Home » Warar »

Xaflad Qalin Jabin oo ka dhacday Masjidka Abuubakar

Galabnimadii Axadda Augost 16 ayaa waxaa xaflad balaaran lagu qabtay Masjidka Abuubakar Sadiiq taas oo loo qabtay dayarta Qurbaha ku dhalatay ku waas oo Qur’aanka Kariimkaa Xiftiyey oo dhameeyey 14 dhalinyaraa ayaa la Gudoonsiiyey Shahaadooyin waa mar kii ugu horaysya oo indhaha dad ka America dagan ay qabtaan ilmo wadankaan ku dhashay ama ku barbaaray oo Qur’aanka xiftiyey ayaga oo Qashuuc iyo tarbiyad wanaagsana ay ka muuqato

Sawiro dheeraad ah daawo Q-1aad Q-2aad Q-3aad Q-4aad

Waxaana dad ka soo jiitay sida Barnaamijkaan loo soo agaasimay kaas oo aad moodo in tababar dheeraada loo soo qaatay ama Goobo Carmis ah looga soo baxay sida Bandhigaan diineed loo samayn lahaa Waaridiinta ilmaha dhalay iyo Macalimiinta iyo Maamulka ayaa dadaal koodii iyo mira dhalkoodii uu noqday mid wax ku ool ah Dhinaca kale Waxaa Barnaamijka Xiriininayey Mohamud Gogor oo ah wiil aad u da’yar hadana ku dhashay America waxaa xariirinta u dheeraa Mohamuud Kaftan waxaana ka muuqatay Xilkasnimo iyo Karti iyo fir fircooni dheeraada inta badana waa uu kaftamayey.

Barnaamijkii ayaa sida habsamiya waxa aloogu Soo dhaweeyey Sh C/raxmaan Sh Cumar Imaamka Masjidka Abuubar Sh C/raxmaan ayaa ku tilmaamay in ay Nicmo iyo khayr tahay ilmo qorbaha ku dhashay oo Qur’aanka Dhameeyey ama xiftiyey wuxuuna soo jeediyey in Cimro ilmahaan loo diro siday u soo arkaan meeshii Qur’aan ku soo dagay oo Ah Makka iyo Madiina ama goobaha barakaysan ee Dalka Sacuudi Carabiya asaga oo sheegay somalida dagana yurubta in ay arintaan sameeyey walow ay nooga dhow yihiin hadana waa in aan arintaan ka baaraa dagna aayuu dhahay Sh C/raxmaan ka dibna mahad naq waxuu u jeediyey Macalimiinta iyo waalidiinta Ka dibna wuxuu u duceeyeydhalinyarada Ka dibna waxa lagu soo dhaweeyey Sh C/risaaq Sancaani Imaamka Masjidu Rawdah Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Walaahi dad ka Cadaaladda u saaxiibkaa waxay sheegaan in aan nahay ducada ilaahay diidnta u soo diray dhowr sano ka hor ama qarniyo halkaan kama dhicin ilma ku dhashay in ay qur’aan xiftiyaan waan ogahay in aan khaladaad badana laakiin khayrna waa nagu jiraa

Gabdhihii ka qalin jabiyey Dugsiga Abubakar
Sawiro dheeraad ah daawo Q-1aad Q-2aad Q-3aad Q-4aad

Waxa akaloo goobta ka hadlay Macalin Xisaabta bara dhalin yaradaan qur’aan ka xiftisay Macalimiinta ayaa xil iska saaray maadaama ay daruusta iskuulada kaga mashquuleen qur’aanka waxaa loo sameeyey macalin ka caawiya Xisaabta iyo wixii ay u baahan yihiin cajal halkaas lagu soo ban dhigay ayey amaan dayartu ugu soo jeediyeen macalinkaan Xisaabta u dhiga oo la yiraahdo DR Abshir Ciise

Waxaa kaloo hadal kooban soo jeediyey Gudoomiyaha Iskuulka Al Amal Sh C/salaan wuxuuna tilmaamay in ay arintaan ku dayasho mudan tahay markhaati ayaana ka nahay wax qabad kiina waana mid dhammaantayo qiima noogu fadhida ka dibna goobta waxaa laga akhriyey Gabayo iskugu jira Carabi iyo Somali oo dhammaantood ay soo ban dhigeen dayartii Qur’aanka ka Qalin jabisay ugu horayn waxay isla hooriyeen ama wada qaadeen Gabay la yiraahdo Shaadibiyah

