Home » Warar »

Qodobadii ay Ku Heshiiyeen DFKMG iyo Puntland..

15 Qodob oo ay Ku Heshiiyeen DFKMG iyo Puntland..

Wadahadal magaalada Galkacyo uga socdey DFKMG iyo DGPL ayaa waxaa lagu gaarey heshiis ka kooban 15 qodob. Heshiiskaas waxaa dhanka DFKMG u saxiixay ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, dhanka Puntland waxaa u saxiixay madaxweynaha DGPL dr. C/raxmaan Maxamed Faroole. waxaana heshiisku u qornaa sidan:

1- Labada dhinac waxay isla qaateen in lasii adkeeyo Midnimada iyo Qaranimada dalka Soomaaliya, waxayna dowlada Federaalka u aqoonsan tahay Puntland qeyb kamid ah dalka Soomaaliya, oo uu maamul, nidaam iyo Nabad ka jirto, isla markaana hormuud u ah nidaamka Federaaliga ee dalka Soomaaliya.

2- Dowlada Federaalka iyo Puntland, waxay ku heshiiyeen in dar dar la geliyo dhameystirka Dastuurka Federaalka, isla markaana la dhiso guddigii fulinta iyo arrimaha Aftida.

3- Si arrimaha Dastuurka iyo dhismaha Federaalka loo hirgeliyo waxay labada dhinac isku raaceen, in xarunta guddiga laga furo magaalo madaxda Puntland ee Garowe, ayadoo Puntland gacan siin doonto Guddiga si ay u gutaan hawshooda.

4- Ayadoo la tixraacayo ku dhaqanka Axdiga kumeel gaarka ah, waxay labada dhinac isla garteen si dhakhsoleh loo soo dhiso dowlad gobaleedyada harsan, isla markaana la dhiiri geliyo maamulka Puntland ee hada dhisan.

5- Puntland waxay maamul ahan uga qeyb galeysaa shirarka danheeda gaarka ah khuseeyo.

6- Waxay dowlada Federaalka waxay kala shaqeenaysaa Puntland dib usoo celinta iyo raadinta mashaariicda horumarineeda ee hay’adii Mucaawinada Talyaaniga FIA ay ka waday dalka gaar ahaan Puntland kahor burburkii dowladii Soomalaiya.

7- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in Puntland laga dhiso xarumo ciidamada tababar loona dhameystiro agabka qalabka.

8- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen maadaama ay burcad badeeda faro ba’an ku hayaan Puntland in gobalada Puntland laga dhiso xarun weyn oo ciidamada bada, loona dhameystiro agabka iyo qalabka, ayadoo beesha Caalamka lagala kaashanayo.

9- Waxay Federaalka iyo Puntland ku heshiiyeen in si wada jir ah ay isaga kaashadaan ka hortaga Burcad badeeda.

10- In wixii dowlada Federaalka ay ka hesho caalamka Deeq Waxbarasho ah, ay Puntland ka helayso 100kiiba 25%, ayadoo deeqahaasi ay ardayda Puntland u galayaan tartan ay maamuleyso Wasaarada waxbarashada ee Puntland, isla markaana Wasaarada Tacliinta Sare ee Federaalka, ay ku yeelaneyso kaalin kormeer ah.

11- Waxay wasaaradaha waxbarashada ee Dowlada Federaalka iyo Puntland yeelanayaan xiriir joogto ah iyo wada shaqeyn, ayagoo iska kaashanaya tababarada malamiinta iyo maamulayaasha, kana wada shaqeenayaan mideynta Siyaasada iyo Manaahijta dalka Soomaaliya.

12- Waxay labada dhinac isku afgarteen in dhamaan hay’adaha caalamiga ee u xilsaaran Soomaaliya, usoo raraan xarumahooda iyo xafiisyadooda meelaha nabada ka jirto ee dalka Soomaaliya, sida Puntland.

