Home » Maqaallo »

Qaylo dhaanta Qanyare Ma Cod baahiye Qabiil baa mise waa Siyaasi Soomaaliyeed? | Bile Qabowsade

Qaylo dhaanta Qanyare Ma Cod baahiye Qabiil baa mise waa Siyaasi Soomaaliyeed?

Inkastoo aanan jecleen inaan ka hadlo Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Hogaankeeda sare iyo Maamul Goboleedka Puntland, hadana waxaa ii muuqatay Codad iyo qoraalo lagu baahinayey maalmahan Idaacadaha Caalamiga iyo Bogoga Wararka Soomaalida xanbaara ee Intarnetka.

Qeylo dhaanta Qanyare iyo Rag Siyaasiyiin isku sheegay oo ku sugan Dalka Ingiriiska (UK) kaasoo ay ku tilmaameen wax aan la qaadankarin kulamada uga socda Caasimada Gobolka Mudug ee Gaalkacyo Raysalwasaare Sharmarke iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.

Haddaba, taasi waxaan aniga u arkaa mid Maskax jahawareersan oo ay madaxmartay Gobol neceeb iyo Qabyaalad wax dheehan tahay lagu suureynkaro.

Maxaa Raysalwasaare Sharmarke u diidaya qeybo ka mid ah Gobolada Dalka inuu kormeer shaqo ku tago, lana kulmo madaxdada gobolada oo uu kala hadlo hanaanka wada-shaqeynta iyo xoojinta Dowladnimada Federaalka.

Aniga shakhsiyan ma Taageersani Siyaasadaha Hogaanka Sare ee Federaalka iyo Hogaanka Sare ee Maamulka Puntland, waxaana jira waxyaabo badan oo aan ku dhaliilsanahay. Balse waxaa wax laga xumaado ah in la yiraahdo Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland ma kulmi karaan oo waa isku reer, dadka reer Puntlandna lagu tilmaamo dad ka gaar ah Ummadda Soomaaliyeed. Anigu ma aaminsani reer Puntland in ay qabaan muxuu sheekh Shariif ula shaqeynayaa Ina C/rashiid oo waa nin gacanta ugu jira Beesha Sheekh Shariif, waayo waa Madax ku wada shaqeynaysa hab dowladeed oo Soomaalidii Jabuuti isugu tagtay sharciyan u doortay inay yihiin Hogaankii Dowlada Federaalka,. Balse waxaa caqli gaaban kuwa qaba Raysalwasaaraha wuxuu doonayaa inuu Shariifka Puntland hoos geeyo oo isku dhiibo.

Amuurahaasi waa kuwa mushkilada Soomaaliya ku ah marka maangaab iyo Rag dibadda nabadgalyo u dhoofay oo Colaada dalkooda ugu haajiray oo marka ay dal dhisan tageen wadankii ay Colaada uga haajireen ka dhex-wada Dab iyo Colaad hurin Beeleed.

Dalkan waa Soomaaliye iyo Dadkiisa waxay u baahan yihiin maanta dad ka koray Maskaxda oo ku haminaya Maslaxad Qaranimo iyo isku duubni Umadeed ee uma baahna dad ka koray Qolofka sare ee Jirka. waxaan hadaladaas ula jeedaa kuwa dadka ku abuuraya in Puntland tahay Cadaabtii Soomaaliya oo ka shaqeynaya kala fogeynta Umadda Soomaaliyeed waa kaaf iyo kala dheeri waxa dadka Reer Puntland ku haminayaan iyo waxa kuwa Dowlad la’aanta doonayaa ku hawaawirayaan. Puntland waxay soo dhaweynaysaa dadka kuwaas ay soo barakicinayaan oo guryahoodii Madfac iyo Rasaas dagaal uga soo saarayaan, waxyna la doonaysaa in ay beesha caalamka la kaashato in gacan loo fidiyo Barakacayaasha Dagaalada Koonfurta Soomaaliya ka imanaya ee ku soo qul-qulaya Deegaanada Puntland.

