Home » Siyaasad »

Suufiyada gadaashooda waxaa kasoo bidhaamaysa qabyaalad|Cumar

Suufiyada gadaashooda waxaa kasoo bidhaamaysa qabyaalad, jiritaanka shariifka iyo kooxdiisuna waxay gali doontaa halis

Mahad oo dhan ilaahay bay u sugnaatay nabad galyo iyo naxariis nabigeenii korkiisa ha ahaato.

Meles zinaawi wuxuu ka dhawaajiyey hada kohor in beelihii mujaahidiinta xanaanayn jiray in maanta ay dagaal kalasoo horjeedaan asaguna uu taageersanyahay,

Zinaawi waa nin dhaqanka somalida aad u yaqaana hadana ah nin aad u caqli badan marka la fiiriyo sida uu u maamulayo somalia ama uu isaga horkeenayo, qaacidada ama hal kudhiga uu haystaa kuna shaqaynayaa waa kana siib oo kana saar hadafkiisa hada wali macaga dhigan, laakin si xowli ah ayuu ku socdaa, maaliyada ama dhaqaalaha sidoo kale waxaa kataageeraya reer galbeedka oo ka walwalsan in geeska Africa ka dhalato dowlad islaami ah oo somaliyed,

somalidana inta badan waxaa u muuqda alshabaab iyo X.islaam qaladaadkooda,

Meles zinaawina waxaa u muuqda dhulkaas baaxadaas leh ee waliba khayraadkiisa wadamo kale ay ka faaiidaysanayaan asagana aan wax laga waydiinayn,

Hadaba zinaawi rag buu sameystey!

Shaki kuma jiro in beelo badan wadadii halganka ay ilaa iyo hada ay ku jiraan laakin sidoo kale meesha kama marna in suufiyadu qaab qabiil ku abaabulantahay , suufiyada kale ee qabaailada kale kasoo jeedana lagu owr kacsanayo,

Hadaan dib ugu noqono bilowgii dhibaatada , Siyaad bare dowladiisii waxaa ku furmay jabhado badan oo saldhig kulahaa Ethiopia xuduudaha somaliana waxay noqotay xiligaas mid u furan cadow kasta oo raba burburka Somalia,

siyaad bare wuxuu ahaa talis digtaatoori ah oo keeney in dad badan oo shacabka ka mid ahaa ay ku baaba’aan intii soo hartayna ay ilaa iyo hada is aamini ladahay dhibaatadii uu dadka ku hayay daraadeed, hadaba Suaasha taagan waxay tahay, alshabaab iyo walaalohood mar hadii laqiray inay yihiin dad somaliyeed oo saaxada kucusub oo loo qiray cadaalad, kala danbeyn, eex la’aan iyo inay hormuud ka ahaayeen halgankii weynaa ee looga xoraynayay tigreega Somalia maantana lagu tilmaami karo dadka kaliya ee wadanka difaaci kara ee hadana qabiilka ka nadiifta ah, maxaa keeney in sidii siyaad bare lagu furo jabhado qaab qabiil ku ahaabulan hogaankana ay u hayaan suufiyo iyo tigree gobolada dhexena si aad ah looga taageero?

Isbadalka beelaha qaarkood wuxuu yimid ama uu soo shaac baxay magaca suufiyada, wixii ka danbeeyey lawareegidii alshabaab ay la wareegeen gobolada koonfureed qaarkood iyo gobolada dhexe, xiligaas wixii ka danbeeyey waxaa soo shaac baxay magac ladhoho ahlu-suufiyo, rag xaq u dirirka hiil iyo hoo lagarabtaagnaa ayaa hada taageersan dagaalka ka dhanka ah xaq u dirirka ayagoo eegaya masaalix gaar ahaaneed,

qabaaiilo ay mujaahidiintu is lahaayeen waxay u hiiliyeen diinta iyo dalkaba, kuna tashanayeen ayaa lagu hungoobey, waxaa iska cad in hadafka suufiyada uu yahay sh/hoose iyo jubooyinka taasna waxaa keeney in Somali wali u heelantahay in qabyaalada iyo kala xoog badnaanshaha ay shaqaynayso,

Qabaailka wanaagsan iyo shakhsiga wanaagsan labaduba taariiqda way xustaa, markii xaalad adag timaado kumana sii jirto, marka diinta islaamka loo nusraynayo, kuwa ilaahay u nusreeyey diintiisa taariiqda ayaa qoraysa horayna u qortay, sidoo kale qabaailada gaalada raaco ama cadow soo horseeda taariiqda ayaa baal madow ku qorta,,

suufiyada kasoo jeeda bay iyo bakool, jubooyinka, shabeelaha hoose, sh/ dhexe waqooyiga somalia waxay u badantahay inaysan ku qanacsanayn magaca ay wataan malayshiyaadka qaabka qabiilka ku abaabulan ee kasoo unkantay gobolada dhexe ama siyaasadooda dadka qaar ay ku tilmaamayaan maleyshiyaadkii lasoo dagaalamay dowladii siyaad bare oo magac diimeed soo qaadatay, waxaana in la is waydiiyo mudan farqiga u dhexeeya maleyshiyada suuufiyada iyo ururkii ay taageeri jirtay ethiopia ee ku kacsanaa xukunkii siyaad bare ?