13- Waxay dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah iyo Puntland ku baaqayaan, horumarinta iyo illaalinta, Diinta, Dhaqanka, Suugaanta, AfSoomaaliga, Madxafyada iyo Goobaha taariikhiga ah.

14- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in xiriir joogto ah lala yeesho, Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dibada ku dhaqan iyo Qurbo joogta, laguna dhiiri geliyo dhawrida, Diintooda, dhaqaankooda iyo afkooda. In laguna dhiiri geliyo dib u dhiska dalkooda, iyo waliba inay xushmad iyo sharaf kula noolaadaan bulshooyinka ay ku noolyihiin oo dalalkooda ku marti geliyey oo dajiyeyna.

15- Ugu danbeyn waxay Dowlada Federaalka iyo Puntland isku afgarteen in dhamaan Wasaaraddaha iyo hay’adaha Federaalka iyo Puntland, yeeshaan xiriir joogto iyo wadashaqeyn.

Waxaa la saxiixay heshiiskan

23 Agoosto 2009

Waxaa saxiixay

Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
Madaxweynaha Dowlada Puntland

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

19 Jawaabood " Qodobadii ay Ku Heshiiyeen DFKMG iyo Puntland.. "

  1. dhagcade says:

    marka hore waxaan halkaan ka salamayaa dhamaan shacab somaliyeeda meel kasta oo joogna salaan kadib horta shacabka somaliyeeda dhibaato weyna baa maanta ku habsatay ilahay waxaan oga barayaa in dhibka ka saaro walaalayaal dhiba somaliya haysta waa ka weyn yahay heshi
    la saxiixay bal marka hore fiiray dhibka haysta somaliya nabad galyo ma jirto waxbarasho ma jirto caafimaad ma jiro aduunka maanta waxa loo ka baxay muslim iyo gaalo gaalo way tashatay hadab somalidad waa maxa cudurkan ku jira ma dad aan qaali badan la,hayna baa mise xoolo hada ka hore waxaan arkay dhurwa iyo libaax marka libaax wuxuu rabaa in uu cuno dhurwaga waas aargteen libaax ilahay baa siiyay awood oo waxa ku dilo marka libaax dhurwagii soo weeraray ayuu wuxuu ka dilay hal dhurwa ah balse dhurwayahow badan baa uu soo gurmadayay markaas ayeey ka caririyaan libaax meeshii ku dilay dhurwa marka waxaan ujeedda sida dhiga leh ee dhurwagu ugu soo guramaday somalida waa dad isku dhaqan ah waa dad isku diin ah waa dad isku luuqaddan ah marka cudurka ku jira waa qabiil ilaa 20 sano ayaan wadna meel kuu dhamaado ma jirto dad aan ayagu is rabin mustaqbal ka tashaneen aduunka waxa dan ah kama la,ahaa waxa maalin kasta dhimanayaa waa somalia waxa bada ku dhimanayaa waa somalia marka haddi dadkii wadanka somalia uu dhashay dhibaato haysto muxuu sheegayaa heshi la saxiixay oo dowlada maanta jirta ma leedahay waxay waxa ku fuliso ma dhaqale aniga waxa iiga taalo ah dadka websiidad waxa ku qora waa in ayaa ilahay ka qaban walaalayaal wadanka haddii ilahay nabad na siiyo naga badan qof kasta oo soamlia ah horumar ayuu garayaa waa haddii dada loo taliyo haran dad waxna bada ayeey ku dhamaadeyna waxan gaajo ayaa dishay waxna xabada ayeey dishay marka ragna maalin kasta dhiga gacamaha kula jirna oo dadkii dhameyay ayeey uu talinayaa haddii dadkii wadanka la.ahaa meel kasta oo aduunka ka tirsan joogna marka ilahay somalia ha gaargaaro aniga hada waxaan jira 20 sano ilaa maalinta qangaaray waxaan maqalayaa waa la heshinayaa maxa la isku hayaa mid kale ee aan rabo in aan idiin sheego wadanka somali baa leh marka haddii ayaa somalida danteeda garan oo ayagu isu imaan ilaa inta reer walba meel ku xareysan yahay oo leeyahay somaliland ,puntland ,mudugland,alshabab,al,xuzibulaha wal,sunwajamac waxaa waxaas rag baa shaqo ku haysta ee waxay uu hayna shacabka ma jirna nin walba jeebkiis ayuu buuxsanayaa meesha waxa ku ba,bayaa waa shacab somaliyeed marka ilaa inta kuwa ilahay naga qabnayo wadanka dhibka ma biximayo wadanka dhibka bixinayo somaliye midinimo qaranimo wadanimo waxaan dad ku nahay waa qaranimo haddii aan la helin qaranimo waligeed sidaas ayee ha,haneysaa aduunka waa la isku keen dirayaa ilaa xoolo waxa ma dhano qaaliga ha taliyo haddii kale waligiin sidaas uu cabuuda qabiikka ilaa diin kale ma taqaan maalin kasta ku mashqula shaqsi ilahayow ku dhibna dhibka ka saar aakhiro ayaa la isku xisaabnayaa