Geba gebadii waxaan hadalkayga ku soo ururinayaa yaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed la kala qeybin, taasi waxay dan u tahay Cadowga Soomaaliya ee dhinac walba kala dirirsan. Dadka Koonfurta Soomaaliya habaarka ku dhacay waxa weeye marka ay Siyaasadda iyo hogaanta Taladooda si jujuub ah u qaateen kuwa ku hadla hadalada Dhiilada Colaada, kala fogeynta Beelaha iyo kuwa Dowlad la’aan jeceelka hormuudka u noqteedn

Bile Maxamud Qabowsade

Puntland State of Somalia

Bosaso

Tell: 0025290724923

Email: qaboowsade11@hotmail.com qabowsade399@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Qaylo dhaanta Qanyare Ma Cod baahiye Qabiil baa mise waa Siyaasi Soomaaliyeed? | Bile Qabowsade "

  1. weeerar says:

    Waxaa haboon in mid uu marka hore dib u’eego waaqiciisa dibna umilicsado marxaladiisa,tani waxay sahli doontaa in qofku uusan maagan runta.

    Reer puntland waxay suureeyeen sameysteena wax maamul ue’g nabadina waxay ka hana qaaday badhtankooda iyo baradooda.

    waxay ku dhiiradeen suuranagaliyeen inay hooy unoqdaan dadkii soomaaliyeed ee kasoo cararay dugaagii muqdisho joogay {qabqablayaashii,}waxay markale sal lagu soo hirto unoqdeen inta ku hadasha af-somaliga.

    waliba waxay cod dheer ku yiraahdeen inkastoo aan mamul noo gaar ah sameysanay hadana waxaan ubarooranaynaa helida somaliya weyn oo sharaf leh!

    Mar hadii intaasba ay dabadhoon unoqdeen inna adeeer maxaa diidaya inay luf-luf xalaal ah helaan?!ha hilmaamin mi’ihi reer puntland

  2. keykey says:

    waa wareey iyo waa wareey maxey kala yigiin buntland waxa ay rabto iyo waxa lala doonaayo isma lahan marka hadalka qanyare yaanan loo arag wax xun qanyare waa shar arag waxii shar ahna waa uu sheegaa marka hadii ay reer buntlan ay doonayaan in ay qeyb ka qaataan waxii soomali ay leedahay maahin in ay ku gor goranto 100%25 aan qadanaya sababtu majeerteen waxa uu ka mid yahay qabaailaadka soomaaliyeed hadii ay tirsi noqotana waxoo ka mid yahay beelweynta darood daarood hala siiyo 100%25 waa wax soconaayo laakiin reer puntlan kaliya aya la siinaya ma anfacaayo majeerteen waxaa ka badan qabaailaadka hawiyo ugu tunka weyn sida abgaal marka hadii majeerteen 100%25 la siiyo abgaalna lasiiyo 100%25 soomaalida kale maxey helayaan waa suaal ??????

  3. maxamed says:

    Ma,aha Qabyaladdu wax wanaagsan,waa hal iyo laayaan soomaalidu ka hari waysay, waa waxa halka aan naal maanta inaga dhiga.
    Runtii ma ihi dadka jecel arrimaha siyaasadda calowsan,xambaarsan murugada ee Soomaaliya, balse mararka qaar ayaadan afka ka qabsankarin waxa socda oo ay lagama maarmaan tahay in aad uun fakar haba yaraadee ka dhiibatid.
    Puntland waa gobal kamid ah goballada soomaaliya,kama downa galmudud,shabeelada dhexe,shabeeladda hoose,bay iyo bakool.Puntland waxay xaq u leedahay waxaa goballadaasi xaqqa u leeyihiin kamana fadli badlo.
    Raysul-wasaare Cumarna xaq ayuu u leeyahay sida qoraagu sheegay in uu booqdo goballada soomalaiya oo dhan min raas kabooni ilaa rays casayr, balse su,aashu waxay tahay maxaa ka qaylisiiyaya Qanyare? ma la orankaraa qayladhaantiisu waa mid qabiil?
    Sida aan lawada socono, sida dhammaan lagu daabacay boggaga internate sida lagu baahiyaay warbaahinta Maamulka Puntland wuxuu soo hordhigay cumar c/rashiid qodoba aan la qaadan karin qodobba laga dheehankaro is faqooqid, qodoba baziinka kusii shubay xaaladda murugsan ee soomaaliya, sida aan ognahay dowladda fadaaralka ah waxaa lagusoo dhisay 4.5 waa halbeeg ku salaysan qabiil iyo qabyaaladda ma,ahal halbeeg xalaal ah, ma aha mid ku yimid doorasxho iyo cod, waa mid aalaa loo adeegsado qabyaaladda iyo fidinta coolaadda soomalaiya,haddaba haddii dowladdii c/llaahi yuusuf cali geedi iyo nuurcadde raisulwasarayaal ka noqdeen, marki c/llaahi meesha ka baxay ee shariif kursigii la fariisiyaya ina c/rashiid waxaa loo keenay oo kaliya in la qanciyo meesha uu kasoo jeedo beeshii madaxweynihii hore waxayna wax ku heshay 4.5 hal-beegga guracan, haddaba qoraayoo ma is weydiisay sababata uu shalay madaxa puntland idaacadaha uga qaylodhaaminayaya haddii anana inalasiin raysul-wasaare waan goosanaynaa? maantana uu shuruudaha adag ugu xirayaa heshiidka uu la galayo raisul-wasaarihii ku yimid qayladiisa iyo goodintiisa? taas xal mala oran karaa? qabyaalad maka saaraysaa faroole?.
    Waxay ila tahay haddii uu qanyare qabqable aha shalay maanta waa xildhibaana ,ma,aha qabqablihii ugu horeeyaya, kuwii qabqabla nimada soomalaida baray ayaa madax noqoday oo ku gaaray kursigaa madaxweynominada.
    Reer puntland haddii qanyare qabiilista yahay qabqable ahaan jiray ma iloowwen c/llaahi yuusuf? ma ilaaween uur ku taaladii uu soomalai baray, gumaysigii uu dalka baday? ma ilaaween xasuuqii maatida reer-xamar? dowrkii reer-puntland? taageeradii insha la,aanta ahayd ee ay u fidiyeen c/llaahi yuusuf?.
    Haddaba haddii qabyaaladdu tahay marki fikrad laga dhiibto arrin socoda ama siyaasadda soomalaiya, balse aaneey ahayan marki ubadka la uur dooxayo,caruurta la gowracayo, hooyooyinka la kufsanayo,culimada birimagaydada ah la laynayo, waa arrin laga rabo in uu ka jawaabo qoraagaan, run ahaantii igu cusub aanana arkin xiitaa waligeey isagoo ka damqanayaa oo haba yaraatee ka qorayo wax uun xaaladsaha murugaysan ee soomalaiya, xilligii gummaadka.
    salaaaams

  4. Ali says:

    Xassan – Hadda yaa keenay Tigrega dalka ?
    Qanyare haddii uu dood ka qabo heshiiska B/Laan iyo Dowladda Federalka waxay ahayd in uu sugo arinta inta laga gaynaayo baarlamaank , shaki kuma jiro in nacayb uu u qabo qanyare B/Laan , Federaalkana ma aaminsana . B/Laan iskama aysan dhex saarin somalida inteeda kale lakiin waxay samaysatay maamul ay uga daydaan gobolada kale ee somaliya .

  5. ahmed says:

    waan ka xumahay inaan soo qoro ama ka jaawaabo maqaalo qabiil salka la galay.
    caadifad inay qaado somalida hada qali baradka ah ma aha wax Cusub, war qanyare haduu fikirkiisa dhiibtay ee uu sheegay in sharcigii la jabiyay oo dawladda Puntland iyo dawladda federallka ah la isu bardhigay oo heshiis handadaadi ka muuqato laga dhawaajiyay oo 4.5 kii laga tagay, ma waxaa la laeeyahay warlords buu ka haray, qabiil buu hurinayaa, iyo aflagaado shaqsiyadeed.
    qanyare waa xildhibaan somaaliyeed oo siyaasi ah, haduu bari ahaa warlord , dawladda TFGda ah ayaa geddigeed ka koobnayd oo ay soo unkumeen Hoggamiyo kooxeediyo cabdulaahiu Yusuf u waynaa. Kuwa hadda kusoo biirayna waa warlords kale sida Shariifka oo madaxwaynaha ah Qori buu ku Yimid wadadaada la socdan qori bay ku yimaadeen taasaana keenatay in ninkii qori qaatana la aqoonsado .
    Puntland ma lasocotaa Prime Minister sida ay ku heshay . hadaanan Xilkaas nala siin waa goosanaynaa bay ahayd.
    Somaliayay hadalada raqiista ah iyo nin jiclaysiga intaan dayno riwaayada , waa isla innagiiye aan dhaafno oo inta masraxa noosaaran nin la doortay kuma jiree aan sugno xilligaan ku qaadi lahay dambiyada dagaalka. Inta ka sokaysana yaana dhibsan calal aqal qofkii Rule of law iyo Nidaam siyaasadeed wax ku saxi rabo xitaa hadday si aadan jeclayn ama dan Beesha baas ee na wada madax martay kasoo horjeedo.
    Ahmed

