Home » Maqaallo »

Shariifka oo salafiyada ee taageerey usoo watay suufiyo | Cumar

Shariifka oo wadaadadii salafiyada ee taageerey usoo watay suufiyo iyo tigreee!

Ilaahay baa mahad iska leh naxariis iyo nabad galyo nabigeenii korkiisa ha ahaato

Sharifka sidii larabay ayuu yeeley, abaal loo sameeyey ayuu gudayaa wadaado badan war baa haysta, ha ahaadeen tabliiq salafiya iyo islaax, shariifka wuxuu isbahaysi lasameeyey American iyo Ethiopian ciidana waxaa u ah suufiyo aduunka oo dhan isaga timid, waxaa la ii sheegey in niman suufiyo ah oo shahaado doon ah ay ka imaadeen dhulka Somali galbeed ee xabashidu gumaysato, ayago raadinaya shahaado ay ku qaataan “khawaarijta” waa sida ay aaminsanyihiine, in badan oo Somali ah waxaa wadaado ka dhigay tigree oo sifiican u fahansiiyey qaabkii ay ku heli lahaayeen shahaado ay janada ku galaan,

waxaa dhici karta dadku inay fahamsanayn suufiyada iyo waxa ay aaminsanyihiin, baaris ay sameysay warbaahin carbeed waxaa lagu ogaaday in madaxda suufiyada tahay niman masiixiyiin ah oo taageersan qaabka ruhbaaniyada ama ruuxaaniyda, raiisal wasaarihii hore ee ingiriiska tony blair ayaa hada kohor amaanay suufiyada asago ku tilmaamay in islaamka dhabka ah ee caalamku lanoolaan karo suufiyadu tahay, intaas waxaa sii dheer suufiyada waxaa laga aqoonsanyahay caalamka oo xataa shirar baa loo qobtaa mararka qaar sida hada kohor kdhacday wadanka turkiga, reer galbedka warbixino ay soo saareen waxay ku xaqiijiyeen in suufiyadu ay dowr weyn ka ciyaari karto arimaha ama caalamka islaamka si meesha looga saaro salafiyada,

reer galbeedku waxay is tusiyeen in suufiyada iyo shiicaduba ay yihiin dad ay hal cadow wada leeyihiin, shiicada kaalinteedii way kasoo baxday. Ciraaq ayay u qabteen maraykanka sunadiina waa lagu gumaaday waxaa xiga wadanka Somalia waa in lagu tijaabiyaa tayaar kabaxsan xadka muslimku leeyahay oo ah in gaal iyo muslim aysan xiriir ka dhaxayn Karin ama aysan suurto galayn in muslim diin leh loo adeegsado muslim walaalkiisa ah marka waxay kasuurto galikartaa suufiyada, rag badan oo hogaamiye kooxeedyo ah ayaa loo xiray cimaamado cad cad waxaana loo sheegey jano, xadro iyo dance casriyeysan ayaa looga dhigay shicaar ama astaan meeshey kusocdaana waa la garanayaa oo waa wadaadadii shariifka shalay u sacbinayay ee cidii kasoo horjeeda lahaa waa khawaarij, shariifka hadafkiisa waa kursi waxuuna balan qaaday in culimo badan oo taageersan oo salafiyiin ah uu beec geyn doono asagana waxaa loo balan qaaday in villa Somalia uu madaxweyne kasii ahaan doono, fikirka salafiyada cidii aaminsanna sidii shiicada sunada u gumaaday loo gumaadi doono, suufiyada waxaa wehliya walaalohood tigree oo khibrad dheer u leh gumaadka shacabka somaliyed ha ahaado tabliiq, salafi, ama islaax, culimadii khawaarijta laga celin waayay bal ha arkeen shariifka abaalgudka uu u sameeyey, caleemo qoyanna haku soo dhaweeyeen isbahaysiga suufiyada iyo walaalohood tigreega lasocda ee maraykanka uu dabada ka riixayo, shacabkana ha u sheegeen in isbahaysigaas uu wanaag usoo wado oo walaalo u soo gurmaday yahay, kana badbaadinaya ayaga nafsadooda iyo towxiidka, dadkana ugu yeeraya wasadhiyah( dhexdhexaad) aan ku salaysnayn tashadud gaalada in laiska celiyo ah sifiicana u qadarinaya amiirul muminiinka Somalia shariif sh axmed

F.G salafiyada waa dadka kusocda ama u dhow dhabihii salafu saalix ee tagay ilaahay haka raalinoqdee ama raba inay dadka ugu yeeraan towxiidka, hadafkooduna yahay koryeelida kitaabka iyo sunada,

ahlu sunna waljamaaca sidoo kale waxaa la dhihikaraa ahlu towxiidka, marka sax ma ahan in suufiyo oo diinta aad uga fog loogu yeero magacaas wanaagsan ee ahlu suna wal jamaaca ah.