  2. jaqbra says:

    heshiis kaan waxaan u arkaa mid somali kala dilaa dhnwalba xaga siyaasada iyo xaga dhaqaalaha sidee putland loogu ogolaaday 25% xaga wax arashada in lasiyo waa arin kafirsi ubaahan

  3. fikrad says:

    fadaraalka dadka somaliyed waxba lagama waydiin sidas daraadeed inlagu shaqeeyo ayaaba sharci-darro ah, tankale waxan meesha ku qornayn hadal uu sheegay faroole oo ahaan inay kuheshiiyeen in heshiisyada caalamigaa loodaayo TFG ma,adinkaa katagay magaranayo ,
    aragtidayda heshiis uma arko waxa qoraal aan wax qiimaa ugu fadin ummadda somali gaar ahaan cidda TGF sheegayso inay matsho heshiis waa wax helid iyo wax ogolaasho puntlandna waxay ogolaatay umajeedo, dadkuna hayska daayeen tafsiirka qabyaaladeed ee si,kale wax ha,uduro hesheedka ninkii wax qabo salaamu calykum

  4. A.amiin says:

    sc.

    waan idin salamay, de waxaan u arkaa inaad qabyaalad ku haysaan qolyihiinan FIKIRKA dhiibanaya, maxaa yeelay hadiiba wax walba wax lagaso saaro gormay iman midnimo iyo in lala dagaalamo qabaa ilkan aad ka hadlaysaan iyo hebal baa ninkan isku beel yihiin, war haadii wax lagu heshiiyey maha inaad dhaleecaysaan, runti waxan u arka PUNTLAND/SOMALILAND dad wax qabsaday oo ka shaqeeyey nabad galyo iyo in dadka dagani dareeman Haykal dawladnimo markaa heshiis walba waa mutaysanyihiin

    …..WAAN SO DHAWAYNAYAA HESHIISKAN…..

  5. qardho says:

    heshiiskan midnimada dalkeena ayuu wax yeelaya eynu yeelano aragti fog somaliyey

    ilaahow isu keen somali aamiin

  6. MOHAMED says:

    A/c
    waxa meesha ka muuqdo ma ahan heshiis labo dhinac ee waa Puntland oo leh aniga xaquuq dheeri ah aan helo hana la ii sharciyeeyo.
    Dowlada hadi ay u ogolaato Puntland in shirar calamiya ku gasho magaca Puntland markas dowlada federal yay matali donta waa inta kale.
    Heshiiska kuma qorno wax laga rabo dhanka Puntlad ee kuli waa wax laga rabo dhanka Dowlada federaalka ah
    Heshiska waa daloolo badan yahay.