  6. aniga oo ah cabdifitaax cabdile cali ilweyn ahna nin daneeya arimaha siyasada somlia gaar ahan puntland waxa ku saabsan waxaan qabaa rayiga bila qaboowsade qayla dhaanta qanyare ma cod baahiye qabiilbaa mise waa siyaasi somliyeed? waxaan umalayn waa wax las waydiin karo 2badaas qanyare kuu yahay maxaa yeelay wax badan baan arkay isaga o ka hadla waxa yaala noocaas ah hadhoowna dib ugu soo noqda isaga anigu rayi ahaan waxay ilatahay inuu yahay nin iska hadla sida dad badan ilaqabaan somlali danteedna marabo lakiin su,aasha kale waxay tahay o meesha ku jirta qanyare xildhibaan baa hada inuu yahay lagu sheegaa kaliya lakiin maa ku dhacay o haba yaraatee bulshada dhexdeeda wax uga noqon waaye inuu ilacadaha isagu doonta maahee oo meela nabada iyo dad midnimada raba aflagaadheeyee anigu gabagabadii waxan leeyahay qanyare puntland madaxdeeda iyo shacabkeeda qanyare hadalkiisa somalida koonfureed ku colaadin mayno kuna faani mayee puntland somlalida konfureed oo qasan waa meesha ay kusoo qaxaan ilaa qanyare markuu bara kicin jiray ilaa iyo hada oo kuwa kale wadaan hoowshi qanyare cabdifitaax cabdile cali ilweyn galkacyo puntland email ilweyn2@hotmail.com

  7. maxamuud says:

    runtii bile qaboowsade hadalka meeshiisa ayuu ugu tegey. laakiinse waxaan ogahay dadka uu lahadlayo waa dadka beesha uu kasoo jeedo isaga sidaas ayayna ugu badisaa qabyaalada waayo malaha cilmi kale oo uu kushaqaysto wuxuuse haystaa dad u dheganugul oo waxyaalahaas khaladka ah oo kale si sahlan u qaata markaa xasadka iyo xisdigu waa waxa halkaa soomaali dhigay. qanyare waa danbiile warlordadii ayuuna weli kasii joogaa waana lala xisaabtami doonaa

  8. xasax says:

    , qanyare waxuu sheegay waxuu ahaay run runta dadka qaarkiis ma jecla in la sheego hawa ugu horeeyaan waxii aan aqoon oo ay ka mid yahiin qoraaga qorey maqaalkan kaasow ku sheegay in puntland tahay meel la mid goboladd kale soomaaliya , horta waxaan jeclaan lahaay mid ugu sheego puntland horta cid ka saartay ummadda soomaaliyeed ma jirta oo aan ka ahayn in puntland iyadda ayaa iska saartay soomaalida , taasow dadbadani ay ku xasuustaan tigree waqtigii dalka sow galsheen reer puntland in ayba sheegtaan tigree ama yiraahdaan new tigree in la baxaan , markii tigree dalka soo galey , jaajusida , goobaha dalka degmooyinka , kala tusida dadka , dhammaan waxaa u qaabilsan tigreega hooshaas reer puntland marka taas ayee ummadda ugu dhex badeen, shar aan taas ahayn & cadownimo ahayn lugumu haayo ”ok’ cadowkasta dalka soomaaliya ku sow duulana reer puntland sidaa bay uula shaqeeyaan , tusaale ahaan talyaaniga UNOSOM, marka puntland xisaabta ay leedahay waa gaar inta ka horeysana ha ku daaqdo dabadhilifnimidda itoobiya

  9. Bossaso says:

    good idea, cidii wax ku garanaysa Qanyare iyo kuwa la halmaala, jawaab ma mudna