Wabilaahi towfiiq

Qore Cumar Maxmud
faaruuqx@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Shariifka oo salafiyada ee taageerey usoo watay suufiyo | Cumar "

  1. ugaas says:

    ASC. Salaan kadib qoraaga qiireysan ee qiimaha umada iyo qaranka aan u muuqan-ow ma waxaad inta la soo istaagtay iney dadka Somaliyeed ukala qeybsamaan Suufi, Salafiya, Islaax, kaba sii darane Culimadii dalka diinta ku heysay maad ku tilmaantay iney yihiin Masiixiyiin iyo Rahbaaniyiin, Bal aan Somaliyoo idil weydiiyo ma wax dibi caabudo aa inagu jiro? ma qof sanam caabudo aa inagu jiro?. ka gudub, waxaad u muuqataa qof diinta soo bartay balse u ma muuqatid qof aqoon u leh, sababtoo ah Suufiyada caalamka ka jirta ee la yaqaan oo caabuda qabuurada aad la matashay culimadii dalka, Falalka dadka caamida ah ey sameynayaan ayaad ku dabaqday culimadii dalka, waa arin adi kuu taal, ee maskaxdaada u noqo adigo dagan u fiirso ee adi isaga jaawaab bixi. . وعليكم السلام ورحمة الله وبركاته

  2. caaqilka says:

    xalka somalia wuxuu ku jiraa wada hadal iyo in laiska celiyo ahlu subag wal tigree

  3. caaqilka says:

    kkkkkk suufiyada waa suu sheegey qoraagu waayo kuwa somalia jooga ee xadreeya askari tigree ah baa xukuma duulaanbayna soo qaadeen ilaahay baana jabiyey, qoraaga waxaa leeyahay allaah yacizak run baad sheegtey iyo dhagarta gaalada ay ahlu subag wal quraafaad kusoo daabulayso somalia sida shiicada o kale
    bye caaqilka long life for somalia

  4. s/c
    salaan ka dib waxaan rabay qoraaga in aan weeydiiyo anigoo xumaan ka fogaanaya see ku ogaatay ma baartay yacni aniga waxaan ka mid ahay dhalinta soomaliyeed oo ku akhrisanaya khaarkeena waxaa laga yaaba qoraalkaaga iyo fikradihiisa ineeey aaminaan marka suaasheeyda waa ma adigaa baaray oo cadeeyn haya ineey gaalo yihiin yaa yacni ka soo xigatay hadii kale illen ma fiicna in shacabka la marin habaabiyee? pls dhamaanteen aan ka shakheeyno isu soo dhawaanshaha dakeen kana fogaana wixii xumaan iyo kal fogeeyn u keeni kara dadkeena iyo dalkeena.i love somalia..

  5. Abdishakur says:

    Assalaamu Caleykum Wr Wb.

    Salaan kadib, waxaan ku bilayaa qiso la yaab leh oo hada ka hor dhex martay Oday reer baadiye ahaa iyo laba Wiil oo uu dhalay, waxay ahayd sida sheekada ka muuqata xilliyadii hore oo ay Dunida casrigaan ahayn gaar ahaan Somaliya ay ahayd dad xoolo dhaqato ama reer Miyi kaliya uun ahaa.

    Waxay ahady xilliyadii la xidhan jiray ama dadka ay dhar ahaan u isticmaali jireen waxa loo yaqaan maqaarka ama haragga xoolaha (dhugi) si ay cawrada ugu asturtaan, yaanay sharaxaada ku dheeraani, Waxaa la yiri maalin maalmaha ka mid ah ayaa laba Wiil oo walaalo ah ay arkeen neef xoolo ah oo uu wareebi dhaawacay oo meel yaal naftuna ay weli ku jidho, markaas ayaa labadii Wiil mid ka mid ah uu jaanis u soo muuqday (layn dhar la’aan baa haysaye, markaasi ayuu yiri, neef -kaan maqaarkiisa aniga ayaa kala baxaya oo cawrada ku qarsanaya, markaasi ayaa kii kale yiri may aniga ayaa kala baxaya oo cawrada ku asturanaya , way isku qabqabsadeen doodiina way kululaatay aadna way u kala dhinteen, markii dambe ayaa midkood talo soo jeediyey oo yir: Aabe ayaan u tageynaa ee ina keen isaga ayaa ina kala saarayee, intii ay Odaygii u sii socdeen ayaa waraabihii neefka dhaawacay oo markii horeba meel u muuqata ku dhuumanayay ayaa neef kii u yimi oo naftiina ka bxiyey, meeshiina uua jiitay oo waliba maqaarkii neefka ee la isku harstayba ayuu waraabihii cunay.