Sidoo kale waxaa halkaas Gabay Somaliya ka akhriyey Muno Sh C/raxmaan Sh Cumar Gabaygaan ayaa waxa atiriyey Sh C/raxmaan waxaana ka mid ahaa
Mar haddii aan aan Qur’aan kii khatimay Qowlkii Rabigeena..
Oo Qaymintiisii ilaah Qaadir fududeeyey Anigoo Qurbaha jooga oo aan Balad Qur’aan joogin oo qayr kay ku faanaan in ay qasaaroobeen.. oo Qaar kale ka soo qaylinayaa Xabsiga Qolalkiisa oo Qaar kalan Beegayaan Daraag Qamiiroobay..oo Qaar kale Qudhoodii Jareen Gaanga Goladooda.. Qasab waxaa igu ah in aan Raaco Qowl kii Rabigeena Masha allah

Muna Sh C/raxmaan waxay kaloo goobta ka akhrisay Toban Qodob oo loo baahan yahay in uu Xasuusnaado qofka Qur’aan ka akhrinaya waxaana ka mid ahaa in uu niyad saafiya la yimaado in uu saxo Xuruufya iyo Axkaamta Qur’aanka iyo qodoba kale Sh C/raxman 3 Caruura oo uu dhalay ayaa ku jirtay 14 Dhalinyaro ee Qalin jabisay

Waxaa goobta ka hadlay Waalidiin waxaana ka mid ahaa Mahmuud Muuse Deeq qodhob iyo Indhageele waxaa kaloo ka hadlay Oday somaliyeed Aadan Gaalkacyo waxaa lagu soo bandhigay Cajal aad iyo aad qiiro iyo xiiso lahaa kaas oo ka turjumayey marxaladihii ay soo mareen ardaydaan ka qalin jabisay Qur’aanka iyo waliba Cayaaraha loo sameeyo iyo sida loo bar baariyo Waxaa lagu soo gaba gabeeyey Macalimiintii oo ay Gabdhaha Waaridiinta ah ay Suuryeeyeen iyo Shahaadooyinkii oo uu gudoonsiiyey Sh C/raxmana Sh Cumar iyo Waliba Duco aad u dheer

Sh Mohamed Hambaasi ayaa ka war bixiyey qaabka wax loo baray dhalintaa asaga oo u mahad celiyey Hooyooyinka Macalimiinta Culumada iyo dhalinta waxuuna tilmaamay in ay sii wadi doonaana howshaan ay hayaan

Dadweynihii Xafladda ka soo qayb galay ayaa qaarkood ilmada qubay ka dib markii ay arkeeen ilma wadankaan ku dhashay oo markii ay Qur’aanka akhrinayaa Qashuucaya ama ilmo isku soo taagayso runtii tani waa mid ay yar tahay in ay ka dhacdo qurbaha waxaase la oran karaa waa arin ugub ah ama bilow wanaagsan leh waxayse dadweynihi isweydiinayaa sanadaha soo socda ma la arki doonaa tiro intaan ka badan oo qur’aanka xiftisay

Sh Mohamed Hambaasi ayaa Goobta ka akhriyey Magacyada Ardayda Qalin jabisay waxayna kala ahaayeen
(1) Mubarak Muse (2) Mohamed C/qadir Mohamed (3) Cumar Sh C/raxman (4) Nasteexo Sh C/raxmaan (5) Muno Sh C/raxmaan (6) C/raxman Cigale (7) C/raxman Deeq Qodhob (8) Saciid Mohamed Shire (9) Khaliil C/laahi (10) Amiin C/laahi (11) Mustafa Muuse (12) Mustafa Osman (13) Zakariya Cawil (14) Zuhuur Liibaan

Sawiro dheeraad ah daawo Q-1aad Q-2aad Q-3aad Q-4aad

Ustaad Abdiwali Dalboon
North America Minnesota Minneapolis
cdalboon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xaflad Qalin Jabin oo ka dhacday Masjidka Abuubakar "

  1. Abdinasir says:

    wal caaqibatu li muttaqiin

  2. abuu daha says:

    waxaan ilahay uga baryaa ilahy in uu kadhigo kuu anfaca diiintoda iyo dadkoda iyo dalkooda