inkastoo maleyshiyadii siyaad bare lasoo dagaashay iyo suufiyo duruufta wada keentey ay iskhilaafsantahay hadana waxaa is waafaqsan saldhiga ay kasoo wada unkameen iyo waxa ay kasimanyihiin oo ah qabiilaysi iyo mooryaanimo ku salaysan burbur iyo isu xoog sheegasho, hadaan la iska qabana waxaa laga dhaxli doonaa gumaysi cusub oo cadowga soomalia ee soo jireenka ah uu marlabaad isku day ku samayn doono in Somalia asaga lahoos geeyo si cad oo xishood lahayn asagoo mar marsiiyo ka dhiganaya in somalidu aysan heshiin Karin,

Guusha malayshiyaadka loo bixiyey suufiyada waxay halis ku noqon doontaa kooxda shariifka

shaki kuma jiro in hadafka qarsoon ee zinaawi iyo america uu yahay in mar labaad qaabkii qabiilka somalia dib loogu celiyo, ayadoo quwada suufiyada ee hada jirta loo sii kala qaybin doono qaab qabiil hadayba ku guulaystaan in alshabaab iyo walaalohood ay ka adkaadaan,

Sida muuqata shariifka wuxuu mari doonaa wadadii uu maray cali mahdi maxamed, ee keentey in aakhirkii uu noqdo horjoogaha beeshiisa, kumana fikirayo shariifka in hadii malayshiyaadka kasoo duulaan tagayo gobolada dhexe iyo tigreegu ay gacanta ku dhigaan gobolada koonfureed inaysan marna kufikiraynin in dowlad somaliyed oo xor ah ay ka istaagto somalia, asagana uu noqon doono hadafka labaad ee zinaawi ee ahayd kana siib kanna saar waayo waxaa jagadaas xaq u yeelan doona raga soo halgamay,magaalada muqdishana waxaa lagu celindoonaa sidii ay ahaan jirtay intay maxaakimta kahor,

Wasiiru dowlaha gaashaandhiga ee shariifka ayaa hada lasheegayaa inuu asna ku biiray ahlusuufiyada isuna diyaarinayo gobolka shabelaha hoose ee uu hada kohor madaxda ka soo ahaa si uu awoodiisa ugu soo celiyo asagoo wata magaca ahlusuufiya. suufiyada waxay u sharaxdeen indhacade wakiil inuu uga noqdo muqdisho ilaa iyo bay iyo bakool iyo dhamaan gobolada koonfureed asaga iyo bare hiiraale, masaalixda khaaska ah ee ay leeyihiin sida muuqata suufiyadu aad bay ugu tixgalinayaan oo waxaa laga soo amray addis ababa.

Waxaa xusid mudan in beelaha sida ogaden, sade. Guundhabe Murusade, shiiqaal, duduble iyo qabaailka daga bay iyo bakool iyo waqooyiga Somalia ay maanta halganka somalia lafdhabar u yihiin taariiqdana ay xusi doonto xaq udirirkuna ay aad u aaminsanyihiin marka laga reebo shakhsiyaad calooshood u shaqaystayaal ah oo aanan matalin,

sidoo kale beelaha suufiyada taageersan ee cabdulaahi yuusuf daraadii xaq u dirirka u taageereysay inay xaq u dirirka sida beelahaas oo kale ugu taageeraan difaacida diinta iyo dadka iyo dalkaba inta kaligood intey soo haraan u hoostagi lahaayeen zinaawi ,

Beelaha daga gobolada koonfureed hadii xaalada sidan ku sii socoto waxaa ku soo wajahan khatar ah dhibaatadii ay ku jireen ee ahayd in hogaamiyo kooxeedyo qaab qabaail ku dhisan oo tigreega wakiilo u ah ay markale gacanta u gali doonaan hadii si siman looga wada hortagin una ilaashan nabada ay hada haystaan.

Wa bilaahi towfiiq
Qore: cumar maxmuud

faaruuqx@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Suufiyada gadaashooda waxaa kasoo bidhaamaysa qabyaalad|Cumar "

  1. owen says:

    asc salan kadib waxaan qaba ninkii qoray maqaalkaan inuusan daacad ka turjumeynin sidaa daraadeedna ku haboon inuu soo qoro maqaal sida runta ku dhisan maxaaa yeelay ehlu suufiya hadey tigreey u adeegto allshabaab yuu u adeegaa bal anoo soo cadeeyo midaas markaa uu sida daacada ka hadalo ayaan anakana fikir wanagsan ka dhiiban karaa

  2. ugaas says:

    ASC, waa fikir aad adiga qabto oo gooni ku ah, thanks