    Sheekadii baa socotee: Odaygii ayay u yimaadeen waxayna u sheegeen waxa ay isku heystaan, Odaygii ayaa yiri: Waa kuu caqligaas xumadaas, Hooyadiin ayaa sida gacantaas u taal (yacni dhar la’aan ah) markaas ayaad isku qabsaneysaan neefka haragiisa, waar ina mariyoo isoo tusa meesha neefka yaal aan maqaarka kala soo boxo si aan duqda ugu keeno oo ay cawrada ugu arturato.

    meeshii markii ay tageen aayba la waayey neefkii dhamaa ilayn waraabihii awalba dishay ayaa qaataye.

    Wiilashu aad bay u caqli iyo aragti gaab naayeen sababtra oo ah: Neef dhaawac ah oo waraabay qaniinay ayay garan waayeen waar neefka yuusan baqtine horta xalaayeeya oo gowracda kadib maqaar hala wada hadlee. Mid kale kuma aysan ba fikirin waraabihii neefka dhaawacay mee< way iska tageen intii ay sii maqnaayeen oo is iyagu is mur mayeen ayaaba neef kii waraajibii qaatay, waxaa ka sii caqli xumaa Odaygii ay marjica ka dhiganayeen oo markii uu caqli fiican keeni lahaa oo mar ka hore tegi lahaa meeshii neefku yaalay dabadeedna hadii uu noolyahay uu gowrici lahaa ayuuba wax uusan isba haysan Duqdayda ayaan siinaya ala soo istaagay. Kkkkkk

    Ujeedada aan ka leeyahay sheekadaan waxa ay tahay jawaab kooban ama arar aan u sameynayay Maqaalkii looga hadlayey xaalada Soomaaliya gaar ahaan Culimada, koleey aniga waxay ila tahay Suufi ha ahaado ama Salafi ha ahaado ama shacabka kale ee Soomaliyeed ee caamada ah ha ahaatee waxaanu la mid nahay dhamaanteen labadii Wiil ee neef waraabi dilay ku kala dhintay Aabohoodna kula sii kala dhintay, oo kaaga sii darane neefkiiba la waayey.

    Marka waxay iila muuqataa Salafi iyo suufiyo waxay u dhigmaan labadii wiil ee neef waraabi dhaawacay ku dirirtay, caamadana waxay u dhigmaan Odaygii yiri wax uusanba haysan oo “Lacalla” ah xaajiyadeyda ayaan siinayaa, neefka waraabuhu dilay ee aan cidina ka ceshana waxaan ka matalayaa Dhulka Somaliya ee aan cidina difaacanayn, waaraabuhuna waa Duniga ku muransan Somalia aniga ayaa qaadanaya iyo aniga ayaa qaadanaya.

    Hadaba, Dalkii Soomaaliya , Dadkii Soomaliyeed iyo Diinteenii sharafta Badnayn intuba waxay u muuqdaan kuwo daayacan ee Soomaaliyeed maxaa xal ah?

    Mahadsanidiin dhamaantiis
    Abdishakur Abdalla

  6. hassan says:

    Wiilyahaw Suufiyo xagay diinta uga dheeraadeen baadi ayaad ku socotaaye ka towbad keen culimadana afka haku taagin.
    qoraalkaaga waa mid ana xaqiiq ahayn oo been abuur ah

  7. Bella says:

    Walaal mahadsanid inaad maqaalkan qortay se cadaalad maad samaynin, walaal suufiyo aad baad ugu xeel dheeraatay adigoo gaarsiiyay heer aad gaalaysiiso, bal dib isu qabo, ma fiicna in sidaas loo degdego, dhalin degdegaysaa waddankii sidan u qarribtay oo sheekhul kulli ah isla saxan, aan cidna wax ka maqlayne, walaal sow ma ogid in suufiyo ay waddanka wax kaala leeyihiin, adiga oo salafi ah keliya ma lihid hana ii fahmin inaan taageerayo keliya waxaan rabaa inaad si dhab ah wax u caddayso oo aysan caadifadi ku qaadin, maqaalkuna uusan noqon dareen cadifadeed oo kaa soo fulay.