  7. omar says:

    ASC. Kadib, Run ahaantii ani waxaan qabaa in SOMALIYA ey mid tahay Federalism-kana yahay Hagardaamo ey cadawga Somaliyeed oo cadaan iy madow ah ka soo shaqeeyeen, ka dib arin walba oo ey soo hindisaan madaxda umada somaliyeed ama qolo ka tirsan waa in laga dhursugaa Natiijada ey kasoo bixi kartaa, Mid ayaanse allaha ka baryaayaa oo ah ALLOW dhagar wade intaanu na dhakrin dhulka la gooy….WASALAAMU CALEYKUM WARAXMATULAHI WABARAKAATUHU……… SOMALIYA HA XUROOWDO

  8. Cali Faarax says:

    Ilaahay halaga baqo labada Mudane Midna ma haysto Shahaadada PhD, Hadii ay haystaan ha sheegaan Jaamacadaha ay ka qaateen. si fudud ayaa loo ogaan karaa, waayo jaamacad waliba waxay leedahay website!

  9. Gele says:

    A/c
    koley heshiiskaan waa mid loou aarayo ninkii odoyga ahaa ee yuusuf oo nin ka maskax weyn dhulka uu la jaray laakiin maanta waxaan arkaa in shariif asagana markiisii guriga la seexsaday oo uu aroos ku jiro laakiin waxaa is weydiin mudan heshiiskaan ma socon doonaa oo riyada dadka Trabalisamka wada ma rumowdi doontaa taas ayaa la is weydiinayaa waxeyna ku dambeyn in la dhaho maxaan ka doonay heshiiskaan oo kale

  10. Guuleed says:

    C/Rashiid Sharmarke xilkii qaranka ee loo igmaday wuxuu ugu sed-buriyay gobolka degaanka uu ka soo jeeday.

    Madaxda dowladda iyo baarlamaanka waxaa waajib ku ah inay ka hortagaan isla markaana diidaan heshiiska labada nin ee xigtada ahi ku khiyaameen Soomaaliya.

    Waa hubaal in Sharmaarke dhab ahaan u qalmin gudanna karin xilka Ra’iisal Wasaare-ha Qaranka Soomaaliya. Waa in xilkaas si deg deg ah looga casilo.

  11. Bossaso says:

    RAMADAAN KARIIM, ARIN KAAS SAXAR DIID SHEGAY, WAA SAX, SOMALITALK QALADAAD KA QORAAL KIINA SAX FADLAN WA MAHADSANTIHIN

  12. cali yare says:

    waxaan u arkaa heshiis dan u ah maamul goboleedka puntland mana loo baahna in laga maseyro ileen wixi walaalkaa kuu helo adna waa heshaye. salaamu caleyum

  13. soomlinimo says:

    asc, heshiiskaan waxaa ka dhex muuqda burburka dowladda KMG ee soomaaliya waxaana asaas u ah qabiil iyo nin jecleysi, waxaana halkaas ka muuqday warkii u sheegay Qaa’in qanyare todobaadkii hore. waxaan kula talin lahaa cid kasta oo awoodeeda leh in ka dhiidhisa oo ay diido,sidaan waa qabiileyso not Nation-building

  14. qaran doon says:

    A/C
    aniga heshiiskaan wuxuu iila muuqdaa aarsi loogu aarayo C/laahi yuusuf, oo dowladii eey madaxda u ahaayeen la ogaa wuxuu ku dhigay Ra-iisulwasaarihii xiligaas ee Nuur cade,

    wax sidaa u buuran maahee waa ciyaarta noo wada

  15. rooble says:

    runtii heshiiskaan waa heshiis dhaxal gal ah oo labada dhinacba isku soo dhawayanayo ayadoo hada loo bahanyahay in laga shaqeeyo wadanka hormarkiisa
    inta dhibtu ga jirtana laga shaqeeyo sidii dhibtaas loo damin lahaa la iskuguna soo dhawayn lahaa kuwa isku haya
    inta wadanka xasiloona laga shaqayn lahaa sidii loo sii hor marin lahaa

