Home » Ramadan »

Ramadaanku waa Fursada Cumriga Q3-aad|Calinuur

(Dersiga Sadaxaad)

Waxaan horey usoo sheegnay in ay jiran gafaf ay haboon tahay inuu iska dhowro ruuxa Muslimka ah ee Sooman waayo hadii aan Soonka laga dhowrin qaladaadka waxaa dhici karto in ruuxii Soonaa ee gaajeesnaa ee oomanaa wax ajar ah ka soo gaarin soonkiisa.

Hadaba waxaa kaloo jira gafa kale oo loo baahan yahay inaan ka digtoonaano Bishaan Barakeysan ee Ramadaan sida:-

1-In ruuxa sooman xifdin xubnaha jirkiisa sida: Indhaha Dhagaha , Carabka iyo xubnaha kale ee jirka oo dhan
Tusaale ahaan waxaa looga baahan yahay ruuxa Sooman inuu Indhahiisa ka ilaaliyo wax walba oo ku xun Shareecada sida: filimaanta loo yaqaan Musalsalaadka oo inta badan soo kordha Bisha Ramadaan si looga fasaadiyo Muslimiinta soonkooda , maxaa yeelay hadii ruuxa uusan ka dhowrsan Munkaraadka waxaa burbura ajarkii uu ka filaayay Soonka Ramadaanka.

Waxaa kaloo looga baahan yahay ruuxa sooman inuu dhagihiisa ka dhowro waxyaabaha shareecada reebtay sida Heesaha iyo Xanta dhageysigeeda kuwaasoo shareecada islaamka aad uga digtay dembiyadooda kuna tilmaantay gaar ahaan Xanta in ay lamid tahay inaad Cuneyso hilibka walaalkaa Muslimka ah oo meyd ah, hadaba soow la yaab ma aha in ruux ka soomo Cunadii Xalaasha aheyd isla markaana uu ka Soomi waayo Hilbihii Muslimiinta.

Waxaa badan kuwa sooman oo Carabkoodu aan marna wax kaga sheegin Yuhuud iyo Nasaaro laakiin lagu ebteleeyay Muslimiin ayna dhici karto ayagoo Sooman in ay Takfiiriyaan Muslimiin kale waana wax aad u badan waayahaan inaad aragto dad Xamaasadu ka tan badisay oo wanaag jaceylkii ka tan badshey laakiin aan dhowreyn Shareecda islaamka, maxaa yeelay Shareecada Islaamka waxa ay mar walbaa araantinimeysay in la gaaleysiiyo Muslimiinta ama loogu yeero magacyo xunxun maxaa yeelay hadii aad qof Muslim ah gaaleysiiso haduusan noqan waxa aad ku sheegatay waxaa ay Gaalnimadii kusoo noqoneysaa Naftaada sidaa daraadeed soow ma habooneyn in aan ka digtoonaano inaan Muslimiinta Carabkeena wax ugu dhinaa si aan u ilaashano marka hore Muslim nimadeena marka labaadna soonkeena hadiiba aan dooneyno in aan dhowrno Soonka.

Waxaa muhiim ah in lagu baraarugsanaado Muslimiinta oo la gaaleysiiyaa macaasi ay galeen darteed ama Ijtihaad ay sameeyeen dartiis waa arin aan shareecada meel ku laheyn waxaana sidaas lagu yaqaanaa Firqooyinkii Bidcada ahaa Sida Khawaarijta oo ku caan baxday in ay Gaalnimo ku xukunto cid walbaa oo fekerkooda qilaafsan marka hadii ay sax tahay inaan u nasab sheegano Manhajkii Saxiixa ahaa ee Salafkii Suubanaa mareen, waxaa habooneyd in aan Muslimiinta ula dhaqano sidii ay Salafkii ula dhaqmi jireen xataa hadii ay gafsan yhiin, hadii aysan gafsaneyn oo ay adiga kula tahayna waa arin aad u xun inaad hawadaada raacdo adigoo u Nasab sheeganaya Dariiqii Salafka.

Gafafkaas aan sheegnay kuwa ugu badan ee maanta ku dhacaa waa kuwa Diinka iyo Dacwada in ay u taagan yihiin sheegta marka waxaan ugu naseexeynayaa Dacwada waxa ay u baahan tahay Xikmad iyo Aadaab ee ma haboona inaan Dacwada ku gudunaa sida hawadeena jeceshahay.

Marka Ducaada waxaa looga baahan yahay in Muslimiinta ay dacwada gaarsiinayaan baraan in Muslimiinta Xuquuqo badan isku leeyihiin xataa hadii uu ka dhexeeyo qilaaf ayna jiraan wax badan oo Muslimka Muslimka kale kala dhaxeeya oo aysan suuro gal aheyn in la yiraahdo Qori iyo Qaaciisa waa leesla tuuraa hadii kale oo ay Ducaadu dhawrsan weydo waxaa ka dhalanaya in ay Caamada u noqdaan Qudwo xun…

2-Gafafka dhaca Ramadaanka waxaa ka mid ah gaf gaar ahaan ka dhaca Dumarka sida in ay Maalinta Ramadaanka oo dhan ka dhigaan Cuno Diyaarin taasoo meesha ka saareysa fursadihii loo baahnaa in ay Gabadha Muslimada ah ka faaiideysato.

Waxaa kaloo jira gafaf ka dhaca Dumarka gaar ahan sida in ay Masaajida habeenkii aadaan ayaga oo Catar iska soo Buuxiyay oo labisyo dhaldhalaalayana soo xerta, taasoo shareecada Islaamka ku ah xaaraan sida uu cadeeyay Nabigeenii Suubanaa (nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee)

Waxaa kaloo gafafka Dumarka gaar ahaan ka dhaca ka mid ah marka ay ka soo baxayaan Masjidka in ay Raga jidka ku dhex galaan waxaana arintaas ay tahay gaf maxaa yelay Nabiga (scw) waxaa uu faray haweenka in ay dib maraan isla markaana jidka hareerta ka maraan.

Marka Ramadaanka waa fursad qaali ah mudan in laga dhowrto gaabiska iyo gabood falka waana waqti ahaan wax kooban oo aan damaanad loo heysan in mar kale uu kusoo marayo sidaa darteed waxaa hoboon in Maalmihiisa iyo Habeenadiisaba ka faaiideysanaa .

waxaa diyaariyay Calinuur Xoogsade
calixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.