimaha muslimiinta oo dhan. waxaan walaalkeen ka codsan lahayn bal inuu inoogu xejiyo duruustan siirada mashaa’ikhdeena Soomaaliyeen intoodii xijaabatay Alle ha u naxariistee Sida Sheekh Cali Suufi oo kale iyo wixii ay diintan u qabteen intay noolaayeen si loogu daydo wanaagoodii
    Allaa Mahad oo dhan iska leh

  5. bashir says:

    Mashalaah waa taariikh wanaagsan oo u baahan in la barto. Waxaase yaab ah in aan maanta dhalinta islaamku aqoon culimadooda halka ay ka yaqaaniin taariikhda ciyaartooyga reer yurub ama latin america.

  6. sheikh sahid says:

    Masha’allah akhristayaasheyda waad ku mahadsantihiin boogaadintiina, waxaana idin leeyahay Ramadaan mubaarak meel kasto aad joogtaan. runtii culumdaan sideeda ah ee aan soo xulay aad baan uga faa,ideysanay Qarnigii tagay ayaga iyo kuwa kale oo fara badan Allaah ha ka ajar siiyee.
    Marka Silsiladdu waa noo socon doontaa insha’allaah ilaa aan ka dhameyno.

  7. Nadifa C/xaliim says:

    Assalaamu Calaykum…

    Sheekh Saahid, jazaakallaahu kheyran, waxaad bayaanisay taariikh dad badan ka dahsoonayd, ilaahay qalinkaaga ajar badan ha kugu siiyo, midse ha ogaadaan dadka xarakooyin gooni ah u tacasubayoow, sheekh kastaa wuxuu sheekh u yahay umadda oo dhan maahan inuu xarako gooni ah cilmiga siiyo, marka taa macnaheeduna maaha in sheekhyo gooni ah la amaano kuwo kale oo fadli badanna la qariyo kheyrkooda oo dadka la nacsiiyo xumaana laga fidiyo.

    Sh. Saahid waxaan uga mahadinayaa siduu u beritiray sh. bannaa, sidaas si lamid ahna uu u soo bandhigay taariikhdii macaanayd ee ibnu baaz, allaa yarxamhum jaciican.

    Walaal noo sii wad taariikhda culumada intaad karto, meesha wahaabiya iyo ikhwaan ma taallee, aan ku dayano dadkaa wanaagsan aanna qaadano cilmigooda inagoon qolo gooni ah u tacasubayn.

    Hadaan soomaali nahay, ilaahay baan baryaayaa inuu na siiyo maskax deggan iyo caqli waaqica la shaqeeya oo aan dunideena iyo diinteena ku fahamno.

    Allah Macak.

  8. abul xika says:

    salaan ka dib

    sheekh saahid wahaabiya iyo xarakooyin kale marna ma is ogolanayaan, ee ha isku dayin in aad wax isku so dawayso

  9. Asalaama calaykum waraxmatullaahi wabarakaatih.
    salaan kadib walaal allaaah hakaajazaa i siiyo dadaalkan aad baan ugu faraxsanahay inaan akhristo siiradii sh ibnubaaz ee hanaga kalagoyn ee noo dhamaystir insha allaah.
    markale baan kuleeyahay jazaakallaah.