  16. cali says:

    asc waxaan aad u soo dhoweynayaa heshiiska ay gaareen dawlada federaalk&puntland waana mid horumar u ah labada dhinac waayo waxaad moodaa maamuladii hore ee federaalka iyo puntland inaan wax blance ahi jirin laakiin hada waxaad mooda in ay jiraan labada dhinacba ineey iska arkaan shaashada aduunyaduna sideedaba waxaa wax ku hagaagaan waxii maslaxada ahi iney noqdaan labada dhinac oo aaney hal dhinac noqon waxaan aad ugu hambelyayanayaa mudane faroole oo aad moodo inuu cayaarey door weeyn waxaanu ku tabayney federaalka inuu waxuun nagaga soo noqdeen waayo waxaanu federaal punland looga qaado mooyee waxba nagagama soo noqon jirin federaalka dhalashadiisa puntland waxaay ku bixisay dadaal badan oo ah maskax iyo maalba.
    waad mahad santihiin

  17. Somali Careysan says:

    Waxaan ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed in ay hirgeliyaan Go’aanadaan danta u ah Soomaalida oo idil oo kala ah: Soomaaliya, Somaliland, Djabuuti, Soomaalida NFD, Soomaaligalbeed (Ogadeynya) iyo Puntland. Ha dhalato Jamhuuriyadda Midowga Federaalka Soomaaliyeed. Jabuuti, Kismaayo, Hargeysa, Muqdisho, Garoowe, Jigjiga, iyo Marsabad oo uu hal calan oo Baluugga ah ka wada suran yahay ee bow na tus. Dawladkastana ay leedahay madaxbanaanideeda gaar ah sida Somaliland iyo Puntland. Soomaaliyey Jigjiga iyo Jabuuti waa ka dhawyihiin Hargeysa iyo Muqdisho……Kenya, Itoobiya iyo Jabuut waa miro tufaax ee bislaaday ee dhabteenna ayey ku soo dhici Inasha Allah ee yaan la moogaan. Puntland ee tus waxaan kaaga dayado ee yaan laga xasdin Horumarka Gaariwaaga ee Gobolka Buuraleyda Karkaar ee ka soo bilawda Dhulka Sool, soona mara Sanaag, Kufaa Deegaanka Hodonka Xoolaha ee Qardhood, siina gaara Deegaanka Gaariwaaga Qandala Hodonka Kalluunka iyo Meydiga, iyo Deegaanka Dalxiiska Hoteelada Caluula iyo sii dhaadhaca Warshadaha Bareeda iyo Cusbada Hurdiya-Caafuun iyo u soo noqoshada Karoonka Adduunka ugu weyn ee Dabiiciga ee Iskushuban iyo badda iyo deegaanka dehin ee Badarbeyla Soomaali oo idil wada deeqda.

  18. Geelle says:

    Assalamu Aleikum ..
    Nin Aan la hayn waxay tahay marka hore in ummdda Somaliyeed afti loo qaado inay ogol yihin federalism iyo inay dawlad dhexe rabaan..waxani waxay ila tahay weli waa qaran dumisnimo

  19. Saxardiid Kilwe says:

    Masuuliyiinta heshiiskan u kala saxiixay labada dhinac waxay ku tallaabsadeen arrin ay u arkeen inay dan u tahay dadka iyo degaanada ay sida sharciga ah u kala matalaan. Sidaa darteedna way ku tolan yihiin shacabkoodu inay taageeraan, kana dhursugaan wixii ka soo baxa.
    Hase yeeshee waxan qoraalka ka dhex qabtay:
    1) in Somalitalk aysan weli la jaan qaadin magaca rasmiga ah ee Dawlada Puntland balse ay wali qorayso kii hore ee laga guuray oo ahaa DGPL.
    2) Isla markana ay Somalitalk labada masuul oo saxiixay heshiiska midna Dr-nimadiisa siisay midna u diiday iyagoo laba doctor ah.