    Salafiyo xal ma soo waddo waxayna isla dhaafi waayeen inay dhexooda is gaalaysiiyaan iska dhaaf inay ka taliyaan masiirka ummada iyo qarankii soomaaliyeed oo gacanta u galay dadkuna u xayiranyihiin iyaga,lana dhowrayo tan iyo intii ay ka soo heshiinayaan, marka maba taalo waddo aad suufiyo ku eedayso, IYAGAA FURSADDA SIIYAY, wayna ku fiicantahay inay suufiyo gacanta waddanka u gasho si salafiyadu u dhadhamiyaan danbiga ay galeen kuwo ka tirsan intii kalena aanay ka qaban oo ay ku daawadeen, markaas ayay ka sheekayndoonaan berigii maxaa na helay oo aan isu fahmiweynay oo aan ugu kala qeybsannay boqolaal kooxood, al-shabaab, maxkamadaha garabka dowlada, maxkamadaha intii soo hartay,xizbul-islaam, kuwo keynta iyo sheekhoodii xasan turki iyo boqolaal kale oo is wada cunaya.

    Walaal FURSADU WAA HAL MAL, halmar bay iridaada soo garaacaysaa ee maaha inay marar badan ku soo marayso, Opportunty knocks your door once but not twice, loobase wada joogee wuxuu waqtigu keeno.

  8. Nadiifa C/xaliim says:

    Assalaamu Calaykum…

    Waxaan aad uga xumahay inaad xeel dheeraatay oo aad dhex jibaaxday mala’waal, taa macnaheedu maahan inaad ii fahamto inaan shariif taageeray amase necebahay,mid baan rabaa inaad fahamto, shariif salafnimadii kamuu bixin, taageeradoodana ma nicin, balse marka dhabta loo dhaqaaqo iyagaa dayacay garabkuu uga baahnaana baneeyay,taa waxa fursad ka dhigtay in suufiyo aan cidi adeegsanin ay u howlgalaan badbaadinta qaranka, inkastoo la ogyahay inay ku xiranyihiin meelo aan la mahadin se waa junuud ama ciidan ALLE u soo diray inay shariifka taageeraan, midse ogoow suufiyadu inay aad u necebyihiin qof kastoo salafi ah, ha u malayn howlgalada ay wadaan inay shariifka gacal hoose u yihiin amase ay si kal iyo laab ah u taageersanyihiin, keliya isku dan bay noqdeen sidaasay si kore oo uurka jirin isu taageereen.

    Salafiyo yaanan wada jamcin oo qof kastaa soo galayee, lakiin ragii maxaaakiimta wada ahaahadday iyagoo isku duuban dhinac uun u dhici lahaa, xaalku sidan ma ahaadeen, balse dhiig in la daadiyo ayay dhaafsiin kari waayeen, kuwaasi waxa taliyay caqligodii yaraa ee ay kursiga ku doonayeen, dhibta maanta jirtaana salafiyo ayaa ka mas’uul ah iyadaa kurisigii isku qabqabsatay,dadku ama caamadu ma fahmayaan waxyaabaha hoose ee ay kala tirsanayaaan laakiin waxay ahayd inaysan HAL IL WAX KU EEGINE EE AY LABO INDHOOD IYO WELIBA DHEERI WAX KU EEGAN,lamoodse noqon weyday, waxaan ka xumahay inaad sh. shariif keliya eedayso adigoon salafiyada kale ee kala qeyqeybsamay midna eedayn.

    Qoraagu waa inuu taxliliyaa mid walbaa qaladkiisa, mase garankaro inaad tahay qoraa dhinac u iilanaya oo iska indhatiraya hooga ay salafiyada qaarkeed sababeen aakhiraba iyagaa ka mas’uul ah oo la weydiin, iyadoo KUBADDU GACANTA WADAADADA SOO GASHAY AY AHAYD FURSAD DAHABI AH OO AAN CIDI MALAYSANAYN, nasiib darro way iska ciideeyeen, allow magantaa baan nahay, dhibkan dhacay kuwii ka sheekeeya ALLAHA naga dhigo, waayuhuse wuxuu kaydinayo cidna ma saadaalin karto waase loo wada joogaa bi-idnilaahil baarii.